Qaar ka mid ah jaamacado ku yaalla dalka Mareykanka ayaa bilaabay dhigista luuqada Soomaaliga oo ka mid ah luqadahaugu caansan Qaarada Africa.
from VOA http://ift.tt/2qjxRZY
via IFTTT
Sunday, April 30, 2017
Jaamacado Ku Yaala Mareykanka oo Bilaabay Dhigista Afka Soomaaliga
Trump: "Ciyaarta Kuuriyada Waqooyi Waa Sida Jeeska oo kale"
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuusan faraxsanaan doonin haddii Dowlada Kuuriyada Waqooyi ay tijaabiso gantaal kale oo Niyukleer ah, kaasoo noqon doona kii lixaad oo ay riddo.
from VOA http://ift.tt/2pyHhQp
via IFTTT
Ganacsade Lagu Dilay Istanbul
Warbaahinta Turkiga ayaa ku warrantay in ganacsade caan ah oo u dhashay dalka Iran iyo nin la socday oo ay shirko ahaayeen xalay lagu dilay gudaha magaalada Istanbul.
from VOA http://ift.tt/2oWstHs
via IFTTT
Dhageyso Barnaamijka Wicitaanka dhageystaha
Barnaamijka Wicitaanka Dhageystaha oo aan todobaadkan kaga hadleyno danaha isqilaafsan iyo maamulka dowliga ah waxaa noogu marti ah aqoonyahan Abukar Arman oo horey u ahaan jirey Ergay Gaar ah oo Soomaaliya u fadhiyey dalkan Mareykanka.
from VOA http://ift.tt/2pxwp5k
via IFTTT
Trump oo Martiqaaday Madaxweynaha Philippine
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa martiqaad u fidiyey madaxweynaha dalka Philipline Rodrigo Duterte, si ay uga wada hadlaan arrino kala duwan oo ay ka mid tahay halista Kuuriyada Woqooyi ay ku hayso ammaanka gobolkaas.
from VOA http://ift.tt/2pLGeOh
via IFTTT
Maxkamad Amartay in la Xidho Agaasimihii Warfaafinta Soomaaliya
Maxkamadda Gobolka Banadir ayaa soo saartay amar lagu soo xidhayo Agaasimihii hore ee Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Cabdirisaaq Cali Yuusuf Bahlaawi iyo xubin kale oo ka mid ahaa shaqaalaha wasaaradda oo lagu magacaabo Xasan Samatar Cali.
from VOA http://ift.tt/2qsU8RG
via IFTTT
Saturday, April 29, 2017
Dhageyso Barnaamijka Caweyska Washington
Kusoo dhawaada barnaamijka Caweyska Washington oo aad habeen walba oo Axad ah ka dhageysataan VOA.
from VOA http://ift.tt/2oWkbAc
via IFTTT
Doorashadii Galmudug oo Mar kale Dib u Dhacday
Guddiga doorashada Galmudug ayaa maanta mar kale ku dhawaaqay in mar kale uu dib u dhacay ku yimid doorashada madaxweynaha oo lagu waday inay berito dhacdo, waxeyna shaaciyeen in sadexdan bishan la qaban doono.
from VOA http://ift.tt/2oJQ7M7
via IFTTT
Barnaamijka Caweyska Washington
Barnaamijka Caweyska Washington waxaan toddobaadkan idiinku haynaa lamaane jaceyl muddo dheer ah soo dhex maray, kuwaas oo dhintay iyaga oo gacmaha is haysta, sheekadaas barnaamijka ayaad kaga boganaysaa.
from VOA http://ift.tt/2psl3gW
via IFTTT
Dhageyso Dhacdooyinka Toddobaadka
Dhageystayaal ku soo dhawaada barnaamijka Dhacdooyinka Toddobaadka, waxa la diyaar ah Jamaal Axmed Cismaan.
from VOA http://ift.tt/2qqhPtT
via IFTTT
Dhageyso Hambalyada iyo Heesaha
Ku soo dhawaada barnaamijka Hambalyada iyo Heesaha, waxa toddobaadkanna la diyaar ah Ibraahim Xasan Daandurey iyo Caasho Ibraahim Aaden.
from VOA http://ift.tt/2oVZ9BR
via IFTTT
Xaalada Soomaalidi Lagu Xiray Mareykanka
Labadii bilood ee ugu dambeysay waxaa walaac xooggan uu la soo dersay Somalida sharciyada loo diiday ama aan cosiyadooda megangalyo muddo looga soo jawaabin ee ku nool dalka Mareykanka.
from VOA http://ift.tt/2oIYKXb
via IFTTT
Friday, April 28, 2017
Wareysi ku Saabsan Xaaladda Xuquuqda Aadamaha ee Soomaaliya
Xaaladda Xuquuqda aadamaha ee Soomaaliya ayaa soo hagaagaysa marka loo eego sidii ay hore u ahaan jirtey, inkastoo wali ay jiraan tacadiyo ka dhana xuquuqul insaanka.
from VOA http://ift.tt/2qoALZI
via IFTTT
Qarax Xooggan oo laga Maqlay Muqdisho
Qarax xooggan ayaa caawa fiidkii laga maqlay agagaarka Isgoyska Taleex ee magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaaliya.
from VOA http://ift.tt/2oFmA65
via IFTTT
Amnesty International oo Baaq u Dirtay Puntland
Hay'adda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaaugu baaqday maamulka Puntland in uu joojiyo qorshe uu doonayo inuu ku daldalo laba wiil oo maxkamad milatari ay bishii February ku xakuntay dil.
from VOA http://ift.tt/2pcwzyF
via IFTTT
Faaqidaadda: Xaaladda Kala Guurka Soomaaliya
Barnaamijka faaqidaadda toddobaadka waxa uu ku saabsan yahay marxaladda kala guurka ee dalka Soomaaliya. Barnaamijka ayaa qeyb ka ahaa kulan dadweyne oo sidoo kale arrintan looga hadlayey oo shalay VOA ay ku qabatay magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Barnaamijka waxaa soo jeedineysa weriyaha VOA ee Nairobi Maryan Maxamuud Barre.
from VOA http://ift.tt/2pbnHtc
via IFTTT
Roobab ka Da'ay Qeybo ka Mid ah Soomaaliya
Roobab ayaa laga soo sheegayaa inay ka da'een deegaano badan oo ka mid ah dalka Soomaaliya, oo qaarkood dhaliyey dhimasho.
from VOA http://ift.tt/2pp7uio
via IFTTT
Daalibaan oo ku Dhawaaqday Howlgal Dagaal
Kooxda Daalibaan ayaa maanta shaaca ka qaaday howl-gal dagaal oo ka dhici doona dalka Afghanistan, kaasi oo lagu beegsanayo ciidamada Mareykanka uu hogaamiyo ee "haysta" dalkaas, si waddanka looga saaro.
from VOA http://ift.tt/2qlXXrL
via IFTTT
Thursday, April 27, 2017
La-taliyihii Trump oo Eedo Cusub loo Haysto
Qoraal cusub oo la soo bandhigay ayaa lagu sheegay in lataliyihii hore ee amniga qaranka Maraykanka Micheal Flynn inuu lacago ka badan $500,000 ka qaatay dalka Turkiga, halka uu Ruushkana ka helay tobannaan kun oo dollar,
from VOA http://ift.tt/2pEPqUo
via IFTTT
Kulan Dadweyne oo VOA ku Qabatay Nairobi
Laanta afka Soomaaliga ee VOA waxay kulan dadweyne ku qabatay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya kaas oo looga hadlay Doorka Saxaafadda Xorta ah ee goobaha ay colaaduhu ka jiraan
from VOA http://ift.tt/2pnjTmO
via IFTTT
Mucaaradka Kenya oo Sharxay Raila Odinga
Ra'iisul wasaarihii hore ee dalka Kenya Raila Odinga, ayaa isbahaysiga mucaaradka Kenya maanta u doorteen inuu noqdo musharraxooda doorashada madaxtinimada ee dhici donta bisha August.
from VOA http://ift.tt/2pDwy86
via IFTTT
Barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha, Qeybta 368
Barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha ee toddobaadkani waxaa si aad uga barateenba soo jeedinaya Axmed Faarax Cali Idaajaa, waana qeybtii 368-aad. Barnaamijka oo dhan hoosta ka dhageyso.
from VOA http://ift.tt/2pDjQWX
via IFTTT
VOA oo Kulan Dadweyne ku Qabatay Nairobi
Magaalada Nairobi waxaa maanta lagu qabtay barnaamij kulan dadweyne oo laanta Af-Soomaaliga ee VOA soo qaban qaabisay.
from VOA http://ift.tt/2ozZYUF
via IFTTT
Dilal Dhowr Ah oo ka Dhacay Muqdisho
Ururka al-Shabaab ayaa sheegtay inay degmada Shibis ku dileen sarkaal ka tirsan ciidamada nabad-sugida Soomaaliya oo lagu magacaabo Maxamuud Xaaji Cali.
from VOA http://ift.tt/2ppm0sz
via IFTTT
Ciidamo Qarax Lagula Eegtay Duleedka Kismaayo
Ciidamo ajanabi ah oo ay la socdeen ciidamo Soomaali ah oo ka tirsan maamulka Juubaland ayaa maanta qarax miino lala eegtay duleedka magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.
from VOA http://ift.tt/2p7gFp2
via IFTTT
Mareykanka: Burcad Badeed Soomaali ah oo la Xukumay
Burcad badeed Soomaali ah ayaa inta noloshiisa ka harsan ku qaadan doona xabsi federal oo Mareykanka ku yaalla, sababo la xiriira inuu weerar ku qaaday Markab ay leeyihiin ciidamada badda Mareykanka, sanadii 2010.
from VOA http://ift.tt/2pCF33h
via IFTTT
Qarax ka Dhacay Meel u Dhow Garoonka Dimishiq
Qarax xooggan ayaa maanta ka dhacay meel u dhow garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee magaalada Dimishiq ee dalka Syria, waxaana ka dhashay dab xooggan, ayada oo la is-weydiinayo sababta keentay.
from VOA http://ift.tt/2pC6R7Z
via IFTTT
Wednesday, April 26, 2017
Xasan Shire oo La Abaalmariyay
Abaalmarinta Richard C. Holbrooke Award ee sanad walbaa lagu siiyo magaalada Washington ee caasimada Mareykanka dadka bulshooyinkooda wax tara, ayaa sanadkaan waxaa la siiyey gudoomiyaha difaacayaasha xuquuqda aadanaha Africa, Xasan Shire Sheekh.
from VOA http://ift.tt/2p6foyD
via IFTTT
Soomaalida Mareykanka oo Soo Dhaweeyay Go,aanka Hey,adda Socdaalka
Soomaalida ku nool dalka Mareykanka ayaa soo dhaweeysay go,aanki kasoo baxay Hey'adaha Socdaalka Mareykanka ee ahaa inay joojinayaan qabqabashada dadka Soomaalida ah ee sharci darrada ku jooga dalkaan Mareykanka.
from VOA http://ift.tt/2pBcvY6
via IFTTT
Mareykanka oo Joojiyey Qabashada Dadka Soomaalida
Hey'adaha socdaalka ee Mareykanka ayaa ku wargeliyay safaaradda Soomaalida inay joojinayaan qabqabashada dadka Soomaalida ee sharci darada ah oo aan guryahooda ama goobahooda shaqo loogu tagi doonin.
from VOA http://ift.tt/2pmd475
via IFTTT
Rabshado la Xiriira Doorashada oo ka Dhacay Kenya
Dalka Kenya ayaa waxaa laga cabsi qabaa inay ku fidaan rabshado goos goos ah oo la xiriira doorashooyinka mudadoodu soo dhawaatay ee la filayo inay dalkaas ka dhacaan.
from VOA http://ift.tt/2plVzE8
via IFTTT
Ciidamada Kenya iyo Ethiopia oo Xadgudubyo Lagu Eedeeyey
Warbixin ay qortay qeybta ilaalinta rayidka ee hay'adaha gargaarka ee ka hawlaga Soomaaliya ayaa ku eedeenaysa ciidamada Kenya iyo Itoobiya iyo kuwa AMISOM in hawklgalladooda Soomaaliya ay xadgudub ku yihiin mabaadi'da bani'aadannimada.
from VOA http://ift.tt/2q5DS9I
via IFTTT
Wareysi: La-taliyaha Amniga Qaranka Madaxweyne Farmaajo
Xuseen Macalin Maxamud (Damuumaaye) oo ah la-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta faah faahin ka bixiyay Qorshaha Amniga Qaranka Soomaaliyeed.
from VOA http://ift.tt/2q7v4Dc
via IFTTT
Hiiraan: Dagaal Dhexmaray Al-Shabaab iyo Ciidamada Ethiopia
Ciidamada Ethiopia iyo Al-Shabaab ayaa maalintii labaad waxaa uu dagaal goos goos ah ku dhexmarayaa deegaano ku yaalla inta u dhaxeysa magaalada Baledweyne iyo deegaanka Halgan.
from VOA http://ift.tt/2q7jOXj
via IFTTT
Boosaaso: Shan Qof oo Qaraxyo Watay oo la Qabtay
Taliska qeybta booliska ee gobolka Bari ee Puntland ayaa maanta Shir jaraa'id oo ay ku qabteen magaaladda Boosaaso ku soo bandhigay 5 nin oo la sheegay inay wateen waxyaabaha qarxa.
from VOA http://ift.tt/2plbUZt
via IFTTT
Trump oo Maanta Shaacinaya Qorshe Canshuur Dhimis
Filashada qorshaha canshuur dhimista loo sameynayo shirkadaha waa weyn iyo shaqsiyaadka ee madaxweyne Donald Trump ayaa sare u qaaday qiimaha suuqyada saamiyada Mareykanka shalay iyo kuwa qaaradda Asia, xalay.
from VOA http://ift.tt/2oKHihe
via IFTTT
Tuesday, April 25, 2017
Warbixin: Baarlamaanka oo Su'aal Ka Keenay Qorshaha Dhisidda Ciidanka
Intiinnii dhageystay idaacaddayadi fiidnimo ee xaley, Guddiga Difaaca ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa shaley dood ka keenay qorshaha difaaca qaran ee lagu dhisayo ciidamada Soomaaliya.
from VOA http://ift.tt/2qcQ7k6
via IFTTT
Guddiga Difaaca BF oo Diiday Qorshaha Dhismaha Ciidanka
Guddiga difaaca ee baarlamanka Soomaaliya ayaa kasoo horjeestay qorshaha dhismaha ciidamada qaran ee Soomaaliya ee dhowaan ay isku raaceen dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada dalka.
from VOA http://ift.tt/2p14MkA
via IFTTT
Baydhaba: Askari Xukun Dil ah lagu Fuliyey
Maxkamadda ciidamada qalabka sidda ee Soomaaliya ayaa saaka waxay xukun toogasho ah ku fulisay askari ka tirsanaa ciidamada booliiska gaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
from VOA http://ift.tt/2peouYv
via IFTTT
Duqeyn ka Dhacday Qeybo ka Mid ah Gedo
Wararka ka imanaya gobolka Gedo ayaa sheegayo in duqeyn xoogan ay oo dhowr gantaal loo adeegsaday ay ka dhacdey deegaanada War Gaduudo iyo Modaale oo hoos yimaado degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.
from VOA http://ift.tt/2pedrhU
via IFTTT
Soomaaliya: Cudurka Daacuunka oo Dilay 500 oo Qof
Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa sheegtay in ilaa 500 oo qof ay u dhinteen cudurrada daacuunka ee ka dhashay abaaraha ka jira Soomaaliya.
from VOA http://ift.tt/2q2lktZ
via IFTTT
Turkiga oo Fuliyey Duqeymo ka Dhan ah Kurdish-ka
Ciidamada Turkiga ayaa maanta fuliyey duqeymo ka dhan ah mucaaradka Kurdish-ka ee ku sugan waqooyiga Ciraq iyo Waqooyiga Bari ee Syria.
from VOA http://ift.tt/2q1DvzM
via IFTTT
Monday, April 24, 2017
Buug Laga Qoray Soomaalida Ohio Iyo Minnesota
Waxaa xalay magaalada Colombus ee gobolka Ohio ee dalka Mareykanka lagu soo bandgigay buug ilaga qoray jaaliyadda Soomaaliyeed ee gobolada Ohio iyo Minnesota.
from VOA http://ift.tt/2oGBiWL
via IFTTT
Somaliya oo la Waregeysa Amingeeda
Mareykanka iyo Midowga Africa ayaa isku waafaqay inuu soo dhawaaday waqtigii Soomaaliya ay la wareegi laheyd mas,uuliyaddeeda dhinaca amaanka.
from VOA http://ift.tt/2oq6Iob
via IFTTT
Obama oo Baaq u Diray Dhallinyarada
Madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama oo markii ugu horeysay dib ugu soo laabtay nolosha dadweynaha tan iyo markii uu xilka ka degay ayaa ugu baaqay da' yarta magaalada Chicago inay u dhaqdhaqaaqan bulshada, si la mid ah isaga, inta uusan siyaasadda gelin.
from VOA http://ift.tt/2oonIv6
via IFTTT
Warbixin Gaar ah: Ammaanka Garoomada Diyaaradaha
Sanad iyo saddex bilood ayaa laga joogaa markii kombiyuutarka la qaadan karo ama laptop qarax lagu soo xiray lala galay diyaaradda Daallo Airlines, waxaana ninkii watay uu qarxiyey daqiiqado kadib markii ay ka kacday garoonka diyaaradaha Mudisho xilli ay kormaraysay magaalada Balcad. Weerarkaasi oo ay mas'uuliyaddiisa sheegteen ururka Al-Shabab ayaa noqday mid ay sannad kadib cuskadaan dawladaha Marayakanka iyo Britain oo dhowaan mamnuucay kombiyuutarrada laptop-ka iyo qalabka kale ee korontada ku shaqeeya ee waaweyn ee lala raaco diyaaradaha ka yimaada waddamada Bariga Dhexe qaarkood, iyaga oo ku adkkastay in qalabkaasi xammuul ahaan loo raro. Haddaba su'aalaha la iska weydiin karo weerarkaasi ayaa ah maxay ka baraty dawladda Soomaaliya? tallaabo noocee ah ayey qaadday? Maxaa ku dhacay dadkii ka dambeeyey weerarkaasi? Ma jiraan shakiyo aan weli la xallin? Iyo kuwo kale. Warbixintan waxaa noo diyaariyey Haaruun Macruuf.
from VOA http://ift.tt/2onsYz3
via IFTTT
Baydhaba: 4 Shabaab ah oo Xukun Dil lagu Fuliyey
Maxakamaada ciidamada ee Somalia ayaa maanta xukun dil ah ku fulisay 4 ka tirsan maleeshiyada ururka Al-Shabaab oo horey loogu soo qabtay inay ka dambeeyeen qaraxyo
from VOA http://ift.tt/2pXfhH7
via IFTTT
Guddoomiye ku Xigeenada Gobolka Banaadir oo la Magacaabay
Digreeto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta lagu magacaabay guddoomiye ku xigeenada maamulka gobolka Banaadir iyo xoghayaha guud ee maamulka.
from VOA http://ift.tt/2oDCBF1
via IFTTT
Afghanistan: Wasiirkii Gaashaandhigga oo Is-casilay
Wasiirkii gaashaandhigga iyo madaxii ciidamada Afghanistan ayaa labadaba is-casilay kadib weerarkii dhimashada lahaa ee Jimcihii lagu qaaday saldhig ciidan, kaasi oo lagu dilay ugu yaraan 140 askari, tiro kale oo badanna lagu dhaawacay.
from VOA http://ift.tt/2pWrYSm
via IFTTT
Sunday, April 23, 2017
Natiijada Doorashadi France oo La Shaaciyey
Emmanuel Macron oo ka socda xisbiga dhexe iyo haweeneyda ka socota xisbiga midigta fog ee wadaniga ah ee kasoo horjeeda soogalootiga Marine Le Pen ayaa usoo gudbay wareega labaad ee doorashada madaxtinimo ee Faransiiska.
from VOA http://ift.tt/2prmpvs
via IFTTT
Mareykanka oo Ka Hadlay Soo Laabashada Burcad Badeedda
Sarkaal sare oo ka tirsan Dowlada Mareykanka ayaa sheegay in kooxaha burcad badeedka ay kusoo laabteen biyaha ka baxsan Xeebaha Soomaaliya, balse kororka weerarada maraakiibta ganacsi aysan wali noqon kuwo leh jiho loo raaco.
from VOA http://ift.tt/2q5kxo7
via IFTTT
Farmaajo oo Baydhabo Booqday
Madaxweynah Soomaaliya Maxamed Cabdullaabhi Farmaajo aya amaanta booqashadiisii ugu horraysay isagoo madaxweyne ah ku tagay magaalada Baydhaba ee maamul goboleedka Koonfur Galbeed.
from VOA http://ift.tt/2oBEt0R
via IFTTT
Barnaamijka Wicitaanka Dhageystaha
Barnaamijka Wicitaanka ee toddobaadkan waxaa marti ku ah Cabdiqafaar Sheekh Aadan Sheekh Cabdullaahi oo ah dhaqaale-yahan la shaqeeya Bangiga Adduunka, waxaana uu ka hadlayaa xiriirka ka dhaxeeye Dawladda Federalka Somalia iyo maamul-goboleedyada.
from VOA http://ift.tt/2oVTC0u
via IFTTT
Sagaal Ciidanka Puntland Katirsan oo Qarax ku Dhintey
Wararaka ka imanaya maamul gobolleedka Puntland ayaa sheegaya in ay sagaal askeri ku dhinteen qarax miino oo maanta ka dhacay waddo ku taalla buuralayda Galgala.
from VOA http://ift.tt/2pSmJAm
via IFTTT
Saturday, April 22, 2017
Barnaamijka Martida Makrafoonka
Barnaamijka Martida Makarafoonka, waxaa todobaadkan marti ku ah Xoghayaha koowaad ee safaaradda Soomaliya ee Hindiya, Axmed Maxamuud (Xiish) oo ka warramaya dhalinyaro soomaaliyeed oo ku xiran Hindiya.
from VOA http://ift.tt/2oUdSQ3
via IFTTT
Barnaamijka Caweyska Washington
Barnaamijka Caweyska Washington waxaad ku maqli doontaan suugaan xiiso leh oo ay inala wadaagayaan qaar ka mid suugaanyahanada da'da yar
from VOA http://ift.tt/2p7rg3L
via IFTTT
Dhageyso Barn. Hambalyada Iyo Heesaha
Dhageystayaal ku soo dhawaada barnaamijkii Xiisaha lahaa ee Hambalyada iyo Heesaha, Waxa la diyaar ah Ibraahim Xasan Daandurey iyo Caasho Ibraahim Aaden.
from VOA http://ift.tt/2q24304
via IFTTT
Dhageyso Dhacdooyinka Toddobaadka
Dhageystayaal ku soo dhawaada barnaamijka Dhacdooyinka Toddobaadka, waxana maanta la diyaar ah Jamaal Axmed Cismaan.
from VOA http://ift.tt/2p6GXIE
via IFTTT
Xaguu Marayaa Dhimaha Ciidanka Soomaaliya?
Amaanka iyo dhismaha ciidanka Somalia ayaa galay marxalad cusub, kadib marki dhawaan ay madaxda Dowlada ku dhawaaqday qorshe cusub oo dib u habeyn dhinaca ciidanka ah.
from VOA http://ift.tt/2p6zwkI
via IFTTT
Askari Dil Toogasho Lagula Fuliyey Muqdisho
Maxkamad milatari oo ku taalla magaalada Muqdisho, ayaa maanta xakun dil ah ku filisay askari ka tirsanaa ciidanka qalbka sida kaasoo lagu eedeeyey inuu dilay qof rayid ah.
from VOA http://ift.tt/2p2Ejl5
via IFTTT
140 Ruux oo Lagu Dilay Afghanstan
Ugu yaraan 140 ruux ayaa geeriyootay kadib marki ay kooxda Taliban Jimcihii weerartay saldhig milatari oo ay leeyihiin ciidamada Dowlada Afghanstan oo ku taalla waqooyiga dalkaasi.
from VOA http://ift.tt/2oflWvY
via IFTTT
Friday, April 21, 2017
Buula-Barde: Ruuxii Diley Askarigii Jabuutiyaanka oo Isna La Diley
Taliyaha Ciidamada dowladda ee degmada Buula Barde ayaa VOA u xaqiijiyay in howlgal ay galabta ciidanka sameeyeen ay ku dileen ninkii dilka u geystay askari ka tirsan ciidamada nabad ilaalinta ee ka socday dalka Jabuuti.
from VOA http://ift.tt/2pmmFf6
via IFTTT
Kenya: Waxaan Dilnay 52 Shabaab ah
Ciidamada dawladda Kenya ayaa sheegay inay dileen 52 ka tirsan maleeshiyada ururka Al-Shabaab 1-dii habeennimo ee xalay kadib weerar ka dhacay meel 9 km u jirta degaanka la yidhaahdo Sarira oo u dhow magaalada Badhaadhe.
from VOA http://ift.tt/2otTS4h
via IFTTT
Qoryooley: 6 Qof oo ku Dhaawacmay Qarax
Wararka ka imanaya magaalada Qoryooley ee gobolka Shabeellha Hoose ayaa sheegaya in 6 qof oo rayid ah ay dhawacyo cuslus soo gaareen kadib qarax ka dhacay maqaayad ku taalla magaalada.
from VOA http://ift.tt/2p2YzVT
via IFTTT
Wasiirka Waxbarashada oo u Jawaabay Al-Shabaab
Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya oo ka jawaabaya hadalka Al-Shabaab ayaa ugu baaqey inaysan waalidiinta dhegta u dhigin hadalka Al-Shabaab.
from VOA http://ift.tt/2oYPnQg
via IFTTT
Faaqidaadda: Falalka Burcad Badeedda
Toddobaadyadii ugu dambeeyey waxaa dib usoo xoogeystay falalka afduubka maraakiibta ee ka dhaca xeebaha Soomaaliya. Waxaa la afduubtay dhowr doon ama markab, waxaana tani ay kordhisay walaacii maraakiibta ay ka qabeen ku safarka biyaha ku dhow Soomaaliya. Barnaamijka faaqidaadda toddobaadka waxaan ku eegeynaa falalkan dib usoo cusboonaaday, sababaha ugu wacan iyo saameynta dhaqaale ee ay leeyihiin. Waxaa soo diyaariyey soona jeedinaya Ismaacil Xuseen Farjar.
from VOA http://ift.tt/2p2WLvI
via IFTTT
Xaaladda Paris oo Caadi ku soo Laabaneysa
Waddada caanka ah ee Champs-Elysees ee magaalada Paris ayaa maanta caadi ku soo laabaneysa kadib markii nin hubeysan uu khamiistii ku dilay qof boolis ahaa, islamarkaana ku dhaawacay laba qof oo kale.
from VOA http://ift.tt/2plnCEl
via IFTTT
Thursday, April 20, 2017
Warbixin: Dhalinyarada u Safarta Caalamka
Somali aad u badan ayaa dunida oo dhan ku kala faafay 30 kii sano ee ugu dambeeyay. Waxana la sheegay in dadka somalida ay yihiin kuwo si fudud ula qabsada wadan kasta oo ay tagaan.
from VOA http://ift.tt/2pHs0L4
via IFTTT
Caruur Lagu Dilay Duqeyn ka Dhacday Gedo
Laba caruur ah ayaa dhimatey mid kalana dhaawac daran ayaa soo gaarey ka dib markii ciidamada Kenya ay duqeyn ka geysteen deegaanka Coos Qurun oo ka tirsan degmada Ceel-Waaq ee Gobolka Gedo.
from VOA http://ift.tt/2oOKJ8J
via IFTTT
Dowladda Somalia oo Cambaareysay Digniinta Al-Shabab
Dowladda Somalia ayaa cambaareysay digniin uu soo saaray ururka Al-Shabab oo uga digaya waalidiinta Soomaalida in ay carruurta u diraan Iskuullada iyo Jaamacadaha aan Islaamiga ahayn.
from VOA http://ift.tt/2oOi4Rq
via IFTTT
Howlgal ka Dhan Shabaab oo ka Billaabanaya Somalia
Dhawaan ayaa madaxda maamul goboleedyada iyo dowladda Federalka ay ku heshiiyeen qaab dhismeedka iyo isku dhafka ciidan qaran oo ay Somalia yeelato, lana hirgeliyo muddo lix bilood ah. Heshiiskan ayaa ku soo aaday iyadoo dowladdu ay diyaar garow xooggan ugu jirto dagaal uu madaxweynuhu sheegay in Al-Shabab looga xoreynayo Somalia. Shirkii Golaha Wasiirada ee Maanta ayaa Isna lagu sheegay in dhowaan uu bilaabanayo howlgalkaasi ciidan, waxaana la balaariyay Golaha Amniga Qaranka. Wariyeheenna Maxamed Colaad Xasan ayaa Balaarinta Golaha Amniga Qaranka ka wareystay, wasiirka Warfaafinta Somalia Cabdiraxman Cumar Cusmaan Eng: Yariisow.
from VOA http://ift.tt/2ouzZcm
via IFTTT
Hiiraan: Xiisad ka Dhalatay Askari laga Dilay Amisom
Xiisad ka dhalatay dil loo geystay shalay askari ka tirsan ciidanka Amisom qeybta Jabuuti ayaa si loo qaboojiyo waxaa magaaladasi gaaray mas'uuliyiin ka tirsan maamulka Hirshabelle.
from VOA http://ift.tt/2oOaciG
via IFTTT
Pence oo Amaanay 'Islaamka Qunyar socodka' Indonesia
Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka Mike Pence ayaa amaanay wax uu ugu yeeray "dhaqanka islaamka qunyar socodka" ah ee dalka Indonesia, isaga oo booqday dalkaasi oo uu wada hadal kula yeeshay madaxweyne Joko Widodo iyo saraakiisha Ururka Dalalka Koonfur Bari Asia.
from VOA http://ift.tt/2pGmbjv
via IFTTT
Dr. Bayle: Soomaaliya Waa Laga Cafinayaa Daymaha
Wasiirka maaliyadda Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Du'aale Bayle ayaa sheegay in lacagihii daymaha ahaa ee 5.5 Bilyan oo dollar ee Soomaaliya lagu lahaa laga cafinayo.
from VOA http://ift.tt/2ouoEZM
via IFTTT
Wednesday, April 19, 2017
Barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha, Qeybta 367
Barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha ee toddobaadkani waxaa si aad uga barateenba soo jeedinaya Axmed Faarax Cali Idaajaa, waana qeybtii 367-aad. Barnaamijka oo dhan hoosta ka dhageyso.
from VOA http://ift.tt/2pBzXEj
via IFTTT
Askari ka Tirsan Amisom oo Lagu Dilay Buuloburte
Askari ka tirsan ciidamada Amisom ee qeybta Jabuuti ayaa duhurnimadii maanta lagu dilay magaalada Buuloburte ee gobalka Hiiraan.
from VOA http://ift.tt/2oOhDow
via IFTTT
Minnesota: Soomaali Laga Helay Cudurka Jadeecada
Saraakiisha caafimaadka ee Gobolka Minnesota ee dalka Mareyanka ayaa sheegay inay baarayaan cudurka Jadeecada oo ka dilaacay magaalada Minneapolis ee ay Soomaalidu ku badan tahay.
from VOA http://ift.tt/2pRmxjS
via IFTTT
Baarlamanka Somalia oo ka Hadlay Heshiiska Berbera
Baarlamanka Soomaaliya ayaa maanta kullan ka yeeshay arrinta muranka badan dhalisay ee saldhigga milatari ee Imaaraadka Carabta ay ka dhisayaan magaalada Berbera.
from VOA http://ift.tt/2on3Owc
via IFTTT
Muqdisho: Wafti Lala Eegtay Qarax
Gaadiid ay la socdeen xubno ka tirsan Guddiga Gurmadka Abaaraha ee Qaran, maamulka Gobolka Banaadir iyo mas'uuliyiin ka socday Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa maanta qarax lagula eegtay duleedka Muqdisho.
from VOA http://ift.tt/2pBqYCZ
via IFTTT
Trump oo Amray in Dib loo Eego Heshiiskii Iran
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku amray Golaha Amniga Qaranka inay dib u eegaan heshiiska caalamiga ah ee barnaamijka nuclear-ka Iran, iyo in hakinta cunaqabateynta la saaray dalkaas "ay muhiim u tahay danaha amniga qaran ee Mareykanka".
from VOA http://ift.tt/2oUrv23
via IFTTT
Tuesday, April 18, 2017
Xaaladaha Haweenka ku Biira Ciidanka Militariga Soomaaliya.
Haween tira badan ayaa waxyeelo ay kasoo gaartaa marka ay ku biiraan ciidamada Militariga Soomaaliya.
from VOA http://ift.tt/2olxn1c
via IFTTT
Maraykanka oo 5 kun oo Soomaali ah Masaafurinaya
Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay in ku dhawaad 5 kun oo Soomaali ah laga masaafurin doono Maraykanka.
from VOA http://ift.tt/2o1nedS
via IFTTT
Caqabadaha uu Wajahayo Maamulka Cusub ee Muqdisho
Magaalada Muqdisho ayaa yeelatay maamul cusub oo ah kii saddexaad muddo afar sano gudaheed ah, ayada oo ii xulka la wareegay guddoomiye Taabit Cabdi. Ka sokow horumarka dhinaca ganacsiga iyo dhismayaasha waxaa magaalada hortaagan caqabado la xiriira dhinaca amniga. addaba maxay yihiin hawlaha horyaalla maamulka cusub? Warbxintan waxaa Muqdishu kasoo diray Axmed Xasan Colaad.
from VOA http://ift.tt/2oklmJv
via IFTTT
Muqdisho: Carruur Lagu Dilay Weerar Hoobiye
Wararka ka imanaya magaalada Muqdishu ayaa sheegaya in ugu yaraan 2 qof ay ku dhinteen 8 kalena ay ku dhaawacmeen weerar kale oo hoobiye ah oo ka dhacay Muqdisho.
from VOA http://ift.tt/2oRVesz
via IFTTT
UK: Theresa May oo Ku Dhawaaqday Doorashooyin
Ra'iisul Wasaaraha Brittan Theresa May ayaa si lama-filaan aah ugu dhowaaqday doorasho guud oo cusub oo xilligeedii laga soo hormariyey oo waddankaasi ka dhacda 8-da bisha Juun ee soo socota.
from VOA http://ift.tt/2pOn2ez
via IFTTT
Puntland oo ka Hadashay Weerarada Burcad Badeedda
Taliska ciidamada badda Puntland ayaa ka hadlay weerarada burcad badeeda ee soo noqday, kadib markii dhowaan ay burcad badeeddu qabsadeen dhowr doon oo kale.
from VOA http://ift.tt/2pvGeBn
via IFTTT
Yildirim: Mucaaradka Ha Ixtiraamaan Natiijada
Ra'iisul wasaaraha Turkiga Binali Yildirim ayaa maanta ugu baaqay xisbiyada mucaaradka inay ixtiraamaan natiijada aftidii dalkaas ka dhacday ee awoodaha dheeriga ah siisay madaxweynaha.
from VOA http://ift.tt/2oHLuif
via IFTTT
Monday, April 17, 2017
Minneapolis: Nin Sheegtay In uu Shareecada Dhaqan Gelinayo
Magaaladda Minneapolis ee gobolka Minnesota ayaa waxaa ka jira nin sheegtey in uu dadka kala taliya xumaha, balse ay bulshada iyo hoggaanka Muslimiinta ah, qaasatan Soomaalidu u arkaan khatar hor-leh oo soo food-saartey Soomaalida.
from VOA http://ift.tt/2oGt9lV
via IFTTT
Kun Qof oo Laga Badbaadiyey Xeebaha Libya
In ka badan kun qof ayaa maalintii shalay laga soo badbaadiyay xeebaha bada Liibiya iyadoo la soo gaadhsiiyay jasiirada Sicily ee dalka Talyaaniga.
from VOA http://ift.tt/2pJBEMp
via IFTTT
Shirkii DF iyo Maamul Goboleedyada oo lasoo Gebagebeeyey
Madaxda dowladda Somalia iyo maamul-goboleedyada ayaa ku heshiiyay in si degdeg ah ay u bilaabaan howlgal ciidan oo wadajir ah oo ka dhan ah kooxda al-Shabaab.
from VOA http://ift.tt/2pIFCVl
via IFTTT
Guddoomiyaha Xiriirka K/Cagta Afrika oo Booqday Muqdisho
Gudddoomiyaha xiriirka kubadda cagta Africa Axmed Axmed ayaa ku sugan magaalda Muqdihso oo uu maanta safar ku tagay.
from VOA http://ift.tt/2pIBKE2
via IFTTT
Pence: 100% Ayaan Garab Taagannahay Korea-da Koonfureed
Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka Mike Pence ayaa caddeeyey in Mareykanka uu 100% garab taagan yahay Korea-da Koonfureed, xilli Korea-da Waqooyi ay weli waddo tijaabooyin gantaalo.
from VOA http://ift.tt/2oD553n
via IFTTT
Sunday, April 16, 2017
Turkiga Oo U Guuray Nidaamka Madaxweynaha
Xisbiga talada haya ee dalka Turkiga ayaa ku guuleystay aftidi dastuurka wax looga badalayey ee shalay ka dhacday dalkaasi.
from VOA http://ift.tt/2ps5ci6
via IFTTT
Tirinta Codadka ee Aftida Turkiga oo Socota
Waxaa la soo xidhay goobaha codbixinta ee dalka Turkiga ka dib markii dalkaas Maanta laga qabtay afti ku aaddan in dalkaasi ka guuro nidaamka baarlamaaniga ah isla markaana u wareego nidaamka Madaxweynaha oo hoggaamiya laanta Fulinta ee dawladda.
from VOA http://ift.tt/2pFZatk
via IFTTT
Ciidamada Dowladda oo Toogtay 2 Nin
Ciidamada amniga ee Soomaaliya ayaa toogtay oo dilay laba nin oo lagu tuhunsan yahay inay hoobiye ka tuurayeen degaanka Danwadaagaha ee xaafadda Wadajir ee Muqdishu.
from VOA http://ift.tt/2pFpELx
via IFTTT
Saturday, April 15, 2017
Aftida Dastuurka Turkiga
Dalka Turkiga waxaa berrito ka dhici doona afti loo qaadayo isbeddel lagu sameeyo dastuurka dalkaasi si awood balaaran loo siiyo madaxweynaha, lagana gudbo awoodda nidaamka baaarlamaanka ee hadda jirta
from VOA http://ift.tt/2oLeiIR
via IFTTT
Cawayska Washington
Cawayska Washington ee toddobaadkan waxaad ku maqli kartaan qeyb kale oo ka mid ah sheekadii jaceylkii Cilmi Boodhari.
from VOA http://ift.tt/2oyUJl7
via IFTTT
Barnaamijka Hambalyada iyo Heesaha
Kusoo dhawaada barnaamijka Hambalyada iyo Heesaha. Waxaa soo jeedinaya Caasha Ibrahim Adan (Casha Cuud) iyo Ibrahim Xassan Garabeey (Daandureey).
from VOA http://ift.tt/2piOh4r
via IFTTT
Barnaamijka Dhacdooyinka Todobaadka
Kusoo dhawaada barnaamijka Dhacdooyinka Todobaadka, waxaa soo jeedinaya Jamal Axmed Cusman.
from VOA http://ift.tt/2pmyVsP
via IFTTT
Ruushka Iran Iyo Suuriya oo U Diagay Mareykanka
Russia, Syria iyo Iran ayaa uga digay Mareykanka inuu weeraro cusub ka fuliyo Suuriya, iyaga oo ku baaqay in baaritaan caalami ah lagu sameeyo weerarki kiimiyo ee dhawaan ka dhacay dalkaasi Suuriya.
from VOA http://ift.tt/2nP0j5s
via IFTTT
Kuuriyada Waqooyi oo Ka Baaqsatay Tijaabinta Ganataal Niyukleer Ah
Kadib marki Mareykanka uu ciidamo badan oo milatari ah geeyay gacan biyoodka Kuuriya, Shiinahana uu kordhiyey xayiraada dhinaca dhaqaalaha ee Kuuriyada Waqooyi, ayey Xukumada Pyongyang ka baaqsatay inay tijaabiyo gantaal niyukleer ah oo la filayey in ay maanta tijaabiso.
from VOA http://ift.tt/2phRu4k
via IFTTT
Friday, April 14, 2017
Maraykanka oo Dalka ka Saaraya Soomaalida Sharci La'aanta ah
Ciidamada Ammaanka ee Maraykanka ayaa bilaabay qabashada dadka ajaanibka ah ee Sharciga haysan, iyada oo 10 Soomaali ah todobaadkan laga qabtay Atlanta.
from VOA http://ift.tt/2pjIYig
via IFTTT
Jaamacado Shaqada ka Ceyriyey Xubnaha Urur Diimeed Cusub
Qaar ka mid ah Jaamacadaha magaalada Muqdisho ayaa sheegay inay shaqada ka fariisiiyeen shaqaale ka tirsanaa jaamacadahaas oo shaaciyey inay xubno ka yihiin urur diimeed la magacbaxay Al-Saadicuun Bil-Xaq.
from VOA http://ift.tt/2ofvBxE
via IFTTT
Xaaladda Xeryaha Barakacayaasha
Dadka ay abaaruhu soo barakaciyeen ee ku nool xeryaha barakacayaasha ee duleedka Muqdisho ayaa xaalad adag ku nool, waxaana qaarkood ay halkaasi ku waayeen caruur.
from VOA http://ift.tt/2piea1k
via IFTTT
Faaqidaadda: Kulanka Safiirka Mareykanka iyo Soomaalida
Barnaamijka faaqidaadda toddobaadka, waxaan ku eegeynaa kulan uu 13-kii bishan safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Stephen Schwartz la yeeshay Soomaalida ku dhaqan magaalada Washington DC iyo hareeraheeda. Waxaa barnaamijka soo jeedineysa Falastiin Axmed Iimaan.
from VOA http://ift.tt/2peKCo6
via IFTTT
Ciidamada Ethiopia oo ka Baxay Dhuusomareeb
Wararka ka imanaya magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galguduud ayaa sheegaya in ciidamadii Itoobiya ee ku sugnaa magaaladaasi ay halkaasi ka baxeen.
from VOA http://ift.tt/2p38UBI
via IFTTT
Warbixin: Soomaalida Qurbaha iyo Cudurka Autism-ka
Sanad kasta bishan April waxaa dunida laga sameeyaa wacyigalin la xidhiidha xanuunka Autism-ka oo ka mid ah xanuunada haleela caruurta yar yar ee da'doodu ay hoosayso. Soomaalida ku dhaqan qurbaha ayaa sandihii u danbeeyey la tacaalayay xanuunkan iyagoo wada wacyigalino ay waalidiinta wax kaga fahamsiinayaan waxa uu yahay. Magaalada Minneapolis ee dalka Maraykanka oo ah magaalo ay ku nool yihiin Soomaali badan ayaa dadka u dhaqdhaqaaqa wacyigalintiisu ay tilmaamayaan in waalidiintu ay berigii hore dafiri jireen xanuunkan balse imika ay adeeg u soo raadsadaan caruurta uu haleelo. Sidoo kale maalinta beri ah ayaa waxaa magaalada lagu qabanayaa kulan wacyigalin ah oo la xidhiidha Autism ka. Cabdixakiim Maxamuud Shirwac ayaa warbixintan ku eegaya.
from VOA http://ift.tt/2oy1ghz
via IFTTT
Mareykanka oo Bamkii ugu Weynaa ku Dhuftay Afghanistan
Wasaaradda gaashaandhigga Afghanistan ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in bamkaas lagu dilay 36 ka mid ah dagaalyahanada kooxda Daacish, laguna burburiyey hub badan.
from VOA http://ift.tt/2pgquPt
via IFTTT
Thursday, April 13, 2017
Maraykanka oo Ciidan u Diray Somalia
Saraakiil Maryakan ah ayaa VOA u sheegay in ciidamo Maraykanka la geeyay magaalada Muqdisho si ay tababar u siiyaan ciidamada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.
from VOA http://ift.tt/2os5BB5
via IFTTT
Suuqyada Hargeysa iyo Berbera oo Maanta Xirnaa
Suuqyada waawayn ee magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera ayaa maanta gebi ahaanba xidhnaa, kadib markii ganacsatadii suuqyadaasi ay sameeyeen shaqo joojin.
from VOA http://ift.tt/2oaptHc
via IFTTT
Dowladda Somalia oo Soo Bandhigtay Qorshaha Amniga Qaranka
Shir ay maanta magaalada Muqdisho ku yeesheen golaha wasiirada ee Soomaaliya ayaa lagu soo bandhigay qorshaha amniga qaranka.
from VOA http://ift.tt/2pctI6I
via IFTTT
Trump oo Beddelay Fikirkiisi Hore ee NATO
Madaxweynaha dalkan Maraykanka Donald Trump ayaa arbacadii shalay ku dhawaaqay in isbahaysiga NATO uu yahay mid muhiimaddiisu ay weli taagan tahay.
from VOA http://ift.tt/2oCrqjj
via IFTTT
Nin Lagu Tuhmayey Qaraxyadii Dortmund oo Caddeymo Lagu Waayey
Dacwad oogayaasha dalka Jarmalka ayaa sheegay in baarayaasha aysan helin wax caddeymo ah oo muujinaya in nin loo xiray qarax lala eegtay baska kooxda Borussia Dortmund uu ka qeyb galay weerarkaas.
from VOA http://ift.tt/2oCir1S
via IFTTT
Wednesday, April 12, 2017
IMF: Abaarta Waxay Saameysay Dhaqaalihii Soomaaliya
Sanduuqa lacagta adduunka ee IMF ayaa war uu soo saaray ku sheegay in abaarta ka jirta Soomaaliya ay si weyn u saamaysay dhaqaalihii dalka.
from VOA http://ift.tt/2pu9Z1D
via IFTTT
Barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha, Qeybta 366
Barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha ee toddobaadkani waxaa si aad uga barateenba soo jeedinaya Axmed Faarax Cali Idaajaa, waana qeybtii 366-aad. Barnaamijka oo dhan hoosta ka dhageyso.
from VOA http://ift.tt/2p8nzIz
via IFTTT
Kabtan Laga Soo Badbaadiyey Burcad Badeedda oo la Hadlay VOA
Kabtanka doonta Al- Kausar oo ay soo afduubeen burcad badeedda Soomaalida ah ayaawaraysi gaar ah oo uu siiyey VOA ku sheegay inuu aad ugu faraxansan yahay in ugu dambayn ay soo furtaan ciidamada amniga ee Soomaaliya.
from VOA http://ift.tt/2ptuTOp
via IFTTT
Farmaajo oo Laba Sano u Qabsaday Al-Shabaab
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farnmaajo ayaa sheegay in muddo laba sano gudahood ah ay dowladdiisu Al-Shabaab kaga xureyn doonto dhamaan meelaha ay haatan kaga sugan yihiin Soomaaliya, ayna ka hirgelin doonaan maamullo.
from VOA http://ift.tt/2p5qCnP
via IFTTT
Warbixin: Tayada Waxbarashada Soomaalida Qurbaha
Qaar ka mid ah deegaanada ay ku nool yihiin Soomaalida Qurbaha, gaar ahaan dalalka Reer Galbeedka ah, waxaa ka jira xubno Soomaalida degaankaas ka mid ah oo ku biirey mas'uuliyiinta la doorto ee Gudiga Deegaanka ee Waxbarashada oo inta badan heer degmo laga soo doorto. Hadaba door intee le eg ayey xubnahaasi ku leeyihiin sare u qaadidda teyada ilmaha Soomaalida ee dhigta dugsiyada waxbarasha ee maamulkooda hoos yimaado. Jaamac Buulle Jaamac ayaa warbixintan ku eegaya.
from VOA http://ift.tt/2oovT7g
via IFTTT
Kooxda Abu Sayyaf oo Laga Dilay Taliye Sare
Milatariga Philippine ayaa dilay taliye muhiim ah oo ka tirsanaa kooxda mintidiinta ee Abu Sayyaf, sida uu maanta sheegay madaxda milatariga dalkaas.
from VOA http://ift.tt/2p4Lyvq
via IFTTT
Ciidamada Galmudug oo Soo Furtay Ajaaniib La Haystay
Mas'uuliyiinta magaalada Hobyo ee gobolka Mudug ayaa sheegay inay soo furteen 8 Hindi ah oo shaqaale ah oo la socday markab dhowaan lagu afduubay xeebaha Soomaaliya kuwaasi oo la geeyey dhinaca berriga.
from VOA http://ift.tt/2ool3OK
via IFTTT
Tuesday, April 11, 2017
Xubno Shabaab ah oo Lagu Qabtay Qoryooley
Howlgal ka dhacay degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellaha Hoose, oo ay sameeyeen ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa Amisom ayaa lagu soo qabtay afar ka mid ah maleeshiyada ururka Al-Shabaab.
from VOA http://ift.tt/2pq9RQX
via IFTTT
Burcad Badeed ku Fashilmay Weerar oo la La'yahay
Saddex ka tirsan burcad badeedda Soomaaliya ee ku lugta lahayd weerar lagu qaaday Markab laga leeyahay jasiiradda Tuvalu ayaa la la'yahay kadib markii uu fashilmay weerarkoodii.
from VOA http://ift.tt/2p1gMnb
via IFTTT
Culimada Soomaaliya oo ka Digay Urur Diimeed Cusub
Qaar ka mid ah culimada ugu magaca weyn Soomaalida ayaa ka digay waxa ay ku tilmaameen khatar kasoo socota koox diimeed dhowaan looga dhowaaqay waddamo islaam ah oo ay ku jirto Soomaaliya.
from VOA http://ift.tt/2p3i65W
via IFTTT
Dad ka Tirsan Urur Diimeed Cusub oo Lagu Xiray Hargeysa
Ciidamada booliiska Somaliland ayaa xabsiga u taxaabay qaar ka mid ah koox dhawaan magaalada Hargeysa kaga dhawaaqday urur diimeed ay sheegeen inay yihiin faraca Somaliland.
from VOA http://ift.tt/2p1ajZ3
via IFTTT
Warqad la Xiriirta Soomaaliya oo loo Diray Trump
Qaar ka mid ah xubnaha congress-ka Mareykanka ee laga soo doorto gobolka Minnesota ayaa warqad ay u direen madaxweyne Donald Trump ku sheegay inay ka walaacsan yihiin miisaaniyad dhimista wasaaradda arrimaha dibedda iyo hay'adda USAID, oo ay sheegeen inay saameyn ku yeelan karto Soomaaliya.
from VOA http://ift.tt/2onedua
via IFTTT
France: Dab Burburiyey Xero Qaxooti
Dab ayaa burburiyey inta badan xerada muhaajiriinta ay ku noolaayeen ee Grande-Synthe ee ku taalla meel ku dhow magaalada Dunkirk ee waqooyiga dalka Faransiiska.
from VOA http://ift.tt/2ouR09S
via IFTTT
Monday, April 10, 2017
Warbixin: Amniga Muqdisho oo Sii Xumaanaya
Amaanka magaalada Muqdisho ayaa kasii darayey dhowrki maalmood ee lasoo dhaafay tan iyo marki dowladan cusub ay talada la wareegtey.
from VOA http://ift.tt/2p1uhAj
via IFTTT
Biyo La'aan ka Jirta Qeybo ka mid Ah Puntland
Dhul daaqsimeed ka tirsan gobolada Puntland ee ay horay u tageen xoolo dhaqato ka kala yimid deegaamada Soomaalidu ay degto ayaa laga soo sheegayaa dhibaato biyo la'aan xoog leh iyo iyadoo dadkii ay u hayaamayaan meelaha uu roobka Gu'gu ka da'ay.
from VOA http://ift.tt/2oYV2VU
via IFTTT
Ciidamada Galmudug oo Weeraray Burcad Badeedda
Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegay in ciidmo ka tirsan Galmudug ay weerar ku qaadeen kooxdii Burcad badeeda aheyd ee dhawaan qabsaday doon ganacsi oo laga lahaa dalka India.
from VOA http://ift.tt/2oiEo5d
via IFTTT
Xal Laga Gaaray Dagaalladii Gobolka Sh/Dhexe
Maalmihii u dambeeyay waxaa dagaallo beeleedyo ay ka jireen deegaanno ka mid ah gobolka Shabeelaha Dhexe, gaar ahaan degmooyinka Balcad iyo Cadale. Dagaaladaas ayaa sida maamulka u sheegay waxaa ku dhintay ugu yaraan 7 qof. Guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Dhexe Axmed Meyre Makaraan, oo wareysi siiyey VOA ayaa sheegay in dagaaladaas iminka xal buuxa laga gaaray. Wariyeheenna Xuseen Xassan Dhaqane ayaa warbixintan inoo soo diray.
from VOA http://ift.tt/2nUeIIF
via IFTTT
Qarax Lagu Dilay Askar oo ka Dhacay Muqdisho
Saraakiisha milatariga Soomaaliya ayaa sheegay in qof ismiidaamiyey uu weerar ku qaaday xero milatariga lagu tababaro, oo ku taalla duleedka magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, halkaasi oo askar badan ay ku dhinteen.
from VOA http://ift.tt/2ojeYmG
via IFTTT
Mareykanka oo 'Weerar Kale' ku Qaadaya Syria
Danjiraha Mareykanka u fadhisa Qaramada Midoobay,ayaa sheegtay in madaxweyne Donald Trump uu doonayo inuu dalka Suuriya ku qaado weeraro kale oo millatari.
from VOA http://ift.tt/2ohFkHe
via IFTTT
Sunday, April 9, 2017
Ciyaartooy Lagu Abaalmariyey Minnesota
Munaasabad lagu abaalmariyey dadka wax kusoo kordhiyey bulshada Soomaalida gaar ahaan dhinaca ciyaaraha ayaa Axadi lagu qabtay gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka.
from VOA http://ift.tt/2oWPueG
via IFTTT
Masar oo Lagu Soo Rogay Xaalad Deg Deg Ah
Madaxweynaha Masar ayaa xalay ku dhawaaqay sadex bilood oo xaalad deg deg ah oo dalkaasi lagu soo rogay, kadib marki Axadi shalay ay Masar ka dhaceen laba qarax oo waaweyn lala beegsaday kaniisado ay leeyihiin dadka Qabtiyiinta Masar ee diinta Masiixiga heysta.
from VOA http://ift.tt/2nwb7VS
via IFTTT
Wicitaanka: Prof. Maxamed A. Kulane
Barnaamijka Wicitaanka ee toddobaadkan waxaa marti ku ah Hormoodka Kulliyadda Beeraha ee Jaamacadda Somalia, Prof. Maxamed Axmed Kulane oo ka jawaabaya su'aalaha qaar ka mid ah dhageystayaasha VOA
from VOA http://ift.tt/2nuxET3
via IFTTT
Danjire Cawad: Ilaa 4000 ayaa la Tarxiilayaa
Danjiraha Somalia u fadhiya dalkan Mareykanka, Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in safaaradiisu ay ogaatay in hey'adaha socdaalka ee mareykanka ay doonayaan inay Mareykanka ka masaafuriyaan ilaa 4 Kun oo qof oo Soomaali ah.
from VOA http://ift.tt/2oexT1T
via IFTTT
Somaliland oo Ka Hadashay Duqeyntii Lagu Dilay Tahriibayaasha ee Yemen
Maamulka Soomaaliland, ayaa ka hadlay dadka ka soo jeeda gobollada maamulkaasi ee ku dhintey duqeyntii bishii tagtay loo geystay dad tahriibayaal Soomaali ahaa oo ku sugnaa biyaha Yemen.
from VOA http://ift.tt/2oSIrqh
via IFTTT
Col. Roobow: Shabaab, Halagu Dayo Wadiiqo Kale
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, ayaa dhawaantan ku dhawaaqey dar-dar gelinta dagaalka ka dhanka ah al-Shabaab. Waxa dhinaca kale soo badanaya weerarada ay kooxda al-Shabaab ka geysaneyso magaalada Muqdisho iyo meelo kale oo ka mid ah Soomaaliya.
from VOA http://ift.tt/2phjxgz
via IFTTT
Muqdisho: 15 Ruux oo Ku Dhimatay Weerar Ismiidaamin Ahaa
Ku dhowaad 15 qof ayaa ku dhimatay qarax xooggan oo oo maanta ka dhacay meel u dhow wasaaradda gaashaandhigga ee Soomaaliya, sida ay sheegeen goobjoogayaal.
from VOA http://ift.tt/2nujMZ5
via IFTTT
Qarax Ka Dhacay Muqdisho
Wararka ka imanaya magaalada Muqdishu ayaa sheegaya in uu qarx ka dhacaty meel u dhow wasaaradda gaashaandhigga ee Soomaaliya.
from VOA http://ift.tt/2ntRhuC
via IFTTT
Saturday, April 8, 2017
Dhageyso: Barnaamijka Hambalyada iyo Heesaha
Kusoo dhawaada barnaamijka Hambalyada iyo Heesaha. Waxaa soo jeedinaya Caasha Ibrahim Adan (Casha Cuud) iyo Ibrahim Xassan Garabeey (Daandureey).
from VOA http://ift.tt/2pdAZCq
via IFTTT
Puntland oo Xakun Dil ah Ku Fulisay 5 Dhalinyara ah
Maxkamada Ciidamada Puntland ayaa maanta xakun dil ah ku fuliyey shan nin oo lagu soo eedeeyey in ay ka tirsanaayeen Al-Shabab, gudaha magaalada Boosaaso.
from VOA http://ift.tt/2nqp0Fi
via IFTTT
Dhageyso Barnaamijka Dhacdooyinka Toddobaadka
Ku soo dhawaada dhageystayaal Barnaamijka Dhacdooyinka Toddobaadka, oo aad xilliyadan oo kale dhageysataan.
from VOA http://ift.tt/2pdwqIs
via IFTTT
Wariye Cabdimalik Caldoon oo La Xakumay
Maxkamadda gobolka Hargeysa ayaa maanta laba sanno oo xabsi ah ku xukuntay Cabdimaalik Muuse Coldoon oo muddo laba bilood ah ku xirnaa Hargeysa.
from VOA http://ift.tt/2o9rftD
via IFTTT
Madasha Dhalinyarada: Cabdixakiin PR Iyo Farxiya Qalanjo
Barnaamijka Badasha Dhalinyarada waxaa marti ku ah Cabdixakiin PR oo ah soo saare filin, qoraa iyo majaajiliiste, iyo Farhia Qalanjo oo ah qoraa iyo abwaanad sameysa heesaha iyo sheekooyinka.
from VOA http://ift.tt/2nq6m0f
via IFTTT
Xiriirka Mareykanka Iyo Ruushka Kadib Duqeyntii Suuriya
Weerarki aargoosiga ahaa ee Mareykanka uu Jimcihii ka fuliyey Suuria ayaa khatar gelinaya xiriirka Mareykanka iyo Dowlada Ruushka oo si xoog leh u taageerta rajiimka Bishar Al Asad.
from VOA http://ift.tt/2oNf0Gs
via IFTTT
Friday, April 7, 2017
Faaqidaada Todobaadka: Soo Laba-kacleynta Burcadbadeeda.
Barnaamijka Faaqidaada Todobaadka, oo soo diyaarisay soona jeedin doonta Casha Cuud, wxuu ku saabsanyahay soo rogaalcelinta burcad badeeda Soomaalida.
from VOA http://ift.tt/2oal2PL
via IFTTT
Warbixin: Magacaabista Talyaasha Ciidamada Maxay Ka Beddeli Kartaa Xaalada Amni ee Soomaaliya
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shalay ku dhowaaqay dagaal ka dhan kooxda Al-Shabab, isaga oo ciidamadana u magacaabay taliyaal cusub.
from VOA http://ift.tt/2o5STb7
via IFTTT
Baabuur Dad Lagu Jiirsiiyey Sweden
Wararka ka imaanaya dalka Sweden ayaa sheegaya in ugu yaraan ay saddex ruux geeriyoodeen kadib marki baabuur kuwa xamuulka ah lagu jiirsiiyey dad marayey wadada Drottninggatan ee magaalada Stockholm.
from VOA http://ift.tt/2nlAHwX
via IFTTT
Amuuraha Islaamka: Kooxda Saadicuun Bil-Xaq
Barnaamijka Amuuraha Islaamka waxaan ku falanqeyn doonnaa koo diimeed la magac baxay Al Saadicuun Bil-Xaq oo asbuucaan Soomaaliya looga dhawaaqay.
from VOA http://ift.tt/2nLlMaO
via IFTTT
Hoobiyaal Lagu Garaacay Muqdisho
Ugu yaraan labo ruux ayaa ku geeriyootay labo kalana waa ay ku dhaawacmeen kadib marki sadex madfac ay duhurnimadi maanta ku habsadeen xaafado ku yaalla degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.
from VOA http://ift.tt/2oIB58Q
via IFTTT
Golaha Amaanka oo Cambaareeyey K.Waqooyi
Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa si xoog leh u cambaareeyey tallaabadi ay Kuuriyada Waqooyi todobaadkan ku tijaabisay gantaal noociisu ahaa ballistic.
from VOA http://ift.tt/2nKHmfy
via IFTTT
Wararki Ugu Danbeeyey ee Duqeynta Mareykanka ee Suuriya
Milatariga Mareykanka ayaa aroornimadi hore ee saakay duqeymo la beegsaday xarumo milatari oo ku yaalla bariga dalka Suuriya.
from VOA http://ift.tt/2o4TREp
via IFTTT
Thursday, April 6, 2017
Siiriya: Mareykanka oo Duqeymo ugu Jawaabay Weerarkii Kiimikada
Warbaahinta Mareykanka, ayaa ku waramaysa in Mareykanku uu duqeyn ka geystay dhowr goobood oo Siiriya ku yaalla habeenkii Khamiista, xilliga Mareykanka, taas oo jawaab u aheyd weerarkii kiimiko ee dhawaantan ka dhacay dalkaasi.
from VOA http://ift.tt/2nQzUjT
via IFTTT
Puntland iyo DP World oo Heshiis Kala Saxiixday
Shirkadda DP World ee fadhigeedu yahay dalka Imaaraadka Carabta iyo masuuliyiinta maamul-goboleedka Puntland ee Soomaaliya ayaa kala saxeexday heshiis ku saabsan horumarinta iyo maalgelinta dekedda Boosaaso.
from VOA http://ift.tt/2nHWJVU
via IFTTT
10 Qof oo ku Dhintay Qarax ka Dhacay Sh/Hoose
Ugu yaraan 10 Qof ay ku dhimatay qarax gaari caasi ah ku haleelay deegaanka Golweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose.
from VOA http://ift.tt/2o6WB5Q
via IFTTT
Barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha, Qeybta 365
Barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha ee toddobaadkani waxaa si aad uga barateenba soo jeedinaya Axmed Faarax Cali Idaajaa, waana qeybtii 365-aad. Barnaamijka oo dhan hoosta ka dhageyso.
from VOA http://ift.tt/2oF4TTM
via IFTTT
Warbixin: Sare u Kaca Qiimaha Guryaha Muqdisho
Dhulka ama Boosaska magaalada Muqdisho waxaa muddooyinkii ugu dambeeyay uu qiimihiisu noqday mid si xad dhaaf ah uga badan intii la kala siisanayay dhowr sano horteed.
from VOA http://ift.tt/2oIb1KR
via IFTTT
Mareykanka Oo Ballaarinya Amaro ka Dhan Ah Diyaaradaha
Maraykanka ayaa doonaya inuu dhakhso u ballaariyo mamnuucistiisii ku aadanayd in Computer-ada kala duwan ee lala raaco qaybta rakaabka ee diyaaradaha ka imanaya Bariga dhexe iyo Afrika.
from VOA http://ift.tt/2oMKfhx
via IFTTT
Daanta Galbeed: Israeli Lagu Dilay Weerar Baabuur
Nin dhallinyar oo Israeli ah ayaa geeriyooday kadib markii isaga iyo qof la socday uu Daanta Galbeed ku jiiray baabuur uu waday darawal Falastiini ah.
from VOA http://ift.tt/2nH5obh
via IFTTT
Farmaajo oo Taliyeyaal Cusub iyo Duqa Muqdisho Magacaabay
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa maanta magacaabay taliyeyaal cusub oo hay'adaha amniga dalka ay yeelanayaan iyo guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir.
from VOA http://ift.tt/2oGNEB8
via IFTTT
Wednesday, April 5, 2017
Warbixin: Hanaanka Loo Iibsado Guryaha Mareykanka
Sanadihi ugu danbeeyey waxaa Mareykanka kusoo badanayey Soomaalida iibsaneysa guryaha.
from VOA http://ift.tt/2nZMazl
via IFTTT
Dowladaha Galbeedka oo Si Kulul Uga Hadlay Weerarki Kiimiko ee Idlib
Dowladaha Britain, France iyo Mareykanka ayaa si xoog leh u cambaareeyey Dowlada Ruushka inti lagu guda jiray kulan deg deg ah oo uu Golaga Amaanka eeQM gelinki danbe ee shalay ka yeeshay arrinta hubka kiimikada ee loo adeegsaday dadka rayidka ah ee Suuriya.
from VOA http://ift.tt/2oDRcEL
via IFTTT
Puntland: Maxkamad Go'aan ka Gaartay Kiiska Universal TV
Maxkamad ku taalla magaalada Garoowe ayaa ku ganaaxday telefiishanka Universal lacag dhan 2 kun oo dollar.
from VOA http://ift.tt/2oIbnhN
via IFTTT
Syria: Tirada Dadka ku Dhintay Weerar Kiimiko oo Korortay
Dalad ay ku jiraan ururo gargaar oo reer galbeed ah ayaa boqol qof gaarsiisay tirada dadkii ku dhintay weerar kiimiko loo adeegsaday oo ka dhacay magaalada Khan Sheikhoun ee xarunta gobolka Idlib ee Syria.
from VOA http://ift.tt/2oCWvnt
via IFTTT
Shaqaale Caafimaad oo Lagu Afduubtay Hiiraan
Wararka ka imanaya gobolka Hiraan ayaa sheegaya in koox hubeysan ay maanta ka afduubtay meel qiyaastii 10 KM u jirta magaalada Baledweyne shaqaale ka tirsan ururka dhaqaatiirta Xanaanada Xoolaha Goballada Dhexe iyo nin darawal u ahaa
from VOA http://ift.tt/2oI0OLA
via IFTTT
Midowga Yurub oo €80 Milyan Ugu Deeqay Soomaaliya
Midowga Yurub ayaa sheegay inay soo ururiyeen lacag dhan 80 milyan oo Euro oo loogu talo-galay gargaarka bani'aadanimo ee abaaraha ka jira dalka Soomaaliya.
from VOA http://ift.tt/2nDljr4
via IFTTT
DF: Waxba Iskama Beddelin Heshiiskii Duulimaadyada
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in waxba aysan iska beddelin heshiis ay horey ula gashay dowladda Kenya oo ku saabsan in diyaaradaha ka dhoofaya garoonka Muqdisho ay toos u tagaan Nairobi, oo aysan marin magaalada Wajeer.
from VOA http://ift.tt/2oHzRaP
via IFTTT
5 Qof oo ku Dhintay Qarax ka Dhacay Muqdisho
Ugu yaraan shan qof ayaa ku geeriyootay, sideed kalena waa ay ku dhaawacmeen qarax baabuur oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, sida ay sheegeen goobjoogeyaal iyo suxufiyiin.
from VOA http://ift.tt/2nDk5fv
via IFTTT
Tuesday, April 4, 2017
USA: Xildhibaanno Ku Baaqey Baajinta Musiibo Ka Dhalata Abaaraha
Guddi xildhibaanada madowga ah ee Mareykanka ee ku jira golaha Sanetka Mareykanka ugu qaabilsan Afrika ayaa ku baaqay in si deg deh ah loo qaado tallaabo looga hortagayo baajinta masiibo bani'aadannimo.
from VOA http://ift.tt/2oAaeMf
via IFTTT
Shirkii Garsoorka Afrika oo Lagu Soo Gebaebeeyey Khartoum
Magaalada Khartoum ee xarunta dalka Sudan waxaa lagu soo gabagabeeyay shirkii ugu horeeyay ee ay yeeshaan madaxda hey'adaha garsoorka iyo maxkamadaha sare ee qaaradda Africa.
from VOA http://ift.tt/2oW4jgz
via IFTTT
Biyaha Webiga Shabelle oo Sare u Kacay
Biyaha ku jira webiga Shabelle eyaa la sheegay inuu sare u kacay soona batay kadib roobab lixaad leh oo dhowaanahan ka da'ay qeybo ka mid ah dalka Itoobiya.
from VOA http://ift.tt/2oECxG8
via IFTTT
Wararkii Ugu Dambeeyey Doonyo Lagu Afduubtay Xeebaha Soomaaliya
Guddoomiyaha degmada Hobyo Cabdullaahi Axmed Cali Faat ayaa sheegay inay qaadi doonaan tallaabo kasta oo lagu samata bixinayo doon kuwa ganacsiga ah iyo shaqaalihii saarnaa oo ay burcad badeedda Soomaali ah kasoo afduubeen badweynta Hindiya, taasi oo xilligan lagu hayo meel u dhow magaalada Hobyo.
from VOA http://ift.tt/2nY16zz
via IFTTT
Shaqaale Gargaar oo Lagu Afduubtay Gedo
Mas'uuliyiinta gobolka Gedo ayaa sheegay in maleeshiyada ururka Al-Shabab ay weli gacanta ku hayeen afar qof oo shaqaale gargaar ah oo ka shaqaynayey wacyigelinta caafimaadka.
from VOA http://ift.tt/2oxrlOP
via IFTTT
Trump oo Beddelay Siyaasaddii Mareykanka ee Masar
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa dib boorka uga jafay xiriir sanado nuxuuska ahaa oo uu Mareykanku la lahaa wadanka ugu weyn dunida carabta ee Masar, kadib markii Isniintii uu si diiran Aqalka Cad ugu soo dhaweeyay madaxweyne Abdel Fattah el-Sissi.
from VOA http://ift.tt/2oxb1gQ
via IFTTT
Kulan Cilmiyeedka Kansarka oo ka Socda Washington
Waxaa magaaladan Washington DC ee caasimada Mareykanka ka socdo kulan cilmiyeed sanadle ah oo la isku weydaarsado macluumaadki ugu danbeeyey ee cudurka Cancer-ka.
from VOA http://ift.tt/2owXCp6
via IFTTT
'Weerar Kiimiko oo 35 Qof ku Dilay Syria'
Weerar la tuhusan yahay in gaas loo adeegsaday oo ka dhacay waqooyiga dalka Syria ayaa dilay ugu yaraan 35 qof, waxaana la xanuunsan tobaneeyo kale.
from VOA http://ift.tt/2nEFoOq
via IFTTT
Ninka Lagu Tuhmayo Weerarkii Ruushka oo la Aqoonsaday
Mas'uuliyiinta sirdoonka dalka Kyrgyzstan, ayaa sheegay in qofka la tuhunsan yahay inuu ka dambeeyey qaraxii dhimashada badnaa ee shalay ka dhacay xarun tareenada laga raaco oo ku taalla Ruushka, uu yahay muwaadin u dhashay dalka Kyrgyzstan oo haysta dhalashada Ruushka.
from VOA http://ift.tt/2nSC0k0
via IFTTT
Monday, April 3, 2017
Doon Lagu Afduubtay Xeebaha Soomaaliya
Wararka ka imanaya Soomaaliya ayaa sheegaya in dooni kuwa ganacsiga ah, oo la sheegay inay ka diiwaan gashan tahay dalka Hindiya, lagu afduubay xeebaha Soomaaliya, loona malaynayo in dadka afduubay ay yihiin burcad badeed Soomaali ah.
from VOA http://ift.tt/2nBiNSN
via IFTTT
Michael Keating oo Booqasho ku Tagey Hargeysa
Ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa socdaal ku tegay magaalada Hargeysa, halkaasi oo uu kula kulmay mas'uuliyiin uu ka mid yahay madaxweyne Siilaanyo.
from VOA http://ift.tt/2nPg7Ss
via IFTTT
Cudurka Shubanka oo 9 Qof ku Dilay Buuhoodle
Inta la ogyahay sagaal qof ayaa dhintay, 31 qof oo kalena waxaa la dhigay cisbitalka kadib markii cudurka shubanka uu ka dillaacay magaalada Buuhoodle.
from VOA http://ift.tt/2otlSZ0
via IFTTT
Maleeshiyada Al-Shabaab oo Qabsaday Ceelbuur
Maleeshiyo ka tirsan ururka Al-Shabaab ayaa maanta qabsaday degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud, kadib markii ay isaga baxeen ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowladda Soomaaliya ee halkaas ku sugnaa.
from VOA http://ift.tt/2nSk3DG
via IFTTT
10 Qof oo ku Dhintay Qarax ka Dhacay Ruushka
Ugu yaraan 10 qof ayaa lagu dilay qarax ka dhacay xarun tareenada laga raaco oo ku taalla magaalada St. Petersburg ee dalka Ruushka.
from VOA http://ift.tt/2otdfgR
via IFTTT
Jared Kushner oo Booqday Ciraq
Sarkaal sare oo ka tirsan Aqalka Cad ayaa sheegay in Jared Kushner oo ah wiilka uu sodoga u yahay madaxweyne Donald Trump, islamarkaana la taliye sare u ah madaxweynaha uu ku booqday Ciraq.
from VOA http://ift.tt/2oPKTdi
via IFTTT
Sunday, April 2, 2017
Dad Ku Dhintay Fataaho Ka Dhacay Colombia
Kooxaha gurmadka ayaa ka baaraya dhoobada iyo burburka dad loo maleynayo in ay qaadeen daadad xoog leh oo ka dhashay fatahaado ay habeenkii Jimcaha sameeyeen sadex wabi oo mara dalka Colomombia.
from VOA http://ift.tt/2oOVFAt
via IFTTT
Jaamacadda Garissa: Labo Sano ka Dib
Laba sano ayaa kasoo wareegtay weerarkii 2-dii bishii Abriil sanandkii 2015-ka lagu qaaday Jaamacadda Garissa University College ee magaalada Gaarisa, Waqooyi Bari Kenya, weerarkaasi oo ay ku dhinteen 148 qof oo u badan ardaydii jaamacaddaasi dhigaanaysay.
from VOA http://ift.tt/2ntHIH8
via IFTTT
Rasaas iyo Qarax ka Dhacay Muqdisho
Warar ka imaanaya magaaladda muqdisho ayaa sheegaya in Dabley hubeysan oo wadatay gaari ay rasaaseeyeen baabuur ay la socdeen shaqaale ka tirsan wasaarada maaliyadda, halka qarax lala beegsaday baabuur marayey Dayniile.
from VOA http://ift.tt/2oNkPzE
via IFTTT
Veysi Kaynak oo Muqdisho Tagey
Ra'iisal Wasaare Ku-xigeenka Turkiga Veysi Kaynak ayaa maanta tagey magaalada Muqdishu, isaga oo madaxda Soomaalida kala hadlay wax ka qabashada dhibaatooyinka abaaraha Soomaaliya iyo kaalinta Turkiga.
from VOA http://ift.tt/2opXCY8
via IFTTT
Wareysi: Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Q-1aad
Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland ayaa sheegay in xaaladda abaarta ka taagan qeybo ka tirsan Somaliland ay aad u daran tahay kuna dhow dahay in Somaliland ay macluul ka dilaacdo.
from VOA http://ift.tt/2oxe31o
via IFTTT
Wariye Hanad Cali oo la sii Daayey
Idaacadda Goobjoog ee magaalada Muqdishu ayaa sheegtay in la sii daayey weriye Hanad Cali Guuleed oo ka tirsanaa shaqaalaha telefishanka, 24 saac kadib markii ay afduubeen dablay aan haybtooda la garanayn.
from VOA http://ift.tt/2opE4Cy
via IFTTT
Wicitaanka: Shamsa Aadan Xasan
Barnaamijka Wicitaanka Dhageystaha ee toddobaadkan waxaa marti ku ah Shamsa Aadan Xasan oo ah khabiir dhinaca beeraha ah, waxayna ka jawaabi doontaa su'aalo ay weydiinayaan dhageystayaasha VOA
from VOA http://ift.tt/2oxaKrc
via IFTTT
Saturday, April 1, 2017
Muqdisho: Wariye la Afduubtay
Wariye Hanad Cali Guuleed oo soo-saare ka ah telefishinka Goobjoog ayaa wararku sheegayaan in saaka aroortii rag aan heybtooda la garaneynin ay ka afduubteen magaalada Muqdisho.
from VOA http://ift.tt/2mYYxys
via IFTTT
Caweyska Washington: Sahra Ciidle Nuur
Barnaamijka Caweyska Washington ee toddobaadkan waxaad ku dhageysan doontaan qubanayaal xiiso badan oo ay ka mid tahay maanso ay isu tirinayaan lamaanayaasha is-guursada ee kala da'da weyn.
from VOA http://ift.tt/2omC8en
via IFTTT
Martida: Cabdirashiid M. Siciid (Dahabshiil)
Barnaamijka Martida Mikrofoonka ee toddobaadkan waxaa marti ku ah Maamulaha Guud ee Shirkadda Dahabshiil, Cabdirashiid M. Siciid (Dahabshiil) oo ka hadlaya dadaalada abaaraha ka jira Somalia.
from VOA http://ift.tt/2onk8AT
via IFTTT
Dhageyso: Barnaamijka Hambalyada Iyo Heesaha
Kusoo dhawaada barnaamijka Hambalyada iyo Heesaha. Waxaa soo jeedinaya Caasha Ibrahim Adan (Casha Cuud) iyo Ibrahim Xassan Garabeey (Daandureey).
from VOA http://ift.tt/2ntVbzB
via IFTTT
RW Kheyre: Waan La Jihaadeynaa Ciddii Ku Lug Yeelata Musuq-maasuq
Ra'isul wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa wacad ku maray in xukumaddiisa ay la dagaalami doonto musuq maasuqa.
from VOA http://ift.tt/2omYDjs
via IFTTT
Dhageyso Dhacdooyikii Toddobaadka
Ku soo dhawaada dhageystayaal barnaamijka Dhacdooyinka Toddobaadka, oo aan diiradda ku saareyno dhacdooyinkii ugu waaweynaa ee dhacay toddobaadkii tagay.
from VOA http://ift.tt/2oKsHSe
via IFTTT
Daacish iyo Al Qaacida oo Ku Mashquulsan Aaldo Qarxa
Qaar ka mid ah warbaahinta Mareykanka ayaa sheegay in kooxaha Argagixisada ay tijaabo ku hayaan aalado qarxa oo lagu dhexqarin karo kamputerada Laptop-yada taasoo aaney arki karin qalabka wax baara ee garoomada diyaaradaha caalamiga ah.
from VOA http://ift.tt/2omNUpe
via IFTTT