Tuesday, January 15, 2019

Ururada bulshada rayidka oo dhaliilay go'aankii baarlamanka

Xildhibaanada golaha shacabka Soomaaliya ayaa shalay waxay meel mariyeen wax ka bedel lagu sameeyay sharciga bankiga dhexe ee dalka. Qaar ka mid ah xildhibaanada golaha shacabka waxay sheegeen in aan la marsiin hanaankii loogu talagalay sida  akhrinta koowaad, labaad iyo seddexaad. Ururada bulshada rayidka ah ee Muqdisho ayaa qaba in talaabaddii shalay iyo kuwo kale oo badan ay muujinayaan in hay'aduhu dowladda ay xilligan isku milmeen sida golaha shacabka, fulinta iyo garsoorka. Cabdullaahi Maxamed Shirwac, oo ka mid ah madaxda ururada bulshada rayidka ah ayaa u warramay wariyaha VOA-da Cabduqlaadir Maxamed Cabdulle.  

from VOA http://bit.ly/2HcGVJH
via IFTTT

No comments:

Post a Comment