Ugu yaraan shan ka tirsan askarta booliska Kenya ayaa ku dhintay laba kalena waa lagu dhaawacay kadib markii gaari ay wateen ay la qaraxday miino, iyagoo marayay deegaanka Bodhai-Ijara oo ka tirsan Gaarisa ee gobolka Waqooyi Bari ee ay Soomaalidu degto. Booliska Kenya ayaa sheegay in miinadaasi ay gaariga la eegteen maleeshiyo ka tirsan al-Shabaab, kadibna ay gubeen gaariga markii dambe goobtana ay ka baxsadeen. Askarta weerarka lagu qaaday ayaa ka tirsanaa kuwa saldhigga Bodhai ee deegaanka Ijaara. Goob jogayaasha ayaa u sheegay wakaaladaha wararka iyo warbaahinta Kenya in askarta weerarka ku dhaawacantay ay ku dhuunteen keynta ilaa halkaa ay ugu tagaan ciidamo gurmad ah, waxaana markii dambe dhaawacooda loo duuliyay magaalada Nairobi.
from VOA http://ift.tt/2w7nWKq
via IFTTT
Tuesday, August 15, 2017
Shan Askari oo Kenyan ah oo Qarax lagu Dilay
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment