Waxaa weli hakad ku jira ganacsiga suuuqa, gaar ahaan meheradaha bagaashka ee magaalada Boosaaso oo la hakiyey muddo dhowr maalmood ka hor. Ganacsatada ayaa ka cabanaya canshuur kordhin ay sheegeen in lagu sameeyay, waxaana ay joojiyeen badeecadihii ay kala soo degi jireen dekedda Boosaaso, kuwaas oo weli ku xayiran dekedda. Sidoo kale qaar ka mid ah ganacsatada, ayaa lagu soo waramayaa in la xirxiray kadib go'aanka ay qaateen. Warbixintan waxaa Boosaaso ka soo dirtay Faadumo Yaasiin Jaamac.
from VOA https://ift.tt/3975n8O
via IFTTT
Thursday, February 27, 2020
Ganacsiga Boosaaso oo maalmo hakad ku jira
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment