Saturday, February 8, 2020

Aqalka Sare oo Ansixiyey Sharciga Doorashada Qaranka

Aqalka Sare ee Baarlamanka Soomaaliya ayaa maanta meel mariyay hindise sharciyeedka doorashooyinka qaranka kaasi oo ay wax ka bedel ku sameeyeen, dibna ay ugu celiyeen golaha shacabka si ay Iyana u ansixiyaan. Kulanka golaha aqalka sare oo ka dhacay xaruntooda Muqdisho ayaa 27 ka mid ah xubnaha Aqalka Sare ay ogolaadeen in sharcigan la ansixiyo, halka 6 xubnood ay diideen. Wariyaha VOA ee Muqdisho Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle ayaa warbixintan noo haya.  

from VOA https://ift.tt/2OCV30g
via IFTTT

No comments:

Post a Comment