Thursday, December 22, 2016

Warbixin Gaar Ah: Jid Aan Jiho Lahayn

Muddo badan waxaa la aaminsanaa in kooxaha xagjirka ah ay duufsadaan dhalinyarada aan helin waxbarashada wanaagsan islamarkaana dayacan ama shaqo la'aantu haysato. Inkastoo fikraddaasi la xaqiijiyey inay dhab tahay, haddana waxaa dhinaca kale dhab ah in dhallinyarada ay kooxaha xagjiriintu soo jiiteen ay ku jiraan kuwo helay waxbarasho wanaagsan kana soo jeeda qoysas ladan. Haaruun Macruuf ayaa inoo haya qaybtii koowaad ee laba warbixinood oo ku saabsan laba dhalinyaro ah oo midi ku biiraya Daacish kan kalena Al-Shabab oo labaduba waxbarashada meel sare ka gaadhay ka hor intii aysan ku biirin ururrada xagjirka ah. Waxaa kale oo warbixinahani ay fallanqayn doonaan waxa xalka noqon kara ee dhalinyarada looga joojin karo in la marin habaabiyo. Waa tan qaybtii koobaad ee warbixin aan ugu magacdarnay "JID AAN JIHO LAHAYN" oo ku saabsan sheekada Rashiid Tugraal oo asal ahaan u dhashay Turkiga kuna biiray Daacish.  

from VOA http://ift.tt/2ijjJrY
via IFTTT

No comments:

Post a Comment