Wednesday, November 28, 2018

Doorashada Golaha wakiilada Somaliland oo dib u dhacday

Guddida doorashada Somaliland ayaa sheegay in aanay suurtogal ahayn in ay qabsoomaan doorashooyinka golayaasha wakiillada iyo deegaanka ee loo qoondeeyay inay qabsoonto sannadka dambe horraantiisa. Guddida Doorashada ayaa sabab uga dhigay caqabado ay ka mid tahay wada-shaqayn la'aan xisbiga Waddani ah, dhaqaale la'aan iyo sidoo kale caqabad sharci. Xisbiga mucaaradka ah ee UCID ayaa isna masuuliyadda dib-u-dhacan dusha u saaray xukuumadda. Weriyaha VOA Barkhad Maxamuud Kaariye ayaa warbixintan ka soo diray Hargeysa.   

from VOA https://ift.tt/2TSjgAD
via IFTTT

No comments:

Post a Comment