Ugu yaraan 18 ruux ayaa la xaqiijiyay in ay dhinteen kaddib marki maanta qarax lagu weeraray suuq lagu iibiyo qudaarta oo ku yaalla magaalada Quetta ee gobolka Balochistan ee dalka Pakistan. Saraakiisha booliska ayaa sheegay in bartilmaameedka qaraxa uu ahaa bulshada Hazara oo ka tirsan dadka shiicada ah ee laga tirada badanyahay ee dalka Pakistan. Taliye ku xigeenka ciidanka booliska ee magaalada Quetta Abdul Razzaq Cheema, ayaa sheegay in walxaha lagu qarxiyay suuqa Quetta lagu soo dhex-qariyay loor uu ka buuxay bataati. Wuxuu intaasi raaciyay in daaqadaha guryaha ka ag-dhawaa suuqa ay soo dhaceen. Weerarkan ayaa dhacay xilli ciidamada booliska ay xoojiyeen amaanka dadka laga tirada badanyahay ee Shiicaha Hazara ee dagan magaalada Quetta. Wali ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda weerarkaasi.
from VOA http://bit.ly/2ZgJyzo
via IFTTT
Friday, April 12, 2019
Qarax dad badan ku dilay Pakistan
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment