Macallinka kooxda Arsenal Arsene Wenger ayaa xaqiijiyey inuu shaqada ka tagi doono dhammaadka xilli cayaareedkan. Qoraal lasoo dhigay webka Arsenal ayuu Wenger ku yiri "Kadib markii aan si qoto dheer uga fakaray, islamarkaana kala hadlay kooxda, waxaan dareemayaa inay tahay waqtigii saxda inaan shaqada ka tago kadib dhammaadka xilli cayaareedka" "Waxaa ku faraxsanahay sharafta aan u yeeshay inaan kooxdan leyliyo sanado adan" "Waxaan kooxda ugu shaqeeyey si buuxda oo sharaf leh" ayuu yiri Wenger. "Waxaan u mahadnaqayaa shaqaalaha kooxda, cayaartoyda, agaasimayaasha, iyo taageerayaasha ka dhigay kooxdan koox gaaar ah. Jaceylkeyga iyo taageeradeeda waa idinla jiri doonaan weligood"
from VOA https://ift.tt/2qIOf5q
via IFTTT
Friday, April 20, 2018
Arsene Wenger oo ka tagaya Arsenal
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment