Saturday, April 30, 2016

Barnaamijka Caweyska Washington

Barnaamijka Caweyska Washington ee toddobaadkan waxaan idiin ku haynaa qeyb ka mid ah Wareysi fanaaed aan la yeelanay Abwaan Maxmed Axmed Goox (Cali Goox )

from VOA http://ift.tt/1O3NoP6
via IFTTT

Martida Makarafoonka: Amniga Sweden

Barnaamijka Martida Makarafoonka waxa uu ku saabsan yahay cabsi la sheegay inay ka jirto dalkaasi iyadoo laamaha amnigu ka digeen suurtogalnimada in xubno horey ugu biiray ISIS ay kusoo laabteen dalkaasi.

from VOA http://ift.tt/1SBuwfK
via IFTTT

NSA Iyo AMISOM oo Dhul Cusub Qabsaday

Ciidamada dawladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee ka socda dalka Itoobiya ayaa dhul cusub ka qabsaday maleeshyada ururka Al-Shabab.

from VOA http://ift.tt/1NaSONx
via IFTTT

Hambalyada iyo Heesaha

Barnaamijkii Hambalyada iyo Heesaha

from VOA http://ift.tt/1WxruL2
via IFTTT

Qarax Ka Dhacay Muqdishu

Qarax ayaa laga soo sheegayaa inuu ka dhacay magaalada Muqdishu kaasi oo lala beegsaday baabuur kuwa rayidka ah, waxaana goobta gaadhay ciidamada amniga.

from VOA http://ift.tt/1VYKoMp
via IFTTT

Friday, April 29, 2016

Tahriibayaal Laga Soo Badbaadiyay Badda Cas

Tahriibayaal gaaraya 92 qof oo muddo shan cisha ah badda ay dooni la heehaabeysay ayaa laga soo badbaadiyay biyaha badda Cas

from VOA http://ift.tt/1TkxEcb
via IFTTT

Faaqidaadda: Turkiga iyo Taageerada Somalia

Barnaamijka faaqidaadda waxa uu ku saabsan tagaeerada dowladda Turkiga ay siiso Soomaaliya, iyo saameynta ay ku yeesheen dalalka Carabta.

from VOA http://ift.tt/1NFNVvU
via IFTTT

Muqdisho: Dad Ku Dhaawacmay Masjid Dumay

Ugu yaraan 30 qof ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen kuwo kalena ay weli ku hoos jiraan burburka dhismaha masaajid soo dumay, deegaanka Garasbaaley.

from VOA http://ift.tt/1Ulxk1S
via IFTTT

Ciidamada Dowladda Oo Qabsaday Galcad

Guddoomiyaha degmada Ceelbuur Nuur Guutaale ayaa VOA u xaqiijiyay in wax iska horimaad ah uusan halkaasi ka dhicin.

from VOA http://ift.tt/1QETlBL
via IFTTT

Tahriibayaal Xalay Lagu Qabtay Badda Cas

Doon ay la socdaan ku dhowaad 100 qof oo qaxooti ah ayaa habeenkii xalay ahaa lagu qabtay badda cas inta u dhaxaysa xeebaha Boosaaso iyo Yemen.

from VOA http://ift.tt/1N6mLyj
via IFTTT

Hoos u Dhac ku Yimid Iibsashada iPhone-ka

Qiimaha Apple ayaa hoos u dhacay kadib hoos u dhacii ugu horreeyey ee iibsashada taleefonka iPhone mudda 13 sano ah.

from VOA http://ift.tt/1N61V26
via IFTTT

Rabshado Ka Dhacay Kulanka Trump

Dhowr qof ayaa xalay la xiray ayada oo booliiska ay kala dhex galeen taageerayaasha iyo mucaaradka Donald Trump, kuwaas oo isku dhacay.

from VOA http://ift.tt/1rErDRA
via IFTTT

Thursday, April 28, 2016

Ban Oo Ka Walaacsan Sharciga Cusub ee Austria

Baarlamaanka dalka Austria ayaa meel mariyey sharciyadii ugu adkaa ee Yurub ay ka soo saarto arrimaha socdaalka iyo in la xiro xadka uu dalkaasi la leeyahay Talyaaniga.

from VOA http://ift.tt/1Ujhchd
via IFTTT

Somaliland oo Dib u Bilowday Diiwaangelintii

Somaliland ayaa maanta dib u bilowday howlihii diiwaan gelinta codbixiyayaasha oo la hakiyay bishii hore, kadib markii qeybo ka tirsan Somaliland ay abaarro daran ku dhufteen.

from VOA http://ift.tt/1rkzgw3
via IFTTT

Saameynta Dagaalada Ee Dadka Naafada Ah

Dagaallada Soomaaliya ayaa dad badan naafeeyey, waxaana kuwo badan oo ka mid ah ay yihiin dhallinyaro ay saamaynta naafonimadu ku reebtay ay dhaawacday noloshooda, kuwo bandanna waxayba halis ugu jiraan xaalado amni-darro oo naftooda halis gelin kara naafonimada darteed. Waxaan idiin soo gudbineyaa barnaamijka oo saddex qeyb ka kooban, waxaa soo diyaarisay soona jeeidnaysa Sahra Cabdi Axmed.    

from VOA http://ift.tt/1QCHAvT
via IFTTT

Barnaamijka Dhaqanka Iyo Hiddaha, Qeybta 315

Qeybta 315-aad ee Barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha ee idaacadda VOA Somali waxa ay ku saabsan tahay qeyb afaraad oo ka mid ah taxanihii abaarta iyo maansada roob doonka ee Soomaalidii hore.

from VOA http://ift.tt/1rkza7M
via IFTTT

Heritage: Ha La Saxo Heshiiska Doorashada

Hay'adda cilmi-baarista ee Heritage Institute ayaa ugu baaqday baarlamanka Soomaaliya inuu saxo heshiiskii laga gaaray doorashada 2016.

from VOA http://ift.tt/1rBENil
via IFTTT

Hay'addda TSA Oo 'Beegsatay Soomaalida'

Wargeyska New York Times ayaa qorey eedeymo ku saabsan in Maamulka Amaanka Gadiidka ee loo yaqaano TSA ee Mareykanka uu si gaar ah u beegsaday Soomaalida.

from VOA http://ift.tt/238VgFU
via IFTTT

Wednesday, April 27, 2016

Kansas: Dacwad Lagu Oogay 2 Nin oo Weerartay Soomaali

Laba nin oo sannadkii hore dhalooyin ku weeraray Soomaali ku nool Gobolka Kansas ayaa dacwad lagu soo oogay shalay oo Arbaca ahayd, waxaana loo haystaa dambiyo culus oo ay ku mutaysan karaan xabsi dheer.

from VOA http://ift.tt/1XWARTc
via IFTTT

Cruz oo Xushay Madaxweyne Kuxigeenkiisa

Ted Cruz musharraxa Jamhuuriga ee madaxtinimada u ordaya ayaa haweenayda Carly Fiorina u magacaabay inay noqoto madaxweyne kuxigeenkiisa. Fiorina ayaa madax mar u ahayd shirkadda computerada ee Hewlett Packard.

from VOA http://ift.tt/1VCV4zF
via IFTTT

Trump oo Daahfuray Siyaasaddiisa Arr. Dibedda

Donald Trump, musharraxa madaxtinimada Maraykanka ee xisbiga Jamhuuriga ayaa ku dhawaaqay isbeddello lagu sameeyo siyaasadda arri dibedda si danaha Maraykanka ahmiyadda 1aad loo siiyo.

from VOA http://ift.tt/1NUtmXp
via IFTTT

Kenya Oo La Shirtay Beelaha Gobolka Gedo

Kulanka ayaa looga hadlayey amniga xuduudda labada dal, iyo kaalinta beelaha dega gobolka Gedo ay arrintaas ka qaadi karaan.

from VOA http://ift.tt/1SPS6HC
via IFTTT

Midowga Yurub Oo Dhimay Lacagta Amisom

Midowga Yurub ayaa difaacay lacag dhimistii 20% ka aheyd ee uu ku sameeyay qarashaadkii uu ku taageeri jiray mushaaraadka ciidamada Amisom.

from VOA http://ift.tt/1QAwszo
via IFTTT

Muqdisho: Ciidamada Oo Soo Qabtay 100 Qof

Ciidamo dowladda Soomaaliya ayaa howlgal ay xalay ka sameeyeen degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho waxa ay ku soo qabteen illaa 100 qof.

from VOA http://ift.tt/24jLseM
via IFTTT

Wareysi: Safiirka Somalia ee Switzerland

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Switzerland Faadumo Cabdullahi Maxamuud ayaa ka qeyb gashay shir looga hadlayey dhibaatooyinkii ka dhashay El Nino

from VOA http://ift.tt/1NzFmTi
via IFTTT

Minnesota: Soomaali Qirtay Taageerida ISIS

Xamza ayaa waxa uu ka mid ahaa 10 wiil oo lagu eedeeyay inay taageero sinayeen kooxda ISIS oo sagaal ka mid ahi ay ku xidhan yihiin gobolka Minnesota.

from VOA http://ift.tt/1QAa6OI
via IFTTT

Ciidamada Iraq Oo Dib U Weeraray Mosul

Ciidamada Iraq ayaa maanta dib usoo cusbooneysiiyey weerarada ay ku hayaan magaalada kooxda Daacish ay ku xooggan yihiin ee Mosul.

from VOA http://ift.tt/1rhw4kU
via IFTTT

Trump Iyo Clinton Oo Guulo Weyn Gaaray

Trump ayaa ku guuleystay dhammaan gobolladii xalay lagu tartamay ee woqooyiga bari ee Mareykanka, halka Clinton ay ku guuleysatay afar gobol.

from VOA http://ift.tt/1SP3Vhr
via IFTTT

Tuesday, April 26, 2016

Xildhibaan ka Badbaaday Dil

Qarax iyo rasaas ayaa goor dhowayd laga maqlay magaalada Muqdishu, waxaana wararka laga helayo saraakiisha ciidamada booliiska sheegayaan in la weeraray guriga xildhibaan ka tirsan baarlamaanka.

from VOA http://ift.tt/1VQtWxF
via IFTTT

Caweyska: Abwaan Cali-Goox

Barnaamijka Caweyska Washington ee toddobaadkan waxaa marti ku ah Abwaan Maxamed Axmed Cali "Cali-goox" oo ka sheekeynaya qishada heesta Bisaaro  ee uu qaado fanaanka Shey Mire Dacar iyo waxa ka jira in heesta ay ka hadleyso waayo jacayl oo soo maray fanaanka qaadaya iyo in kale. Barnaamijka oo dhameystiran oo ay soo diyaarisay Caasho Cuud ka dhageyso xagga hoose.          

from VOA http://ift.tt/1SxPJDS
via IFTTT

Dagaallo Ka Dhacay Deegaanada Xuduudda Soomaliya Iyo Ethiopia

Wararkii ugu dambeeyey ee khasaaraha dagaalladan waxa ay sheegayeen in tobaneeyo qof ay ku geeriyoodeen, qaar badan oo dhaawac ahna la geeyey isbitaalada.

from VOA http://ift.tt/1SMl62U
via IFTTT

Ciidamada Dowladda Oo 8 Askari Laga Dilay

Ugu yaraan siddeed ka tirsan ciidamada dawladda Soomaaliya ayaa ku dhintay sagaal kalena way ku dhaawacmeen dagaal ay la galeen maleeshiyada ururka Al-Shabaab.

from VOA http://ift.tt/1XUugIV
via IFTTT

Senatoro Ku Baaqay Kordhinta Kaalmada Israel

83 Senator oo Mareykan ah ayaa madaxweyne Barack Obama ugu baaqay soo geba gebeynta heshiis amni oo lala galayo Israel, lana kordhiyo kaalmada la siiyo.

from VOA http://ift.tt/24hjvEq
via IFTTT

Monday, April 25, 2016

23 NGO: Soomaaliya Gargaar Halala Gaaro.

23 ka mid ah ururro NGO ah oo ka howlgala Soomaaliya ayaa ku baaqay in gar-gaar deg-deg ah lala gaaro Somalia si looga baaqsado masiibo weyn oo la mid ah macluushii dhacdy sannaddadii 2010-2012.

from VOA http://ift.tt/1Sw9R9s
via IFTTT

Ciidamada Isbahaysiga oo Qabsaday Mukalla

Ciidamada dowladda Yemen oo ay taageerayaan ciidamo gaar ah oo Imaaraati ayaa qabsasaday magaalada Mukalla iyo xarunta ugu weyn ee dalkaasi ee laga dhoofiyo saliida, iyagoo ka qabsaday kooxda al-Qaacida ku xiran ee AQAP.

from VOA http://ift.tt/1NNjCxU
via IFTTT

ISIS Oo "Weerar Ka Fulisay Soomaaliya"

Ururka ISIS ayaa sheegay in qarax ay la beegsadeen mid ka mid ah baaburta ciidamada Amisom oo marayey agagaarka KM-13.

from VOA http://ift.tt/1rcSjbL
via IFTTT

Soomaalida UK Oo Wada Olel ka Dhan Ah Tahriibka Dhallinyarada

Qaar kamid ah dhalinyarada ku nool dalka Britain ayaa bilaabay in ay soo saaraan heeso guubaabo ah oo ka dhan ah tahriibka.

from VOA http://ift.tt/1T9pMKF
via IFTTT

Cruz Iyo Kasich Oo U Heshiiyey Trump

Labadan musharax ayaa isla gartay in John Kasich uusan olole doorasho ka sameyn gobolka Indiana, halka Cruz uusan ka ololeyn doonin gobollada Oregon iyo New Mexico.

from VOA http://ift.tt/1qMf85n
via IFTTT

Muqdisho: Olole Ka Dhan Ah Tahriibka

Magaalada Muqdisho waxaa ka socda olole ay hormuud ka yihiin dhallinyaro oo ay uga soo horjeedaan tahriibka.

from VOA http://ift.tt/1SEQkpB
via IFTTT

Soomaalida Norway Oo Ka Walaacsan War Ka Ssoo Baxay Dowladda

Soomaalida ku dhaqan dalka Norway ayaa walaac ka muujinaya go'aan cusub oo ay dhawaan soo saartay dowladda Norway oo ay sharciyada degenaanshaha dalkaas ku weyn karaan.

from VOA http://ift.tt/1UccVMD
via IFTTT

UNICEF oo Ballan Qaad U Sameysay Somalia

UNICEF ayaa ballan qaaday inay taageereyso dadaallada la doonayo in cudurka duumada looga cirib tiro dalka Soomaaliya,

from VOA http://ift.tt/24f2omA
via IFTTT

Sarkaal Ka Tirsan Al-Shabab oo la Qabtay

Xasan Maxamed oo ku magacdheer "Xasan Fanax" kana tirsanaa horjoogayaasha Al-Shabab ee agagaarka Muqdisho ayaa lagu qabtay hawlgal dhacay xalay.

from VOA http://ift.tt/1UbXX9x
via IFTTT

Sunday, April 24, 2016

Cali Khaliif oo Cambaareeyey Hadalkii Puntland

Madaxweynaha maamulka Khaatumo, Cali Khaliif Galaydh ayaa sheegay in maamulka Puntland aanu wax shuqul ah ku lahayn soo xulista xildhibaannada cusub ee ka iman doona deeggaannada maamulka Khatumo ku abtirsada.

from VOA http://ift.tt/1VS26AC
via IFTTT

Obama oo Booqasho ku Maraya dalka Jarmalka

Madaxweynaha dalka Maraykanka Barack Obama ayaa booqasho ku maraya dalka Jarmalka, halkaas oo la filayo inuu kulan kula yeesho Hogaamiyaha Jarmalka Angela Merkel ayna ka wada hadlaan dhaqaalaha dunida, Argagixisada, iyo qodobo kale.

from VOA http://ift.tt/1SrVJ19
via IFTTT

Obama: Ciidamo Dhul ah Uma Direyno Syria

Obama ayaa sheegay in ay khalad ku noqoneyso Maraykanka ama Britan in ay ciidamo dhinaca dhulka ah u diraan dalkaasi oo ay xilka ka tuuraan Bashaar al-Asad.

from VOA http://ift.tt/1VLQi3c
via IFTTT

Wasiirkii Biyaha Sucuudiga oo la Casilay

Tallaabadan ayaa timi wax ka yar lix bilood markii xukuumaddu ay joojisay gebi ahaan kabkii ay ku bixin jirtay biyaha, korontada iyo adeegyada kale ee la mid ah.

from VOA http://ift.tt/1T6P8Jb
via IFTTT

Saturday, April 23, 2016

Somaliya oo ka Qaybgashay Carwo Caalami ah

Magaalada Antaliya ee dalka Turkiga waxaa ka furmay Bardhig-Ganacsiyeed Caalami ah oo ay ka soo qaybgaleen in ka badan 50 dawladood. Carwadan waxaa furay Madaxweynaha dalka Turkiga Rajeb Tayyip Erdogan.

from VOA http://ift.tt/1VPqa6Y
via IFTTT

Wasiir Booqday Dhalintii ka Badbaaday Doonta

Toddobaadkan inna dhaafay waxaa badda-Cad (mediterranean) ku dhintay dhalinyaro badan oo Soomaali ah oo doonayey inay gaadhaan qaaradda Yurub. Dhalinyaradaas waxaa ka badbaaday illaa 23 qof oo Soomaali ah iyo dhalinyaro kale oo ka soo jeeday bariga Afrika.

from VOA http://ift.tt/1VteEOZ
via IFTTT

CPJ: Somaliland Eedaha Ha Kala Laabato Saxafiyiinta

Ururka u dhaqdhaqaaqa difaaca saxafiyiinta ee CPJ ayaa war qoraal ah oo ay soo saareen ugu baaqay masuuliyiinta Somaliland inay si degdeg ah uga noqdaan eedaha ay ku soo oogeen saxafiyiin kala duwan, si loo hubiyo inay shaqadooda qabsadaan iyaga oo aan cabsi dareemayn.

from VOA http://ift.tt/1WMLFF3
via IFTTT

Friday, April 22, 2016

Golaha Amaanka oo Amaanay Soomaaliya

Golaha ammaanka ee QM ayaa madaxweyne Xasan Sheekh iyo dowladda Soomaaliya ku amaanay horumarka siyaasadeed ee Soomaaliya ay sameysay afartii sano ee tagtay.

from VOA http://ift.tt/214h4mI
via IFTTT

NISA oo Qabatay Baabuur Iyo Dabley

Sarkaal ka tirsan hay'adda nabad sugidda qaranka Soomaaliya ee NISA (National Intelligence And Security Agency" ayaa sheegay raggan la qabtay ay weerar ku ahaayeen mid ka mid ah maqaayadaha Muqdisho.

from VOA http://ift.tt/1WhaRDc
via IFTTT

Khabiirka Xuuqda Aadanaha ee QM Oo Booqanaya Muqdisho

Magaalada Muqdishu waxaa maalmahan booqasho ku jooga khabiirka madax bannaan ee Golaha Xuquuqda Aadanaha Qaramada Midoobay ugu qaabilsan Soomaaliya Bahame Tom Mukirya Nyanduga. Shirir jaraa'id oo uu maanta ku qabtay magaalada Muqdisho, ayuu ku sheegay inuu soo dhoweynayo kootada haweenka Soomaaliyeed looga qondeeyey baarlamanka lasoo dhisayo oo ah boqolkiiba soddon. Waxaa warbixintan Muqdisho nooga soo diray Jacfar Kuukaay.  

