Guddiga doorashada Soomaaliya ayaa sheegay inay socoto doorashada xubnaha Aqalka Hoose iyadoo weli aan lasoo dhammaystirin doorashadii Aqalka Sare. Waxay sheegeen oo kale guddigu in doorashada Aqalka Sare ee xubnaha matali doona Somaliland ay ka dhici doonto magaalada Muqdisho. Haddaba weli waxaa jira cabashooyin iyo dhalliilo ku aaddan inaanu hufnayn hannaanka doorashada. Weriyahayaga Xuseen Xasan Dhaqane oo ku sugan Jawhar ayaa hoos u eegaya qaar ka mid ah waxyaabaha ay ka cabanayaan musharrixiinta aqallada.
from VOA http://ift.tt/2fxvcTy
via IFTTT
Monday, November 7, 2016
Warbixin: Cabashooyinka la Xiriira Doorashada Somalia
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment