Monday, May 21, 2018

Nainggolan oo laga reebay xulka Belgium

Qad-dhexle Radja Nainggolan ayaa laga reebay xulka kubadda cagta dalka Belgium uga qeyb-galaya koobka adduunka ee bisha dambe ka furmaya dalka Russia. Xiddigan u cayaara kooxda AS Roma ayaa waxa uu xiriir aan wanaagsaneyn kala dhaxeeya macallinka Belgium, Roberto Martinez. Martinez ayaa horey laba mar uga tagey Radja Nainggolan, hase yeeshee waxa uu xulka Belgium dib ugu soo laabtay cayaartii saaxiibtinimo ee ay dhowaan la yeesheen xulka Saudi Arabia. Si kastaba, Nainggolan ayaa ka maqnaa tababarkii ugu dambeeyey ee xulka Belgium, ayada oo aan wax sabab ah la shacain, taasi oo hogaamisay in la isla dhexmaro inuusan ka qeyb gali doonin koobka adduunka. Cayaartoyda xulka Belgium uga qeyb galeysa koobka aduunka ayaa la filayaa in si rasmi ah loogu dhawaaqo maanta.

from VOA https://ift.tt/2wXpFmT
via IFTTT

No comments:

Post a Comment