Monday, July 9, 2018

Somaliland: Wargeyska Haatuf oo la fasaxay

Maxkamadda Rafcaanka ee gobolka Maroodijeex ee Somaliland ayaa xayiraaddii ka qaadday wargeyska Haatuf oo ka mid ahaa kuwa ka soo baxa Hargeysa, halka wargeysyo kalena wali xayiran yihiin. Ururka Saxafiyiinta Somaliland ayaa xayiraad-ka-qaadistan ku tilmaamay tallaabo wanaagsan, waxaanay sidoo kale dalbadeen in la sii daayo wargeysada kale ee xayiran oo uu ka mid yahay Waaberi oo bishii hore la xayiray. Weriyaha VOA Barkhad Maxamuud Kaariye ayaa warbixintan ka soo diray Hargeysa.  

from VOA https://ift.tt/2u56XWm
via IFTTT

No comments:

Post a Comment