Tababaraha kooxda Borussia Dortmund, Peter Bosz ayaa sheegay in cayaaryahan Ousmane Dembele uu maanta seegay tababarka kooxda, ayada oo ay sii xoogeysanayaan wararka la xiriirinaya inuu ku biirayo kooxda Barcelona. Cayaaryahanka caalamiga ah ee dalka Faransiiska ayaa loo arkaa inuu kooxda Barcelona beddel ugu noqon karo Neymar, kadib markii xiddiga reer Brazil uu heshiis 260 million oo dollar ah ugu biiray kooxda Paris St Germain, horraantii bishan. Warbaahinta Jarmalka ayaa werisay in Dembele uu Barcelona ugu biiri karo in ka badan boqol milyan oo euro. "Dambele maanta kama qeyb galin tababarka" ayuu Bosz u sheegay weriyayaasha. "Waxaan isku daynay inaan la xiriirno, waxaana rajeeneynaa inuusan wax dhib ah qabin". Dambele ayaa kooxda Dortmund waxa uu sanad ka hor ugu soo biiray heshiis shan sano ah.
from VOA http://ift.tt/2wLvoag
via IFTTT
Thursday, August 10, 2017
Dembele oo maanta ka baaqday tababarka Dortmund
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment