Monday, December 10, 2018

Barnaamij gaar ah: Qoraalkii farta Af-Soomaaliga

1972-dii waxa ay ku asteysan tahay sanadkii la qorey farta afka Soomaaliga ee xaruufaha laatiinka loo isticmaalo. Dadaal dheer oo mudo soo socdey ka dib ayey dowladii xilligaas jirtay ku go'aamisay in la qaatey fartan xarfaha laatiinka ah ee aynu maanta isticmaalno. Hasa ahaatee, dowladii fuliysay qaadashada fartan iyo guddigii afka Soomaaliga midkoodna ma sheegin qofki ama kooxdii ku qaabeysay afkeena hooyo farta laatiinka. Waxa qorey Shire Jaamac Axmed iyo ma qorin ee guddiga ayaa wadajir u sameeyey ayaa u xoog badnaa doodda. Balse daarasad cusub ayaa faah faahin intaas ka dheer soo bandhigtey. Warbixin sadex qaybood ah oo aan ku eegeyno daraasadda iyo labo sulaal oo ka mid ah mirihi qodobadii ka dhashey, waxaa qaybti koowaad noo hayo Jaamac Buulle Jaamac, ayada oo qeybaha kalena aad maqli doontaan berri iyo berri dambe.  

from VOA https://ift.tt/2RLLOKE
via IFTTT

No comments:

Post a Comment