Monday, February 3, 2020

Afar qof oo ku dhintay qarax ka dhacay Jubbada Hoose

Ugu yaraan 4 qof oo rayid ah ayaa ku dhimatay lix kalena way ku dhaawacmeen baabuur ahaa nooca loo yaqaan Caasiga oo qarax miino lagula eegtay jidka u dhexeeya magaalooyinka Afmadow iyo Dhooble ee Gobolka Jubbada Hoose maanta. Dadka degaanka ayaa VOA u sheegay in baabuurkan ay la socdeen dad rayid ah oo u socday aroos. Dadka ku dhaawacmay qaraxan ayaa la sheegay in la geeyey cisbitaalka magaalada Dhoobley. Ilaa hadda ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda weerarkan, inkastoo degaanka uu qaraxu ka dhacay la ogyahay inay si xooggan uga hawlgalaan maleeshiyada ururka Al-Shabaab.

from VOA https://ift.tt/31pQpYO
via IFTTT

No comments:

Post a Comment