Thursday, November 30, 2017

Wiilal Isla Dhashay oo Lagu Dilay South Africa

Burcad hubeysan ayaa habeenkii Khamiista ku dilay magaalada Johannesburg ee dalka Koofur Africa, laba wiil oo walaala ah oo ka mid ahaa Soomaalida ku gacansata dalkaasi.

from VOA http://ift.tt/2Amzclv
via IFTTT

Masar oo Laga Xusay Mawliidka Nabiga (NNKH)

Meelo badan oo ka mid ah dalka Masar ayaa waxaa xalay lagu qabtay xuska dhalashada Nabigeenna Muxamed (Naxariis iyo Nabadgalyo Korkiisa ha ahaatee), todobaad kadib marki kooxo mintidiin ahi ay boqolaal ruux ku dileen weerar ay ku qaadeen masaajid ay leeyihiin dariiqada suufida Masar.

from VOA http://ift.tt/2isUMQS
via IFTTT

Trump oo Baddalaya Rex Tillerson

Waxaa sii xoogeysanaya warka sheegaya in Madaxweynaha Mareykanak Donald Trump uu todobaadyada soo socda beddeli doono Xoghayah Arrimaha Dibadda Rex Tillerson.

from VOA http://ift.tt/2isfbW1
via IFTTT

David Silva oo Qanadaraas Cusub Saxiixay

Laacibka khadka dhexe uga ciyaara kooxda Manchester City David Silva ayaa hal sano oo qandaraas cusub ah u saxiixay kooxdiisa, taasoo meesha ka saareysa damaca kooxo badan oo isha la raacaya 31 jirkan.

from VOA http://ift.tt/2AJV8do
via IFTTT

Afghanistan: Dagaallo ka dhex qarxay Daalibaan iyo Daacish

Dagaalo xooggan oo malamo socday, kuwaas oo dhex maray kooxaha Daaliban iyo Daacish ee dalka Afghanistan, ayaa lagu soo warramayaa in labada dhinacba ay khasaare xooggan gaarsiiyeen.

from VOA http://ift.tt/2AniN0a
via IFTTT

8 qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Boosaaso

Wararka ka imaanaya magaalada Bosaaso ee Puntland ayaa sheegaya in ugu yaraan sideed qof ay ku dhaawacmeen miino lagu weeraray gaari ay saaraayeen ciidamada Puntland oo Marayay bartamaha Magaalada.

from VOA http://ift.tt/2iutYiV
via IFTTT

Sharci dejiyayaasha Britain oo dhalleeceeyey Trump

Sharci dejiyayaasha Britain ayaa si carro leh uga fal-celiyey dib u faafin uu madaxweyne Trump ku sameeyey Video muslim naceyb ah oo uu barta twitter-ka soo dhigay hogaamiyaha koox midigta fog oo British ah, kaasi oo horey loogu helay hadallo naceyb ku dhisan.

from VOA http://ift.tt/2AJ7imq
via IFTTT

Wednesday, November 29, 2017

Qubanaha VOA, Nov 30, 2017



from VOA http://ift.tt/2AnOaKf
via IFTTT

Askar Kenyan ah oo weerar lagu dilay

Sasdex ka tirsan booliska Kenya ayaa lagu soo waramayaa inay ku dhinteen weerar ay ku qaadeen maleeshiyo loo maleynayo inay ka tirsan yihiin ururka Al-Shabaab ee Soomaaliya.

from VOA http://ift.tt/2Bm48l1
via IFTTT

Trump oo tallaabo ka qaadaya Korea-da Waqooyi

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in cunaqabateyn dheeraad ah la saari doono Kuuriyada Waqooyi, kadib markii ay Pyongyang aroornimadi hore ee saakay tijaabisay gantaal ay khubarradu ku tilmaameen inuu gaari karo meel walba oo ka mid ah Mareykanka.

from VOA http://ift.tt/2j3f8wO
via IFTTT

Barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha, Qeybta 399

Barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha ee toddobaadkani waxaa si aad uga barateenba soo jeedinaya Axmed Faarax Cali Idaajaa, waana qeybtii 399-aad. Barnaamijka oo dhan hoos ka dhageyso.            

from VOA http://ift.tt/2AkbaKb
via IFTTT

Mukhtaar Roobow oo tagey Xudur

Magaalada Xudur ee Gobolka Bakool waxaa maanta gaaray Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu-Mansuur oo horey uga tirsanaa ururka al-Shabaab, markii dambena ka goostay, oo isu soo dhiibay dowladda Soomaaliya.

from VOA http://ift.tt/2Ajs3oh
via IFTTT

Erdogan oo musuq maasuq lagu eedeeyey

Hogaamiyaha mucaaradka ugu weyn Turkiga ayaa soo bandhigay wax uu ku tilmaamay caddeeymo muujinaya in malaayiin dollar oo ku jira Akoonno dibadda ah oo lala xiriiriyay madaxweynaha Turkiga Reccep Tayyip Erdogan.

from VOA http://ift.tt/2j42WMC
via IFTTT

Julio Cesar oo Ciyaaraha Ka Fariisanaya

Goolhayihii caanka ahaa ee kooxda Inter Milan iyo xulka Brazil Julio Cesar, ayaa lagu warramayaa inuu ka fariisan doono xirfaddiisa goolhayanimo ee dhinaca kubadda cakta marka uu dhamaado xilli ciyaareedkan.

from VOA http://ift.tt/2ijFYDZ
via IFTTT

Ciyaaraha Premier League ee Galabta iyo Caawa

Waxaa caawa fiidkii lagu wadaa in ay dhacaan kulamo ka tirsan horyaalka Ingiriiska ee Premier League.

from VOA http://ift.tt/2ik8Mfp
via IFTTT

Korea-da Waqooyi oo tijaabisay gantaal gaara Mareykanka

Korea-da Waqooyi ayaa tijaabisay gantaal qaaradaha isaga gudba markii ugu horeysay tan iyo bishii September, taasi oo dib usoo cusbooneysiisay xiisad, xilli Pyongyang ay sheegtay inay ku dhufan karto meel kasta oo Mareykanka ka mid ah.

from VOA http://ift.tt/2AHDZAR
via IFTTT

Tuesday, November 28, 2017

Australia: Soomaali lagu soo oogay kiis argagixisanimo

Booliska dalka Australia ayaa ku eedeeyay nin asalkiisu Somaali ah oo u dhashay dalka Australia inuu qorsheynayay weerar argagixiso oo uu ka geysto magaalada Melbourne, xilliga dabaal degga sanadka cusub.

from VOA http://ift.tt/2AFa787
via IFTTT

Maxkamadda sare ee Somaliland oo ansixisay natiijadii doorashada

Maxkamadda Sare ee Somaliland ayaa maanta ansixisay natiijada doorashada madaxtooyada ee la gelay laba toddobaad ka hor.

from VOA http://ift.tt/2AcS2NJ
via IFTTT

Soomaaliya iyo Qadar oo saxiixday heshiis mashaariiceed

Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar ayaa maanta magaalada Muqdisho ku kala saxiixday heshiis ku saabsan hirgelinta mashaariic horumarineed.

from VOA http://ift.tt/2BjttMj
via IFTTT

Turkiga oo sugaya in Mareykanku oofiyo ballantii uu qaaday

Saraakiil ka tirsan dawladda Turkiga ayaa sheegay inay eegayaan in Maraykanku uu ka soo baxo ballantii uu Madaxweynaha Maraykanka DonaldTrump la galay dhiggiisa Turkiga Reccep Tayyip Erdogan ee ahayd in Maraykanku uu joojinayo hubka uu siiyo maleeshiyada Kurdiga ah. Kooxdan ayaa kaalin ka qaadatay in laga guuleysto ururka ISIS ee dalka Suuriya. Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkiga Mevlut Cavusoglu ayaa ballantan labada dal wada galeen ka sheegay shir jar'aaid muddo ka yar ka dib markii labada madaxweyne ay telefonka ku wada hadleen maalintii Jimcihii. Wasiir Cavusoglu ayaa yiri Madaxweyne Trump waxa uu si cad u sheegay in uu amar cad bixiyey, kaas oo ah ururka Kurdiga Suuriya ee YPG aan wax hub ah la siin doonin, arrintan maalaa yacniga ahina ay ahayd in muddo dheer ka hor joogsato. Wakaaladda AP ayaa hadalkan wasiirka arirmaha Dibadda Turkiga qortay.

from VOA http://ift.tt/2AhsDAA
via IFTTT

Kenyatta oo xilli labaad loo dhaariyey madaxweynaha Kenya

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa maanta loo dhaariyey xilli cusub oo hoggaanka dalka ah, kadib guushii uu ka gaaray doorashadii mucaaradka ay qaadaceen ee dhacday bishii October.

from VOA http://ift.tt/2Ah32HZ
via IFTTT

Monday, November 27, 2017

Dagaalo Itoobiya Ku Dhexmaray Soomaalida iyo Oromada

Dowladda Ethiopia ayaa sheegtay in dad ka badan 20 ruux ay ku dhinteen dagaal todobaadki hore dhex maray qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada ee Itoobiya.

from VOA http://ift.tt/2zrMsnE
via IFTTT

Faarax Macallin: Ma carqaladeyneyno caleemo saarka Uhuru

Faraxa Macalin oo kamid ah xubnaha Isbaheysiga Mucaaradka Kenya ayaa sheegay in berri uu caleemasaarka dhacayo balse aysan mucaaradku diyaar u ahayn inay carqaladeeyaan munaasibadda caleemasaarka.

from VOA http://ift.tt/2AbfsDh
via IFTTT

Galmudug iyo Ahlu-Sunna oo ku wada hadlaya Jabuuti

Magaalada Djibouti waxaa waddahallo ay uga furmeen maamulka Galmudug iyo kan Ahlu-Sunna Wal-Jamaaca.

from VOA http://ift.tt/2BscmsS
via IFTTT

Milan oo Montella Ku Badashay Gattuso

Kooxda AC Milan ee dalka Talyaaniga ayaa eriday tababarahoodii Vincenzo Montella kuna badashay laacibkoodii hore Gennaro Gattuso.

from VOA http://ift.tt/2A9SMDe
via IFTTT

Suufiyiinta Masar oo wacad ku maray xuska nebiga NNKH

Muslimiinta Suufiga ah ee dalka Masar ayaa sheegay inay qorsheynayaan inay sii wadaan abaabulista xafladaha loogu dabbaal degayo dhalashada nebi Muhammed NNKH, inkasta oo qarax lala eegtay masjid ay isugu yimaadeen lagu dilay 305 qof, islamarkaana lagu dhaawacay 128 kale.

from VOA http://ift.tt/2hVfYLh
via IFTTT

Sunday, November 26, 2017

Shir Islaam oo Riyaad ka Furmay

Magaalada Riyad waxaa ka furmay kulan ay yeellanayaan Isbahaysiga dalalka Islaamka ee ladagaallanka argagixisada, kaas oo ay ka qeyb galayaan 41 waddan oo Somalia ay ku jirto.

from VOA http://ift.tt/2jp9C71
via IFTTT

Wasiirka Difaaca Soomaaliya oo La Magacaabay

Ra'iisulwasaaraha Somalia Xasan Cali Kheyre ayaa maanta xilka wasiirka gaashaandhiga u magacaabay xildhibaan Maxamed Mursal Sheekh.

from VOA http://ift.tt/2Abx9Ar
via IFTTT

Barn. Wicitaanka Dhageystaha

Barnaamijka Wicitaanka Dhageystaha ee toddobaadkan waxaa marti ku ah Prof. Afyare Cabdi Cilmi oo bare ka jaamacadda Qatar, waxana uu ka jawaabayaa su'aalaha qaar ka mid ah dhageystayaasha VOA

from VOA http://ift.tt/2AbEbVL
via IFTTT

Qarax Ka Dhacay Shiinaha

Qarax ka dhacay magaalada xeebeedka Ningbo ee Bariga dalka Shiinaha ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan laba ruux, halka ay ku dhaawacmeen tobneeyo kale.

from VOA http://ift.tt/2BditAe
via IFTTT

Messi oo La Dul Dhigay 700 Milyan

Kooxda Barcelona ayaa siisay xidigooda Lionel Messi qandaraas kordhin cusub, kaasoo dhamaan doona sanadka 2021-ka.

from VOA http://ift.tt/2AzeYYn
via IFTTT

Inter oo La Wareegtay Hogaanka Serie A

Kooxda Inter Milan ayaa marki ugu horreysay qabatay hogaanka horyaalka Serie A-da Talyaaniga, kadib marki ay 3-1 ku garaacday naadiga Cagliari.

from VOA http://ift.tt/2A6Tull
via IFTTT

Saturday, November 25, 2017

Xuska Mowliidka oo Ohio laga Xusay

Bisha Rabiicul Awal ee tirsiga Islaamka, waxaa sanad walba la qabtaa munaasabad lagu weyneynayo dhalashada Nabi Maxamed NNK, iyada oo meelaha sida weyn munaasabaddan sanadkan looga maamuusay ay ka mid tahay magaalada Columbus ee gobolka Ohio

from VOA http://ift.tt/2A8Jo34
via IFTTT

Barnaamijka Dhacdooyinka Todobaadka

Barnaamijka Dhacdooyinka Toddobaadka waxaan ku soo qaadanaynaa qoddobo kala duwan oo ka mid ah dhacdooyinkii ugu waawaynaa todobaadkan, waxaana soo jeedinaya Jamaal Axmed Cusmaan. Halkaan ka Dhageyso:    

from VOA http://ift.tt/2BbPjl3
via IFTTT

Trump: YPG ma Sii Hubeyn Doono

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa u sheegay dhigiisa Turkiga in Mareykanka uusan sii hubeyn doonin dagaalyahanadda Kurdiyiinta ee Syria.

from VOA http://ift.tt/2Bb2PoP
via IFTTT

Friday, November 24, 2017

Arday Lacago U Ururiyay Ambalaasyada Muqdisho

Ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barta jaamacadaha ku yaalla gobolka Minnesota ayaa soo gaba gabeeyay olole ay lacago kaalma ah ugu ururuiyeen shaqaalaha ka shaqeeya gaadiidka gargaarka deg dega ah ee ka howlgala magaalada Muqdisho.

from VOA http://ift.tt/2jVftVL
via IFTTT

Horumarka Degmada Ugu Da,da Yar Muqdisho

Degmada Kaxda oo ah degmadii u danbeysay ee ku biirta gobolka Benaadir ayaa waxaa laga dareemaya koboc dhinacyada waxbarashada, caafimaadka iyo ganacsdiga ah.

from VOA http://ift.tt/2n26LGa
via IFTTT

Mareykanka oo Joojinaya Hubka uu Siiyo YPG

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Jimcihii shalay u sheegay dhiggiisa dalka Turkiga, in Mareykanka uusan hadda kaddib wax hub ah siin doonin xoogaga Kurdiyiinta Suuriya ee loo yaqaano YPG.

from VOA http://ift.tt/2zC0zKU
via IFTTT

Dhageyso warkii ugu dambeeyey ee ciyaaraha

WASHINGTON. D.C — Waxaa xalay dhacay kulamo ka tirsan Koobka Kooxaha Horyaalkada Yurub. Wararki ugu danbeeyay waxaa inoo haya Jamaal Axmed Cismaan.

from VOA http://ift.tt/2jWTtty
via IFTTT

Masar: In ka badan 200 Ruux oo lagu dilay weerar lagu qaaday Masjid

In ka badan 200 oo qof ayaa lagu dilay qaraxyo iyo weerar rasaas loo adeegsaday oo lagu qaaday Masaajid ku yaala Gacanka Siinaay ee waqooyiga Masar, sida ay baahisay warbaahinta dowladda. Weerarkan ayaa ka dhacay tuulada la yirahdo al-Rawda galbeedka Magaalada el-Carish, wax yar ka dib salaaddii Khudbadda ee Jimcaha. Wariyeheenna Xuseen Saxnuuni Cusmaan ayaa warbixintan halkaasi ka soo diray.  

from VOA http://ift.tt/2hRXZFC
via IFTTT

Diyaarado ku duqeeyay al-Shabaab Jubbada Hoose

Wararka ka imaanaya Jubbada Hoose ayaa sheegay in xalay (Khamiistii) duqeyn lala beegsaday saldhig ay maleeshiyada al-Shabab ku leeyihiin deegaan ku dhow Hoosingow.

from VOA http://ift.tt/2hParFS
via IFTTT

Barn. Faaqidaadda: Korarka weerarrada Shabaab lagu hayo

Ku soo dhawaada barnaamijka Faaqidaadda Toddobaadka, oo aan maanta diiradda ku saareyno weerarada ka dhanka ah al-Shabaab oo kordhey. Mareykanka ayaa dhawaanahan duqeymo xooggan ka geysanayay Soomaaliya. Ma tahay kuwa Shabaab looga adkaan karo sidey hadda wax ku socdaan?

from VOA http://ift.tt/2A2aFE9
via IFTTT

Jawaari iyo Xumad oo Baladweyne Booqday

Wafdi ay hogaaminayaan gudoomiyeyaasha Baarlamannada Soomaaliya iyo  Jabuuti Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari  iyo Maxamed Cali Xumad oo booqasho ku jooga Soomaaliya, ayaa maanta tagay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

from VOA http://ift.tt/2hQ3iW6
via IFTTT

Zimbabwe oo madaxweyne cusub yeelatay

Emmerson Mnangagwa ayaa maanta loo dhaariyey madaxweynaha cusub ee dalka Zimbabwe, taasi oo soo gebe gebeysay 37 sano oo xukun kalitalisnimo ah oo uu dalka ku maamulayey Robert Mugabe.

from VOA http://ift.tt/2A1KlKG
via IFTTT

Thursday, November 23, 2017

Dhageyso kulamadii ciyaarihi Yurub ee xalay dhacay

WASHINGTON. D.C — Waxaa xalay dhacay kulamo ka tirsan Koobka Kooxaha Horyaalkada Yurub. Wararki ugu danbeeyay waxaa inoo haya Jamaal Axmed Cismaan.

from VOA http://ift.tt/2A2810U
via IFTTT

Maamul Goboleedyada oo ku baaqay in lagala tashado hindise sharciyeedyo

Maamul-goboleedyada Soomaaliya ayaa Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya ka codsaday inuu hakiyo ansixiinta hinside sharciyeeyada loo soo gudbiyay ama ay anxisIyaan tan iyo ay dowladda dhexe ka fulinayso qodobadii ay labda dhinac ku heshiiyeen 5-tii November iyo waliba qodobka 54aad ee dastuurka KMG ee Soomaaliya.

from VOA http://ift.tt/2zg7Z2v
via IFTTT

Ciidamada Puntland iyo Galmudug oo Gaalkacyo ku dagaallamay

Ciidamo ka kala tirsan maamullada Galmudug iyo Puntland ayaa dagaallo goos-goos ah waxay ku dhexmarayaan gudaha magaalada Gaalkacyo. Dagaalladan ayaa lagu soo warramayaa inay salka ku hayaan muran la xiriira adeegsiga bakhaar ku yaalla bartamaha suuqa magaalada. Inta la xaqiijiyay 4 qof ayaa dhintay, in kabadan 10 kalena way ku dhawacmeen dagaalladan ka socda magaalada. Warbixinta waxaa goor dhaweyd Gaalkayo ka so diray Abdiwaaxid Macalin Isxaaq.  

from VOA http://ift.tt/2mWujwc
via IFTTT

Afhayeenka Baarlamaanka Jabuuti oo Muqdisho Booqanaya

Afhayeenka baarlamaanka Djibouti, Maxamed Cali Xumed, ayaa maanta wuxuu gaaray magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya, halkaasi oo waddahallo uu la qaadanayo baarlamaanka Soomaaliya.

from VOA http://ift.tt/2jS78C8
via IFTTT

Sacuudiga oo u ogolanaaya Yemen gar-gaarka lageeyo

Isbaheysiga uu Sacuudigu hoggaamiyo ayaa sheegay in ay dekedaha iyo garoomada diyuuradaha Yemen u furayaan gaadiidka sida gargaarka bani-aadanimo.

from VOA http://ift.tt/2hY3kiq
via IFTTT

Mucaaradka Zimbabwe oo war soo saaray

Xisbiga ugu weyn mucaaradka Zimbabwe ayaa ugu baaqay madaxweynaha cusub ee dalkaasi, inuu burburiyo tiirarkii musuqmaasuq ee maamulkii madaxweyne Mugabe.

from VOA http://ift.tt/2jTxWlp
via IFTTT

Golaha ammaanka oo ka shiraya muhaajiriin lagu iibiyey Libya

Faransiiska ayaa doonaya in kuklan deg deg uu golaha ammaanka ee QM ka yeehsho iibka la tuhunsan yahay ee muhaajiriinta Afrika ee si addoomo ahaanta loogu iibiyo dalka.

from VOA http://ift.tt/2A2Kvkn
via IFTTT

Wednesday, November 22, 2017

RW Kheyre iyo Shariif Xasan oo Baydhabo ku kulmay

Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta tagay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

from VOA http://ift.tt/2hUS0TR
via IFTTT

Dhageyso Barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha

Barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha ee toddobaadkani waxaa sidi aad uga barateenba soo jeedinaya Axmed Faarax Cali Idaajaa, waana qeybtii 393-aad.

from VOA http://ift.tt/2zgmMtK
via IFTTT

Xagee Buu Ku Furtay Geedihii Hayaanka Doorashada Soomaaliland

Somaliland ayaa ugu danbeyntii soo afjartay todobaadyo ay siyaasiyiinta iyo dadkuba ku mashquulsanaayeen ololihii doorashada, cod bixinta iyo sugistii ku dhawaaqista natiijada doorashada.

from VOA http://ift.tt/2Ba8Gvr
via IFTTT

Sidee Ayay Soomaalidu u Dhaqataa Geela

Geela ayaa ka mid ah hantida ugu qaalisan ee ay leeyihiin Soomaalida ku nool dalka hooyo ee Soomaaliya ama Bariga Africa.

from VOA http://ift.tt/2jO97Hw
via IFTTT

WARBIXIN: Mareykanka oo Kordhiyay Weerarada uu Ka Fuliyo Soomaaliya

Dowlada Mareykanka ayaa laba laabtay sanadkaan weerarada ka dhanka ah kooxaha argagixisada ee ka dagaalama Soomaaliya.

from VOA http://ift.tt/2jLxW77
via IFTTT

Mareykanka oo Duqeyn Ku Dilay 100 Dagaalyahan oo Al-Shabab ah

Mareykanka ayaa sheegay in weerar ay u adeegsadeen diyaarad nooca Dronka ah oo ay dileen in ka badan 100 ka tirsan maleeshiyada al-shabab, meel ka tirsan gobolka Bay.

from VOA http://ift.tt/2BeFqnA
via IFTTT

Dhageyso Faah-faahinta Kulamadi Xalay Dhacay ee Yurub

Waxaa xalay dhacay kulamo ka tirsan Koobka Kooxaha Horyaalkada Yurub. Wararki ugu danbeeyay waxaa inoo haya Maxamuud Mascadde.

from VOA http://ift.tt/2zbuVjh
via IFTTT

Sacad Xariiri oo dib u dhigay is-casilaaddiisa

Reysal wasaaraha Lubnaan, Sacad Al Xariiri, ayaa sheegey Arbacada maanta in uu dib u dhigayo is casilaaddiisa, kadib markii uu madaxweyne Michel Aoun. uu sidaas ka dalbaday.

from VOA http://ift.tt/2Bfwv5c
via IFTTT

Tuesday, November 21, 2017

Xuska Maalinta Macallinka Soomaaliyeed

Waxaa maanta meelo ka mid ah Soomaaliya laga xusay maalinta macallinka Soomaaliyeed ee 21-ka Novembar.

from VOA http://ift.tt/2Akr1sv
via IFTTT

Muuse Biixi oo hadlay kadib guushiisa doorashada

Madaxweynaha la doortay ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay sida uu arko doorashada musharaxiinta xisbigooda, waxa u qorshaysan iyo sida uu u wajahayo tabashooyin hore uga soo baxay xisbiga mucaaradka ah ee Waddani.

from VOA http://ift.tt/2Aj7AjL
via IFTTT

Kulamada Champions League ee caawa iyo beri dhacaya

Ku soo dhawaada dhageystayaal xubinta ciyaaraha, oo aan ku soo qaadaneyno kulmada koobka horyaallada Yurub ee caawa iyo beri dhacaya. Jamaal Axmed Cismaan ayaa soo jeedinaya.

from VOA http://ift.tt/2AkAYq5
via IFTTT

Madaxweyne Robert Mugabe oo iscasilay

Madaxweynaha dalka Zimbabwe Robert Mugabe ayaa is-casilay, sida uu ku warramay afhayeenka baarlamanka dalkaas.

from VOA http://ift.tt/2zUl8Sv
via IFTTT

Maxay yihiin caqabadaha horyaalla Muuse Biixi?

Guddida Doorashada ee Somaliland ayaa goor dhaweyd si rasmi ah ugu dhawaaqay in Muuse Biixi Cabdi oo ka sharaxnaa Xisbiga Kulmiye uu ku guulaystay doorashadii dhacday 13-kii bishan. Muuse Biixi ayaa sida uu sheegay guddiga doorashada waxa uu helay 55.19% codadkii la dhiibtay.. Haddaba Maxay yihiin caqabadaha ugu waaweyn ee haatan horyaalla Madaxweynaha Cusub Muuse Biixi Cabdi, Doorashadiisa ka dib? Su'aashaas iyo kuwo kale ayaa Ismaaciil Xuseen Farjar waxa uu weydiiyey Axmed Maxamed Ciise oo Cilmiga Siyaasadda iyo Xidhiidhka Caalamiga ah, shahaadada sare kaga diyaariya Jaamacad ku taalla dalka Faransiiska isla markaana muddo dheer soo maamulayey xafiiskii madaxweynaha ee dawladdii Daahir Rayaale Kaahin.      

from VOA http://ift.tt/2z7yze7
via IFTTT

Waa kuma Muuse Biixi: Madaxweynaha cusub ee Somaliland?

Guddida Doorashada ee Somaliland ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqay in Muuse Biixi Cabdi oo ka sharaxnaa Xisbiga Kulmiye uu ku guulaystay doorashadii dhacday 13-kii bishan.

from VOA http://ift.tt/2mOTIrN
via IFTTT

Muuse Biixi oo ku guuleystay doorashadii Somaliland

Guddida Doorashada ee Somaliland oo goor dhaweyd si rasmi ah ugu dhawaaqay in Muuse Biixi Cabdi oo ka sharaxnaa Xisbiga Kulmiye uu ku guulaystay doorashadii dhacday 13-kii bishan.

from VOA http://ift.tt/2z7ysiv
via IFTTT

Nigeria: Qarax ka dhacay masjid oo lagu dilay 50 qof

Qof isa soo miidaamiyey oo aroortii maanta isku dhex qarxiyey masjid ku yaalla waqooyiga bari ee dalka Nigeria ayaa dilay ugu yaraan 50 qof.

from VOA http://ift.tt/2mONDLS
via IFTTT

Mugabe oo wajahaya mooshin xil ka qaadis

Sharci dejiyeyaasha dalka Zimbabwe ayaa la filayaa inay maanta billaabaan hanaan ay xilka kaga qaadayaan madaxweynaha talada haya muddada fog ee Robert Mugabe, kadib markii uu iska dhego tiray waqtigii loo qabtay inuu isku casilo.

from VOA http://ift.tt/2znZUN6
via IFTTT

Monday, November 20, 2017

Cabdiraxman Cirro: Doorashadi Somaliland Waa Lagu Shubtay

Musharraxa madaxtinimada xisbiga Waddani ee Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro ayaa maanta ku dhawaaqay in aysan aqbali doonin natiijada doorashadii madaxtinimada ee 13-ki bishan November ka dhacday Somaliland.

from VOA http://ift.tt/2hP6ftG
via IFTTT

Rabshado ka billowday dalka Kenya

Rabashado xoogan ayaa ka billowdey deegaanka Kisumu oo ah halka uu kasoo jeedo hoggaamiyaha mucaaradka dalka Kenya Rail Odinga.

from VOA http://ift.tt/2z5mNks
via IFTTT

Jabuuti oo lacag ugu deeqday dhibanayaasha qaraxii Zoobe

Dowladda iyo shacabka Jabuuti ayaa ka si deg deg ah uga soo jawaabay u gargaarida dadka ay waxyeelada kasoo gaartey qaraxii 14-biishii October ay magaalada Muqdisho boqolaalka qof ugu dhinteen Zoobe. Hore dowlada Jabuuti ayaa usoo dirtey Muqdisho dhaqaatiir iyo dawooyin caafmaad, hanta waxaana lacag dhan 1 Malyan oo dollar ugu deeqay dadka ay waxyeelada soo gaartey shacabka Jabuuti. Waxaa dhaqaalahan guddoonsiisay Guddiga Qaran ee Gurmadka Masiibooyinka Soomaaliya Safiirka Somalia u joogo dalka Jabuuti. Wariyaha VOA-da Nur Bukhari ayaa faah-faahinta deeqdani lacageed ka wareystay Safiirka Jabuuti u fadhiya Soomaaliya, Ambassador Adan Hassan Adan  

from VOA http://ift.tt/2B67oln
via IFTTT

Dhageyso Wararki Ugu Danbeeyay ee Ciyaaraha

Xalay iyo shalay galab waxaa dhacay ciyaaro xiisa leh oo ka tirsan qaar ka mid ah horyaalada Yurub. Wararki ugu Danbeeyay waxaa noo haya, wariyaheena Maxamud Mascadde.

from VOA http://ift.tt/2hOlumi
via IFTTT

Dibadbaxyo ka dhacay magaalada Boosaaso

Magaalada Boosaaso waxaa shalay iyo maanta ka dhacay mudaaharaad ay oogayeen haweenka haysta ganacsiga yaryar, kuwaas oo ka cabanaya xaaladda cakiran ee ka taagan dekadda Boosaaso oo hadda si ku meel gaar ah u shaqeysa kadib heshiis ay gaareen mas'uuliyiinta Dekedda iyo ganacsatada. Wariyheenna Yuusuf Maxamuud Yuusuf ayaa warbixintan ka soo diray magaalada Boosaaso.  

from VOA http://ift.tt/2zRyDCn
via IFTTT

Buur Hakaba oo ceelal iyo garoon diyaaradeed loo sameynayo

Degmada Buur Hakaba ee gobolka Baay oo ka mid ah degmooyinka qadiimiga ah ee Soomaaliya ayaa in muddo ahba waxaa ka taagnaa mushkilad dhinaca biyaha ah. Haatan magaalada waxaa ka socda qodista ceelal biyoodyo iyo dhismaha garoon dayuuradeed oo markii ugu horeysay taariikhda ay magaalada yeelaneyso. Wariyeheenna Sahra Cabdi Axmed ayaa arrimahan iyo howlgallo ay beryihii u dambeeyay ciidamada dowladda ka sameeyeen agagaarka buur hakaba ka wareystay Gudoomiyaha Degmada Buur Hakaba Maxamed Ibrahim Nuur.      

from VOA http://ift.tt/2AgLz5n
via IFTTT

Faysal Cali Waraabe oo ka hadlay doorashadii Somaliland

Musharaxa madaxweynaha ee Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa maanta ka hadlay cabashooyinka iyo rabshadaha ka dhashay doorashii Somaliland.

from VOA http://ift.tt/2iA5Et0
via IFTTT

Benevento oo Noqotay Kooxda Ugu Guuldarrada Badan Yurub

Kooxda Benevento ee dalka Talyaaniga ayaa jabisay diiwaan horay ugu yaallay naadiga Manchester United, kaasoo ahaa in laga wada badiyay dhamaan 13-ki kulan ee ugu hoorreeyay ee ay ka ciyaartay horyaalka Sere A.

from VOA http://ift.tt/2AVuWIy
via IFTTT

Maxkamadda Sare ee Kenya oo Ayidday Natiijada Doorashadi October

Maxkamada sare ee dalka Kenya ayaa ayyiday doorashadi madaxtinimo ee bishi October dalkaasi ka dhacday, taasoo uu ku guuleystay madaxweyne Uhuru Kenyatta.

from VOA http://ift.tt/2hO489k
via IFTTT

Mugabe oo wajahaya xil ka qaadis isaga oo diiday inuu iscasilo

Hoggaamiyaha muddada fog ee dalka Zimbabwe, Robert Mugabe ayaa iska dhego tiray waqtigii loo qaabtay ee ahaa inuu 12-ka duhurnimo ee maanta xilka ka dego ama uu wajaho xil ka qaadis.

from VOA http://ift.tt/2zXjAV4
via IFTTT

Maxkamadda sare ee Kenya oo sharciyeysay doorashadii Kenyatta

Maxkamadda sare ee dalka Kenya ayaa sharciyeysay doorashadii bishii October ee madaxweyne Uhuru Kenyatta, oo ku guuleystay 98% kadib markii mucaaradka ay qaadaceen.

from VOA http://ift.tt/2B4HBKf
via IFTTT

Sunday, November 19, 2017

Wicitaanka: Shariif Xasan Sheekh Aadan

Barnaamijka Wicitaanka ee toddobaadkan waxaa marti ku ah Madaxweynaha Koonfur-galbeed Somalia, Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ka jawaabaya su'aalaha qaar ka mid ah dhageystayaasha Idaacadda VOA

from VOA http://ift.tt/2B0LYWN
via IFTTT

Qoyska: Dawladdu ha soo Deyso Qalbi-dhagax

Maryan Cabdi Maxamed oo ka mid ah xaasaska Qalbi-Dhagax iyo Fartuun oo ah gabar uu dhalay ayaa soo dhaweeyey go'aankii Baarlamaanka Somali, waxayna sheegeen in Dawladda Federaalku ay ka daba tagto oo ay soo deyso Qalbi-dhagax

from VOA http://ift.tt/2AT00IX
via IFTTT

Mugabe oo Xilkii Madaxa Xisbiga Laga Qaaday

Kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Harare ee caasimadda Zimbabwe ayay xubnaha xisbiga haya talada Zimbabwe kusoo af jareen ku dhawaad 40 sano oo uu madaxweyne Robert Mugabe soo hogaaminayay xisbiga ZANU-PF.

from VOA http://ift.tt/2zUILI2
via IFTTT

Saturday, November 18, 2017

Dhageyso natiijooyinki kulamadii dhacay

Ku soo dhawaada xubinta ciyaaraha oo aan diiradda ku saareyno kulamadii xiisaha lahaa ee dhacay shalay iyo kuwa maanta dhacaya. Si gaar ahaneed ayaan u falan qeyn doonna kulankii Real Madrid iyo Atletico Madrid. Jamaal Axmed Cismaan ayaa soo jeedinaya.

from VOA http://ift.tt/2mGcG3C
via IFTTT

Masar: Biyaha Nile-ka Lama Taaban Karo

Madaxweynaha dalka Masar Cabdifitaax al-Siisi ayaa sheegay in biyaha wabiga Nile-ku ay Masar uga dhigan yihiin geeri iyo nolol, isla markaana aan la taaban karin, isaga oo ka hadlayey biyo xireenka ay Ethiopia dhawaan sameysay

from VOA http://ift.tt/2zg5XDH
via IFTTT

Dhageyso Dhacdooyinka Toddobaadka

Ku soo dhawaada dhageysatayaal barnaamijka Dhacdooyinka Toddobaadka. Toddobaadkan waxaan diiradda ku saareynaa doorashooyinki Somaliland ka dhacay iyo xaaladda dalka Zimbabwe. Jamaal Axmed Cismaan ayaa soo jeedinaya.

from VOA http://ift.tt/2zPvUJm
via IFTTT

Barnaamijka Dhacdooyinka Todobaadka

Barnaamijka Dhacdooyinka Toddobaadka waxaan ku soo qaadanaynaa qoddobo kala duwan oo ka mid ah dhacdooyinkii ugu waawaynaa todobaadkan, waxaana soo jeedinaya Jamaal Axmed Cusmaan.

from VOA http://ift.tt/2AbIy6c
via IFTTT

Suuq Addoonsi oo ka furmay Libya

Ururka Midowga Africa ayaa Jimcihii shalay ugu baaqay Masuuliyiinta Libya inay baaris ku sameeyaan – suuqyo adoonsi oo la sheegay in Muhaajiriinta Madowga ah  lagu kala iibsado

from VOA http://ift.tt/2yUfwnh
via IFTTT

Dibad-baxyo ka dhacay Zimbabwe

Kumanaan taageerayaal ah oo xamaasadeysan ayaa maanta socod ku Maray jidadka magaalada haraare

from VOA http://ift.tt/2B0oYqW
via IFTTT

Xariiri oo Lebanon ku noqonaya

Ra'isul Wasaaraha Lubnaan Sacad al-Xariiri ayaa sheegay maanta oo Sabti ah inuu dib ugu laaban doono Magaalada Beyruut

from VOA http://ift.tt/2Abbhbj
via IFTTT

Barnaamijka Cawayska

Barnaamijka Caweyska Washington ee todobaadkan waxaa ku jira qodobbo kala duwan oo aad u xiisa badan, waxaana soo jeedinaysa Sahra Ciidle Nuur.

from VOA http://ift.tt/2zOimOa
via IFTTT

Barnaamijka Martida Makrafoonka

Barnaamijka todobaadkan waxaa marti u ah Naasir Maxamed Cali, Agaasimaha Machadka diraasaadka xallinta khilaafaadka ee Jaamacadda Hargeysa.

from VOA http://ift.tt/2hB2PXy
via IFTTT

Barnaamijka Hambalyada iyo Heesaha

Barnaamijka Hambalyada iyo Heesaha ee todobaadkan waxaa soo jeedinaya,Maxamed Colaad iyo Ibraahim Daandurey, waxaana ku jira heeso macaan.

from VOA http://ift.tt/2zPgwfN
via IFTTT

Baarlamaanka: Dhiibistii Qalbi Dhagax Sharcidarro ayay Ahayd.

Baarlamanka Soomaaliya ayaa sheegay inay sharcidarro ahayd in Somalia ay Ethiopia u dhiibto Cabdikariim Sheekh Muuse (Qalbi Dhagax) oo ka tirsanaa saraakiisha ururka ONLF. Baarlamaanku wuxuu kaloo caddeeyay in jabhadda ONLF aysan ay mid argagixiso ah.

from VOA http://ift.tt/2APec5R
via IFTTT

Friday, November 17, 2017

Bandhig-diyaaradeed Dubai lagu qabtay

Bandhig diyaaradeed loogu magacdarey Dubai Air Show ayaa muddo saddex cisho ah socdey ayaa lagu qabtay magaalada Dubai ee Imaaraadka Carabta.

from VOA http://ift.tt/2AVVJW2
via IFTTT

Dhageyso: Atletico Madrid VS Real Madrid; Lazio VS Roma; Napoli VS Milan

Ku soo dhawaada xubinta Ciyaaraha. Kulamo xiiso badan ayaa horyaallada Yurub laga ciyaari doonaa Sabtida. Haddaba waa kuwee kulamada indhaha lagu hayo? Jamaal Axmed Cismaan ayaa faahfaahinaya.

from VOA http://ift.tt/2AQlUga
via IFTTT

Faaqidaadda Toddobaadka: Doorashadii Somaliland

Ku soo dhawaada barnaamijka Faaqidaadeda Toddobaadka, oo aan diiradda ku saareyno doorashadii madaxtinnimo ee Somaliland ka dhacday 13-kii November, 2017. Barkhad Maxamuud Kaariye ayaa soo jeedinaya.

from VOA http://ift.tt/2AXd68P
via IFTTT

Faaqidaadda: Doorashadii ka dhacday Somaliland

Barnaamijkii faaqidaadda todobaadka, waxa uu toddobaadkan ku saabsan doorashadii madaxweyne ee ka dhacday Somaliland. Wariyeheenna Barkhad Maxamud Kaariye ayaa Magaalada Hargeysa ka soo diray, soona jeedinaya.  

from VOA http://ift.tt/2ySk8KR
via IFTTT

Rabshado ka dhacay qeybo ka mid ah Somaliland

Rabshado kala duwan ayaa xalay ka dhacay magaalooyinka Hargeysa, Burco iyo Ceerigaabo kuwaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac, ka dib markii ay isku dhaceen ciidamada ammaanka iyo dadweyne samaynayey isu-soo baxyo.

from VOA http://ift.tt/2A693tP
via IFTTT

Hoggaamiyihii Maafiyada Talyaaniga oo geeriyooday

Hoggaamiyihii kooxda Maafiyada Talyaaiga Salvatore 'Toto' Riina ayaa ku dhintay isbitalka xabsi ku yaalla magaalada Parma, kadib markii uu muddo la dagaalamayey cudurka cancer-ka. Waxa uu ahaa 87 jir.

from VOA http://ift.tt/2yRfE7f
via IFTTT

Thursday, November 16, 2017

Jahwareer Siyaasadeed oo Wali Ka Taagan Zimbabwe

Dadka reer Zimbabwe ayaa rajo ka qaba in xal deg deg ah laga gaaro qalalaasaha siyaasadeed ee uu dalkooda ku jiro, xilli ay mucaaradka, ururada bulshada rayidka ah iyo hogaamiyaasha diinta ku cadaadinayaan madaxweyne Robert Mugabe inuu xilka iska cazilo.

from VOA http://ift.tt/2A5ZlHI
via IFTTT

Dowladda: Waxaa la qabtay 29 Shabaab ah

Dowladda Soomaaliya ayaa maanta sheegtay in howlgallo qorsheysan lagu soo qabtay 29 qof oo lala xiriirinayo ururka Al-Shabaab oo ay ku jiraan saraakiil ururkaasi ka tirsan.

from VOA http://ift.tt/2hEIofR
via IFTTT

Waa sidee xaaladda Mugabe?

Mudanayaasha Congresska Mareykanka ayaa soo dhaweeyay tallaabada ay qaadeen milatariga Zimbabwe ee u muuqata inay xukunka kaga tuureen Madaxweynihii dalkaasi Robert Mugabe.

from VOA http://ift.tt/2zKGEZg
via IFTTT

Xisbiga Waddani oo Joojiyay la shaqeyntoodii guddiga doorashada

Xisbiga Waddani ayaa sheegey inay hakiyeen la shaqeyntoodii guddiga doorashada Somaliland, kadib markii ay sheegeen in wax laga qaban waayay cabashooyin ay soo gudbiyeen.

from VOA http://ift.tt/2ASTinh
via IFTTT

Dhageyso Xubinta Ciyaaraha

Ku soo dhawaada xubinta Ciyaaraha, oo qodobbada aad ku maqli doontaan ay ka mid yihiin: Barcelona oo heshiis dheer dooneysa inay la saxiixato Messi, Marcos Rojo oo dib ugu soo laabtay ciyaaraha iyo qodobbo kale.

from VOA http://ift.tt/2mtbAbo
via IFTTT

Saad Hariiri oo aqbalay inuu u safro Faransiiska

Ra'iisul wasaaraha Lebanon Saad Hariiri ayaa aqbalay yabooh ku saabsan inuu u safro dalka Faransiiska maalmaha soo socda, taasi oo ah dhacdadii ugu dambeysay ee ku hareereysan ku dhawaaqistiisa inuu xilka iska casilay horaantii bishan.

from VOA http://ift.tt/2z7qOJa
via IFTTT

Wednesday, November 15, 2017

Dhageyso Gabar Soomaaliyeed oo Filim ka Sameynayso Fircooniga

Soomaaliya waxaa ay ka mid tahay dalalka Afrika ee gudniinka Fircooniga uu ka yahay dhaqan soojireen ah iyo caado gabdhaha yar yar lagu sameeyo. Waxaa aad looga digaa gudniinka Fircooiniga iyo waxyeeladiisa iyada oo wali hooyoyin badan ay ku sameeyaan gabdhahooda. Ifraax Axmed oo ah gabar ka tagtey qurbaha waxaa ay bilowdey inay ka hortagto gudiinka Fircooniga markii ay soo aragtey dhibaatadiisa. Waxaa Ifraax ay sameynaysaa filim looga hadlayo waxyeelada gudniinka Fircooniga. Filimkan waxaa ka qaybgalayo jilayaal Soomaaliyeed oo caan ah sida, Maryal Mursal Ciise iyo Barqad Cabdi. Sahra Cabdi Axmed ayey Ifraax Axmed oo nagu soo booqatey istuudiyaha VOA-da ee Washington waxa uga warantey waxa ku dhaliyey inay gudniinka la dagaalanto. Halkan ka dhageyso:  

from VOA http://ift.tt/2yKO0Zk
via IFTTT

Dhageyso Gabar Soomaaliyeed oo Filim ka Sameynayso Fircooniga

Soomaaliya waxaa ay ka mid tahay dalalka Afrika ee gudniinka Fircooniga uu ka yahay dhaqan soojireen ah iyo caado gabdhaha yar yar lagu sameeyo. Waxaa aad looga digaa gudniinka Fircooiniga iyo waxyeeladiisa iyada oo wali hooyoyin badan ay ku sameeyaan gabdhahooda. Ifraax Axmed oo ah gabar ka tagtey qurbaha waxaa ay bilowdey inay ka hortagto gudiinka Fircooniga markii ay soo aragtey dhibaatadiisa. Waxaa Ifraax ay sameynaysaa filim looga hadlayo waxyeelada gudniinka Fircooniga. Filimkan waxaa ka qaybgalayo jilayaal Soomaaliyeed oo caan ah sida, Maryal Mursal Ciise iyo Barqad Cabdi. Sahra Cabdi Axmed ayey Ifraax Axmed oo nagu soo booqatey istuudiyaha VOA-da ee Washington waxa uga warantey waxa ku dhaliyey inay gudniinka la dagaalanto. Halkan ka dhageyso:      

from VOA http://ift.tt/2AQ5vZE
via IFTTT

Soomaaliya oo ka Qaybgaleysa Tartanka Kubadda Xeegada ee Jaamacadda Carabta

Dalka Tuniisiya waxaa maanta ka furmeya ciyaaraha xeegada ee caruurta ka yar da'da 15-ka sano ee Jaamacadda Carabta. Waxaana halkaas Soomaaliya umatalayo saddex caruur ah oo wada dhalatey. Imahan oo kala ah, Siham Cabdirashiid oo10 jir ah, Salma Cabdirashiid 11, iyo Maxmed Cabdirashiid oo 13 jir ah ayaa waxaa tabaare u noqdey aabahood, Cabdirashiid Ibraahim Xussein oo ku tababarey dalka Mareykanka. Haddaba aabo Cabdirashiid Ibraahim Xusein oo joogo Los Angales ayaa u waramay Sahra Cabdi Axmed oo joogto Washington. Halkan ka dhageyso:  

from VOA http://ift.tt/2yKQYwY
via IFTTT

Tababarihi Xulka Talyaaniga oo La Eryay

Xiriirka kubadda cakta Talyaaniga ayaa shaqada ka ceyriyay tababarahihi xulka qaranka Giampiero Ventura, kadib marki uu ku dhacay inuu xulka Talyaaniga usoo saaro ciyaaraha aduunka ee sanadka 2018-ka.

from VOA http://ift.tt/2jvxslz
via IFTTT

Jurgen Klopp oo xanuun dartii uga baaqday tababarkii kooxda Liverpool

Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp, ayaan ka qeyb galin Arbacadii tababarka kooxda, kadib markii loo qaaday isbitaal, halkaas oo la sheegay in xaaladdiisa caafimad lagula soconayo, sida ay kooxda shaacisey.

from VOA http://ift.tt/2yJgAuc
via IFTTT

Australia oo Usoo Baxday Koobka Aduunka

Xulka qaranka Australia ayaa marki afraad oo xiriir ah usoo baxay maanta ciyaaraha aduunka ee sanadka soo socda ee 2018-ka ka dhici doona dalka Russia, kadib marki ay 3-1 ku garaacen xulka Honduras.

from VOA http://ift.tt/2AJ8imN
via IFTTT

Fellaini oo Faaruqaya Manchester

Kooxda Manchester United ayaa la sheegay in ay qorsheyneyso in ay fasaxdo laacibkooda khadka dhexe Marouane Fellaini marka uu dhamaado xilli ciyaareedkan.

from VOA http://ift.tt/2mwKtMS
via IFTTT

Barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha, Qeybta 3967

Barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha ee toddobaadkani waxaa si aad uga barateenba soo jeedinaya Axmed Faarax Cali Idaajaa, waana qeybtii 397-aad. Barnaamijka oo dhan hoos ka dhageyso.          

from VOA http://ift.tt/2jt8ove
via IFTTT

Dowladda oo shaacisay xog la xiriirta qaraxii Soobe

Dowladda Soomaaliya ayaa maanta shaacisay ilaa iyo hadda xogta ay ka hayaan baaristii ay ku wadeen qaraxii 14-kii bishii October ee sanadkan ka dhacay magaalada Muqdisho ee ay dadka badan ku dhinteen.

from VOA http://ift.tt/2hzvAYl
via IFTTT

Kheyre iyo wafti la socda oo tagey Baraawe

Ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya iyo Wafdi uu hogaaminayo iyo xubno ka socday beesha caalamka, ayaa maanta gaaray degmada Baraawe ee gobalka Shabeelaha Hoose.

from VOA http://ift.tt/2jv3gqr
via IFTTT

QM oo kordhisay waqtiga xayiraadda hubka Somalia

Qaramada Midoobay ayaa ansixisay qaraar ay muddo kordhin ugu sameyneyso cunaqabateyntii hore wax ka bedelka loogu sameeyay ee saareyd Soomaaliya iyo Eritrea. 11 ka mid ah Xubnaha Golaha Amaanka oo shalay kulmay ayaa u codeeyay muddo kordhinta Qaraarka tirsigiisu yahay 2385 ee 2017-ka, halka afar xubnood ay ka aamuseen Wariyeheenna Nuur Xassan Nuur ayaa inoo soo koobaya.  

from VOA http://ift.tt/2hEVBW5
via IFTTT

Mugabe oo "gurigiisa ku xaniban" kadib tallabadii milatariga

Madaxweynaha dalka Koonfur Afrika ayaa sheegay in hogaamiyaha muddada dheer ee dalka Zimbabwe uu "gurigiisa ku xaniban yahay", taasi oo muuqata dadaal milatarig ay doonayaan inay xukunka uga tuuraan kadib 37 sano oo uu awoodda haystay.

from VOA http://ift.tt/2zG3uS4
via IFTTT

Tuesday, November 14, 2017

Afganbi ka Socdo Dalka Zimbabwi

Dhaqdhaqaaq ciidamada xoogga ee dalka Zimbabwi ay wadaan ayaa loo maleynayaa in uu ku saleysanyahay inqilaab xukumada madaxweyne Robert Mugabi lagu fulinayo. Uguyaraan sadex qarax ayaa ka dhacay magaala madaxda dalkaasi ee Harare aroornimadi maanta, sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah. Dadkan oo caasimada ku sugan ayaa intaas ku darey in ay arkayeen gaadiidka ciidanka xoogga oo wadooyinka waaweyn ee caasimada wareegaya, saacdo un ka dib markii ay xaley la wareegeen warbaahinta dowlada ee ZBC. Dadweynaha ayaa sheegay in warki xaley ee 11-ka habeenimo uu baaqdey, halkiisina lagu badaley madadaalo heeso u badan. Talaadadi ayey dowlada Zibabwi qiyaano qaran ku eedeysay taliyaha ciidamada xooga, ka dib markii sida ay sheegeen uu ku goodiyey in uu farogalin ku sameeyey siyaasada dalka. Warbixin uu soo saarey xisbiga talada hayo ee ZANU-PF ayaa Talaadadii lagu sheegay in ay ka walwalsanyihiin in ay ciidamadu wadaan afganbi. Hasa ahaatee, sida aanu ka soo xiganay laanta Zimbabwi ee VOA-da, taliye ku xigeenka ciidanka oo ka hadley warbaahinta dowlada ayaa dadweynaha reer Zimbabwi usheegey in ay isdajiyaan, waxaanu uu yiri; wax afganbi ah kama jiro dalka. Jeneraal Sibusiso Moyo, oo ah taliye ku xigeenka ciidanka ayaa sida oo kale shaaciyey in uu Madaxweyna Robert Mugabi nabad qabo.

from VOA http://ift.tt/2AJPswJ
via IFTTT

Sawirro: Doorashada Somaliland

Sawirro: Doorashada Somaliland

from VOA http://ift.tt/2iWt6j9
via IFTTT

Akhriso dalalka xaqiijiyay inay dheeli doonaan koobka adduunka, 2018

Ka dib ka haritaankii Talyaaniga koobka kubadda cagta adduunka, waxa illaa iyo hadda xaqiijiyay inay Ruushka iska xaadirin doonaan 28 waddan ee 32-ka waddan ee guud ahaan ka qeyb gali doona koobka adduunka.

from VOA http://ift.tt/2AGnYap
via IFTTT

Midowga Yurub oo ka hadlay doorashada Somaliland

Safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Veronique Lorenzo ayaa sheegtay in dalalka Midowga Yurub ay u arkaan doorashada Somaliland tallaabo hore loo qaaday.

from VOA http://ift.tt/2AFxlHi
via IFTTT

Mareykanka: 40 mintidiin ayaan ku dilnay Soomaaliya

Militariga Mareykanka ayaa sheegay in duqeymo isxigxigay oo oo ay ka fuliyeen Soomaaliya todobaadkii tagay ay ku dileen ilaa iyo 40 ka mid ah mintidiintii ay beegsadeen.

from VOA http://ift.tt/2mpgIxn
via IFTTT

Ciidamada Amisom oo qarax lala beegsaday

Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in gaari uu waday qof isa soo miidaamiyay uu weerar ku qaaday kolonyo gaadiid ah oo ay wateen ciidamada Amisom, oo marayay halka lagu magacaabo Weydoow oo ka tirsan deegaanka Garas Baaleey. Wariyeheenna Axmed Xassan Colaad ayaa warbixintan goor dhow Muqdisho ka soo diray.  

from VOA http://ift.tt/2z1bugU
via IFTTT

Wareysi: Kormeerayaasha doorashada Somaliland

Doorashadii shalay ka dhacday Somaliland waxaa dusha kala socday illaa 60 goobjooge oo caalami ah iyo weliba in ka badan 600 oo goobjoogayaal maxalli ah. Mustafe Sacad Dhimbiil waa Guddoomiyaha dalladda jilayaasha aan dawliga ahayn ee Somaliland ee loo yaqaan SONSAF, waxaa hay'addoodu maamulaysay goobjoogayaasha maxalliga ah ee kormeerayey doorashada. Ismaaciil Xuseen Farjar ayuu uga waramay sida doorashadu u dhacday iyo dhacdooyinka ay diiwaangeliyeen.  

from VOA http://ift.tt/2mpONxd
via IFTTT

Guddiga doorashada Somaliland oo ka hadlay tirinta codadka

Guddida doorashada Somaliland oo goor dhawayd warbaahinta kula  hadlay Hargeysa ayaa sheegay in sanaaduuqdii codbixintu ay soo wada gaadheen goobihii degmooyinka, isla markaana ay bilaabantay tirinta codadku, marka laga reebo Hargeysa.

from VOA http://ift.tt/2hzsJ1p
via IFTTT

Xildhibaano ka noqday mooshinkii Shariif Xasan

Qaar ka mid ah xildhibaanada Koonfur Galbeed ee horey uga gudbiyay mooshin lagu diiddan yahay madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aaden ayaa qaarkood hadda ka noqday mooshinkii ay saxiixeen.

from VOA http://ift.tt/2zFbu5w
via IFTTT

Kurdishka Ciraq oo ka laabtay gooni u goosadkii

Mas'uuliyiinta Kurdishka Ciraq ayaa maanta sheegay inay xushmeyn doonaan go'aanka maxkamadda sare ee dalkaas ee mamnuucaya in dalka laga go'o.

from VOA http://ift.tt/2zVC4bz
via IFTTT

Talyaaniga oo Usoo Bixi Kari Weyday Koobka Aduunka

Xulka qaranka Talyaaniga ayaa ku guuldarreystay inuu usoo baxo ciyaaraha adduunka ee sanadka 2018-ka dhici doona dalka Russia, kadib marki ay ka badisay kooxda qaranka Sweden.

from VOA http://ift.tt/2zDsZTU
via IFTTT

Monday, November 13, 2017

Tirinta codadka doorashada Somaliland oo socota

Guddiga doorashada ee Somaliland ayaa sheegay inay soo xirmeen goobaha cidbixinta haatanna ay socoto tirinta codadka.

from VOA http://ift.tt/2zDtpte
via IFTTT

Man Utd oo Dooneysa Asensio

Sida ay ku warramayaan qaar ka mid ah warbaahinta dalalaka Ingiriiska iyo Spain, kooxda Manchester United ayaa u xusul duubaneysa sidii ay u keeni laheyd laacibka da,da yar ee Real Madrid Marco Asensio.

from VOA http://ift.tt/2hnpHtr
via IFTTT

Maxay ka dhigan tahay doorashada Somaliland?

Illaa saddex musharax ayaa ku tartameysa doorashada maanta dhaceysa, waxaana ay kala yihiin Cabdiraxmaan Cirro, Faysal Cali Waraabe iyo Muuse Biixi.

from VOA http://ift.tt/2zDjLXQ
via IFTTT

Maxaad ka taqaan musharaxiinta Somaliland?

Dadweynaha Somaliland ee maanta dhaceysa ayaa waxaa ku tartamaya Illaa saddex musharax oo kala ah Cabdiraxmaan Cirro, Faysal Cali Waraabe iyo Muuse Biixi. Haddaba maxaad ka taqaan musharaxiinta?

from VOA http://ift.tt/2iQVDqu
via IFTTT

Musharaxiinta Somaliland oo codkooda dhiibtay

Lixda musharax ee u tartamaya xilalka madaxtooyada Somaliland oo saddex ay u ordayaan xilka madaxweyne, saddexda kalena madaxweyne ku xigeen ayaa ka mid ahaa dadkii codkooda dhiibtay maanta.

from VOA http://ift.tt/2zHsmqf
via IFTTT

Dhageyso Wararki Ugu Danbeeyay ee Ciyaaraha

Halkaan hoose ka dhageyso xubinta ciyaaraha ee maanta. Waxaa soo jeedinaya Maxamud Mascadde.

from VOA http://ift.tt/2AAd1qQ
via IFTTT

Dhulgariir ku dhuftay xuduudda Iraq iyo Iran

Dhulgariir axaddii ku dhuftay xuduudda Iraq iyo Iran ayaa dilay in ka badan 300 oo qof, ayada oo 2,500 qof kale ay ku dhaawacmeen.

from VOA http://ift.tt/2zy4kjV
via IFTTT

Somaliland oo dooraneysa madaxweyne cusub

Dadweynaha Somaliland ayaa maanta u dareeray goobaha codbixinta, ayaga oo dooranaya madaxweynaha cusub ee Somaliland.

from VOA http://ift.tt/2zDRvEt
via IFTTT

Sunday, November 12, 2017

50 Sano ka Dib ayay ku Noqdeen Somaliland iyagoo Kormeerayaal ah

Aamina Nuur Maxamed oo ku magac dheer Aby Thomas iyo Daauud, waxay ka mid yihiin kormeerayaasha caalamiga ah ee ka qaybgelaya doorashada madaxtinimada Somaliland. Waxay u dhasheen dalka Maraykanka.

from VOA http://ift.tt/2hogiBS
via IFTTT

Martida: Caasha Cabdulle Siyaad

Barnaamijka Martida Mikrofoonka ee toddobaadkan waxaa marti ku ah Caasha Cabdulle Siyaad oo ah Guddoomiyaha Ururka Hogaanka Waxqabadka Soomaaliyeed oo ku sugan magaalada Muqdisho

from VOA http://ift.tt/2AyZY90
via IFTTT

Madaxweyne Siilaanyo oo Ethiopia Booqday

Dhinaca doorashadana, taliyayaasha ciidanka Amniga Somaliland ayaa sheegay inan wax walaac ah ka jirin dhinaca amniga, waxayna sheegeen inay diyaar u yihiin inay la shaqeeyaan saddexda musharrax kan ku guulaysta tartanka madaxtinnimada.

from VOA http://ift.tt/2AxUv2a
via IFTTT

Saturday, November 11, 2017

DF: Waxaan Dilnay 81 Al-shabab ka Tirsan

War qoraal ah oo bartiisa twitter-ka uu so dhigay wasiirka warfaafinta ee dowladda Somalia Cabdriaxmaan YAriisow ayaa lagu sheegay in Weerar qorshaysan oo hay'adaha amniga ay ka fuliyeen Degmada Jilib gaar ahaan xarunta qaraxyada lagu dilay 81

from VOA http://ift.tt/2yTcO5s
via IFTTT

Shir Amniga ku Saabsan oo Muqdisho ka Dhacay

RW Somalia, Xasan Kheyre oo shirkaasi hoggaaminayay ayaa beesha caalamka ka codsaday inay si deg-deg ah u taageeraan cidiamada Somalia iyo kuwa AMISOM, oo howlgal dagaal kula jira kooxda al-Shabaab.

from VOA http://ift.tt/2AwgEy7
via IFTTT

Barnaamijka Caweyska Washington

Barnaamijka Caweyska Washington ee toddobaadkan waxaan idiin ku haynaa qodobbo xiiso leh oo ay ka mid yihiin dood suugaaneed u dhaxaysa Qurbo-joogta iyo Qaran-joogta, iyada oo aad sidoo kale maqli doontaan wareysi aan la yeelanay Abwaan Axmed Cabdillaahi (Axda) oo ku sugan London

from VOA http://ift.tt/2i57p0L
via IFTTT

Barnaamijka Martida Mikrofoonka

Barnaamijka Martida Mikrofoonka ee toddobaadkan waxaa marti ku ah Dr. Cabdiraxmaan Macallin Cabdullaahi (Baadiyow), waxaana soo jeedinaya wariyaha VOA-da ee London Ridwaan Xaaji Cabdiwali.

from VOA http://ift.tt/2AwQzyR
via IFTTT

Ololihii Doorashada Somaliland oo soo Gabagaboobay

Kormeerayaasha Caalamiga ah ee ka qaybgelaya doorashada Somaliland ayaa maanta u kala ambabaxay goobaha ay ku sugnaan doonaan maalinta doorashadu dhacayso oo ku beegan Isniinta.

from VOA http://ift.tt/2AuE5HL
via IFTTT

Barnaamijka Dhacdooyinka Toddobaadka

Barnaamijka Dhacdooyinka Toddobaadka waxaan ku soo qaadanaynaa qoddobo ay ka mid yihiin doorashooyinka Somaliland, waxaana soo jeedinaya Jamaal Axmed Cusmaan

from VOA http://ift.tt/2i3I7A3
via IFTTT

Barnaamijka Hamblayada iyo Heesaha

Barnaamijka Hamblayada iyo Heesaha ee toddobaadkan waxaa inala socodsiinaya Ibraahim Xasan Maxamuud (Daanduray) iyo Caasha Ibraahim Aadan (Cuud)

from VOA http://ift.tt/2AuE5rf
via IFTTT

Friday, November 10, 2017

Faaqidaadda: Dilalka wiilashada Soomaalida Canada

Barnaamijka faaqidaadda Toddobaadka waxa uu ku saabsan yahay kulan dadweyne oo idaacadda VOA ku qabatay magaalada Toronto ee dalka Canada. Kulankan ayaa waxaa hal ku dhig looga dhigay "Maxaa wiilasheenii ku weynay", waxaana soo jeedinaysa Falastiin Axmed Iimaan.  

from VOA http://ift.tt/2zyvzbq
via IFTTT

Itoobiyaanka ka tahriiba Puntland oo hoos u dhacay

Labadii bilood ee lasoo dhaafay waxaa hoos u dhacay tirada dadka muhaajiriinta ah ee ka imanayey dalka Itoobiya kuwaas oo soo gala Puntland si ay halkaasi uga sii tahriibaan. Mas'uuliyiinta ayaa sheegay bishii August inay tiradu ahayd ilaa 2093 qof, September tirada dadka yimid ay ahaayeen 1,300, halka October ay ka ahaayewen 2180. Waa markii ugu horraysay ee tirada dadka imanaya ay ka hoos marto 3 Kun muddo dheer. Sababta hoos u dhaca waxaa warbixintan nooga diyaariyey Haaruun Macruuf.    

from VOA http://ift.tt/2zvNl18
via IFTTT

Ololaha doorashada Somaliland oo soo dhammaaday

Waxaa maanta soo gebageboobay ololaha doorashada madaxtinimada ee Somaliland, kaas oo soo socday 21-kii maalmood ee ugu dambeeyey.

from VOA http://ift.tt/2zrZa8X
via IFTTT

Mareykanka oo duqeyn ku dilay xubno Shabaab ah

Militariga Mareykanka ayaa sheegay in tiro ka mid ah maleeshiyada ururka al-Shabaab ee Soomaaliya ay ku dileen duqeyn ay khamiistii shalay  ka fuliyeen meel ka mid ah gobolka Baay. Afahayeen u hadashay wasaaradda gaashaandhigga Mareykanka ee –Pentagon- oo la yirahdo Aricia Harris ayaa u sheegtay VOA in duqeyntaasi oo ay geysatay dayuurad Drone ah ay ka dhacay meel qiyaastii 160 km galbeedka kaga beegan magaalada Muqdisho. Harris waxey intaasi ku dartay in cid rayid ah aysan wax ku noqon duqeynta. Sida uu shaaciyay Taliska Ciidamada Mareykanka ee Africa ee (AFRICOM), duqeynta ayaa dhacday abaare saddexdii galabnimo xilliga Soomaaliya, iyadoo ay isla abaabuleen Mareykanka iyo dowladda Soomaaliya. Warka ka soo baxay AFRICOM ayaa lagu yiri "Ciidamada Mareykanku waxey sii wadayaan inay adeegsadaan awood kasta oo ay heli karaan iyo talaabo kasta oo ku haboon – si ey u difaacaan danaha iyo ammaanka Mareykanka, islamarkaana ay u curyaamiyaan halista argagixisada." Duqyntan ayaa imaaneysa wax ka yar toddobaad markii Mareykanku uu duqeyn la beegsaday maleeshiyada Daacish ee ku suggan buuraleyda Gobolka Bari ee Puntland, gaar ahaan tuulada Buqo oo 60 km koonfur ka xiga Qanadala.

from VOA http://ift.tt/2yn5ef7
via IFTTT

Tillerson: Hariri uma xirna Sacuudiga

Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Rex tillerson ayaa maanta sheegay inaysan jirin "wax tilmaamo ah" oo muujinaya in ra'iisul wasaarihii is-casilay ee Lebanon Saad al-Hiriri ay xabsi geliyeen Sacuudiga.

from VOA http://ift.tt/2zrR7Jd
via IFTTT

Soomaali ku biiri rabay ISIS oo la sii daayey

Abdullahi Yusuf ayaa ka mid ahaa sagaal dhalinyaro Soomaali ah oo ay FBI-du qabatay, iyaga oo doonayey inay ku biiraan ururka Daacish ee dalka Syria.

from VOA http://ift.tt/2ypjqo8
via IFTTT

Thursday, November 9, 2017

Xaakim Cabdiqawi oo mar kale loo doortay golaha garsoorka Maxkamadda HAUGE

Garsooraha Soomaaliyeed ee xubinta ka ahaa Garsoorka Maxkamadda Caalamiga ah, ayaa mar kale loo doortay inuu golahaasi kamid ahaado.

from VOA http://ift.tt/2Apsx8E
via IFTTT

Howlgallo ka dhan ah Shabaab oo ka socda labada Shabeelle

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa wada howlgal ay ku baacsanayaan maleeshiyo ka tirsan ururka Al-Shabaab oo ay toddobaadkii hore ka billaabeen inta u dhaxeysa gobolada Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe.

from VOA http://ift.tt/2hWBEHq
via IFTTT

Dhageyso Xubinta Ciyaaraha

Ku soo dhawaada Xubinta Ciyaaraha, oo qodobbada aad ku dhageysan doontaan qodobbo xiiso badan. Jamaal Axmed Cismaan ayaa soo jeedinaya.

from VOA http://ift.tt/2hYyhjh
via IFTTT

Warbixin: Soomaalida iyo doorashada Mareykanka

Dhowr iyo Toban qof oo Soomaali ah ayaa u istaagay in-ay u tartamaan qabashada xilal kala duwan magaalooyinka Boston, oo gobolka Massachusetts ah, Minneapolis iyo St. Paul oo Minnesota ah, gobolka Iowa iyo waliba magaalada Seattle ee gobolka Washington oo ku yaalla galbeedka dalka Mareykanka. Waxaa guuleystey oo soo baxay dhowr qof oo ka mid ahaa musharaxiintaasi Soomaali-Mareykanka ee sanadkan u tartamey xilalka kala duwan. Sahra Cabdi Ahmed ayaa warbixintan ka diyaarisey.    

from VOA http://ift.tt/2yJArgV
via IFTTT

Somaliland oo diyaarineysa shaqaalaha doorahada

Iyadoo saddex maalmood ay ka hadhay doorashada madaxtooyada Somaliland, ayaa guddida doorashadu waxay shaqaalaha iyo agabkii doorashada ay u kala rareen goobaha codaynta ee gobollada.

from VOA http://ift.tt/2m8XBqZ
via IFTTT

Barnaamijka musharaxiinta Somaliland Qeybta Labaad

Musharaxiinta ku loollamaya doorashada madaxtinimada ayaa haatan samaynaya ololihii ugu dambeeyey ee ay codbixiyayaasha kula wadaagayaan barnaamijkooda siyaasiga ah.

from VOA http://ift.tt/2An9bkH
via IFTTT

Walaac amni oo ka jira Waqooyi Bari Kenya

Wararka ka imaanaya gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa sheegaya in gaadiidka rakaabka laga mamnuucay maalintii saddexaad inay isticmaalaan jidka dheer ee isku xira magaalooyinka Gaarisa iyo Mandheera.

from VOA http://ift.tt/2hX9Hiv
via IFTTT

Tillerson: Khilaaf uma dhaxeeyo Mareykanka iyo Shiinaha

Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Rex Tillerson ayaa sheegay "inuusan jirin khilaaf ku saabsan Korea-da Waqooyi" oo u dhaxeeya Mareykanka iyo Shiinaha, kadib wada-hadallo Bejing ku dhex maray madaxweyne Trump iyo dhigiisa Shiinaha Xi Jinping.

from VOA http://ift.tt/2ykQJIQ
via IFTTT

Wednesday, November 8, 2017

Qubanaha VOA, Nov 9, 2017



from VOA http://ift.tt/2m66IZB
via IFTTT

Gaas: Lama hakin doono dhismaha dekedda Boosaaso

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay inaan la hakin doonin dhismaha dekadda Boosaaso.

from VOA http://ift.tt/2ztx3pp
via IFTTT

Ozil: Hala isiiyo N10, haddii aan joogayo Arsenal

Ku soo dhawaada xubinta ciyaaraha, oo qodobbo dhowr ah oo xiiso leh oo ay ka mid yihiin: Ozil oo shuruud ku xirey in uu qandaraas cusub u kordhiyo Arsenal iyo qodoobbo kale, aad ku dhageysan doontaan. Jamaal Axmed Cismaan ayaa soo jeedinaya.

from VOA http://ift.tt/2AndPiq
via IFTTT

Xisbiga UCID oo soo bandhigay qorshihiisa

Xisbiga UCID ayaa maanta sameeyey isu-soo bixi ugu dambeeyey ee uu codbixiyayaasha Somaliland ugu soo bandhigayey barnaamijkiisa siyaasiga ah.

from VOA http://ift.tt/2yfzmt1
via IFTTT

Abdi Warsame oo dib loo doortay

Kadib markii shalay doorashooyinka dowladaha hoose looga laga qabtay gobolo badan oo Mareykanka ah ayaa sadex ka mid ah sagaal qof oo Somali ah oo ka tartamayay gobolka Minnesotta ay ku soo baxeen kuraastii ay u ordayeen. Dadka guuleystay waxaa ka mid ah Cabdi Warsame oo xubin ka ahaa golaha deegaanka ee magaalada Minneapolis, isagoo helay in ka badan 50 boqolkiiba, musharixii isaga la baratamayay oo isna Soomaali ah Mohamud Noor, ayaa helay 47 boqolkiiba. Wariyeheenna Maxamuud Mascade ayaa warbixintan inoo soo diray.  

from VOA http://ift.tt/2zsKcwU
via IFTTT

Qarax gaari oo ka dhacay Muqdisho

Sarkaal ka tirsan wasaaradda caafimaadka ee Soomaaliya ayaa maanta ka badbaaday qarax loogu xiray gaarigiisa, gudaha magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. Qaraxa ayaa gaariga ku haleelay degamada Hodan. Wariyeheenna Xassan Kaafi Qoyste ayaa faahfahinta warkaasi kasoo diray magaalada Muqdisho.    

from VOA http://ift.tt/2yiH19W
via IFTTT

Barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha, Qeybta 396

Barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha ee toddobaadkani waxaa si aad uga barateenba soo jeedinaya Axmed Faarax Cali Idaajaa, waana qeybtii 396-aad. Barnaamijka oo dhan hoos ka dhageyso.    

from VOA http://ift.tt/2zuB8bf
via IFTTT

Xisbiga Dimoqraadiga oo xalay guulo gaaray

Xisbiga Dimoqraadiga Mareykanka, ayaa guul ka gaaray doorashooyinkii xalay ka dhacay qaar ka mid ah gobollada Mareykanka.

from VOA http://ift.tt/2zrcsSL
via IFTTT

Tuesday, November 7, 2017

Kulamada is-reeb-reebka koobka adduunka

Isbuuca soo socda ayaa la filayaa in kooxaha ka qeyb galaya koobka adduunka ay ku dhawaaqaan safka ciyaaryahannada uga qeyb galaya koobka.

from VOA http://ift.tt/2znUFff
via IFTTT

Ciidamada Amisom oo la dhimayo

Hawlgalka AMISOM ayaa sheegay in la dhimayo ciidamada ka jooga Soomaaliya ilaa 1000 askari dhammaadka sannadkan.

from VOA http://ift.tt/2halclK
via IFTTT

Warbixin: Xaaladda heerka kufsiga Soomaaliya

Hay'adaha u dooda Xuquuqda Aadanaha ayaa ku doodaya in meelo badan oo ka mid ah Somalia ay ka dhacaan falalka kufsiga oo aanan la horkeeniin Cadaalada dadkii gaystay.

from VOA http://ift.tt/2m0b6t9
via IFTTT

Kenya: Waxbarashada oo lacag la'aan laga dhigayo

Masuuliyiinta waxbarashada dalka Kenya ayaa ku dhawaaqay in sanadka soo socda guud ahaan dugsiyada waxbarasho ee Kenya, gaar ahaan dugsiyada Hoose ilaa Sare laga dhigi doono lacag la'aan.

from VOA http://ift.tt/2yDS8P6
via IFTTT

Bayle oo beeniyey in canshuurta la kordhiyey

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa beeniyey warar sheegayay in wasaaraddiisu ay kordhisay canshuuraha la qaado.

from VOA http://ift.tt/2zCLFUF
via IFTTT

Xiisad ka dhex oogan Sacuudiga iyo Iran

Xiisad ka dhex oogan Sacuudiga iyo Iran ayaa sare usii kaceysa kadib markii Sacuudiga ay Iran ku eedeeyeen inay ka dambeysay gantaal laga soo tuuray dalka Yemen oo lagu qabtay meel ku dhow garoonka diyaaradaha King Khaled ee magaalada Riyadh.

from VOA http://ift.tt/2Arf2q8
via IFTTT

Monday, November 6, 2017

Tababarihii West Ham, Slaven Bilic oo shaqadii laga eryay

Slaven Bilic, ayaa laga eryay shaqadii tababarnimo ee kooxda West Ham, kadib guul daradii kooxdaasi ee hortaalka Ingiriiska .

from VOA http://ift.tt/2lUqx62
via IFTTT

Dowladda oo ku baaqday in la joojiyo shirka Somalia Oil

Wasiirka Batroolka iyo Macdanta ayaa ku baaqay in la joojiyo shir la sheegay in horraanta sannadka soo socda lagu qaban lahaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo looga hadlayo saliidda, gaaska iyo macdanta Soomaaliya.

from VOA http://ift.tt/2zABKPr
via IFTTT

Al-Shabaab oo 4 qof ku toogtay Bu'aale

Ururka Al-Shabab ayaa maanta sheegay inay afar nin ku toogteen magaalada Bu'aale ee gobolka Jubbada Dhexe.

from VOA http://ift.tt/2zlw0YS
via IFTTT

Isbaheysiga Sacuudiga oo go'doomiyey Yemen

Isbaheysiga uu Sacuudigu hogaamiyo ayaa xiray marinada Yemen laga galo ee dhinacyada Badda, Berriga iyo Hawadaba ah. Arrintaasi waxa ay ka dambeysay markii weerar gantaal loo adeegsaday ay Jabhadda Xuutiyiinta Yemen sabtidii ku qaadday Gigida Diyuuradaha Boqor Khaalid ee magaalada Riyad. Horey Hawada iyo badda Yemen qeyb ahaan ayey u xirnaayeen, haddaba arrintani maxey kusoo kordhin kartaa dagaalka ay Isbaheysigu Xuutiyiinta kula jiraan, saameyn noocee ah ayeyna ku yeelan kartaa dadka shacabka ah oo markoodii horeba xayiraaddaasi ay raad daran ku reebtay. Jacfar Kuakaay Ayaa su'aalahaasi weydiiyay Dr. Xasan Albisri oo oo ah Cilmi-baare ku sugan dalka Yemen.      

from VOA http://ift.tt/2hgsrMI
via IFTTT

Somaliland oo liisanka shaqada kala noqotay Kalsan TV

Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay inay liisankii shaqada kala noqotay Telefishan ka mid ah kuwa ka hawlgala Somaliland, waxaanay ku tilmaameen inay baahiyeen war ay sheegeen inay nabadda khalkhal gelinayso.

from VOA http://ift.tt/2zgxdkB
via IFTTT

Gaalkacyo: Kalluumeysato Yemeni ah oo xukun lagu riday

Maxkamad ku taalla magaalada Gaalkacayo ayaa maanta xukunno iyo ganaax lacageed ku ridday saddex qof oo kalluumaysato ah oo u dhashay dalka Yemen. Dadkaasi ayaa bishii hore la soo qabtay iyaga oo ku jira kalluumaysi sharci-darro ah. Maxkamadda ayaa sidoo kale ganaaxday doontii raggaasi ay la socdeen. Warbixintan waxa Gaalkacayo nooga soo diray Cabdiwaaxid Macallim Isxaaq.  

from VOA http://ift.tt/2y7KJmu
via IFTTT

26 qof oo lagu dilay toogasho ka dhacday Texas

Nin ayaa rasaas ku furay dad ku sugnaa kaniisad ku taalla meel ku dhow magaalada San Antonio ee gobolka Texas axaddii, halkaasi oo uu ku dilay 26 qof, islamarkaana 20 kale uu ku dhaawacay.

from VOA http://ift.tt/2h8BoUC
via IFTTT

Sunday, November 5, 2017

Hoggaamiyaha Daacishta Somalia oo ka Badbaaday Duqayn lala Beegsaday

Madaxweynaha Puntland ayaa waraysi gaar ah oo uu siiyey idaacadda VOA ku sheegay in hoggaamiyihii kooxda Daacish ee Soomaaliya Cabdulqaadir Muumin uu ka badbaaday weerarkii ay Jimcihii Maraykanku ku qaadeen buuralayda Gobolka Bari.

from VOA http://ift.tt/2y6aDY9
via IFTTT

Barnaamijka Wicitaanka Dhageystaha

Barnaamijka toddobaadkan waxaa marti ku ah Maxamed Bashiir Xaaji Cumar (Gaab) oo bartay dhaqaalaha, waxaana barnaamijku uu ku saabsan yahay sicir-bararka ka jira dalka Somalia.

from VOA http://ift.tt/2ywqMdt
via IFTTT

War Murtiyeedka Dowladda iyo Maamul Goboleedyada

Hoggaamiyayaasha dawladda federaalka ee Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada oo maalmahan wadahadallo uga socdeen magaalada Muqdishu ayaa la sheegay inay soo gabagabeeyeen shirkii ay lahaayeen, qodobana ay kasoo baxeen.

from VOA http://ift.tt/2yvRsel
via IFTTT

Saturday, November 4, 2017

Man United VS Chelsea; Man City VS Arsenal iyo Qodobbo kale

Ku soo dhawaada xubinta Ciyaaraha...Qodobbada aad ku maqli doontaanna waxa ka mid ah: Kulamada xiisaha badan ee maanta dhici doona, Manchester City VS Arsenal iyo Chelsea vs Manchester United iyo qodobbo kale.

from VOA http://ift.tt/2AiLRoW
via IFTTT

VOA oo Toronto ku qabatay kulan dadweyne

Idaacadda VOA, qeybteeda Afka Soomaaliga,ayaa magaalada Toronto ee dalka Kanada ku qabatay kulan dadweyne oo la isku wareysanayay sababaha ka dambeeya dilalka dhalin-yaro badan oo Soomaaliyed oo dalkaasi lagu dilay waayadan.

from VOA http://ift.tt/2A8oIEJ
via IFTTT

AMISOM: Waxaan qaadeynaa tallaabooyin dib-u-habeyn ah

Taliska ciidamada AMISOM, ayaa sheeegay inay qaadayaan tallaabooyin dib u habayn ah.

from VOA http://ift.tt/2zgfmb4
via IFTTT

Toronto: Kulan Dadweyne

Magaalada Toronto waxaa caawa fiidki lagu qabanayaa KULAN DADWEYNE oo ay qaban-qaabisay laanta Af-Soonmaaliga ee VOA, kaasi oo lagaga doodi doono dilalka loo geysto dhalinyarada Soomaalida ee Canada daggan.

from VOA http://ift.tt/2hH8xI2
via IFTTT

Puntland oo Deeq Lacageed Gaarsiisay Muqdisho

Wariyeaha VOAda Yuusuf Maxamuud Yuusuf ayaa lacagtan deeqda ah ka wareystay Shiikh Fu'aad Maxamuud Xaaji Nuur oo ka mid ah Gudiga taakuleynta.

from VOA http://ift.tt/2A7rgDn
via IFTTT

Barnaamijka Dhacdooyinka Toddobaadka

Barnaamijka Dhacdooyinka ee Toddobaadkan waxaad ku dhageysan doontaan qoddobo uu ka mid yahay wareejinta dekedda Boosaaso

from VOA http://ift.tt/2hEseQE
via IFTTT

Barnaamijka Hamblayda iyo Heesaha

Barnaamijka Hamblayda iyo Heesaha ee toddobaadkan waxaa soo jeedinaya Ibraahim Xasan Maxamuud (Daanduray) iyo Caasha Ibraahim Aadan (Cuud)

from VOA http://ift.tt/2j2UC2b
via IFTTT

Friday, November 3, 2017

Patrice Evra oo 7 Kulan la Ganaaxay

Ciyaaryahanka Marseille Patrice Evra ayaa laga saaray ciyaartii kooxdiisa ay dheeli laheyd koobka Europa League, taa soo sidoo kale kooxdiisa ay guul daro la soo deristay.

from VOA http://ift.tt/2zcaGoO
via IFTTT

Bar. Faaqidaadda: Caqabadaha Ammaanka Soomaaliya

Ku soo dhawaada barnaamijka Faaqidaadda Toddobaadka, oo aan maanta diiradda ku saareyno nabad galyada Soomaaliya. Jamaal Axmed Cismaan ayaa soo diyaariyay islamarkaasina soo jeedinaya.

from VOA http://ift.tt/2haDaIK
via IFTTT

Qubanaha VOA, Nov 2, 2017



from VOA http://ift.tt/2hDc1LE
via IFTTT

Dekedda Boosaaso oo dib loo furay

Waxaa maanta si ku meel gaar ah dib luugu furay dekedda magaalada Boosaaso oo maalmihii la soo dhaafay xirneyd. Heshiiskan ayaa imaanaya iyadoo rabshado iyo mudaaharaad looga soo horjeeday xirnaanshaha dekedda oo Bosaaso ka dhacay uu ku dhintay hal qof, laba kalena ay ku dhaawacmeen. Wariyeheenna Boosaaso Yuusuf Maxamud Yuusuf ayaa warbixintan halkaasi ka soo diray.  

from VOA http://ift.tt/2A31TCr
via IFTTT

Duqeyn lala beegsaday Daacish-ta Soomaaliya

Wararka ka imaanaya deegaanka Buqa ee buuraleyda Gobolka Bari ee Puntland ayaa sheegaya in xalay halkaasi ay ka dhacday duqeyn, loo maleynayo in lala beegsaday madaxda kooxda la baxday Garabka Daacish ee Soomaaliya oo uu hogaamiyo Cabdulqaadir Muumim.

from VOA http://ift.tt/2A2pByL
via IFTTT

Mareykanka oo beeniyey inuu dhaqaalaha ka jarayo Soomaaliya

Dowladda Mareykanka ayaa beenisay warar maalmihii u dambeeyay ay baahinayeen qaar badan oo ka mid ah warbaahinta Soomaalida iyo wargeyso ka soo baxa Kenya oo sheegayay in dowladda Mareykanka ay joojineyso taageeraddii dhaqaale ee ay siin jirtay ciidamada xoogga dalka Soomaaliya.

from VOA http://ift.tt/2ztq6pv
via IFTTT

Twitter-ka Trump oo hawada laga saaray

Twitter-ka madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ee @realDonaldTrump, ayaa dhowr daqiiqo hawada laga saaray habeenkii khamiista.

from VOA http://ift.tt/2A3Fpl1
via IFTTT

Thursday, November 2, 2017

Odayasha soo xuley xildhibaannada oo dallad sameystay

Daladdan ay ku midoobeen odayaasha, ayaa waxey Muqdisho ka so saartay war murtiyeed ay dadka ugu baaqayaan inay dowladda taageeraan kana shaqeeyaan amaniga.

from VOA http://ift.tt/2z9N0iG
via IFTTT

Wareysi: Maxaa hortaagan ciidan qaran?

Dowladda Somalia ayey dhibaato ka haysataa dhismaha ciidamo qaran oo mideysan oo dalka ka howlgala, lana dagaala ururka Al-Shabab.

from VOA http://ift.tt/2zZ0vAT
via IFTTT

Sicir barar ka jira magaalada Boosaaso

Sicir barar saameyn ku yeeshay maciishada quutul daruuriga ah ayaa ka jira suuqyada Magala Boosaaso ee Puntland, kadib markii muddo toddobaad ah ay xirneyd dekedda.

from VOA http://ift.tt/2hxlB2r
via IFTTT

Tacaddiyada loo geysto weriyayaasha oo kordhay

Sida ay sheegtay Qaramada Midoobay, 11-kii sanadood ee la soo dhaafay, in ka badan 900 oo wariye ayaa lagu dilay dunida iyagoo howshooda shaqo wata. Waxaase walaaca uu ka taaganyahay in 10-kii kiisba kaliya mid ka mid ah loo maxkamadeeyo kuwii geystay. Dambiyada laga galo wariyeyaasha oo lala baxsado, waxey dhiirigelisaa kuwa dambiyadaa ku kaca taasoo saameyn ku yeelata bulshada iyo ililhii ay wararka ka heli jireen. Hadaba maanta waxey ku beegantahay, maalinta Caalamiga ah ee la dagaalanka isu ciqaab la'aanta dambiyada laga galo wariyeyaasha. Waxaana laga xusay meelo badan, oo ay ka mid tahay magaalada Muqdisho. Wariyeheenna Jaamac Buule Jaamac ayaa arrintan ka wareystay, Maxamed Ibrahim Mucalimuu, Xoghayaha Ururka Suxufiyiinta Qaranka ee marka la soo gaabiyo la yirahdo NUSOJ.  

from VOA http://ift.tt/2A0009u
via IFTTT

Hogaamiyayaasha Catalonia oo maxkamad lasoo taagay

Koox ka mid ah hogaamiyayaasha gobolka Catalonia ee dalka Spain, ayaa maanta kasoo muuqday laba maxkamad oo ku taalla magaalada Madrid, si ay uga jawaabaan eedeymo ku saabsan kacdoon, qiyaano qaran iyo xatooyo la xiriira xoriyadda uu doonayo gobolka.

from VOA http://ift.tt/2iXoqgZ
via IFTTT

Wednesday, November 1, 2017

Mareykanka oo Jiijinaya Barnaamijka Bakhtiyaa-nasiibka

Madaxweynaha Dowlada Mareykanka Donald Trump, ayaa sheegay inuu kala shaqeyn doono Koongareeska sidii loo joojin lahaa barnaamijka bakhtiyaa-nasiibka ee sanad walbaa ay kumannaan ruux ku yimaadaan Mareykanka.

from VOA http://ift.tt/2z7WUkS
via IFTTT

Dacwado Lagu Soo Oogay Sayfullo Saipov

Dacwad-oogayaasha federaalka Mareykanka ayaa dacwado argagixiso kusoo oogay nin kasoo jeedo dalka Uzbekistan oo ku eedeysan inuu sideed ruux oo rayid ah gaari ku jiirsiiyay Talaadadi magaalada New York.

from VOA http://ift.tt/2iTPkpY
via IFTTT

Xildhibaano mooshin ka keenay Shariif Xasan

Illaa iyo 50 mudane oo ka tirsan xildhibaanada baarlamanka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta saxiixay mooshin ka dhan ah madaxweynaha maamulkaas, Shariif Xassan Sheekh Aaden.

from VOA http://ift.tt/2zpouN9
via IFTTT

Ciidamo Ethiopian ah oo kasoo gudbay xadka Gedo

Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in ciidamo lagu qiyaasay ilaa iyo kun askari oo wata ilaa iyo 30 gaari oo Ethiopian ah ay shalay iyo maanta ka soo gudbeen xuduuda Somalia ee Doolow ee Gobolka Gedo.

from VOA http://ift.tt/2z52irq
via IFTTT

Somaliland: Xisbiyada oo laga mamnuucey inay olole ku galaan hantida Dowladda

Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa Dhawaan soo saaray wareegto uu ku mamnuucayo in hantida dawladda lagu galo ololaha doorashada ee socda.

from VOA http://ift.tt/2ylwvmd
via IFTTT

Dhageyso Barn. Hiddaha iyo Dhaqanke Qeybtii 375-aad

Dhageyso Barnaamijka Hiddaha iyo Dhaqanka oo uu soo jeedinayo Axmed Faarax Idaajaa. Qeybtanna waa qeybtii 375-aad ee barnaamijka.

from VOA http://ift.tt/2lFcNfd
via IFTTT

Dibad-bax dhimasho sababay oo Boosaaso ka dhacay

Hal qof ayaa ku dhintay laba kalena way  ku dhaawacmeen, kadib markii mudaaharaad rabshado watey ay ka dhaceen magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.

from VOA http://ift.tt/2ykdxwn
via IFTTT

Weerar ka dhacay dibedda baarlamanka Tunisa

Booliska Tunisia ayaa maanta oo arbaco ah sheegay inay xireen tuhmane mintid Islaami ah oo laba sarkaal ku mindiyeeyey banaanka dhismaha baarlamanka dalkaas ee magaalada Tunis.

from VOA http://ift.tt/2iRVbvQ
via IFTTT