from VOA http://ift.tt/1Qs7oL1
via IFTTT

Madaxweynaha Oo Ka Hadlay Maqaamka Muqdisho

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa  waraysi gaar ah oo dhinacyo badan taabanaya oo uu siiyay VOA da kaga hadlay arrimo kala duwan.

from VOA http://ift.tt/1MMCLW5
via IFTTT

Israel Oo Soo Rogtay Xannibaado Cusub

Israel waxa ay maanta ku dhawaaqday inay xireyso dhammaan goobaha laga soo galo ee u dhaxeeya Israel iyo deegaanada la qabsaday ee Daanta Galbeed iyo Marinka Gaza

from VOA http://ift.tt/1VGlJMh
via IFTTT

Thursday, April 21, 2016

Ciidamada Ethiopia Oo Galay Suudaanta Koonfureed

Milatariga Ethiopia ayaa sheegay inay maanta galeen dalka Suudaanta Koonfureed, ayna hareeyeen xaafado lagu haysto caruur laga soo afduubtay Ethiopia.

from VOA http://ift.tt/1YIT5Yy
via IFTTT

Wareysi: Ehellada Dadkii Badda ku Dhintay

Magaalooyin badan oo ka mid ah Somaliland ayaa waxa laga dareemay geerida dadkii dhawaan ay doontu kula degtay inta u dhaxaysa Masar iyo Talyaaniga. Qaar badan oo dadkaas ka mid ayaa ka tagay deegaanada Somaliland. Ehelada qaarkood ayaan wali wax war ah ka haynin dhimashada dadkoodii, halka qaarna ay heleen warar xaqiijinaya geerida ciddii kaga jirtay doonnidaas. Warbixintan waxa magaalada Hargeysa ka soo diray oo arrintaasi ku eegaya weriyaha VOA Barkhad Maxamuud Kaariye.  

from VOA http://ift.tt/210E3z4
via IFTTT

Wiil Soomaali Ah Oo Lagu Dilay Australia

Aabbaha wiilkan dhalay oo lagu magcaabo Mukhtaar Maxamuud Xuseen ayaa VOA u sheegay in wiilkiisa loo malaynayo inay dileen koox budhcad ah oo doonayey inay lacag ka dhacaan.

from VOA http://ift.tt/1VmGtbJ
via IFTTT

Muqdisho: Tahriibayaal lagu Qabtay Garoonka

11 dhallinyaro Soomaaliyeed ah, oo kusii socday magaalada Qaahira oo qorshahoodu ahaa inay usii tahriibaan Yurub, ayaa lagu qabtay garoonka Muqdisho.

from VOA http://ift.tt/1pkJGu2
via IFTTT

Madaxweyne Xasan Oo "Mar Kale Is-sharxaya"

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay tahriibka dhallinyarada Soomaaliyeed ee qaarkood badaha ku dhammaanaya.

from VOA http://ift.tt/1rojYqC
via IFTTT

Madaxweyen Xasan "Waxaan Ahay Musharax"

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inuu mar kale yahay musharax u taagan xilka madaxweynenimada Soomaaliya.

from VOA http://ift.tt/1rodUhJ
via IFTTT

Wednesday, April 20, 2016

VOA oo Waraysatay Madaxweynaha Soomaaliya

Idaacadda VOA ayaa waraysi la yeelatay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo isaga iyo wafdi uu hoggaaminayo ay ku sugan yihiin magaaladan Washington DC.

from VOA http://ift.tt/1MJz3wh
via IFTTT

UNHCR: 500 Ayaa Badda ku Dhintay

UNHCR sheegtay in 500 oo qof ay dhici karto inay ku dhinteen badda Mediterranean-ka, kadib markii ay dooni halkaas  ku dagtay. Hay'adda ayaa tiradan ka soo xigatay dadkii shilkaasika bad-baaday.

from VOA http://ift.tt/242ewr2
via IFTTT

Waa Maxay Cudurka Kaduudiyaha?

Dr. Xassan Cali Maxamed oo qaabilsan cudurada Guud iyo qaliinka kana howlgala magaalada Muqdisho ayaa ka warramaya waxa uu cudurkan yahay.

from VOA http://ift.tt/1MIAqLE
via IFTTT

Barnaamijka Dhaqanka Iyo Hiddaha, Qeybta 314

Qeybta 314-aad ee Barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha ee idaacadda VOA Somali waxa ay ku saabsan tahay qeyb saddexaad oo ku saabsan taxanihii abaarta iyo maansada roob doonka ee Soomaalidii hore. Waxaa soo jeedinaya qoraaga Axmed Faarax Cali Idaajaa ee dhageysi wanaagsan.  

from VOA http://ift.tt/1rk2k7f
via IFTTT

Warbixin: Sharciyada Horyaalla Baarlamanka Somalia

Ayada oo waqti kooban uu u haray xildhibaanada baarlamanka Soomaaliya, ayaa waxaa horyaalla sharciyo badan oo u baahan in la ansixiyo.

from VOA http://ift.tt/1SvatS7
via IFTTT

Soomaalidii Tagtay Greece oo La Fasaxay

Muhaajiriin Soomaali ah oo la geeyay dalka Giriiga ayaa loo fasaxay inay muddo lix bilood ah joogi karaan dalkaasi.

from VOA http://ift.tt/1StdY8u
via IFTTT

Mucaaradka Jabuuti Oo Diiday Go'aanka Golaha Dastuurka

Golaha Dastuurka ayaa sheegay in madaxweyne Geelle uu helay 87 boqolkiiba codadka la tiriyey ee doorashadii dhacday 8-dii April.

from VOA http://ift.tt/1TiTnnr
via IFTTT

Obama oo Booqanaya Saudi Arabia

Madaxweynaha Mareykanka ayaa la filayaa inuu boqor Salmaan kala hadlo arrimo dhowr oo muhiim ah.

from VOA http://ift.tt/1Sasymp
via IFTTT

Trump iyo Clinton oo ku Guuleystay New York

Trump ayaa helay 60 boqolkiiba codadka Jamhuuriga, halka Clinton ay ka heshay 57 boqolkiiba codadka Dimoqraadiga.

from VOA http://ift.tt/20WLWFy
via IFTTT

Tuesday, April 19, 2016

Faahfaahin: Soomaalida Tahriibka Ku Dhintay

Somali badan ayaa la sheegay inay ku dhinteen doonyo ku qalibnay badda Medetaraniyanta iyagoo u sii tahriibaya yurub.

from VOA http://ift.tt/23XhcGy
via IFTTT

Madaxweyne Xasan oo la Hadlay Golaha Ammaanka

Golaha Ammaanka ee QM ayaa warbixin ka dhageystay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud.

from VOA http://ift.tt/1VBsFcU
via IFTTT

Doorasgada New York oo Maanta Dhaceysa

Cod bixiyayaasha gobolka New York ayaa maanta u dareeray goobaha cod bixinta ee doorashooyinka musharaxiinta madaxweynaha ee xisbiyada Dimoqraadiga iyo Jamhuuriga.

from VOA http://ift.tt/1SqAwqw
via IFTTT

Dilma Rousseff oo Xil ka Qaadis Wajaheysa

Madaxweynaha Brazi Dilma Rousseff ayaa wacad ku maraysa inay dagaal " dheer" la gali doonto mooshinka xilka looga xayuubinayo.

from VOA http://ift.tt/1qWtmB4
via IFTTT

Najax Oo ka Hadlay Dilkii Caruurta iyo Ayeydood

Gudoomiyaha gobolka Sh/Hoose Ibraahim Adan Cali "Najax"ayaa canbaareeyey dilka 6-da caruurta ah iyo ayeeydood loogu geystey deegaanka Dudumo ee gobolkaas.

from VOA http://ift.tt/26cSBiU
via IFTTT

Warbixin: Dugsiga Abaarso ee Somaliland

Dugsiga Abaarso ee Sayniska iyo Teknooojiyada ee ku yaalla duleedka magaalada Hargeysa, waa dugsiga ay wax ka bartaan  ardayda heerarka fiican waxbarashada ka gala.

from VOA http://ift.tt/1SQBJ7t
via IFTTT

Sh/Hoose: 7 Qof oo isku Qoys Ah oo La Dilay

Dilkan ayaa la sheegay in loo gaystay toddoba qof oo iskugu jira lix carruur ah oo shan ay wada dhalatay iyo ayeydood.

from VOA http://ift.tt/1SX4xvo
via IFTTT

Israel: Nin Lagu Helay Dilka Wiil Falastiini Ah

Maxkamad Israeli ah ayaa maanta dambi ku heshay ninkii hogaamiyey dilkii aargudashada ahaa iyo gubitaanka wiil yar oo Falastiini ahaa ee sanaddii 2014,.

from VOA http://ift.tt/22Ku7Jo
via IFTTT

Kabul: Qaraxyo Iyo Weerar Lagu Dilay 28 Qof

Ugu yaraan 28 qof ayaa lagu dilay, in ka badan 327 waa ay ku dhaawacmeen qaraxyo iyo weerar maanta ka dhacay magaalada Kabul.

from VOA http://ift.tt/1WcB6KS
via IFTTT

Monday, April 18, 2016

Faahfaahin: Muhaajiriinta Badda ku Dhintay

Ehellada iyo dad la soo bad-baaday ayaa VOA u sheegay in inka badan 400 qof oo muhaajiriin ah, oo 200 oo ka mid ah ay Soomaali yihiin ay ku dhinteen badda Mideterranean-ka kadib markii dooni ay la dagtay.

from VOA http://ift.tt/1WCnNnq
via IFTTT

Muqdisho: 4 Qof oo Ku Dhintay Weerar iyo Qarax

Ugu yaraan 4 qof ayaa ku dhimatay rasaas iyo qarax is-daba socday oo ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

from VOA http://ift.tt/1VxYcfV
via IFTTT

Hadliye oo ka Hadlay Dhacdada Badda

Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa ka hadlay wararka sheegaya in dhalinyaro Soomaali ahi ay ku dhinteen badda.

from VOA http://ift.tt/20QIxIr
via IFTTT

Kulankii Baarlamanka Oo Buuq ku Dhamaaday

Xildhibaanada baarlamanka Soomaaliya ayaa isku raaci waayey ajendayaasha kulanka looga hadlayay taasi oo dhalisay buuq xooggan.

from VOA http://ift.tt/1VwYoMC
via IFTTT

Muqdisho: Ciidamada Oo Qarax Ka Hortagay

Ciidamada Nabadsugida ayaa howl gal xalay ay ka sameeyeen degmada Dayniile waxey ku soo qabteen gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay.

from VOA http://ift.tt/1qBrtt8
via IFTTT

Mucaaradka Syria oo ku Hanjabay Aargudasho

Mucaaradka ayaa sheegay in ciidamo taageera dowladda ay xadgudub ku sameeyeen heshiiskii xabad joojinta ee dalkaas ka jiray tan iyo bishii Febraayo.

from VOA http://ift.tt/1VwI2DB
via IFTTT

Wada-hadallada Yemen Oo Ka Furmaya Kuwait

Wada-hadallada maanta furmaya ayaa ah kuwii saddexaad oo ay QM aagsinto ayada oo labadii wada-hadal ee hore ay fashilmeen.

from VOA http://ift.tt/22HhIG1
via IFTTT

Sunday, April 17, 2016

Laba boqol oo Soomaali ah oo ku dhintey badda.

Soomaali badan oo ka tegey dalka Masar doonaayeyna in ay qaab tahriib ah ku gaaraan Yurub iyagoo bada sii maraya ayaa ku dhintey bada u dhaxeysa Masar iyo Greece. Somalida ku nool dalka Masar ayaa hadaba dareenkooda ka muujiyey si ay uga welwelayaan dhibaatadan maalin walba ku dhaceysa dhalinyarada Soomaaliyeed. Halkan ka dhageyso.        

from VOA http://ift.tt/1U1frFu
via IFTTT

Ecaudor: Dhulgariir Dilay ku Dhawaad 80 Qof

Madaxweyne ku xigeenka Ecuador, Jorge Glas ayaa sheegaya in ay u muuqato in tirada dhamishadu ay sare u sii kici karto, iyadoo ay wararka laga helayo guud ahaan waddanka ay isa soo tarayaan.

from VOA http://ift.tt/1qySo8S
via IFTTT

Saturday, April 16, 2016

Shabakadda Cusub ee Ganacsiga Internetka

Soomaaliya waxaa kusii xoogaysanaya teknoolajiyada, waxaana markii teknoolajiyada sii xoogaysataba sii kordhaya inay dadku adeegyadooda si madaxbannaan u qabsadaan. Dhowaan waxaa magaalada Muqdishu laga hirgeliyey website ama shabakad ay dadku kusoo bandhigi karaan haddii ay hayaan agab iib ah si bilaash ah. Waxyaabaha qofku ka heli karo shabakadda waxaa ka mid ah kirada iyo iibka guryaha, huteellada, alaabta guryaha, telefoonnada, baabuurta iyo xataa dahabka. Haaruun Macruuf ayaa shakabaddan "Xaashi.com" sida ay u shaqayso kala sheekaystay Kamaal Xaashi Weheliye oo isagu hindisay.  

from VOA http://ift.tt/1Qejasn
via IFTTT

Barnaamijka Caweyska Washington

Barnaamijka Caweyska Washington ee toddobaadkan waxaan idiin ku haynaa qeyb ka mid ah silsiladdii Gobaad iyo waliba qubanayaal kale oo xiiso badan.

from VOA http://ift.tt/1qxgZLs
via IFTTT

Martida: Cabdi Xakim Fiqi

Barnaamijka Martida Mikrofoonka ee toddobaadkan waxa marti ku ah Wasiirkii hore ee gaashaandhigga Somalia Cabdixakim Maxamuud Xaaji Fiqi.

from VOA http://ift.tt/1SlIOTx
via IFTTT

Aqoonyahan Soomaali ah oo ku Kulmay Harvard

Jaamacadda Caanka ah ee Harvard ee ku taalla Magaalada Boston ee dalkan Maraykanka, waxaa ka dhacay kulan ay isugu yimaadeen qaar ka mida aqoonyahanka Soomaalida. Kulankan ayaa looga hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa xidhiidhka aqoonyahanka Soomaalida.

from VOA http://ift.tt/1qx8IXR
via IFTTT

Hambalyada iyo Heesaha: Falastin iyo Danduray

Barnaamijka Hambalyada iyo Heesaha waxaa toddobaadka inala socodsiinaya Ibrahim Xasan Maxamuud (Danduray) iyo Falastiin Axmed Iimaan.

from VOA http://ift.tt/1SdyS9o
via IFTTT

Dad Ku Dhintay Rasaas ay Fureen Ciidamada AMISOM

Laba qof oo rag ah iyo laba dumar ah oo ay ku jirto gabadh 10 jir ah ayaa ku dhintay rasaas ay fureen ciidamada AMISOM meel u dhow magaalada Buulo Mareer sida ay sheegeen qaraabada dadkaasi.

from VOA http://ift.tt/1SRI2rN
via IFTTT

Friday, April 15, 2016

Hay'ado Deeq Gaadhsiiyey 60 Kun oo Qof

Guddiga Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas (ICRC) iyo Ururka Bisha ee Soomaaliyeed ayaa sheegay inay deeq gaarsiiyeen ilaa 60 kun oo qof oo waxyeelo ka soo gaadhay abaaraha ku dhuftay gobollada qaarkood.

from VOA http://ift.tt/1SjyF9O
via IFTTT

Doodda Musharaxiinta Xisbiga Dimoqraadiga

Musharaxiinta madaxtinimada xisibiga Dimoqraadiga ee dalkan Maraykanka ee kala ah, mudanaha ka tirsan aqalka Senate-ka ee laga soo doorto gobolka Vermont iyo xoghayihii hore ee arrimaha dibadda Hillary Clinton ayaa xalay doodi ku dhex martay New York

from VOA http://ift.tt/1YxcNGt
via IFTTT

Tijaabo ay Samaysay K/Woqooyi oo Guuldaraysatay

Kuuriyada Woqooyi ayaa ku guul daraysatay inay tijaabiso gantaal nooca riddada dhexe ah maanta oo Jimce ah, waxana dadka siyaasadda faalleeyaa ay sheegayaan inaanay taasi ka dhignayn weji gabax soo food saaray awoodda milateri ee dalkaas.

from VOA http://ift.tt/1qYi0Nv
via IFTTT

Thursday, April 14, 2016

Puntland oo Mamnuucday Baabuurta Muraayadaha Madow

Maamulka Puntland ayaa maanta soo saaray amar dadka looga mamnuucayo gaadiidka isticmaala muraayadaha madow.

from VOA http://ift.tt/1NaV7Qg
via IFTTT

Burcad-Badeed Lagu Xukumay Faransiiska

Maxkamad ku taalla dalka Faransiska ayaa 7 Soomaali burcad-badeed ah ku xukuntay xabsi u dhaxeeya 6-15 sannadood.

from VOA http://ift.tt/1T6BFDz
via IFTTT

Beledweyne: Dagaal ay 3 Qof ku Geeriyoodeen

Dagaalka ayaa ka dhashay muran dhul daaqsimeed iyo xoolo ay kala dhaceen labada maleeshiyo beeeleed ee dagaalamaya.

from VOA http://ift.tt/1NpOdBE
via IFTTT

Warbixin Gaar Ah oo ku Saabsan Weerarada Ku Socda Al-Shabab

Waa warbixin gaar ah oo aynu ku eegeyno weerarada lagu hayo Al-Shabaab iyo sida ay taasi kooxda u saameysay.

from VOA http://ift.tt/1TTrCnx
via IFTTT

Madaxda Islaamka Oo Ku Shiraya Istanbul

Madaxweynaha Turkiga Erdogan, ayaa marti-gelinaya kulanka oo looga gol lee yahay in looga guuleysto khilaafyada u dhaxeeya dadka muslimiinta ah.

from VOA http://ift.tt/1Yv3HtY
via IFTTT

Somalia iyo Sudan Oo Heshiis Kala Saxiixday

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqasho ku jooga magaalada Khartoum ee dalka Sudan.

from VOA http://ift.tt/1SClRpc
via IFTTT

Wednesday, April 13, 2016

Xaaladda Qaxootiga Yemen ee Somaliland

Xaaladda qaxootiga ka yimid dalka Yemen eek u sugan Somaliland ayaa ah mid deggan xilligan sannad kadib markii ay kasoo carareen dalkoodii colaaddii halkaasi ka dhacday darteed. Sannadkii lasoo dhaafay dad gaadhaya 176,000 qof oo kasoo cararay Yemen ayaa soo gaadhay Geeska Afrika sida ay sheegtay hay'adda qaxootiga ee Qaramada Midoobay. Qaar badan oo ka mid ah waa dad Afrikaan ah oo dib ugu so laabanaya dalalkoda hase yeeshee ilaa 26 kun oo qof ayaa u dhashay dalka Yemen. Jill Craig ayaa warbixintan kasoo dirtay Hargaysa, waa kan Cumar Xasan. Warbixinta hoos ka dhagayso  

from VOA http://ift.tt/1V2LRAD
via IFTTT

Dayactir ku Socda Waddooyinka Muqdisho

Dhismaha waddooyinka iyo goobaha kale ee bulshada, ayaa qeyb ka ah mashruuc la magac baxay dalkaaga dhiso.

from VOA http://ift.tt/1YtHix4
via IFTTT

Barnaamijka Dhaqanka Iyo Hiddaha, Qeybta 313

Qeybta 313-aad ee Barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha ee idaacadda VOA Somali waxa ay ku saabsan tahay qeyb labaad oo ku saabsan taxanihii abaarta iyo maansada roob doonka ee Soomaalidii hore. Waxaa soo jeedinaya qoraaga Axmed Faarax Cali Idaajaa ee dhageysi wanaagsan.  

from VOA http://ift.tt/1qoX69e
via IFTTT

Somaliland: Shirka Madasha Nama Khuseeyo

Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cabdillaahi Cismaan Saxardiid (Caddaani) ayaa sheegay in qodobada shirka madasha ay jebinayaan heshiiska labada dhinac.

from VOA http://ift.tt/1qQZoyE
via IFTTT

Siduu Xasan Xanafi Ku Noqday Xagjir?

Maxkamadda Miltariga ee dowladda Somalia ayaa Isniintii la sooo dhaafay xukun dil ah ku fulisay wariye Xasan Xanafi Xaaji.

from VOA http://ift.tt/23EtlzL
via IFTTT

Afgooye: 3 Qof Oo Ku Geeriyooday Qarax

Dadka dhintay ayaa laba ka mid ah waxa ay ahaayeen askar ku sugneyd suuqa, halka qof kalena uu ahaa qof shacab ah.

from VOA http://ift.tt/1qQZiah
via IFTTT

Macedonia: Booliska Iyo Muhaajiriin Isku Dhacay

Warbixino ayaa sheegaya in qiyaatsii 30 qof ay isku dayeen inay maanta dalkaas uga soo gudbaan dalka Greece, gaar ahaan xaafadda Idomeni.

from VOA http://ift.tt/1NnZOBf
via IFTTT

Dad Weeraradii Paris loo Xiray oo La Daayey

Saddexdaas qof ayaa waxaa la xiray talaadadii intii lagu guda jiray baaritaan booliisku ay ka sameeyeen degmada Uccle ee dalka Belgium.

from VOA http://ift.tt/25ZzpFa
via IFTTT

Tuesday, April 12, 2016

Ciidamada Barre Hiiraale oo La Geeyey Kismaayo

Wararka ka imanaya magaalada KIsmaayo ayaa sheegaya in ciidan gaaraya 50 askari oo raacsanaa Col. Barre Hiiraale la geeyey Kismaayo.

from VOA http://ift.tt/25XDKJ0
via IFTTT

Nairobi: LIbaax Kale Oo Ka Baxsaday Xero

Libaaxan la la' yahay ayaa la rumeysan yahay inuu baxsaday habeenkii Isniintii, sida ay sheegeen saraakiisha hay'adda duurjoogta ee dalka Kenya.

from VOA http://ift.tt/1VjJfy3
via IFTTT

Xildhibaano Tagay Degmada Waajid

Xaaladda degmada ayaa la sheegaya inay cakiran tahay, ayada oo waddooyinka soo gala ay weli yihiin kuwo xiran.

from VOA http://ift.tt/23AWv2W
via IFTTT

Jubbada Hoose: 8 Qof Oo Lagu Dilay Duqeyn

Ugu yaraan shan ka tirsan dadka dhintay ayaa la sheegay inay ka tirsan yihiin ururka Al-Shabaab, halka inta kale ay yihiin dad rayid ah.

from VOA http://ift.tt/1N6cnWW
via IFTTT

Qaraxii Brussels: Dad Dacwad lagu Soo Oogay

Laba qof oo lagu magacaabo Smail F. iyo Ibrahim F., ayaa lagu soo oogay dacwado la xiriira weerarkii Brussels.

from VOA http://ift.tt/1qlqXzj
via IFTTT

Qodobo Laga Soo Saaray Shirkii Madasha

Qodobada shirka kasoo baxay waxaa ka mid ah in la dhiso laba guddi doorasho, oo mid uu yahay heer gobol ah, midna heer qaran.

from VOA http://ift.tt/1RR040J
via IFTTT

Monday, April 11, 2016

Shirka Madasha oo Maanta soo Xirmaya

Madaxda dowladda dhexe iyo maamul-goboleedyada Somaliaa oo uu shir uga socday Muqdisho, ayaa maanta soo xiraya shirkaasi, soona saaraya war-murityeed ku aadan qaabka doorashada Somalia.

from VOA http://ift.tt/23qsMgh
via IFTTT

USA oo ka Hadashay Doorashadii Djibouti

Dowladda Maraykanka ayaa shacabka Djibouti ku ammaantay sida nabad ah ee ay uga qeybgaleen doorashadii madaxtinimada ee dhacday Jimcihii, waxayse dowladda Djibouti ku boorisay inay dadka u oggolaato inay si xor ah fikirkooda u cabiraan.

from VOA http://ift.tt/1TNYmPd
via IFTTT

Dadka Abaaruhu Hayaan oo Kaalmo la Siinayo

Hay'adaha UNICEF iyo WFP ayaa sheegay inay kaalmo degdeg ah oo naf-bad-baadin ah ay gaarsiinayaan dadka abaaruhu ku dhufteen ee ku u nool Somaliland iyo Puntland.

from VOA http://ift.tt/1S29FPc
via IFTTT

Maxaa Looga Hadlayaa Shirka Madasha?

Kulanka oo ka dhacaya Villa Somalia ayaa looga hadlayaa qaabka ay u dhici karto doorashada baarlamaanka sannadkan.

from VOA http://ift.tt/1qE1xgY
via IFTTT

Wiilal Soomaali Ah oo Lagu Dilay Syria

Khaliif Shariif oo ahaa 21 jir, iyo Cabdiraxmaan Shariif oo 18 jir ahaa, ayaa ka tagay magaalada Manchester bishii November ee sanaddii 2015.

from VOA http://ift.tt/1qjjgcX
via IFTTT

Ciidanka Dowladda Oo Qabsaday Deegaano

Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee Itoobiya ayaa la wareegay laba tuulo oo hoos yimaado deegaanada dhinaca bari ka xiga degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud.  Dowlada Somalia ayaa sheegatey inay dileen Konton iyo Sideed ka tirsan Malayshiyada Al-Shabaab iyadoo sidoo kalena ay gacanta ku dhigeen 10 kale, sida uu sheegay taliyaha ciidamada dowlada ee Aaga Bariga Galgaduud Ahmed Maxamed Tareedisho, Taliyaha waxa uu sheegay in ciidamada dowladda dagaalka loo dhaawacay afar askari. Ma jiraan ilo madax banaan oo xaqiijin kara sheegashooyinkiisa. Sahra Cabdi Axmed ayaa khadka taleefonka ku wareysatay taliyaha ciidamada dowlada ee Aaga Bariga Galgaduud Ahmed Maxamed Treedisho.  

from VOA http://ift.tt/1qE1v8C
via IFTTT

Nin Ka Tirsanaan Jiray Shabaab oo Xalay Lagu Dilay Laascaanood.

Cabdullaahi Maxamed Axmed (Carabeey) ayaa dablay hubaysan ay dhowr xabo kaga dhufatay madaxa xilli uu sii galayey masaajid ka yaalla Laascaanood.

from VOA http://ift.tt/1qjjf8P
via IFTTT

Kalfadhigii 8-aad ee Baarlamanka oo Furmay

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa furay Kalfadhigan oo ah kii ugu dambeeyay ee baarlamanka ka hor doorashada dalka ka dhaceysa.

from VOA http://ift.tt/23xid7Q
via IFTTT

USA: Dad Badan Oo U Codeyn lahaa Sanders

Bernie Sanders ayaa ah ninka dadka ugu badan ee Mareykanka ay u codeyn lahaayeen doorashada madaxweynaha, in ka badan dhammaan musharaxiinta kale.

from VOA http://ift.tt/1VhY6cl
via IFTTT

Xasan Xanafi oo Dil Toosgaho lagu Fuliyey

Xasan Xanafi, ayaa lagu helay eedo ah inuu ku lug lahaa dilka suxufiyiin lagu khaarajiyey magaalada Muqdisho.

from VOA http://ift.tt/1UV3LFp
via IFTTT

Xisbiga Kulmiye Oo Cayriyey Xubno Sare

Xubnaha la ceyriyey ayaa ah guddoomiye ku xigeenkii labaad iyo kii sadexaad ee xisbiga Kulmiye Maxamed Xaaji Yusuf "Waabeeye" iyo Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle.

from VOA http://ift.tt/1Yp3SHc
via IFTTT

Qarax ka Dhacay Agagaarka Xarunta Gobolka Banaadir

Qarax xooggan ayaa laga maqlay agagaarka xarunta Maamulka ee Gobolka Banaadir goor dhowayd sida ay sheegeen goobjoogayaal.

from VOA http://ift.tt/1UUXCJg
via IFTTT

Sunday, April 10, 2016

Madaxda M. Goboleedyada oo Muqdisho ku Sugan

Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka furmay shir go'aan looga gaarayo qaabka doorashada Soomaaliya sannadkan ka dhacaysa, oo ay yeelanayaan madaxda dowlada dhexe ee Somalia iyo maamul goboleedyada.

from VOA http://ift.tt/1Vfw1CW
via IFTTT

Mucaradka Djibouti oo Diiday Natiijada Doorashada

Mucaaradka Djibouti ayaa ku gacanseydhay natiijadii doorashadii madaxtinimada Jimcihii dhacday oo uu ku guuleystay madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, iyagoo sheegay in doorashadii lagu shubtay.

from VOA http://ift.tt/1oNS70S
via IFTTT

Belgium: Weerar Kale ayaa la Qorsheynayey

Dacwad oogayaasha dalka Belgian ayaa maanta sheegay in shabakadda argagixada ee lala xiriirinayo weerarkii bishii November ka dhacay magaalada Paris ay qorsheynayeen weerar labaad oo ka dhaca dalka Faransiiska.

from VOA http://ift.tt/1MnHpcR
via IFTTT

Ashton Carter oo Dalka India Booqanaya

Wasiirka Gaashaandhigga Maraykanka Ashton Carter ayaa eegaya sidii kor loogu qaadi lahaa qalabka casriga ah ee dhinaca difaaca iyo iskaashi kale oo dhinaca ganacsiga ah oo dhexmara labada dal.

from VOA http://ift.tt/1NihhLf
via IFTTT

Saturday, April 9, 2016

Bristol: Shir ku Saabsan Xagjiraynta Dhalinyarada

Magaalada Bristol ee dalka Britian waxaa ka dhacay kulan ballaadhan oo looga hadlayey dhalinyarada u dagaalka taga dalalka Syria, Ciraaq iyo meelaha kale iyo sida looga hortegi karo, waxaana kulankan ka qayb galay qaybo ka mida bulshada Soomaaliyeed.

from VOA http://ift.tt/23s3P0x
via IFTTT

Qarax ka Dhacay Muqdishu

Warar goor dhowayd naga soo gaadhay magaalada Muqdishu ayaa sheegaya in qarax xooggan uu ka dhacay maqaayad ku taalla inta u dhaxaysa Hotel Global iyo Beexaani.

from VOA http://ift.tt/1SG4G6v
via IFTTT

Friday, April 8, 2016

Geelle oo Ku Guuleystay Doorashada Djibouti

Xukumadda Djibuiti ayaa ku dhawaaqday in Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle uu ku guulestay doorashada Madaxtinimo ee ay dadka reer Djibouti shalay u dareereen.

from VOA http://ift.tt/1Slk1ZB
via IFTTT

Faaqidaadda: Webiyada Guray ee Soomaaliya

Barnaamijka Faaqidaadda waxaan ku eegeynaa, maxaa ka jira eedaha loo jeedinayo dawladda Itoobiya ee webiyada guray ee Soomaaliya.

from VOA http://ift.tt/1PYzHAk
via IFTTT

Muqdisho: Dad Loo Qabtay Weerarkii Hoobiyaha

Weerarkii xalay ayaa waxaa ku naf waayey saddex qof oo shacab ah iyo 15 kale, oo qaarkood ay xaaladdoodu liidato.

from VOA http://ift.tt/1VdhsPM
via IFTTT

Qaxootiga Kakuma oo ka Cabanaya Kufsi

Mid ka mid ah hooyooyinka daggan xeradasi, ayaa sheegtay in habeenkii oo dhan aanay gam'in cabsi darteed.

from VOA http://ift.tt/1PYixCY
via IFTTT

Turkey Iyo Israel oo soo Celinaya Xiriirkooda

Xiriirka labada dal ayaa burburay sanaddii 2010 kadib markii Israel ay faro-gelisay markab Turkish ah oo gargaar u waday magaalada Gaza.

from VOA http://ift.tt/23hCyRT
via IFTTT

Kerry oo Wada-Hadal la Leh Madaxda Ciraq

Kerry ayaa waxa uu isku dayayaa inuu hoosta ka xariiqo taageerada Mareykanka uu u hayo dowladda Ciraq.

from VOA http://ift.tt/1PYiwil
via IFTTT

Doorashada Jabuuti oo Socota

Codbixin ayaa ka socota dalka Jabuuti ay dadku ku kala dooranayaan musharixiinta madaxweynenimo ee dalkaasi. Madaxweynaha haatan talada haya iyo musharrixiin kale ayaa tartmaya.

from VOA http://ift.tt/1PYcyOK
via IFTTT