Rabbi naxariistiisa jano ha ka waraabiyee waxa dalka Turkiga xalay ku geeriyootay fanaanadii caanka ahayd ee reer Djibouti Faadumo Axmed Dhimbiil. Faadumo Axmed Dhimbiil ayaa in muddo ah fanka Soomaalida ku soo dhex jirtay, iyada oo horey u qaaday heeso badan. Maalmihii u danbeeyey fanaanadu waxay ku sugnayd dalka Turkiga oo ay hadda ku geeriyootay. Ibrahim Xassan Dandureey ayaa geeriyada fanaanadan iyo taariikhedeeda ka wareystay , Fanaaniinta reer Djibouti ee Cabdinuur Allaale, iyo Kaltuun Bacado oo kala jooga Britain iyo Djibouti, waxaana tacsida ku horeynaya Cabdinuur Alaale.
from VOA https://ift.tt/2IHoRI8
via IFTTT
Thursday, May 24, 2018
Fannaanadda Faadumo Axmed Dhimbiil oo geeriyootay
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment