Wednesday, September 20, 2017

Madrid oo Martigalinaysa Finalka Champions League

Xiriirka kubadda cakta Yurub ayaa maanta ku dhawaaqay garoonka lagu qaban doono finalka koobka Kooxaha Horyaalada Yurub ee loo yaqaano Eufa Champions League.  Xiriirka UEFA ayaa u codeeyay in sanadka 2019-ka lagu qabto finalka tartanka Yurub garoonka kooxda Atletico Madridee Wanda Metropolitano stadium. Garoonkan oo qaada 67 kun oo ruux ayaa la furay 17-ki bishan September markaas oo ay kulankeedi ugu horraysay ay Atletico kula ciyaartay kooxda Malaga, kulankaasi waxaa 1-0 ku badisay Atletico. Sidoo kale Uefa ayaa iclaamiyay in finalka koobka Europa League ee sanadka 2019-ka lagu qaban doono garoonka Olympic Stadium ee magaalada Baku ee caasimadda dalka Azerbaijan. Garoonka kooxda Besiktas ee magaalada Istanbul ayaa isna martigelina doona finalka koobka Uefa Super Cup ee sanadka 2019-ka.  

from VOA http://ift.tt/2xiazF3
via IFTTT

No comments:

Post a Comment