Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Hayom ayaa warqad u qoray Wasiirka Amniga ee dawladda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow.
from VOA http://bit.ly/2Qecpyy
via IFTTT
Monday, December 31, 2018
Haysom oo Somalia ka dalbaday sharaxaadda wixii ka dhacay Baydhaba
Xildhibaanada cusub ee Puntland oo la shaaciyey
Gudiga ansixinta golaha wakiilada iyo xalinta khilaafaadka ee Puntland ayaa caawa shaaca ka qaaday magacyada xubnaha cusub ee baarlamanka maamulka Puntland.
from VOA http://bit.ly/2Vm0EtB
via IFTTT
Sarkaal ka tirsanaa ciidanka xoogga oo lagu dilay Muqdisho
Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in sarkaal ka tirsan ciidamada Soomaaliya lagu dilay maanta magaalada Muqdisho.
from VOA http://bit.ly/2TeBw6e
via IFTTT
Dhacdooyinkii ugu waa weynaa Soomaaliya 2018
Waxaan halkan idin kugu soo gudbinaynaa barnaamij gaar ah oo ku saabsan dhacdooyinkii ugu waawynaa eee Soomaaliya ka dhacay sannadkan maanta dhammaanaya ee 2018. Waxaa soo diyaariyey Jacfar Kuukaay, waxaana lasoo jeedinaysa Caasha Ibraahim Aadan.
from VOA http://bit.ly/2LGeJ0u
via IFTTT
Warbixinta heerka xuquuqda aadanaha Somaliland ee 2018
Xarunta xuquuqda aadanaha ee Somaliland oo saldhiggeedu yahay magaalada Hargaysa ayaa maanta daabacday warbixin ka kooban 44 bog oo ka hadlaysa xaaladda xuquuqda aadanaha ee Somaliland.
from VOA http://bit.ly/2s18PxS
via IFTTT
Ruushka oo xiray muwaadin Mareykan ah
Ruushka ayaa magaalada Moscow ku xiray muwaadin Mareykan ah oo ay ku eedeeyeen inuu basaas yahay, sida ay sheegtay warbaahinta Ruushka.
from VOA http://bit.ly/2EZxJpB
via IFTTT
Qeyb ka mid ah howlaha dowladda Mareykanka oo weli hakad ku jira
Hakadka ku yimid qeyb ka mid ah howlaha dowladda Mareykanka ayaa maanta galay maalintii tobanaad ayada oo aysan muuqaan xilli ay taasi dhammaan doonto.
from VOA http://bit.ly/2LHz6dM
via IFTTT
Sunday, December 30, 2018
Dhacdooyinka Caalamka ee 2018
Dhacdooyinka Caalamka ee 2018 waxaa soo jeedinaya Maxamed Cabdi Sandhere iyo Falastiin Axmed Iimaan, waxaanad ku maqli doontaan waxyaabihii ugu waaweynaa ee dunida ka dhacay sanadka sii dhamaanaya ee 2018
from VOA http://bit.ly/2AmMiQF
via IFTTT
Baarlamaanka oo Ansixiyay Miisaaniyadda Dowladda
Xildhibaanadda Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta cod aqlabiyad leh ku ansixiyay miizaaniyadda dowladda ee sanadka 2019-ka.
from VOA http://bit.ly/2SqHb9i
via IFTTT
Saturday, December 29, 2018
Barnaamijka Caweyska Washington iyo Sanadka 2018
Barnaamijka Caweyska Washington waxa aanu todobaadkan ku soo qaadan doonaa sanadkan sii dhamaanaya ee 2018 iyo qaar ka mid ah sheekooyinkii xiisaha lahaa ee aanu ku soo qaadanay barnaamijka
from VOA http://bit.ly/2rVRaI6
via IFTTT
Dhageyso Martida Makrafoonka
Ku soo dhawaada barnaamijka Martida Makrafoonka oo aad xilliyadan oo kale dhageysataan. Waxa soo jeednaya wariyaha VOA ee London Ridwaan Xaaji Cabdiwali.
from VOA http://bit.ly/2StaZSv
via IFTTT
Dhageyso: Caweyska Washington
Ku soo dhawaada barnaamijka Caweyska Washington oo aad xilliyadan oo kale dhageystaaan. Cabdixakiim Maxamuud Shirwac ayaa soo jeedinaya.
from VOA http://bit.ly/2AipGkf
via IFTTT
Dowladda Soomaaliya oo Ku Baxdey Beelo Dagaallamay
Maalmihii u dambeeyay waxey dagaal beeleedyo kala gooni gooni ah oo ay dad badani ku dhinteen kuwo kalena ku dhaawacmeen ay ka socdeen deegaanno ka tirsan xuduudda gobolka Galguduud ee Ethiopia oo dhinaca ah iyo Xuduudda Gobollada Hiiraan Galguduud oo dhinac kale ah.
from VOA http://bit.ly/2StdyEq
via IFTTT
Baarlamaanka Soomaaliya oo ka Doodey Miisaaniyadda 2019
Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta billaabay ka doodidda ansixinta miisaaniyadda dowladda Soomaaliya ay ku shaqeyn doonto 2019.
from VOA http://bit.ly/2AnZO6L
via IFTTT
Dhageyso Barnaamijka Dhacdooyinka Toddobaadka
Ku soo dhawaada barnaamijka Dhacdooyinka Toddobaadka. Waxa soo diyaariyay soona jeedinaya Jamaal Axmed Cismaan.
from VOA http://bit.ly/2ESsN5K
via IFTTT
Doorashada Puntland oo Amarro laga Soo Saaray
War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda Amniga ee Puntland ayaa lagu sheegay in gabi ahaan deegaanada Puntland aysan soo gali karin madaxda dowladda Federalka: sida, wasiirada, agaasimayaasha, saraakiisha ciidamada iyo shaqaalaha madaxtooyada Soomaaliya.
from VOA http://bit.ly/2Vh4WCx
via IFTTT
Dagaal Ka Dhacay Goofgaduud
Saraakiiisha ciidamada Koonfur Galbeed ayaa VOA-da u sheegay in dagaladaasi ay kaga dhinteen sideed ka mid ah askartooda sidoo kalena 14 ka mid ah Maleeshiyada Al-shababna ay ku dileen.
from VOA http://bit.ly/2Q7MYyt
via IFTTT
Friday, December 28, 2018
Faaqidaadda: Doorashada Puntland
Barnaamijka Faaqidaadda Toddobaadka waxa uu ku saabsan yahay waxa hortaagan in Puntland ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah.
from VOA http://bit.ly/2Rj4swE
via IFTTT
Afar qof oo lagu dilay degmada Afgooye
Rag hubeysan ayaa maanta toogasho ku dilay afar qof, degamada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.
from VOA http://bit.ly/2GSzOGu
via IFTTT
Afhayeenkii Daacish-ta Afghanistan oo la dilay
Dowladda Mareykanka ayaa ku warramaysa inay horumnar ka sameysay dadaallada ay ku ciribtirayso kooxda Daacish ee Afghanistan, ayada oo xaqiijisay in afhayeenkii kooxdaas lagu dilay duqeyn uu Mareykanka fuliyey.
from VOA http://bit.ly/2Sv04bj
via IFTTT
Ciidamada Suuriya oo galay Manbij
Mas'uuliyiinta Suuriya ayaa sheegay maanta in ciidamada dowladda ay galeen deegaano muhiim ah oo ka tirsan magaalada waqooyiga bari ee Manbij oo ka tirsan maamulka Xalab.
from VOA http://bit.ly/2CCeKj3
via IFTTT
Thursday, December 27, 2018
Haweenka iyo Qoyska: Ololaha Q.M ee 16-ka Maalmood
Barnaamijka Haweenka iyo Qoyska ee toddobaadkan waxaan ku soo qaadaneynaa ololaha sanadlaha ah ee Qaramada Midoobay ee soconaya 16-ka maalmood ee lagaga horjeedo xadgudubyada jinsiga ku salaysan ee caalamka.
from VOA http://bit.ly/2TcNU6I
via IFTTT
Shabaab oo Dad Ka Afduubtay Cadalle, Guriyana Gubay
Maleeshiyada ururka Al-Shabaab ayaa la sheegay inay shalay gubeen guryo ku yaalla tuulada Ceel Muluq oo u dhow degmada Cadalle ee gobolka Shabeellaha Dhexe, isla markaana ay kaxaysteen dad degaanka deggan.
from VOA http://bit.ly/2RgmTC9
via IFTTT
Aragtida xildhibaanada ee isbeddelka guddiga maaliyadda
Guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Cabdiraxmaan ayaa shalay dib u habeyn ku sameeyay xubnaha guddiga maaliyadda.
from VOA http://bit.ly/2CC7QKH
via IFTTT
Indonesia: Sunaami kale oo laga digay
Saraakiisha Waaxda Tamarta Indonesia ayaa sare u qaaday digniinta ku aadan suurtagalnimada qarax kale oo uu sameeyo foolkaanaha Anak Krakatau, kaasoo todobaadki hore qarax uu sameeyay uu ka dhashay Sunaami dilay dad gaaraya 430. Saraakiisha ayaa sameeyay xeendaab xeebta u jira shan km, si looga fagaado khatar ay suurtagal tahay in ay ka timaado foolkaanaha Anak Krakatau oo la sheegay inuu mar kale ka dhexqarxo biyaha dhexdooda isla markaana sameeyo mowjado Sunaami ah. Khubarrada waxay sheegeen in Sunaamidi Sabtidi hore oo dharbaaxday xeebaha galbeed ee jaziiradaha Java iyo kuwa koofureed Sumatra ay sababeen qarax uu sameeyay foolkaanahaan, iyadoo aanan laga warqabin. Ku dhawaad 5,00 oo ruux ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen, halka ay ku dhaawacmeen 1,500 oo kale halka 20 kun oo ruux ay ku barakaceen Sunaamidi Sabtidi garaacday Indonesia.
from VOA http://bit.ly/2Q0T3wJ
via IFTTT
Biyo la'aan ka jirta qeybo ka mid ah Djibouti
Tan iyo maalintii shaley qeybo badan oo ka mida xaafaddaha magaalada Djibouti ee xarunta dalka Djibouti waxaa ka taagan biyo la'aan saameysay nolosha dadka.
from VOA http://bit.ly/2Sin5y0
via IFTTT
Bandhigga VOA: Taariikhda diblomaasiyadda
Barnaamijka Bandhigga VOA, waxa uu todobaadkan ku saabsan yahay taariikhda diblomaasiyadda iyo sida ay u shaqeyso. Xuseen Barre Aaden ayaa inoo soo diyaariyay halkanna ka soo jeedinaya.
from VOA http://bit.ly/2Ah0sTC
via IFTTT
Suxufiyiinta oo ku biiray shaqo joojinta Sudan
Koox saxafiyiin ah ayaa ku biiray kooxaha ururada bulshada iyo shaqaalaha rayidka ee dalka Sudan ka wada shaqa joojinta ay ku taageerayaan mudaaharaadka looga soo horjeedo dowladda madaxweyne Cumar al-Bashiir.
from VOA http://bit.ly/2SiTqEB
via IFTTT
Ruushka oo cambaareeyey weerarkii Israel ee Suuriya
Ruushka ayaa cambaareeyey duqyemo ay diyaaaradaha dagaalka Israel ka gaysteen meel ku dhow magaalada Dimishiq ee caasimadda dalka Suuriya.
from VOA http://bit.ly/2GJ085x
via IFTTT
Wednesday, December 26, 2018
Faah Faahin Isbadalka Gudiga Dhaqaalaha ee Baarlamaanka
Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa wax ka bedel ku sameeyey xubnihii guddiga dhaqaalaha iyo dabagalka ee baarlamaanka Soomaaliya, ka gadaal markii uu sheegay in ay ku guuldareysteen dhexdhexaadinta khilaafyo yaaley guddiga dhexdiisa.
from VOA http://bit.ly/2BK2fk5
via IFTTT
Dagaal beeleed ka dhacay Galgaduud
Ku dhowaad 10 qof ayaa ku geeriyootay dagaal maanta ka dhacay deegaanka Kaxandhaale ee Gobalka Galgaduud.
from VOA http://bit.ly/2GDtXV1
via IFTTT
Mursal oo isbeddel ku sameeyey guddiga maaliyadda
Guddoomiyaha golaha shacabka Soomaaliya, Maxamed Mursal Cabdiraxmaan ayaa dib u habeyn ku sameeyay xubnaha Guddiga Maaliyadda ee baarlamaanka.
from VOA http://bit.ly/2Skimvx
via IFTTT
Sidee wax looga qaban karaa amni-darrada Muqdisho?
Qaraxyada iyo dilalka qorsheysan ee Muqdisho ka dhaca ayaa ah kuwa soo noqnoqda oo weli xal buuxa loo heli la'yahay.
from VOA http://bit.ly/2EMmbFU
via IFTTT
Dhaqanka iyo Hiddaha, Qeybta 451-aad
Ku soo dhawaada dhageystayaal barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha. Qeybtanna waa tii 451-aad. Axmed Faarax Cali (Idaajaa) ayaa soo jeedinaya.
from VOA http://bit.ly/2EOdMCF
via IFTTT
Kulan tacsi ah oo loo qabtay weriye Cawil Daahir Salaad
Maanta ayaa waxaa magaalada Muqdisho lagu qabtay kullan tacsi ah oo loogu duceeyay Wariye Cawil Daahir Salaad oo ku dhintay qaraxyadii Muqdisho ka dhacay sabtidii.
from VOA http://bit.ly/2EQ3129
via IFTTT
Diyaaradaha Israel oo duqeeyey Suuriya
Wakaaladda wararka Suuriya ee SANA, ayaa sheegtay in habka difaaca gantaallada dalkaas uu iska caabiyey gantaal lagu soo weeraray meel ku dhow magaalada caasimadda ah ee Dimishiq.
from VOA http://bit.ly/2EM9ScG
via IFTTT
Tuesday, December 25, 2018
Warbixin: Hooyo seygeeda iyo walaasheed ku weysay qaraxyadi Muqdisho
Hooyo Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Salaado Nur Xuseen ayaa VOA-da uga warbixisay uurkutaallada ay ku reebeen qaraxyo ka dhacay Muqdisho oo ay ku weysay seygeedii iyo walaasheed.
from VOA http://bit.ly/2s2XnSJ
via IFTTT
Daacish oo sheegatatay qarax ka dhacay Libya
Kooxda Daacish ayaa sheegatay mas'uuliyadda qarax ismiidaamin ahaa oo Talaadadi shalay lala beegsaday xarunta wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Libyan.
from VOA http://bit.ly/2LAzPxs
via IFTTT
Muxuu ka dhigan yahay dagaalka Al-Shabaab iyo Daacish?
Ururka Al-Shabaab ee Soomaaliya ayaa jimcihii tagey ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah maleeshiyada Daacishta Soomaaliya.
from VOA http://bit.ly/2rRNNSn
via IFTTT
Turkey: Cagta ayaan marin doonnaa Kurdish-ka Syria
Turkey ayaa manata sheegtay inay ka go'an tahay in ay cagta mariso ciidamada Kurdish-ka dalka Suuriya.
from VOA http://bit.ly/2LwQPo0
via IFTTT
Xasarado weli ka taagan dalka Sudan
Ururada shaqaalaha ee dalka Sudan iyo kuwa dadka xirfadlaaasha ah ay leeyihiin ayaa ku baaqay shaqo joojin guuod iyagoo ka ashtakoonaya qiimo koror ku dhacay rootiga iyo shidaalka dalkaas.
from VOA http://bit.ly/2rT6IfN
via IFTTT
Minnesota: 60 arday oo qur'aanka ka qalin jebiyey
In ka badan 60 arday oo Soomaali ah oo bartay qur'aanka ayaa ku qalin jebiyey gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka.
from VOA http://bit.ly/2ShFZow
via IFTTT
Trump oo aqbalay casuumadda Erdogan
Sarkaal Turkish ah ayaa sheegay in madaxweyne Donald Trump uu aqbalay casuumadda madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ee ah inuu dalkaas booqdo.
from VOA http://bit.ly/2GNEnlo
via IFTTT
Monday, December 24, 2018
Dibadbaxyo ka socda dalka Sudan
Dalka Sudan waxaa maalintii lixaad ka socda dibad baxyo ay dadku uga soo horjeedaan sara-kac ku yimid qiimaha rootiga iyo shidaalka. Dibad baxayadan oo soo bilowday Arbacadii todobaadkii tagay ayaa sii xoogeystay Axaddii shalay oo ay boqolaal qof xireen qaar ka mid ah wadooyinka caasimadda dalkaasi ee Khartoum. Dhaqaatiirta dalkaas ayaa la filayaa in maanta ay shaqo joojin bilaabaan, iyadoo dadka kale ee shaqooyinka muhimka ah hayaan la filayo inay ku biraan dhamaadka todobaadkan. Xuseen Barre Aaden ayaa warbixintan nooga diyaariyay.
from VOA http://bit.ly/2GE37wc
via IFTTT
Soomaalida Canada oo laga wacyi-gelinayo cudurada dhimirka
Cudurrada dhimirka iyo walbahaarka ayaa ah kuwa ay la noolyihiin dad badan oo ku nool caalamka kuwaasoo qaata dawooyin. Laakiin Soomaalida ayaa lagu sheegaa inay inta badan qarsadaan cudurradan. Magaalada Toronto waxaa laga billaabay wacyigelin la xiriirta sidii dadka Soomaalida ah ee qaba cudurradan aysan u qarsan laheyn. Wariyaha VOA-da ee Kanada Xuseen Nuur Xaaji ayaa warbixintan kasoo diray Toronto.
from VOA http://bit.ly/2EHIpc8
via IFTTT
Muqdisho: Sarkaal Shabaab ahaa oo xukun dil lagu fuliyey
Ninkii ka dambeeyey qaraxyo baabuur oo sanaddii 2017, 26 qof ku dilay islamrkaana 40 kale ku dhaawacay magaalada Muqdisho, ayaa maanta xukun dil ah lagu filiyey, sida uu uu sheegay dacwad oogaha maxkamadda milatariga Soomaaliya.
from VOA http://bit.ly/2Ah4wDf
via IFTTT
Trump: Turkiga ayaa baabi'in doona Daacish
Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump yaa sheegya in Turkey ay tirtiri doonto mintidiinta kooxda Daacish ee ku hara dalka Syria kadib marka milatariga Mareykanka ay kasoo baxaan dalkaas.
from VOA http://bit.ly/2AcZDem
via IFTTT
Saturday, December 22, 2018
Taariikhda Qaar ka mida Dadkii ku Dhintey Qaraxii Muqdisho
Tirada dhimasho iyo dhawac ee dadkii ku dhintey Qaraxyo Mantano ahaa oo daqiiqado kala dambeeyey shaley ayaa korortey magaalda Muqdisho. Ugu yaraan 27 Qof ayaa la sheegay inay ku dhinteen qaraxyadan, 12 kamid ah waxaa ay ahaayeen Ciidamo, dhowr qof oo bulshada ka dhex muuqdey iyo sido kale dad shacab ah. Waxaa kaloo dhaawacyada ay gaareen 40 in ka badan. Haddaba, Wararkii ugu dambeeyey Qaraxyadaas iyo dhowr qof oo ka mid ah dadkii ku dhintey waxey ahaayeenba, waxaa Warbixintan gaar ah nooga diyaarisey Sahra Cabdi Axmed.
from VOA http://bit.ly/2LB87AI
via IFTTT
Dhageyso Barnaamijka Caweyska Washington
Dhageyso Barnaamijka Caweyska Washington, waxaa soo diyaariyay soona jeedinaya Cabdixakim Maxamuud Shirwac.
from VOA http://bit.ly/2Sgn11z
via IFTTT
10 ku Dhimatay Dagaal ka Socda Maxaas
Deegaan hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa lagu soo warramayaa inay wali ka taagan tahay xiisad ka dhalatay dagaal laba maleeshiyo halkaasi shalay ku dhexmaray, kaas oo ay ku dhinteen 10 qof.
from VOA http://bit.ly/2QIgDU9
via IFTTT
Hawlihii D. Maraykanka oo Joogsaday
Hawlihii hay'adaha dawladda Maraykanka qaarkood ayaa maanta oo Sabti joogsaday, kadib markii maamulka Trump iyo Aqalka Congress-ku ay ku heshiin waayeen miisaaniyadda.
from VOA http://bit.ly/2BzLMyH
via IFTTT
Barnaamijka Dhacdooyinka Toddobaadka
Barnaamijka Dhacdooyinka ee toddobaadkan waxaad ku dhageysan doontaan qubanayaal ku saabsan Somalia, waxaana soo jeedinaya wariye Jamaal Axmed Cusmaan
from VOA http://bit.ly/2QIgLDb
via IFTTT
Hambalyada iyo Heesaha
Barnaamijka Hambalyada iyo Heesaha ee toddobaadkan waxaa soo jeedinaya Ibraahim Xasan Maxamuud (Daanduray) iyo Caasha Ibraahim Aadan (Cuud)
from VOA http://bit.ly/2BCwWYp
via IFTTT
20 ku dhimatay Qaraxyo Ka Dhacay Muqdisho
Ugu yaraan 20 qof ayaa ku dhimatay ku dhawaad afartan kalena waa ay ku dhaawacmeen laba qarax oo maanta lala beegsaday agagaarka madaxtooyada Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.
from VOA http://bit.ly/2By0XZb
via IFTTT
Friday, December 21, 2018
Denmark oo Sharciyo ka Soo Saartay Muhaajiriinta
Dalka Denmark ayaa soo saaray sharci cusub oo ku qasbaya dadka qaadanaya dhalashada dalkaasi in maalinta la dhaarinayo ay gacan-qaadaan mas'uuliyiinta guddoonsiinaysa dhalashada.
from VOA http://bit.ly/2LA5mzC
via IFTTT
Turkiga oo Hakiyay Howlgalkiisii Miletari ee Syria
Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa Jimcihii sheegay in waddankiisu uu si ku meel gaar ah u hakin doono howlaha militari ee ka dhanka ah xoogagga Kurdishka ee uu Maraykanku taageero ee jooga woqooyiga bari ee dalka Syria.
from VOA http://bit.ly/2QIagQA
via IFTTT
Faaqidaadda: Isbeddelada Geeska Afrika iyo Ethiopia
Barnaamijka faaqidaadda waxa uu toddobaadkan ka kooban yahay laba qeyb. Qeybta koowaad waxa ay ku saabsan tahay saameynta ay isbeddelada Geeska Afrika ku yeelaan karaan Soomaaliya. Qeybta labaad ee barnaamijkana waxay ku saabsan tahay isbeddelada Ethiopia iyo saameynta gobolka Soomaalida Ethiopia. Barnaamijka waxaa soo Jabuuti kusoo diyaariyey Ramadaan Muuse.
from VOA http://bit.ly/2EIDh8G
via IFTTT
Muuse Biixi iyo Mustaf Cagjar oo kulmay
Waftiyo ay kala hoggaaminayaan madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida Ethiopia Mustafe Muxumed Cumar, ayaa maanta kulan ku yeeshay magaalo-xuduudeedka Wajaale, gaar ahaan dhinaca Somaliland.
from VOA http://bit.ly/2ECOK8K
via IFTTT
Fallanqeyn: Mooshinka buray ee Farmaajo
Baarlamanka Soomaaliya ayaa shalay soo saaray warqad uu ku sheegay in mooshinkii dhawaan laga keenay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu buray, ka dib markii uu buuxin waayay shuruudihii uu sharci ku sii noqon lahaa. Qoraal ka so baxay guddoomiyaha baarlamanka ayaa lagu sheegay in wada hadallo dhowr ah ka dib xildhibaanaddii mooshinka soo gudbiyay ay goosteen inay ka noqdaan mooshinka. Bishii March ee sanadkan ayaa mooshin xil ka qaadis oo sidan oo kale looga soo gudbiyay gudoomiyihii hore ee baarlamanka, waxa uu dhaliyay murran xooggan oo dhinaca sharciyadda ah, kaasoo ku dhamaaday cadaadis xooggan kadib in Jawaari uu xilka iska casilo. Waa markii ugu horeysay ee xukumadda iyo baarlamanka ay dhexdooda ka xalistaan khilaaf heerkan oo kale gaarsiisan. Hadaba maxey uga dhigantahay siyaasadda Soomaliya. Sahra Cabdi Axmed ayaa arrintan ka wareystay, Professor Cabdi Wahaab Sheekh Cabdi Samad oo ka falooda Arrimaha Geeska Africa.
from VOA http://bit.ly/2EHFUav
via IFTTT
Ciidamada Mareykanka ee Afghanistan oo la sheegay in la dhimayo
Dowladda Afghanistan ayaa hoos u dhigtay muhiimadda qorshe la sheegay in lagu dhimayo ciidamada Mareykanka ee dalkaas, ayada oo sheegtay in ciidamada ammaanka Afghanistan ay awoodaan inay dalkooda ilaaliyaan oo ay difaacaan.
from VOA http://bit.ly/2EGQgrd
via IFTTT
Aqalka Wakiilada Mareykanka oo ansixiyey miisaaniyad KMG ah
Aqalka Wakiilada Mareykanka ee ay hogaamiyaan Jamhuuriga ayaa ansixiyey miisaaniyad ku-meel gaar ah oo madaxweyne Trump siineysa shan bilyan oo dollar oo uu u codsaday dhismaha darbiga uu ka dhisayo xuduudda.
from VOA http://bit.ly/2ECCkxO
via IFTTT
Thursday, December 20, 2018
Xog-hayaha Difaaca Mareykanka Jim Mattis oo Is-casiley
Xoghayaha difaaca Mareykanka Jim Mattis ayaa sheegey inuu shaqada ka tagayo bisha February. Madaxweyne Trump ayaa bartiisa Tweeter-ka soo dhigey inuu howl-gab noqonayo Gen. Mattis bisha February ee sanadka dhalanaya.
from VOA http://bit.ly/2QGQlSe
via IFTTT
Mursal oo sheegay in laga laabtay mooshinka Farmaajo
Afhayeenka Baarlamanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa sheegay in mooshinkii xil ka qaadista ee xildhibaanada kasoo gudbiyeen madaxweyne Farmaajo dib looga noqday.
from VOA https://ift.tt/2QJZuJQ
via IFTTT
Bandhigga VOA: Dastuurka Soomaaliya iyo khilaafyada siyaasadeed
Khilaafaadka dhex mara madaxda dowladda ayaa ahaa mid in mudo ahba soo noqnoqonaayey. Khilaafyadaas ayaa ahaa kuwo dowlad walba soo marey laga soo bilaabo tii Cabdiqasim ilaa dowlada hadda jirta ee uu madaxweynaha ka yahay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Khilaafyadaas waxa ay keenaan in waqti badan iyo dhaqaaleba uu ku baxo sidii mid ama laba masuul loo bedeli lahaa oo ka mida dowlada. Dad badan oo wax garad ah ayaa is weydiiya sababta ay usoo noq noqdaan qilaafyadaas waxaana ay qaar badan sabab uga dhigaan iyadoo aysan jirin dastuur kala xadeeya awoodaha mas'uuliyiinta iyo hadii khilaaf yimaado meel loola laabto. Barnaamijkeena Bandhiga VOA waxaan todobaadkan ku eegeynaa dastuurka Soomaaliya, Caqabadaha hortaagan in la dhameystiro iyo saameynta uu ku leeyahay is qabqabsiga madaxda dalka. Falastin Axmed Iiman ayaa noo soo jeedineysa.
from VOA https://ift.tt/2Rcu2Da
via IFTTT
Soomaaliya oo xustay maalinta ciidamada booliska
Ciidanka booliska Soomaaliyeed oo la aas-aasay 20-kii bishii December ee 1943-kii ayaa maanta xusay sanad guuradii 75-aad ee kasoo wareegtay aas-aaskooda.
from VOA https://ift.tt/2V6Mdto
via IFTTT
Howlihii garoonka Gatwick ee London oo hakad galay
Garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Gatwick oo ah kan labaad ee ugu mashquulka badan magaalada London ee dalka UK ayaa hakad la geliyay howlihiisii duulimaadka, kaddib marki la arkay dhowr diyaaradood oo ah kuwa aanan duuliyaha laheyn ee loo yaqaano drone-ka oo dul heehaabaya. Arrintan ayaa dib u dhigtay duulimaadka kumannaan ruux oo meelo kala duwan uga safri lahaa fasaxa ciida masiixiga dartiis. Ciidamo badan oo ka mid ah kuwa booliska ayaa baaraya waxa ay yihiin diyaaradahan. Maareeyaha garoonka Gatwick, Chris Woodroofe ayaa sheegay in muddo 24 saacadood oo kale ay hakad ku jiri doonaan howlaha garoonka, taasoo madax wareer ku ah in ka badan 150 kun oo rakaab ah oo tan iyo Arbacadi shalay ilaa Khamiista maanta ah la filayay in ay ka dhoofaan garoonka. Qaanuunka Britain ayaa qaba inaanan diyaaradaha daroonka loo yaqaano aanan loo soo dhaweyn karin garoomada ay ka duulaan diyaaradaha madaniga masaafo dhan 1 km. Qofki ku xadguba sharcigaan ayaa waxa uu wajahayaa xabsi dhan shan sano. Isha Warka: Reuters
from VOA https://ift.tt/2PRV7qy
via IFTTT
Isku aadka koobka FA Cup-ka Ingiriiska
Waxaa la sameeyay isku aadka wareega semi-fnalka ee koobka FA Cup-ka dalka Ingiriiska, kaddib marki xalay lasoo gaba gabeeyay wareega sideeda kooxood.
from VOA https://ift.tt/2EDEhKZ
via IFTTT
Real Madrid oo Gaartay Finalka CWC
Real Madrid ayaa gaartay finalka Koobka Naadiyada Aduunka, kaddib marki ay 3-1 uga badisay kooxda Kashima Antlers ee dalka Japan.
from VOA https://ift.tt/2EwomgN
via IFTTT
Shiinaha oo xiray haweeney Canadian ah
Dowladda Shiinaha ayaa ku tilmaamay xarig haweeneey u dhalatay dalka Canada oo lagu xiray Shiinaha mid ku yimid sababo la xiriira haweeneydan oo si sharci darro ah uga shaqeyneysay Shiinaha.
from VOA https://ift.tt/2Gxke2K
via IFTTT
Ciidamada Mareykanka oo kasoo baxaya Syria
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa si lama filaan ah ugu dhowaaqay go'aan ciidamada Mareykanka ay uga baxayaan dalka Syria.
from VOA https://ift.tt/2EBBbGN
via IFTTT
Wednesday, December 19, 2018
Kanada oo Wax ka Badashey Habka Warbixinada Amniga
Habka warbixin sanadeedka ay soo saarto Wasaaradda Amniga ee Kanada ee ku aaddan falalka argagixisada ayaa dhaliyey muran badan, ka dib markii dadka aaminsan diimaha ay tilmaameen in ereyada qaar la isticmaalay ay yihiin kuwo iyaga ka dhan ah. Wasaaradda ayaa aqbashey in isbadel lagu sameeyo lagana reebo magacyada la la xariiriyo argagaxisada sida Muslim, Suni, Shiico iyo Sikh. Wariyaha VOA ee Toronto Xussen Nuur Xaaji ayaa warbixintan inoo soo direy.
from VOA https://ift.tt/2A6sIIm
via IFTTT
Xaaladda magaalada Mooyaale oo deggan
Waxaa maanta deggan xaaladda magaalada Mooyaale ee dalka Ethiopia oo maalmihii la soo dhaafay ay dagaallo ay dad badan ku dhinteen ku dhex marayeen Soomaalida iyo Oromada. Deganaanshahan ayaa yimid ka dib markii dowladda federaalka Ethiopia ay magaalada u dirtay ciidamo kala dhex gala dhinacyaddii ku dagaalamayay magaalada. Wariyaha VOA-da Cabdi Xakiim Maxamuud Shirwac ayaa xaaladda magaalada ka wareystay Cabdinuur Maxamed Xuseen, oo horey gudoomiye uga soo noqday magaalada, kuna sugan Mooyaale.
from VOA https://ift.tt/2R7Z0MX
via IFTTT
Bandhigyo dhaqameed lagu qabtay W/Bari Kenya
Toddobaadyadii la soo dhaafay, waxaa magaalooyinka Mandheera iyo Garissa ee Waqooyi Bari Kenya ka socday bandhigyo la xiriira dhaqanka Soomaalida. Bandhigyadan ayaa lagu soo bandhigay ciyaaro iyo agab dhaqanka Soomaaliga la xiriira. Madaxda magaalooyinkaas ayaa sheegay in ay joogteyn doonaan bandhiggan oo kale, isla markaana ay maalgalin dheeraad u sameyn doonaan si loo soo nooleeyo dhaqanka Soomaaliyeed oo dalka Kenya oo muddo aad u fog ay soo bandhigiisa u dambeysa. Wariyaha VOA-da ee Waqooyi Bari Maxamed Faarax Shire ayaa warbixintan inoo haya.
from VOA https://ift.tt/2LpF0QE
via IFTTT
Dhaqanka iyo Hiddaha, Qeybta 450-aad
Ku soo dhawaada dhageystayaal barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha. Qeybtanna waa tii 450-aad. Axmed Faarax Cali (Idaajaa) ayaa soo jeedinaya.
from VOA https://ift.tt/2rIXKl3
via IFTTT
Lafta-gareen oo loo doortay madaxweynaha Koonfur Galbeed
Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa maanta loo doortay inuu noqdo madaxweynaha cusub ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, isaga oo beddelaya Shariif Xasan Sheekh Aadan.
from VOA https://ift.tt/2R9RDEE
via IFTTT
Taliban oo ka hadashay wada-hadallada Mareykanka
Taliban ayaa sheegtay in wada-hadallo socda oo ay la leedahay Mareykanka diiradda lagu saarayo oo kaliya sidii ciidamada ajnabiga looga saari lahaa dalka Afghanistan, islamarkaana wararka arrintaas ku duwan ay yihiin dacaayad.
from VOA https://ift.tt/2UWdMW7
via IFTTT
Tuesday, December 18, 2018
Doorashada K. Galbeed oo Maanta la Filayo
Xaaladda magaalada Baydhabo ayaa deggen, iyada oo la filayo in maanta ay halkaas ka qabsoonto doorashadii xilka madaxweyne ee maamulka K. Galbeed, Somalia.
from VOA https://ift.tt/2UTXYD8
via IFTTT
Haweeneey Yemeniyad ah oo lasiiyay fiisaha Mareykanka
Waaxda Arrimaha dibadda Mareykanka ayaa u ogolaatay dal-ku-galka wadankaan Mareykanka hooyo u dhalatay dalka Yemen oo dooneysa in ay soo booqato wiilkeeda oo labo sano jir ah oo ay dhaqaatiirtu sheegeen inuu qarka u saaranyahay inuu u dhinto xanuunka kansarka maskaxda ku dhaca.
from VOA https://ift.tt/2PNzYxK
via IFTTT
Koongareeska Mareykanka oo ka arrinsanaya dhismaha darbiga
Mudanayaasha Kongareeska Mareykanka ee kala matala xisbiyada Jamhuuriga iyo Dimoqraadiga ayaa isugu soo ururaya xarunta Coongareeska ee Capitol Hill.
from VOA https://ift.tt/2Bs8adk
via IFTTT
Muxuu ka dhigan yahay kulanka Kheyre iyo Mursal ?
Guddoomiyaha baarlamanka iyo Ra'iisul wasaare Xassan Cali Kheyre ayaa ka wada hadlay arrimo dhowr ah oo ku saabsan xiisadda siyaasadeed ee haatan ka taagan Soomaaliya. Haddaba wada-hadalkan bilowday xilli ay siyaasaddu cakiran tahay maxey uga dhigantahay khilaafkii taagnaa. Su'aashaas iyo kuwo kale oo la xiriira ciidmada Mareykanka oo kordhiyay duqeynta Soomaaliya, ayaa Caasha Ibrahim Aaden weydiisay Xuseen Macallin, La-taliyihii hore ee dhinaca amniga ee xukumaddii Xassan Sheekh Maxamuud, haatanna ah madaxa xarunta Hiraal Institute oo ka faalaato amniga iyo afkaaraha xagjirnimada.
from VOA https://ift.tt/2STiUZi
via IFTTT
Kulan dhex maray Kheyre iyo Mursal
Guddoomiyaha baarlamanka iyo Ra'iisul wasaare Xassan Cali Kheyre ayaa ka wada hadlay arrimo dhowr ah oo ku saabsan xiisadda siyaasadeed ee haatan ka taagan Soomaaliya.
from VOA https://ift.tt/2EuqLss
via IFTTT
Puntland: Musharaxiin walaac muujiyey
15 murashax oo ka mid ah murashixiinta u taagan doorashada Madaxweynaha Puntland ayaa walaac ka muujinaya qaabka ay hadda u maamuleyso xukumadda Puntland hanaanka doorashada. Musharaxiintan ayaa ugu baaqay xukuumadda inay ka fogaato wax walba oo xagla daacin kara doorashada. Doorashada Puntland oo lagu wado inay dhacdo 8-da bisha Janaayo ee soo socota ee sanadka 2019-ka, ayaa waaa u taagan in ka badan 30 murashax. Murashixiintan oo shir Jaraa'id ku qabtay Garoowe, waxaa warbixintan nooga soo diray wariyaha VOA-da Nuux Muuse Birjeeb.
from VOA https://ift.tt/2EBUfoP
via IFTTT
Galka Baarista: Maareyn la’aanta qashinka Soomaaliya
Barnaamijka Galka Baarista, waxa aan toddobaakan ku eegeynaa, maareyn la'aanta qashinka Soomaaliya iyo sunta lagu shubo badda. Harun Macruuf ayaa inoo soo diyaariyay halkanna ka soo jeedinaya.
from VOA https://ift.tt/2EueSCx
via IFTTT
Mareykanka oo beeniyey inuu masaafurinayo Gulen
Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa beeniyey in madaxweyne Donald Trump uu ka fakarayo in wadaadka Turkish-ka ee Fethullah Gulen uu u masaafuriyo dalka Turkiga.
from VOA https://ift.tt/2PNT2MF
via IFTTT
Manchester United oo Ceyrisey Mourinho
Manchester United ayaa shaqadii ka erisay maamule Jose Mourinho, kadib laba sano iyo bar oo uu joogay Old Trafford.
from VOA https://ift.tt/2A5NCYe
via IFTTT
Monday, December 17, 2018
Isku-aadka CL ee Wareegga 16-aad oo La Sameeyay
Isku aadka warreegga 16-aad ee koobka Champions Leauge ayaaa la sameeyay maanta. Waxa la ciyaari doonaa lugta koowaad ee kulamada 12-13 iyo 19-20 February, halka is aragga xigana uu noqon doono 5-6 and 12-13 March.
from VOA https://ift.tt/2EBlNuN
via IFTTT
Musharaxiinta Koonfur Galbeed oo khudbado jeediyey
Qaar ka mid ah musharaxiinta xilka madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ayaa maanta magaalada Baydhabo ka jeediyey khudbadahood musharaxnimo. Doorashada madaxweynaha ayaa lagu wadaa inay magaalada ka dhacdo 19-ka bishan December. Khudbadahan ayaa ku soo beegmaya iyadoo aan weli xal laga gaarin xiisado ay dad ku dhinteen oo ka dhashay xarig loo geystay Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansoor oo ka mid ahaa musharaxiinta u taagan xilkan. Weriyaha VOA Mukhtaar Maxamed Catoosh ayaa warbixintan kasoo diray Baydhabo/
from VOA https://ift.tt/2LktdD3
via IFTTT
Xisbiga Wadajir oo sheegay in munaasabad laga hor-istaagay
Qaar ka mid ah waddooyinka magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa maanta xirnaa. Lama yaqaan sababta loo xiray waddooyinka hase yeeshee mas'uuliyiinta Xisbiga Wadajir oo VOA-daa la hadlay ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ee dowladda federaalka ay ka hojoogsadeen munaasabad baroor diiq ah oo ay magaalada ku qabsan lahaayeen. Wariyaha VOA-da Xassan Kaafi Cabdiraxmaan qoyste ayaa warbixintan ka soo diray Muqdisho.
from VOA https://ift.tt/2QASrTB
via IFTTT
AFRICOM: 62 Shabaab ah ayaan duqeymo ku dilnay
Militariga Mareykanka ayaa maanta sheegay in 62 mintidiin Shabaab ah ay ku dileen lix duqeyn oo sabtidii iyo axaddii ay ka fuliyeen deegaanka Gandarshe ee gobolka Shabeellada Hoose.
from VOA https://ift.tt/2EsvfQm
via IFTTT
Shirkii Heritage ee Djibouti oo lasoo geba gebeeyey
Magaalada Djibouti waxaa maanta lagu soo geba gebeeyey Madasha Aragtiwadaagga Soomaalida, oo uu soo qaban-qaabisay machadka daraasaddaka siyaasadda ee Heritage.
from VOA https://ift.tt/2BzmReP
via IFTTT
Sacuudiga oo cambaareeyey qaraarkii Mareykanka
Sacuudi Carabiya ayaa ku gacan seertay qaraarka Aqalka Senate-ka Mareykanka ee ku baaqay in Mareykanka uu soo geba gebeeyo taageerada uu siiyo dagaalka Sacuudiga ee Yemen, islamarkaana dhaxal-sugaha dalkaas ku eedeeyey dilka weriye Jamaal Khaashuqji.
from VOA https://ift.tt/2EBHTwY
via IFTTT
Sunday, December 16, 2018
Muslimiinta Kenya oo Wada Olole Tirokoobka 2019-ka
Gobollada ay u badan yihiin dadka Muslimiinta ah ee dalka Kenya waxa ka socda olole ay siyaasiyinta laga soo doortaa wadaan oo ku aadan sidii ay iskugu diyaarin lahaayeen tirokoob la sheegay in dalka Kenya laga qabanayo sanadka foodda inagu soo haya ee 2019-ka.
from VOA https://ift.tt/2Bp4dpE
via IFTTT
Shirka Heritage oo lagaga Dooday Somaliland
Dalka Djibouti waxaa maalintii labaad ka socda madasha aragtiwadaagga Soomaalida oo ay soo qaban-qaabisay hay'adda Heritage. Kulankii maanta waxaa lagu soo bandhigay dood la xiriirta qadiyadda Somaliland.
from VOA https://ift.tt/2Gi0lg4
via IFTTT
Baydhabo: Murashaxiinta oo Barnaamijkooda soo Gudbiyey
Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed ayaa maanta dhageystay barnaamijka murashaxiinta xilka madaxweyne oo lagu wado inay qabsoonto Arbacada toddobaadka oo ku beegan 19-ka bishan December
from VOA https://ift.tt/2QV0iuF
via IFTTT
Wasiir Geesey oo iska Casilay Golaha Wasiirrada
Wasiirka Howlaha Guud ee dowladda Somalia, Cabdifitaax Geeseey ayaa goor dhawayd ku dhawaaqay inuuu xilkaasi iska casilay, kadib markii sida uu sheegay ay dowladdu faregelin ku sameysay doorashada Koonfur Galbeed, sidoo kalena ay soo xirtay Mukhar Roobow.
from VOA https://ift.tt/2EoQORJ
via IFTTT
Wicitaanka: Prof. Cabdiwahaab Sh. Cabdisamad
Barnaamijka Wicitaanka ee toddobaadkan waxaa marti ku ah Prof. Cabdiwahaab Sh. Cabdisamad oo ka faalooda arrimaha dalalka Geeska Afrika, waxaana uu ka jawaabayaa su'aalaha qaar ka mid ah dhageystayaasha VOA
from VOA https://ift.tt/2EoQwKD
via IFTTT
Djibouti: Garsoore Cabdiqawi iyo Md. Geelle oo Kulmay
Cabdiqawi ayaa madaxweynaha Djibouti uga mahadceliyay doorkii weynaa ee Djibouti ku lahayd doorashadii loogu doortay madaxtinimada maxkamadda cadaallada adduunka.
from VOA https://ift.tt/2EyiXq7
via IFTTT
Saturday, December 15, 2018
Barnaamijka Caweyska Washington
Dhageyso Barnaamijka Caweyska Washington, waxaa soo diyaariyay soona jeedinaya Cabdixakim Maxamuud Shirwac.
from VOA https://ift.tt/2QQLugD
via IFTTT
AMISOM: Lug kuma Lihin Qabashada Roobow
Dhinaca kale, bulshada caalamka ayaa iyaduna war-saxaafadeed ay soo saartay waxaa lagu sheegay in ay ka walaacsan tahay xiisadda ka taagan Koonfur Galbeed, waxayna ku baaqeen in la taageero habka lagu heshiiyay ee doorashada la filayo in halkaasi ay ka dhacdo.
from VOA https://ift.tt/2Qw1oxr
via IFTTT
Barn. Hambalyada iyo Heesaha
Barnaamijka Hambalyada iyo Heesaha ee toddobaadkan waxaa soo jeedinaya Ibraahim Xasan Maxamuud (Daanduray) iyo Caasha Ibraahim Aadan (Cuud)
from VOA https://ift.tt/2BmwQUq
via IFTTT
Djibouti: Shirka Machadka Heritage oo Furmay
Wali waxaa taagan xiisadda ka dhalatay xadhiga Abu-Mansuur. Booliska ayaa lagu soo warramayaa inay dad badan maanta u xidheen qalalaasaha ka socda magaalada darteed. Mas'uuliyiinta maamulka KG ayaa dadka ugu baaqey inay is-dajiyaan.
from VOA https://ift.tt/2GfraBm
via IFTTT
Gudd. Mursal oo ka Hadlay Arrinta Roobow
Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal ayaa shir jaraa'id oo uu qabtay dowladda Somalia ugu baaqay inay sii deyso mukhtar Robow Abu Mansoor, oo uu sheegay in si aan sharciga waafaqsaneyn lagu xiray.
from VOA https://ift.tt/2rBUtE0
via IFTTT
Barnaamijka Dhacdooyinka Toddobaadka
Barnaamijka Dhacdooyinka ee toddobaadkan waxaad ku dhageysan doontaan qoddobo ay ka jiraan qabashadii Mukhtaar Roobow Cali laga soo qabtay magaalada Baydhabo iyo guud ahaa khilaafka u dhexeeya dhinacyada siyaasadda ee Somalia
from VOA https://ift.tt/2rLHhg9
via IFTTT
Friday, December 14, 2018
Nigeria: UNICEF oo Xayiraadda Laga Qaaday
Militariga Nigeria ayaa xayiraaddii ka qaaday dhaq dhaqaaqyada hay'adda UNICEF ee woqooyigga bari ee dalkaasi saacado ka dib markii ay hakisay howlaha hay'adda oo ay ku eedeeyeen inay u basaaseyso falaalada islaamiyiinta ah ee ku sugan gobolka aan dagganayn.
from VOA https://ift.tt/2BnjEif
via IFTTT
Farmaajo iyo Afwerki oo heshiisyo kala saxiixday
War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu sheegay in isaga iyo dhigiisa dalka Eritrea Isaias Afwerki ay ku heshiiyeen in la xoojiyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dal.
from VOA https://ift.tt/2S6fnHe
via IFTTT
Faaqidaadda: Mooshinka laga gudbiyey Farmaajo
Barnaamijka faaqidaadda toddobaadka waxa uu ku saabsan yahay mooshinka ay xildhibaano ka tirsan baarlamanka Soomaaliya ka gudbiyeen madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Waxaa Muqdisho kusoo diyaariyey soona jeedinaya Xasan Kaafi Qoyste.
from VOA https://ift.tt/2ExS4CI
via IFTTT
Dad badan oo ku dhintay dagaal ka socda Mooyaale
Shanti maalmood ee la soo dhaafay waxey dagaallo ka socdeen degmada Mooyaale ee dalka Ethiopia. Dagaaladan ayaa dhex marayay Soomaalida iyo Oromada oo ku dagaalamaya, lahaanshiyaha magaalada. Dagaalka ayaa weli ka socda magaalada oo la isku adeegsanayo rasaas culus. Saddexdii maalmood ee la soo dhaafay dagaaladii dhacay waxaa dhinaca Soomaalidu ay sheegeen inay uga dhinteen 27 qof, 80 dad ku dhowna way ku dhaawacmeen. Laanta afka Oromada ee VOA-da ayaa iyana dhinaca Oromada ka soo warisay in 13 qof ay uga dhinteen dagaalka. Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka maanta magaalada ka socda ayaa Nuur Xassan Nuur uu ka wareystay Cabdiraxmaan Maxamed Cusmaan.
from VOA https://ift.tt/2rBkrHR
via IFTTT
Daacish oo laga wada saaray Syria
Koox la socota arrimaha dalka Syria ayaa sheegtay maanta in dagaal-yahannada Syria ee Mareykanka uu taageero ay la wareegeen gacan ku haynta magaalada kaliya ee kooxda Daacish ay ka haysatay dalka Syria. Kooxda la socoshada arrimaha xuquuqda aadanaha Syria ayaa sheegtay in kadib toddobaad dagaal xooggan iyo duqeymo dhinaca cirka ah ay kooxda Ciidamada dimoqraadiga Syria ee SDF ay Daacish ka saareen magaalada Hajin. Hajin ayaa ka tirsan gobolka Deir Ezzor oo 30 km u jira xuduudda Syria ay la wadaagto dalka Ciraq. 17,000 oo dagaalyahan oo ka kooban isbaheysiga kurdida carabta ah iyo kooxda SDF ayaa ka shaqeeyey sidii Daacish looga saari lahaa magaaladan muhiimka ah, sida uu sheegay Abdel Rahman oo ah madaxa kooxda la socoshada arrimaha xuquuqda aadanaha.
from VOA https://ift.tt/2RZOCEf
via IFTTT
Senate-ka Mareykanka oo diidmo u muujiyey Sacuudiga
Aqalka Senate-ka Mareykanka ayaa diidmo taariikhi ah u muujiyey dalka Sacuudi Carabiya oo muddo fog xulufo la ah Mareykanka, kadib markii uu ansixiyey laba sharci oo ka dhan ah.
from VOA https://ift.tt/2GfoiED
via IFTTT
Xildhibaan ku dhintay rabshado ka dhacay Baydhabo
Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka maamul goboleedka Koonfur Galbeed ayaa ku dhintay laba qof oo rayid ahna dhaawacyo ayaa soo gaaray kaddib mudaharaadyo rabshado wata oo maanta ka billowday magaalada Baydhabo.
from VOA https://ift.tt/2UGN1os
via IFTTT
Thursday, December 13, 2018
Saameynta Xiisadaha Siyaasadeed ee ka Taagan Soomaaliya
Xaalada siyaasadeed ee Soomaaliya ayaa ah mid kacsan maalmihii dhawaa. Maalin walbana waxa ay u muuqataa in ay dhacayaan isbeddelo u muuqda in ay xaaladdu sii fogaaneyso.
from VOA https://ift.tt/2QuyjlT
via IFTTT
Cabdullaahi A. Caddow oo Ka Hadlay Xiisadda Siyaasadeed ee Soomaaliya
Cabdullahi Axmed Caddow oo mar soo noqdey safiirka Soomaaliya ee Mareykanka, mararna soo noqdey musharax madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka waramey khilaafka siyaasadeed ee ka jira Soomaaliya.
from VOA https://ift.tt/2S6djP6
via IFTTT
Wareysi: Gudoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya
Afhayeenka baarlamanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa idaacadda VOA siiyey wareysi dhinacyo badan taabanaya, xilli uu gacanta ku hayo mooshin ka dhan ah madaxweynaha Soomaaliya.
from VOA https://ift.tt/2GcGGxX
via IFTTT
Bandhigga VOA: Saameynta dhaqaale ee musiibooyinka
Ku soo dhawaada barnaamijkii Bandhigga VOA-da oo aan todobaadkan ku eegeyno saameynta dhaqaale ee ay reebaan musiibooyinka dabiiciga ah. Jamaal Axmed Cusmaan ayaa soo diyaariyay halkanna ka soo jeedinaya.
from VOA https://ift.tt/2C9aOGf
via IFTTT
Muxuu ka dhigan yahay xariga Roobow?
War saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya oo lagu faafiyay warbaahinta Dowladda ayaa lagu xaqiijiyey in dowladda ay xirtay Mukhtaar Roobow Abu Mansuur.
from VOA https://ift.tt/2zTL0wf
via IFTTT
Xiisad siyaasadeed oo weli ka taagan Muqdisho
Xaaladda Siyaasaddeed ee dalka ayaan wali deganayn, waxaana uu khilaaf ka dhex jiraa xildhibaanada baarlamanka Soomaaliya.
from VOA https://ift.tt/2PABzan
via IFTTT
Mukhtaar Roobow oo lagu xiray Baydhaba
Wararka ka imanaya magaalada Baydhaba ayaa sheegaya in maanta halkaas lagu xiray Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo ah musharax u taagan xilka madaxweynaha Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.
from VOA https://ift.tt/2rB9w0G
via IFTTT
Madaxweyne Afwerki oo booqasho ku tegay Muqdisho
Madaxweynaha dalka Eritrea Isaias Afwerki ayaa maanta booqasho ku tegay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.
from VOA https://ift.tt/2EjmtEc
via IFTTT
Wednesday, December 12, 2018
Wadahadalada Yemen oo Maanta la soo Gabagabeynayo
Xoghayaha Guud ee QM Antonio Guterres ayaa ka qeyb galaya wadahadalada maanta ee magaalada Stockholm si uu labada dhinac ugu dhiiri galiyo in ay meeshii la gaaray horay looga sii socdo.
from VOA https://ift.tt/2GevPna
via IFTTT
Theresa May oo Xilka sii Haynaysa
May ayaa Arbacadii shalay heshay 200 oo ogolaatay iyo 117 diiday codadkii xisbigeeda Conservative-ka, arrintaas oo ka badbaadisay codkii dhinaca kalsoonida ahaa ee loo qaaday
from VOA https://ift.tt/2Bgsj69
via IFTTT
Mursal "Mooshinka Farmaajo weli waa taagan yahay"
Guddoomiyaha baarlamanka Soomaaliya Maxamed Mursal Cabdiraxmaan ayaa sheegay in mooshinka laga gudbiyey madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu weli taagan yahay. (Dhageyso wareysi ku saabsan arrintan)
from VOA https://ift.tt/2UFlEuR
via IFTTT
Xiisad siyaasadeed oo weli ka taagan Muqdisho
Maalintii afaraad ayaa waxaa oogan xiisadda siyaasadeed ee ka dhalatay mooshin xil ka qaadis madaxweyne oo qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamanka federaalka Soomaaliya ay u gudbiyeen gudoomiyaha baarlamanka Maxamed Mursal.
from VOA https://ift.tt/2SHUjGJ
via IFTTT
Canada oo muhaajiriin badan qaabileysa
Dowladda Canada ayaa dhawaan sheegtay in ay kordhin doonto tirada dadka ay qaabisho ee soogalootiga ah. Laakiin waxaa jira cabasho ka imaaneysa dad ku sugan gudaha dalkaas oo wali aanan la aqbalin, walow dowladdu ay ku doodeyso in dhibaatooyinka jira oo dhan aan mar qura la wada xallin karin. Wariyaha VOA-da ee Canada Xuseen Nuur Xaaji ayaa warbixintan kasoo diray magaalada Toronto.
from VOA https://ift.tt/2QUEL5r
via IFTTT
Dhaqanka iyo Hiddaha, Qeybta 449-aad
Ku soo dhawaada dhageystayaal barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha. Qeybtanna waa tii 449-aad. Axmed Faarax Cali (Idaajaa) ayaa soo jeedinaya.
from VOA https://ift.tt/2EkAIIX
via IFTTT
Trump: Walaac kama qabo in xilka la iga qaado
Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa u sheegey wakaaladda wararka ee Reuters in uusan walaac ka qabin fikradaha sheegaya in kalsoonida lagala noqon doono oo xilka laga eryi doono.
from VOA https://ift.tt/2SKJhkb
via IFTTT
Tuesday, December 11, 2018
IMF: Dhaqaalaha Somalia Wuu Kobcayaa
Hay'adda ayaa sheegtay in ay saadaalinayso in waxsoosaarka gudaha ee dalku uu gaarayo 3.1%m meesha uu sanadkii hore ee 2017 ka ahaa 2.3%. Warbixinta hay'adda ayaa intaas ku dartay in dhoofinta muuska iyo maxsuulka masagada ee beeraha ka soo go'aa ay kaalin ka geysteen dhaqaalaha soo hagaagaya.
from VOA https://ift.tt/2UCk5hi
via IFTTT
Meng Wanzhou oo dammaanad lagu daayay
Xaakim u dhashay dalka Canada ayaa Talaadadi shalay damaanad kusii daayay, Meng Wanzhou oo ah madaxa fulinta ee Shirkadda Huawei oo ah tan ugu weyn ee shirkadaha soo saara qalabka tiknoolojiyadda iyo is-gaarsiinta ee dalka Shiinaha.
from VOA https://ift.tt/2C5FwAk
via IFTTT
France: Weerar ay Afar Qof ku Dhinteen
Booliiska Faransiiska ayaa baadi goob ugu jira nin habeenkii xalay ahaa rasaas ku furay meel u dhow suuq waxyaabaha ciidda masiixiga la xiriira lagu iibiyo oo ku yaalla magaalada Strasbourg. Weerarka ayaa waxaa ku dhintay 4 qof, 11 kalena way ku dhaawacmeen.
from VOA https://ift.tt/2SGHBYC
via IFTTT
Dad ku dhintay dibadbax ka dhacay Baydhabo
Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in dad ay ku dhinteen iska horimaad dhex maray ciidamada booliska iyo dad dibad bax ay ku taageerayaan gudoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya Maxamed Mursal ka oogayay magaalada.
from VOA https://ift.tt/2zRVL2i
via IFTTT
Wararkii ugu dambeeyey mooshinka Farmaajo
Magaalada Muqdisho waxaa weli ka oogan murankii ka dhashay mooshin xil ka qaadis oo ay qaar ka mid ah xildhbaanada baarlamanka Soomaaliya ka gudbiyeen madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
from VOA https://ift.tt/2PwTIpw
via IFTTT
Trump oo lacag u raadinaya dhismaha darbiga xuduudda
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa maanta la kulmi doona hogaamiyayaasha xisbiga dimoqraadiga, isaga oo dadaalkii ugu dambeeyey u sameynaya inuu maal-gelin u helo darbiga uu doonayo in laga dhiso xuduudda Mexico.
from VOA https://ift.tt/2C3kNx1
via IFTTT
Monday, December 10, 2018
Barnaamij gaar ah: Qoraalkii farta Af-Soomaaliga
1972-dii waxa ay ku asteysan tahay sanadkii la qorey farta afka Soomaaliga ee xaruufaha laatiinka loo isticmaalo. Dadaal dheer oo mudo soo socdey ka dib ayey dowladii xilligaas jirtay ku go'aamisay in la qaatey fartan xarfaha laatiinka ah ee aynu maanta isticmaalno. Hasa ahaatee, dowladii fuliysay qaadashada fartan iyo guddigii afka Soomaaliga midkoodna ma sheegin qofki ama kooxdii ku qaabeysay afkeena hooyo farta laatiinka. Waxa qorey Shire Jaamac Axmed iyo ma qorin ee guddiga ayaa wadajir u sameeyey ayaa u xoog badnaa doodda. Balse daarasad cusub ayaa faah faahin intaas ka dheer soo bandhigtey. Warbixin sadex qaybood ah oo aan ku eegeyno daraasadda iyo labo sulaal oo ka mid ah mirihi qodobadii ka dhashey, waxaa qaybti koowaad noo hayo Jaamac Buulle Jaamac, ayada oo qeybaha kalena aad maqli doontaan berri iyo berri dambe.
from VOA https://ift.tt/2RLLOKE
via IFTTT
Muxuu ku dhigan yahay mooshinka Farmaajo?
Mooshinka laga gudbiyey madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa mar kale soo cusbooneysiiyey dhaqankii siyaasadda Soomaaliya.
from VOA https://ift.tt/2EbfVr2
via IFTTT
Xiisad siyaasadeed oo ka taagan Muqdisho
Xildhibaanno ka tirsan baarlamanka Soomaaliya ayaa mooshin xil ka qaadis madaxweyne u gudbiyay gudoomiyaha baarlamanka, kaasi oo isna uu ka gufdoomay.
from VOA https://ift.tt/2Elll3L
via IFTTT
Xuutiyiinta oo diyaar ah wada-hadallo dheeraad ah
Afhayeen u hadlay kooxda mucaaradka Xuutiyiinta Yemen ayaa sheeegey inay wada hadallo dheeeraad ah la furi doonaan dowladda Yemen, haddii wada hadallada nabadeed ee hadda labada dhinac uga socda Sweden ay guuleystaan. Maxamed Abdelsalam ayaa yiri"Haddii wada hadalladan ay horumar sameeyaan, oo la gaaro horumar lagu dhisayo kalsooni, waxan sameyn karnaa wada hadal dheeraad ah bilaha soo socota." Qaar ka mid ah qodobbada ay dhinacyadu ka wada hadlayaan ayaa waxa ka mid ah inay is weydaarsadaan maxaabiis islamarkaana dib loo furo dekadda Sanca.
from VOA https://ift.tt/2Ux5NyA
via IFTTT
Sacuudiga oo diiday codsi uga yimid Turkiga
Wasiirka arrimaha dibadda Sacuudiga Adel al-Jubeir ayaa gaashaanka ku dhuftay codsi ay dowladda Turkiga Sacuudiga uga dalbatay in ay ugu soo gacan geliso laba sarkaal oo ka mid ah raga looga shakisan yahay in ay ka danbeeyaan dilka wariye Jamal Khashoggi.
from VOA https://ift.tt/2B6lEep
via IFTTT
Sunday, December 9, 2018
Mooshinka iyo Dhaliisha Labada ku Xigeen Midkeebaa Sax ah?
Sidii aad shaley ku maqasheen idaacadayadi fiidnimo intiini dhageystay, xildhibaano ka tirsan baarlamaanka federaalka ah ayaa gudbiyey mooshin ka dhan ah madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed, Farmaajo. Gudoomiyaha gollaha shacabka ee federaalka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdirixmaan ayaa gudoomey mooshinkan ka dib marki la sheegay in uu buuxshey shuruudihi looga baahnaa. Hasa ahaatee, waxa shir-jaraaid qabtey labadiisa ku xigeen oo sheegay in uusan mooshinkaasi ansax ahayn. Jaamac Buulle Jaamac ayaa warbixintan ku eegaya.
from VOA https://ift.tt/2EkxXrT
via IFTTT
Howlgal Lagu Dilay Maleeshiyada al-Sbabaab
Lix ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab ayaa lagu dilay hawlgal xalay ka dhacay degaanka Basra oo u dhow magaalada BALCAD, sida ay sheegtay hay'adda nabadsugidda Soomaaliya.
from VOA https://ift.tt/2L6Xkhp
via IFTTT
Madaxweyne Farmaajo oo Moshin laga Gudbiyay
Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay inay guddoonka u gudbiyeen mooshin ka dhan ah madaxweynaha Soomaaliya oo ay ku eedeeyeen inuu ka kacay qiyaano-qaran, isla markaana uu ku xadgudbay dasuurka qaranka.
from VOA https://ift.tt/2E7waVU
via IFTTT
Madaxda Sare ee Gaashaandhigga Somalia oo Kulmay
Kulanka ayaa yimid ka dib dilkii dhowaan loo geestay laba Generaal oo ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka ahaana taliyihii iyo abaanduulihii 12 April Jenerala Cuamr Dheere iyo Jeneraal Cabdi Cali Jamaame.
from VOA https://ift.tt/2zOICqQ
via IFTTT
Maalinta Musuq-maasuqa Dunida
Maanta oo dunida lagu xusay maalinta la dagaalanka musuq-maasuqa ayaa waxay ku soo beegmaysaa, iyada oo dowaldda Soomaaliya ayaamuddooyinkii dambe sheegeesay in ay la dagaaleeso Musuq Maasuqa waxaana loo xiray Wasiir ku xigeen iyo agaasimayaal dowladda ka tirsan.
from VOA https://ift.tt/2B0cU9M
via IFTTT
Heshii laga Gaaray Colaadda Taleex
Colaad in muddo ah ka jirtay Degmada Taleex ee Gobolka sool ayaa shalay la soo afjaray. Nabadaynta ayaa la sheegay inay hoggaaminayeen odayaasha dhaqanka, kuwaaso oo dhinacyada colaaddu dhexmartay ku dhexdhexaadiyey inay nabad qaataan, isla markaana mag laga bixiyo dadkii la kala dilay.
from VOA https://ift.tt/2UonhNs
via IFTTT
Carwo Ganacsi oo laga Furay Hargeysa
Carwadan ganacsi oo lagu soo bandhigay waxsoosaarka dalka gudihiisa, ganacsiyada dibedda laga keeno iyo sidoo kale halabuurka ganacsi ee kale ayaa maanta laga furay Hargeysa.
from VOA https://ift.tt/2E8ZeMR
via IFTTT
Wicitaanka: Dr. Sacad Muuse Cumar
Barnaamijka Wicitaanka ee toddobaadkani waxa uu ku saabsan yahay xanuunada dhimirka iyo sida lagu aqoonsado, waxaana barnaamijka marti ku ah Dr. Sacad Muuse Cumar oo bartay cilmi nafsiga. Isaga oo ku sugan magaalada Hargeysa ayuu ka jawaabayaa su'aalaha dhageystayaasha VOA
from VOA https://ift.tt/2ElJ0Rq
via IFTTT
Fadeexad Hareeysay Kubadda Cagta Afhganstan
Xeer ilaaliyaha guud ee dalka Afghanistan ayaa shaqada ka joojiyay shan xubin oo ka tirsan Xiriirka Kubadda Cagta Afghanstan, kaddib marki lagu eedeeyay falal anshax-xumo ah oo ka dhan qaar ka mid ah ciyaartooyda gabdhaha xulka qaranka ee dalkaasi.
from VOA https://ift.tt/2rrbpNB
via IFTTT
Jilaa iyo Saxafi Turkish ah oo wajahaya xarig
Dacwad-oogayaasha Turkiga ayaa amray in lasoo xiro shakhsiyaad magac ku leh bulshada dhexdeeda kuwaas oo lala xiriirinayo in ay lug weyn ku lahaayeen bannaanbaxyo rabshado watay oo Turkiga ka dhacay sannadki 2013-ki.
from VOA https://ift.tt/2G37654
via IFTTT
Saturday, December 8, 2018
Barnaamijka Caweyska Washington
Dhageyso Barnaamijka Caweyska Washington, waxaa soo diyaariyay soona jeedinaya Cabdixakim Maxamuud Shirwac.
from VOA https://ift.tt/2QlK4LB
via IFTTT
Guddoomiye Mursal: Guddiga Maaliyaddu Wuu sii Shaqeynayaa
War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa Guddiga Maaliyadda ee Baarlamaanka lagu faray inay shaqadooda dib u bilaabaan, isla markaana ay soo dhameystiraan xisaab xirka 2017-ka iyo miisaaniyadda 2019-ka ka hor sanadka cusub.
from VOA https://ift.tt/2PscmyL
via IFTTT
Barnaamijka Dhacdooyinka Toddobaadka
Barnaamijka Dhacdooyinka ee toddobaadkan waxaan ku dhageysan doontaan qubanayaal kala duwan oo ku saabsan siyaasadda Somalia, waxaana soo jeedinaya Jamaal Axmed Cusmaan
from VOA https://ift.tt/2RKpCRl
via IFTTT
Barn. Hambalyada iyo Heesaha
Barnaamijka Hambalyada iyo Heesaha ee toddobaadkan waxaa soo jeedinaya Ibraahim Xasan Maxamuud (Daanduray) iyo Caasha Ibraahim Aadan (Cuud)
from VOA https://ift.tt/2QkeAW7
via IFTTT
Friday, December 7, 2018
Wareysi: Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland
Wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho ku jooga Maraykanka ayaa VOA uga warramay ujeedada safarkooda.
from VOA https://ift.tt/2PrbtGq
via IFTTT
Faaqidaadda: Khilaafka Gaas iyo Camey
Barnaamijkii Faaqidaadda Todobaadka waxa aan maanta ku eegeynaa khilaafka siyaasadeed ee maamulka Puntland ee u dhaxeeya madaxweyne Gaas iyo madaxweyne ku xigeenka.
from VOA https://ift.tt/2L2c2WF
via IFTTT
Shir ku saabsan tahriibka oo lagu qabtay Jabuuti
Magaalada Djibouti waxa maanta si rasmi ah loogu soo gaba gabeeyey shir heer wasiir ah oo si gaar ah culeyska loogu saarayay wax ka qabashada arrimaha tahriibka.
from VOA https://ift.tt/2L0OkdD
via IFTTT
Xuutiyiinta oo go'aan ka gaaraya wada-hadallada Yemen
Mucaaradka Yemen ee Xuutiyiinta ayaa sheegay inay maanta go'aan ka gaari doonaan haddii dowladda dalkaas ay daacad ka tahay wada-hadallada nabadda.
from VOA https://ift.tt/2PoLdg3
via IFTTT
Trump oo Nauert u magacaabaya danjiraha QM
Madaxweyne Donald Trump ayaa maanta afhayeenka Waaxda Arrimaha Dibedda Heather Nauert u magacabi doono inay noqoto danjiraha Mareykanka ee QM, sida ay weriyeen wakaaladaha wararka Mareykanka.
from VOA https://ift.tt/2QiNuyN
via IFTTT
Thursday, December 6, 2018
Somali K/cagta Mareykanka Xiggid Ku Noqday
Wiil Soomaali-Mareykan ah ayaa caan ku noqday ciyaaraha Mareykanka loogu jecelyahay ee American Football-ka
from VOA https://ift.tt/2EiR85o
via IFTTT
George H.W. Bush oo la aasay
Madaxweynaihii hore ee Maraykanka George H.W. Bush ayaa xalay fiidkii lagu aasay Gobolka Texas kadib markii toddobaad xflado duco ah loo sameeyey dalkan. George Bush waxa lagu garab aasay xaaskiisii Barbara Bush oo ay is qabeen 73 sano, waxaana ka hor inta aan la aasin Gobolka Texas loogu sameyeey xaflad maamuus ah., kadibna tareen ayaa loogu qaaday magaalada College Station oo ay ku taallo jaamacadda Texas & AM oo uu ku yaallo maktabkiisa. Markii la aasasyey ayaa waxaa lagu sagootiyey salaam ay bixiyeen 21-diyaaradood oo kuwa dagaalka ah, maadaama Bush uu ahaan jiray duuliye diyaaradaha dagaalka. Waxaa kale oo loo riday 21 madfac. Xafladda ugu dambaysa ee duugtiisa waxaa loo oggolaaday oo keliya eheladiisaa iyadoo laga leexiyey dhammaan kaaramaradaha telefiishannada. Haaruun Macruuf ayaa warbixintan noo diyaariyey.
from VOA https://ift.tt/2SyZZmm
via IFTTT
Bandhigga VOA: Qeybaha uu gargaarka u kala baxo
Barnaamijkii Bandhigga VOA, waxaan toddobaadkan ku eegeynaa gargaarka iyo qeybaha uu u kala baxo.
from VOA https://ift.tt/2Qk8pkP
via IFTTT
George H. W. Bush oo maanta la aasayo
Madaxweynihi 41-aad ee Mareykanka George Herbert Walker Bush ayaa maanta lagu wadaa in lagu aaso magaalada uu ku dhashay ee Houston ee gobolka Texas. Diyaarad gaar ah ayaa xalay meydka George H. W. Bush geysay magaalada Houston, kaddib marki xus qaran loogu sameeyay shalay kaniisadda National Cathedral ee magaaladan Washington. Madaxweynayaasha nool ee Mareykanka, saraakiil milatari iyo dad magac ku leh Mareykanka iyo dunida ayaa ka qeybgalay tacsida qaran ee shalay loo sameeyay Bush. Tacsi gaar ah oo ay ka qeybgali doonaan qoyskiisa ayaa sidoo kale madaxweyne Bush loogu sameyn doonaa magaaladi uu kasoo jeeday ee Houston. Tareen si gaar ah loogu sameeyay Gorgre W.H. Bush ayaa geyn doono qabriga lagu aasi doono oo ku dhex yaalla maktabadda uu ku leeyahay jaamacadda A&M University. Waxaa lagu dhinac duugi doonaa xaaskiisa Barbara oo iyaduna geeriyootay horraanti sannadkaan, iyo gabadhiisa Robin oo geeriyootay iyada oo aad u da'yar.
from VOA https://ift.tt/2KXA5pL
via IFTTT
Qarax is-miidaamin ah oo ka dhacay Iran
Ugu yaraan saddex qof ayaa lagu dilay, 24 kalena waa ay ku dhaawacmen qarax is-miidaamin baabuur ah oo lagu qaaday xarunta booliska magaalo xeebeedka Chabahar ee koonfurta bari ee dalka Iran.
from VOA https://ift.tt/2KXLw0E
via IFTTT
Wednesday, December 5, 2018
Angola: Soomaali ka Cabaneysa Sharci La'aan
Angola ayaa markii hore dadka waxaa sharciyada lagu siinayey hanaanka qaxootiga, laakiinse dowlada Angola oo hadda soo galootiga Soomaalida ay ka mid tahay ku wargalisey in loo baahanyahay in baasaboor sharci lagu siiyo.
from VOA https://ift.tt/2rpFgFT
via IFTTT
Qeybaha Yemen oo ku Wada Hadlaya Sweden
Dhinacyada ku loolamaya dagaalka ka socda dalka Yemen ayaa isu diyaarinaya inay wadahadal ku yeeshaan dalka Sweden, hase yeeshee, dad tiro yar oo reer Yemen ayaa ka rajo qaba in xal taabba-gal ah laga gaaro dagaalkan oo hadda afar sano ku dhow.
from VOA https://ift.tt/2QAWX3G
via IFTTT
USA: Dayuurado Ciidan oo Isku Dhacay
Ugu yaraan hal askari oo marines-ka ka tirsan ayaa waxa soo badbaadiyey ciidanka difaaca nafta ee Japan, iyada oo labada dayuuradood oo hawada isku duqeeyey ay midkood saarnaayeen 3 qof halka ta kalena ay labo saarnaayeen.
from VOA https://ift.tt/2E4ExBy
via IFTTT
Mareykanka oo maanta looga baroor-diiqayo Bush
Baroor-diiq qaran ayaa maanta ka dhacaysa dalkan Maraykanka taasi oo loo qabanayo madaxweynihii hore ee dalkan George H. W. Bush oo geeriyooday Jimcihii lasoo dhaafay.
from VOA https://ift.tt/2RBp2VU
via IFTTT
Ciidamo howl-gal ka fuliyey Sh/Hoose
Ciidamda dawlada Soomaaliya oo kaashanaya ciidamo ajaanib ah ayaa saaka subaxnimadii hore weerar ku qaaday goob ay Al-Shabaab cashuuro ku qaadayeen oo ku taala degmada Awdheegle oo ka tirsan Shabeelaha Hoose.
from VOA https://ift.tt/2QdG1B4
via IFTTT
Shirweyne u furmay haweenka Somaliland
Dhawaanahan waxa Somaliland ka taagnaa tabashooyin ay haweenku ka qabaan tirada xilalka ay qaybaha dawladda ka hayaan iyo sidoo kale caqabado ka haysta ka-qaybgalka doorashooyinka. Shirweyne ay soo abaabuleen haweenku oo ay ka qaybgaleen boqollaal dumar ah ayaa maanta lagu qabtay Hargeysa. Shirweynahan ayaa sidoo kale waxa ka qaybgalay masuuliyiin dawladda ka tirsan, waxaana furay madaxweyne Muuse Biixi. Weriyaha VOA Barkhad Maxamuud Kaariye ayaa warbixintan ka soo direy Hargeysa.
from VOA https://ift.tt/2RGs5w8
via IFTTT
Dhaqanka iyo Hiddaha, Qeybta 448-aad
Ku soo dhawaada dhageystayaal barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha. Qeybtanna waa tii 448-aad. Axmed Faarax Cali (Idaajaa) ayaa soo jeedinaya.
from VOA https://ift.tt/2QaKCnr
via IFTTT
Mareykanka oo joogitaan diblomaasiyeed dib uga billaabay Somalia
Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in markii ugu horreysay muddo 27 sano ah ay "joogitaan diblomaasiyeed oo joogta ah" dib uga aas-aastay Soomaaliya.
from VOA https://ift.tt/2SveiIu
via IFTTT
Tuesday, December 4, 2018
Senetka Mareykanka oo Rumeysan in MBS uu khaarijiyay Kashikji
Senetarro maqam ku leh Koongareeska Mareykanka ayaa Talaadadi shalay sheegay in ay jiraan daliilo cad oo muujinaya in dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga Mohammed bin Salman uu ka danbeeyay dilki magaalada Istanbul loogu geystay wariye Jamal Kashikji.
from VOA https://ift.tt/2zJDEeW
via IFTTT
Flynn oo si Wanaagsan ula Shaqeynaya Mueller
Dacwad-oogayaasha ayaa sheegay in wax xabsi ah aanu gali doonin, sida lagu xusay warqadihii maxkamadda ee Talaadadii shalay, iyada oo wadashaqeyntiisa lagu sheegay mid aad weyn.
