Wednesday, November 14, 2018

Cayaaryahan Cabdi Dheere oo ku geeriyodoay Canada

Allaha u naxariistee waxaa magaalada Toronto ee dalka Canada ku geeriyooday Cabdi Maxamed Ciye (Cabdidheere) oo ka tirsanaan jiray xulkii qaranka Soomaaliya iyo kooxdii Jeenyo ee cayaaraha Basketball-ka. Cabdidheere oo ka mid ahaa cayaarotydii u qaxay Canada kadib dagaalladii sokeeye ayaa dhowr bil ku xanuunsanaa Toronto. Wixii ka horeeyay xanuunkiisa wuxuu tababare u ahaa dhallinyarada Soomaalida iyo kuwa kale ee ajaaniibta ah ee xiiseeya cayaaraha basketball-ka ee magaalada Toronto. Wariyaha VOA-da Canada Xuseen Nuur Xaaji ayaa geerida Allaha u naxariistee Cabdidheere ka wareystay Faarax Jaamac Nuur (Oday) oo saaxib la ahaa marxuumka.    

from VOA https://ift.tt/2DkSDOV
via IFTTT

No comments:

Post a Comment