Wednesday, March 6, 2019

Korea-da Waqooyi oo soo celisay goobihii tijaabada gantaallada

Dhowr ilo-wareed ayaa ku warramay in Korea-da Waqooyi ay dib usoo celisay qeybo ka mid ah goobihii ay ka tuuri jirtay gantaallada ee ay burburisay kadib markii ay sidaas ku ballan-qaaday kulan madaxeedkii ay madaxweyne Trump kula yeelatay dalka Singapore sanaddii tagtay. 38 North, oo ah mashruuc fadhiggiisu yahay Washington oo ka shaqeeya arrimaha Korea-da Waqooyi, ayaa sheegay in sawirro satellite ay muujinayaan dhismooyin iyo qalab yaalla goobta tijaabada Tongchang-ri, oo sidoo kale loo yaqaan Sohae, oo dib loo dhisayo intii u dhaxeysay 16-kii Febraayo iyo labadii March. Sidoo kale, wakaaladda wararka Korea-da Koonfureed ee Yonhap News ayaa sheegtay in sirdoonka dalkaas ee NIS ay u sheegeen sharci-dejiyayaasha in dib u dhiska goobta ay socoto. Xarunta Istaraatiijiyadda iyo Daraasaadka Caalamiga ah ee CSIS ayaa sidoo kale go'aamisay in Korea-da Waqooyi ay waddo dib u dhis deg deg ah. Kadib kulankii uu Kim Jong Un sanadii tagtay kula yeeshay Singapore, madaxweyne Trump ayaa weriyayaasha u sheegay in hoggaamiyaha Korea-da Waqooyi uu ballan-qaaday inuu baab'in doono goobta ugu weyn ee tijaabada gantaallada.      .  

from VOA https://ift.tt/2TCJJVs
via IFTTT

No comments:

Post a Comment