Wednesday, May 9, 2018

Conte oo shaacinaya go'aanka mustaqbalkiisa

Tababaraha kooxda Chelsea Antonio Conte ayaa sheegay inuu shaaca ka qaadi doono go'aanka mustaqbalkiisa kooxda Chelsea, marka uu dhammaado xilli cayaareekdan, laba toddobaad gudahood. Chelsea ayaa xilli cayaareedkeeda dhameysan doonta 19-ka May, markaas oo garoonka Wembley ay kula cayaari doonto kooxda Manchester United, cayaarta final-ka koobka FA. "Waxaan diiradda saarayaa waqtiga la joogo, iyo inaan shaqadeyda u guto sida ugu wanaagsan, ma ahan shaqo fudud, hase yeeshee waxaan diiradda saarayaa waxa i horyaalla" ayuu yiri Conte. "Waxaa haray kaliya laba toddobad, markaasna wuu dhammaan doonaa xilli cayaareedka. Markaas kadib waad ogaan doontaan inaad halkan igu arki doontaan xilli cayaareedka soo socda iyo in kale" Conte ayaa waxaa aad loo rumeysan yahay inuu ka tagi doono Chelsea, kadib markii ay isqbateen isaga iyo guddiga maamula kooxdaas.

from VOA https://ift.tt/2FWRE57
via IFTTT

No comments:

Post a Comment