Thursday, July 26, 2018

Muqdisho: Sarkaal loo xiray eedeyn musuq-maasuq

Warbaahinta dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in la qabtay sarkaal ka tirsan wasaaradda arrimaha bani'aadannimada iyo maaraynta masiibooyinka oo lagu eedeeyey inuu lunsaday hanti dadweyne. Dawladda Soomaaliya ayaa ku eedaysay sarkaalkaasi inuu lunsaday lacag dhan 84 kun oo doollar. Warbaahinta dawladda waxay sheegtay inuu ninkaasi ku eedaysan yahay xatooyo xoolo dadweyne, sida lagu sheegay qoraalka wakaaladda wararka SONNA. Ilaa hadda ma jirto cid u hadashay dhinaca sarkaalka lasoo eedeeyey.      

from VOA https://ift.tt/2OgBwAR
via IFTTT

No comments:

Post a Comment