Dowlada Federaalka ee Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay si rasmi ah uga hadashay dhaq-dhaqaaqa ganacsi ee ka jira xarunta Xalane ee garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Muqdisho, halkaas oo hooy u ah qaar ka mid ah safaaradaha dalalka reer Galbeedka, Taliska Amisom iyo ganacsato ajnabi ah. Wafdi ka koobnaa wasiiro, wasiir ku xigeeno, iyo taliyaal ciidan ayaa shalay garoonka diyaaradaha Adan Cadde kula kulmay ganacsato u badnaa ajnabi. Wasiiradii kulanka joogay waxaa ka mid ahaa, wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Eng. Cabdiraxman Yarisow. Nur Bukhaari ayaa khadka telefoonka kula xiriiray, waxana ugu horeyn uu weydiiyey ujeedada kulanka.
from VOA http://ift.tt/2sOf5fu
via IFTTT
Friday, July 7, 2017
Shirkado aan Canshuur Bixin oo ka Howlgala Xalane
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment