Ilhan Cumar, Hodan Xasan, iyo Maxamuud Nuur ayaa ku guuleystay doorashooyinkii xilliga dhexe ee ay ka galeen gobolka Minnesota. Guulahan ayaa waxaa ugu weyn midda Ilhaan Cumar oo ka mid noqon doonto Aqalka Hoose ee Congress-ka Maraykanka, ayadoo noqon doonta qofkii ugu horreeyey ee Soomaali ah ee sidaas sameeya. Dhinaca kale Hodan Xasan iyo Maxamuud Nuur ay ka mid noqon doonaan Aqalka Hoose ee baarlamaanka gobolka Minnesota. Keith Ellison oo beneeyey kursiga Ilhaan ay ku guuleysatay ayaa isna u dhow inuu ku guuleysto xilka Xeer Ilaaliyaha Guud ee gobolka Minnesota oo uu u tartamayey. Falastiin Iimaan ayaa ka wareysatay Cabdicasiis Xuseen Cusmaan oo ku sugan Minneapolis.
from VOA https://ift.tt/2F9mXPf
via IFTTT
Wednesday, November 7, 2018
Ilhaan Cumar oo ka mid noqotay Congress-ka Mareykanka
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment