Maxkamadda ciidamada ee magaalada Muqdisho ayaa min 10 sano oo xabsi ah ku xuukuntay laba nin oo lagu helay inay ka tirsan yihiin ururka Al-Shabaab. Cabdulqaadir Suufi Muunye iyo Saciid Cumar Cabdullaahi ayaa lagu soo eedeeyey inay kooxda Al-Shabaab u qaabilsanaayeen tuullada Mareerey oo hoos timaada degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose. Maxkamadda ayaa sidoo kale xukun ku ridday Xasan Luqmaan, oo lagu eedeeyey inuu la shaqeynayey warbaahinta Al-Shabaab, lagana qabtay Muqdisho, ayaa sidoo kale lagu xukumay 8 sano oo xabsi ah. Warbixintan waxaa Muqdisho nooga soo diray Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle
from VOA https://ift.tt/2STyhTh
via IFTTT
Tuesday, February 18, 2020
Weriye iyo xubno kale oo Shabaab ah oo la xukumay
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment