Friday, May 4, 2018

Atletico iyo Marseille oo u gudbay final-ka Europa League

Kooxda kubadda cagta Atletico Madrid ee dalka Spain, ayaa u gudubtay cayaarta kama dambeysta ah ee koobka Europa League kadib markii xalay ay ka adkaatay naadiga Arsenal. Kooxda macallin Diego Simeone ayaa 1-0 kaga adkaatay Arsenal, lugtii labaad ee cayaarta afar dhammaadka, ayada oo goolkuna uu daqiiqaddii 47-aad ee qeybtii koowaad ee cayaarta u dhaliyey Diego Costa. Atletico ayaa ku gudubtay cel celis ah 2-1, maadaama lugtii koowaad ee cayaarta oo ka dhacday garoonka Arsenal ay ku dhammaatay 1-1. Atletico ayaa cayaarta final-ka waxay wajihi doontaa naadiga Marseille ee dalka Faransiiska oo iyana soo reebtay kooxda Salzburg ee dalka Austria. In kasta oo Marseille xalay looga adkaaday 2-1, haddana waxay ku gudubtay cel celis ah 3-2, maadaama ay 2-0 kusoo adkaatay lugtii koowaad ee cayaarta.    

from VOA https://ift.tt/2JTV8Yr
via IFTTT

No comments:

Post a Comment