from VOA https://ift.tt/2BSUXM9
via IFTTT
Muqdisho: Suxufi lagu dhaawacay qarax
Mid ka mid ah suxufiyiinta magaalada Muqdisho ayaa dhaawac culus uu kasoo gaaray qarax loogu xiray baabuurkiisa oo ka dhacay degmada Waaberi maanta.
from VOA https://ift.tt/2riT5WL
via IFTTT
Galka Baarista: Amisom oo beenisay eedo la xiriira xadgudubyo galmo
Sarkaal ka tirsan xafiiska QM ee UNSOS ayaa Amisom ku eedeysay inay xadgudubyo galmo ka gaysato xerada OPD oo ku dhex-taalla xarunta Xalane ee Muqdisho.
from VOA https://ift.tt/2PjJRTC
via IFTTT
Dagaal dhex-maray Macawisleyda iyo Shabaab
24-kii saac ee la soo dhaafay ayaa deegaan ka tirsan gobolka Sh/Dhexe waxaa ku dagaalmayey aleeshiyo ka tirsan ururka Al-Shabaab iyo maleeshiyo deegaanka ah oo loo yaqaan Macawisleey.
from VOA https://ift.tt/2ARMN4T
via IFTTT
Camey iyo Gaas oo isku khilaafay guddiyo
Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdixakiim Xaaji Cumar Camey ayaa qoraal uu soo saaray ku magacaabay guddiga xalinta khilaafaadka soo xulista xubnaha Barlamaanka Puntland.
from VOA https://ift.tt/2Uf3pMT
via IFTTT
Doon sidda dad Rohingya ah oo gaartay Indonesia
Doon sidda 20 nin oo la rumeysan yahay inay yihiin muslimiinta Rohingya ayaa kusoo xiratay jasiiradda Sumatra ee dalka Indonesia, taasi oo ah qeybtii ugu dambeysay mowjado dad ah oo ka baxsanaya xadgudubyada loogu gaysanayo Myanmar.
from VOA https://ift.tt/2BP4CTV
via IFTTT
Monday, December 3, 2018
Somaliland oo Keydka Shinida Beeraha laga Hirgaliyey.
Somaliland ayaa laga hirgaliyey xarunta keydka shinnida beeraha halkaasi oo lagu uruurinayo noocyada kala duwan ee siidhka la beero
from VOA https://ift.tt/2E3Bj1x
via IFTTT
Puntland: Muran ka taagan Guddida Xalinta Khilaafaadka xubnaha Baarlamaanka.
Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdixakiim Xaaji Cumar Camey ayaa qoraal uu soo saaray ku magacaabay guddida xalinta khilaafaadka soo xulista xubnaha Barlamaanka Puntland
from VOA https://ift.tt/2AMDJhJ
via IFTTT
Nin u dhaqaaqa dadka qaba AIDS-ka oo lagu dilay Muqdisho
Mid ka mid ah dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda dadka qaba xanuunka HIV-AIDS ayaa lagu toogtay galabta magaalada Muqdisho.
from VOA https://ift.tt/2Rv6Hd1
via IFTTT
Maxkamad go'aan ka gaartay weriye la xiriiray Shirdoon
Maxkamad ku taalla dalka Kanada ayaa ku xukuntay wariye lagu magacaabo Ben Makuch inuu xog uu ka hayo wiil Soomaali-Kanadiyan ah lagu magacaabo Faarax Maxamed Shirdoon oo la sheegay inuu ka tirsan yahay ISIS uu la wadaago laamaha amniga. Warbaahinta Kanada ayaa sheegtay in xukunka maxkamadda uu yahay mid ka hor imaanaya xoriyadda saxaafadda. Faarax Maxamed Shirdoon ayaa deggenaa magaalada Calgary ee dalka Kanada, waxaana warar soo baxay sannadkii hore ay sheegeen inuu ku dhintay dalka Siiriya inkastoo ehelkiisu aysan taas si madaxbannaan u xaqiijin. Haddaba Professor Xuseen Warsame oo bare ka ah jaamacadda Calgary ayaa rumeysan in arrinkan ay saameyn ku yeelan karto Soomaalida.
from VOA https://ift.tt/2FXdXNz
via IFTTT
Duqeyn ka dhacday gobolka Hiiraan
Duqaymo ay fuliyeen diyaarado aan la garaneyn ayaa la sheegayaa inay maanta ka dhaceen Gobolka Hiiraan.
from VOA https://ift.tt/2BOW6UR
via IFTTT
Sarkaal ka tirsanaa nabad-sugidda oo lagu dilay Beled Xaawo
Sarkaal ka tirsan ciidamada nabad-sugidda ee magaalada Beled Xaawo ayaa xalay ku dhintay iska horimaad ka dhacay magaalada oo dhexmaray ciidanka iyo maleeshiyada Al-Shabaab.
from VOA https://ift.tt/2KROOma
via IFTTT
Qatar oo ka baxeysa ururka OPEC
Qatar ayaa maanta sheegtay inay ka baxeyso ururka dalalka saliidda dhoofiya ee OPEC laga billaabi bisha Janaayo ee sanadda 2019, si ay diiradda u saarto dhoofinta gaaska dabiiciga ah ee la qafiifiyey (LNG).
from VOA https://ift.tt/2Ruq5XB
via IFTTT
Trump oo doonaya inuu wada-hadal la galo Taliban
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa warqad uu u diray ra'iisul wasaaraha Pakistan Imran Khan waxa uu kaga codsaday in Islamabad ay kala shaqeyso sidii kooxda Taliban loo keeni lahaa miiska wada-xaajoodka.
from VOA https://ift.tt/2QwNIS2
via IFTTT
Sunday, December 2, 2018
Washington oo ay Qabanqaabada Aaska Madaxweyne Bush ka Socoto
Magaaladan Washington ayaa maanta isu diyaarinaysa qaabilaadda maydka madaxweynihii hore ee Maraykanka, George H.W. Bush oo laga soo qaadayo gobolka Texas, si loogu aaso caasimadda Washington DC, maalinta Arbacada ee soo socota. Warbixin ka hadlaysa taariikh nololeedkii madaxweyne George H.W. Bush, waxyaabaha lagu xusuusan doono iyo geedi socodkiisii siyaasadeed waxa inoo diyaarisay, Sahra Ciidle Nuur.
from VOA https://ift.tt/2E9RRFF
via IFTTT
Kaaliyaha Xog. A. Dibadda Mareykanka ee Afrika oo Jabuuti Booqdey
Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka u qaabilsan Afrika Tibor P. Nagy oo ku jira safar uu ku marayo waddamo ka tirsan qaaradda Afrika ayaa ku sugan dalka Jabuuti.
from VOA https://ift.tt/2DXaDzd
via IFTTT
Muqdisho: Qarax ka Dhacay Isgoyska Sayidka
Qaraxan ayaa la aamisan yahay inuu ka dhashay baabuur lagu hoos qariyey walxaha qarxa, waxaana la sheegay inuu ku dhintay qofkii waday, laba kalena ay ku dhaawacmeen.
from VOA https://ift.tt/2riqaSw
via IFTTT
Madaxda ONLF oo Jigjiga Tagey
Wafdiga Admiral Maxamed Cumar Cusmaan iyo hoggaanka jabhadda ONLF ayaa si weyn loogu soo dhoweeyey magaalada, waxaana ay ka qaybgaleen isku soo bax ka dhacay garoon ku yaalla Jigjiga.
from VOA https://ift.tt/2U1kTvU
via IFTTT
Walaaca Dib-u-dhacyada Doorashada K. Galbeed
Bulshada rayadka iyo xildhibaano ka soo jeeda Koonfur Galbeed ayaa xilligan walaac ka muujiyay dib u dhacyada soo laalaabtay ee doorashada Koonfur Galbeed.
from VOA https://ift.tt/2AJhnxy
via IFTTT
Wicitaanka: Ugaas Xasan Cabdi Maxamed
Barnaamijka Wicitaanka ee toddobaadkan waxaa marti ku ah Wasiirka Warfaafinta Maamulka Koonfur-galbeed ee Somalia, Ugaas Xasan Cabdi Maxamed oo ka jawaabaya su'aalaha qaar ka mid ah dhageystayaasha VOA
from VOA https://ift.tt/2DY4aUz
via IFTTT
Barnaamijka Caweyska Washington
Dhageyso Barnaamijka Caweyska Washington, waxaa soo diyaariyay soona jeedinaya Cabdixakim Maxamuud Shirwac.
from VOA https://ift.tt/2QcCSl2
via IFTTT
Saturday, December 1, 2018
Qoraa Axmed Ismaciil oo Sharaxayo Buugga Soomaalida Minnesota
Qoraalka buuggaagta iyo akhriska ee Soomaalida ku nool gudaha dalka iyo dibadba ayaa kor u kacay sanadahan danbe. Marka laga tago sheekooyinka, taariikhda iyo suugaanta oo ay Soomaalidu aad wax uga qorto, waxa kale oo waayadan danbe ku soobiirey buugta Soomaalida kuwo dhowr ah oo laga qorey qurbaha ay Soomaalidu u hayaantey. Buugga Soomaalida Minnesota oo af Ingiriis ku qoran, (Somalis In Minnesota), wuxuu ka hadlayaa sidii Soomaalidu ay ku degtay gobolka Minnesota oo ay haatan aad ugu badan yihiin. Jaamac Buulle Jaamac ayaa waraystay Qoraagga Buuggan Axmed Ismaaciil Yuusuf, oo sidoo kalena qoray buugggag dhawr ah oo uu arimo kala duwan kaga hadlayo.
from VOA https://ift.tt/2rgDB5O
via IFTTT
Hargeysa: Xuska Maalinta HIV/AIDS
Somaliland ayaa ka mid ahayd meelihii dadka lagaga wacyigeliyay xanuunkan, halkaas oo dadka xanuunkani uu haleelay ay ka cabanayaan takoor lagu hayo, kuwaas oo qaarkood faquuqa lagu hayaa uu u gudbay ubadkooda.
from VOA https://ift.tt/2SkMUgr
via IFTTT
Barnaamijka Dhacdooyinka Toddobaadka
Barnaamijka Dhacdooyinka ee tooddobaadka waxaad ku dhageysan doontaan qoddobo ku saabsan Somalia oo uu ugu weyn yahay muranka ku saabsan kala dirista Guddiga Maaliyadda ee Baarlamaanka Somalia
from VOA https://ift.tt/2E6Mnvv
via IFTTT
Barn. Hambalyada iyo Heesaha
Barnaamijka Hambalyada iyo Heesaha ee toddobaadkan waxaa soo jeedinaya Ibraahim Xasan Maxamuud (Daanduray) iyo Caasha Ibraahim Aadan (Cuud)
from VOA https://ift.tt/2U3uCBV
via IFTTT
George H.W. Bush oo Geeriyooday
George H.W. Bush, mdaxweiyihii 41aad ee Mareykanka ayaa ku geeriyooday aqalkiisa oo ku yaalla magaalada Houston ee gobolka Texas.
from VOA https://ift.tt/2BKCgKc
via IFTTT