Wednesday, July 19, 2017

Heshiiskii Duulimaad ee Somalia iyo Kenya oo la Dhaqan Gelinayo

Wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada ee Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta sidii sare loogu qaadi lahaa howlaha duulimaadyada ee Somalia. Wasaaraddu waxey sheegtay in dhawaan la hirgelin doono heshiiskii duulimaadyada tooska ah ee ay horey u gaareen Somalia iyo Kenya, sidoo kalena, dib loo howlgelin doono shirkaddii duulimaadka Soomaaliya ee Somali Airlines.  Wariyeheenna Yaasiin Ciise Wardheere ayaa wareystay Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Salaad (Oomaar) oo shirar arrintan la xiriira kaga qeyb galay Nairobi, wuxuuna ugu horeyn weydiiyay wixii ka soo baxay shir ay la lahaayeen wasaaradda gaadiidka ee dalka Kenya.  

from VOA http://ift.tt/2u86wcA
via IFTTT

No comments:

Post a Comment