Roger Stone, oo la-taliye u ahaa ololaha doorasho ee madaxweyne Trump ayaa waxaa maanta xiray hay'adda dambi baarista Mareykanka ee FBI-da. Stone ayaa waxaa loo xiray dhowr eedeymo oo la xiriira baaritaanka uu dacwad oogaha gaarka ah ee Mareykanka Robert Mueller ku hayo faro-gelinta Ruushka ay ku sameeyeen doorashadii madaxtinimo ee Mareykanka ka dhacday sanadii 2016. Wakiilada FBI-da ayaa Stone waxay ay subaxnimadii jimcaha ku xireen gobolka ku yaalla Koonfurta Bari ee Mareykanka ee Florida, kadib markii xeer-beegti federal ah ay ku eedeeyeen shan kiis oo la xiriira inuu been sheegay iyo laba kiis oo mid uu yahay inuu hor-istaagay cadaalladda iyo midka kale oo ah inuu faro-geliyey marqaati furayaal.
from VOA http://bit.ly/2UiWy4e
via IFTTT
Friday, January 25, 2019
FBI-da oo xirtay Roger Stone
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment