Monday, January 21, 2019

Maalinta warfaafinta Soomaaliyeed oo maanta la xusayo

Bishii Jannaayo 21-keedii 1973-kii, sanad kaddib markii lagu dhawaaqay qoraalka afka Soomaaliga ayay ahayd markii ugu horreysay ee uu Soomaaliya uu ka soo baxo wargeys lagu qoray Afka Soomaaliga. Maalintaas ayaa dhinaca kale xukumaddii kacaanka ee dalka ka talineysay ay u asteysay inay noqoto maalinta warfaafinta Soomaaliyeed. Wariyeyaashii u soo joogay maalintaa kana mid ahaa raggii wax ku qori jiray wargeyskaas Xidigta October waxaa ka mid ahaa Cabdulqaadir Maxamed Mursal. Caasha Ibrahim Aaden ayaa khadka taleefanka ee Minnesota kula xiriirtay waxeyna ugu horeyn weydiisay, bal inuu sawir ka bixiyo sidii ay u ekeyd maalintaa ugu horeysay ee uu soo baxay wargeys af-Soomaali ku qoran.    

from VOA http://bit.ly/2AWHty5
via IFTTT

No comments:

Post a Comment