Monday, April 30, 2018

Madaxweyne Farmaajo oo booqanaya Beledweyne

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta booqasho ku tagey magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Safarka madaxweynaha ayaa waxa uu la xiriiraa inuu u kuurgalo degaannada ay saameeyeen daadadka iyo roobabku. Inta badan dadweynihii magaalada Beledweyne ayaa halkaais ka qaxay. Fatahaaddan ayaa saameysay boqolaal kun oo of oo ku nool gobollada uu maro webiga Shabelle sida Shabeellaha Hoose, Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan.

from VOA https://ift.tt/2rabTXQ
via IFTTT

No comments:

Post a Comment