Dalka Sudan waxaa maalintii lixaad ka socda dibad baxyo ay dadku uga soo horjeedaan sara-kac ku yimid qiimaha rootiga iyo shidaalka. Dibad baxayadan oo soo bilowday Arbacadii todobaadkii tagay ayaa sii xoogeystay Axaddii shalay oo ay boqolaal qof xireen qaar ka mid ah wadooyinka caasimadda dalkaasi ee Khartoum. Dhaqaatiirta dalkaas ayaa la filayaa in maanta ay shaqo joojin bilaabaan, iyadoo dadka kale ee shaqooyinka muhimka ah hayaan la filayo inay ku biraan dhamaadka todobaadkan. Xuseen Barre Aaden ayaa warbixintan nooga diyaariyay.
from VOA http://bit.ly/2GE37wc
via IFTTT
Monday, December 24, 2018
Dibadbaxyo ka socda dalka Sudan
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment