Tuesday, December 18, 2018

Puntland: Musharaxiin walaac muujiyey

15 murashax oo ka mid ah murashixiinta u taagan doorashada Madaxweynaha Puntland ayaa walaac ka muujinaya qaabka ay hadda u maamuleyso xukumadda Puntland hanaanka doorashada. Musharaxiintan ayaa ugu baaqay xukuumadda inay ka fogaato wax walba oo xagla daacin kara doorashada. Doorashada Puntland oo lagu wado inay dhacdo 8-da bisha Janaayo ee soo socota ee sanadka 2019-ka, ayaa waaa u taagan in ka badan 30 murashax. Murashixiintan oo shir Jaraa'id ku qabtay Garoowe, waxaa warbixintan nooga soo diray wariyaha VOA-da Nuux Muuse Birjeeb.    

from VOA https://ift.tt/2EBUfoP
via IFTTT

No comments:

Post a Comment