Saturday, April 16, 2016

Shabakadda Cusub ee Ganacsiga Internetka

Soomaaliya waxaa kusii xoogaysanaya teknoolajiyada, waxaana markii teknoolajiyada sii xoogaysataba sii kordhaya inay dadku adeegyadooda si madaxbannaan u qabsadaan. Dhowaan waxaa magaalada Muqdishu laga hirgeliyey website ama shabakad ay dadku kusoo bandhigi karaan haddii ay hayaan agab iib ah si bilaash ah. Waxyaabaha qofku ka heli karo shabakadda waxaa ka mid ah kirada iyo iibka guryaha, huteellada, alaabta guryaha, telefoonnada, baabuurta iyo xataa dahabka. Haaruun Macruuf ayaa shakabaddan "Xaashi.com" sida ay u shaqayso kala sheekaystay Kamaal Xaashi Weheliye oo isagu hindisay.  

from VOA http://ift.tt/1Qejasn
via IFTTT

No comments:

Post a Comment