Ururka mamnuucista hubka kiimikada ee loo soo gaabiyo OPCW ayaa bayaan uu maanta soo saaray ku sheegay in guddigooda xaqiiqo raadinta ay ogaadeen in gaaska neerfaha lagu isticmaalay weerarkii afartii bishii April ka dhacay deegaanka Khan Shaykhun ee dalka Syria. Agaasimaha ururkan Ahmet Uzumcu ayaa bayaanka ku yiri "Waxaan si xooggan u cambaareynayaa xasuuqan oo kasoo horjeeda xeerarka hubka kiimikada. Dadkii ka dambeeyey weerarkan foolxumada badan waa in lagula xisaabtamaa dambiyada ay galeen". Baaritaan ay si wadajir ah u sameyn doonaan QM iyo OPCW ayaa go'aan ka gaari doona cidda ka dambeysay weerarkan oo lagu dilay 87 qof, oo ay ku jiraan haween iyo carrur. Waaxda arrimaha dibedda Mareykanka ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in dowladda Mareykanka ay si xooggan u taageersan tahay baaritaanka, oo ay sheegtay in lagu fuliyey hab xirfadeysan oo aan dhinac u janjeerin.
from VOA http://ift.tt/2sYa7Lp
via IFTTT
Friday, June 30, 2017
Weerar Gaas oo la Xaqiijiyey inuu ka Dhacay Syria
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment