Tuesday, February 4, 2020

Shil ay ku dhinteen lix qof oo ka dhacay Togdheer

Degmada Galoolay oo ka tirsan gobolka Togdheer waxa maanta 12-kii duhurnimo ka dhacay shil gaadhi oo ay ku dhinteen lix qof, oo afar ka mid ah ay yihiin dumar, labada kalena rag. Shilkaas ayaa waxaa sidoo kale ku dhaawacmay 5 qof, oo mid ka mid ah dhaawciisu culus yahay. Dhaawacii iyo meydkiiba waxa la geeyey isbitaalka guud ee magaalada Burco. Gaadhiga waxaa saarnaa 11 qof oo ilmo yar oo dhabta lagu hayey ku jirey. Taliyaha ciidamada taraafikada magaalada Burco Jaamac Ismaaciil Cali ayaa Cabdixaafid Cawil Ismaaciil uga waramay shilkan iyo sida ay wax u dheceen.  

from VOA https://ift.tt/2UoyPCT
via IFTTT

No comments:

Post a Comment