Xiisad siyaasadeed ayaa ka dhex oogan dalalka Faransiiska iyo Talyaaniga, oo ka mid ah dalalka ugu saameynta badan Midowga Yurub. Xiisaddan ayaa ka dhalatay hadal uu dhawaan yiri Ra'isul Wasaara ku xigeenka Talyaaniga ku eedeeyay Faransiiska inuu yahay kan ugu wacan saboolnimada wadamo ku yaalla Africa. Murankan ayaa waxaa saldhig u ah muhaajiriinta ku qulqulaya Yurub, ayada kumanaan muhaajiriin ah oo isku dayaya inay qaaradda gaaraan ay ku naf waayeen badda Mediterranean. Wariyaha VOA-da Henry Ridgwell, ayaa warbixintan soo diray. Nuur Xassan Nuur ayaa soo jeedinaya.
from VOA http://bit.ly/2DvfNSy
via IFTTT
Thursday, January 24, 2019
Xiisad ka dhex -oogan Talyaaniga iyo Faransiiska
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment