Sunday, March 31, 2019

Soomaali ka Qaybgaleysa Maalinta Muslimiinta Mareykanka

Maanta waxa magaalada Washington ee caasimada dalka Mareykanka ka furmeya shir sanadle ah oo ay Muslimiinta Mareykanka isugu yimaadaan iyaga oo la kulmaya sharcidajiyeyaasha dalkan, madax kale iyo waliba ururo Muslimiin ah oo gobollada kala duwan ee dalkan xarumo ku kala leh.

from VOA https://ift.tt/2JTVsLR
via IFTTT

Faah-faahinta Doorashooyinka Hoose ee Turkiga

Waxaa galabta shanti soo xirmay goobaha codbixinta ee dhamaan 81 gobol ee uu ka koobanyahay Turkiga, kaddib marki ay dadka codadkooda ka dhiibteen doorashooyinka dowladaha hoose.

from VOA https://ift.tt/2CM3Jf0
via IFTTT

Muqdisho: Hawl-gallo Amni oo Dheeraad ah

Kadib maalmo ay ka dhacayeen magaalada Muqdisho, qaraxyo galaaftey nafta dad badan oo ku noolaa Muqdisho ayaa markii ugu horeysay waxaa maamulka gobolka Banaadir uu sheegay inay jiri doonto howlgalo sugis amni ah oo gudaha caasimada laga qabanayo.

from VOA https://ift.tt/2Oyw8d5
via IFTTT

Barn. Wicitaanka Dhageystaha

Barnaaminka Wicitaanka Dhageystaha ee toddobaadkan waxaa marti ku ah Boobe Yuusuf Ducaale oo ah xeel-dheere dhinaca saxaafadda Soomaalida ah, xilka wasiirka warfaafinta ka qabtay Somaliland

from VOA https://ift.tt/2FOS0Ov
via IFTTT

Saturday, March 30, 2019

Nin loo Haysto inuu Diley Xaaskiisa oo lasoo Qabtey

Abdiaziiz Keerow oo ah nin lagu tuhunsanyahay xaaskiisa inuu kudiley magaalada San-Diego ayaa laga soo qabtey Panama

from VOA https://ift.tt/2U877vi
via IFTTT

Barnaamijka Caweyska Washington

Barnaamijka Caweyska Washington ee toddobaadkan waxaad ku dhageysan doontaan maansadii Araweelo, xubintii Hal-abuurka iyo Heesaaga iyo qubanayaal kale.

from VOA https://ift.tt/2FLzoih
via IFTTT

Kal-fadhigii 5aad ee Baarlamaanka oo Baaqday

Kulankii u horreeyey ee kalfadhigga 5aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta u baaqday kooram la'aan. In kabadan 15 xildhibaan ayaa Guddoonka baarlamaanka u gudbiyay warqad ay ku dalbadeen in ajandaha kulanka maanta lagu darro arrimaha amniga.

from VOA https://ift.tt/2HP0wPE
via IFTTT

Md. Biixi oo Wasiirro Shaqada ka Eryey

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta xilalkii ka qaaday wasiirrada wasaaradaha Gaashaandhigga iyo Warfaafinta. Xilka qaadistan ayaa timid, kaddib markii xeer Ilaaliyaha Guud ee Somaliland dhawaan loo gudbiyay eedo musuq-maasuq oo ka dhan ah labadan wasiir.

from VOA https://ift.tt/2uC0wtT
via IFTTT

Barn. Dhacdooyinka Toddobaadka

Barnaamijka Dhacdooyinka ee toddobaadkan waxaad ku dhageysan doontaan qubanayaal ku saabsan siyaasadda Somalia

from VOA https://ift.tt/2I2Iqcy
via IFTTT

Barn. Hamblayada iyo Heesaha

Barnaamijka Hambalyada iyo Heesaha ee toddobaadkan waxaa soo jeedinaya Ibraahim Xasan Maxamuud (Daanduray) iyo Caasha Ibraahim Aadan (Cuud)

from VOA https://ift.tt/2uy9gRG
via IFTTT

Friday, March 29, 2019

Faaqidaadda: Amniga magaalada Muqdisho

Barnaamijka Faaqidaadda waxa uu ku saabsan yahay amniga magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya oo maalmahan sii xumaanayey, sababaha keenay iyo sida xal loogu heli karo.

from VOA https://ift.tt/2OxtvIl
via IFTTT

Turkiga oo iska diiday cadaadiska Mareykanka

Dowladda Turkiga ayaa maanta diiday cadaadiska Mareykanka ee ku wajahan heshiiska ay ku iibsaneyso habka difaaca gantaalaha Ruushka, waxayna sheegtay in Ankara ay ku guda jirto wada-hadla lagu soo gaarsiinayo habkan oo lagu magacaabo S-400.

from VOA https://ift.tt/2UgXEky
via IFTTT

Dibadbaxyo waa weyn oo ka socda Algiers

Kumanaan dibad-baxayaal ah ayaa maanta isugu yimid bartamaha magaalada Algiers ee caasimadda dalka Algeria, si ay u kordhiyaan cadaadiska ay ku dalbanayaan inuu is-casilo madaxweyne Abdel Aziz Bouteflika, maalin kadib markii milatariga awoodda badan ee dalka uu ku baaqay inuu xilka ka dego.

from VOA https://ift.tt/2HKOQxB
via IFTTT

Thursday, March 28, 2019

Sugidda amniga Boosaaso oo laga shiray

Kullan looga hadlay arrimaha ammniga magaaladda Boosaaso ayaa maanta waxaa lagu qabtay magaaladaas xarunta u ah gobolka Bari. Shirkaas ayaa waxaa ka qayb galay xubno ka tirsan golaha wasiirada Puntland, oo markii ugu horreysay booqday magaaladda Boosaaso tan iyo markii 8-dii Janaayo 2019-kii xilka madaxweynaha loo doortay Saciid C/llaahi Deni. Warbixintan waxaa magaalada Boosaaso ka soo dirtay Faadumo Yaasin Jaamac.  

from VOA https://ift.tt/2CHgreF
via IFTTT

Qarax dhimasho badan sababay oo ka dhacay Muqdisho

Ugu yaraan 12 qof ayaa lagu soo waramayaa inay ku dhinteen, ku dhowaad 20 kalena ay ku dhaawacmeen qarax gaari loo adeegsaday oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

from VOA https://ift.tt/2uA4dQw
via IFTTT

Bandhigga VOA: Doorka samafalka ee yareynta saboolnimada

Barnaamijka Bandhiga VOA ee todobaadkan, waxa uu ku saabsan yahay hawlaha samafalku doorka ay ka qaadan karaan sidii hoos loogu dhigi lahaa saboolnimada. Waxaa soo jeedinaya Cabdixakiin Maxamuud Shirwac.  

from VOA https://ift.tt/2HXEZDI
via IFTTT

Solskjaer oo la dallacsiiyay

Manchester United ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in macallinki kumeel gaarka ahaa Ole Gunnar Solskjaer ay ka dhigtay tababaraha joogtada ah ee kooxda, kaddib marki uu saxiixay Khamiista maanta ah heshiis saddex sano ah.

from VOA https://ift.tt/2FIhCfW
via IFTTT

Pato uu ku biiray Sao Paulo

Weeraryahanki hore ee kooxda AC Milan Alexandre Pato ayaa Arbacadi shalay ku biiray looxda Sao Paulo ee dalka Brazil, kaddib marki uu kasoo tagay kooxda Tianjin Tianhai ee dalka Shiinaha.

from VOA https://ift.tt/2Oz6chy
via IFTTT

Hay'ado ka digay qorshaha lagu xirayo Dadaab

Kooxaha xuquuqda aadanaha ayaa maanta ka digay in rubac milyan Soomaali ah ay rabshado ku wajahayaan dalkooda, haddii Kenya ay sii waddo qorshaha ay ku xirayso xerada qaxootiga ee Dadaab.

from VOA https://ift.tt/2FFVfYt
via IFTTT

Muhaajiriin markab ku afduubtay xeebaha Libya

Markab xamuul oo koox muhaajiriin ah ay ka afduubteen xeebaha Libya ayaa kusoo xirtay dalka Malta, kadib markii ciidamada Malta ay la wareegeen gacan ku hayntiisa.

from VOA https://ift.tt/2uyqnmq
via IFTTT

Wednesday, March 27, 2019

Quebec, Canada oo Xijaabka laga Mamnuucayo

Gobolka Quebec ee dalka Kanada waxaa beri la meelmarinayaa sida la wadafilayo, in goobaha shaqada dowlada laga mumnuuco calaamadaha diimaha. Sharcigan ayaa loo arkaa in uu yahay mid Muslimiinta lagu dhibayo, qaasatan dumarka Muslimka ah ee u shaqeeyo dowlada.

from VOA https://ift.tt/2FDP9ru
via IFTTT

Qubanaha VOA, Mar. 28, 2019



from VOA https://ift.tt/2YpRoWZ
via IFTTT

Qarax caawa ka dhacay Muqdisho

Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in caawa fiidkii u qarax ka dhacay agagaarka Isgoyska Laba Dhagax meel u dhow cisbitaal ku yaalla agagaarkaasi.

from VOA https://ift.tt/2V0suLg
via IFTTT

Kal-fadhiga shanaad ee baarlamanka Somalia oo furmay

Kal-fadhigii shanaad ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdishe ee caasimadda Soomaaliya.

from VOA https://ift.tt/2YqC9Nz
via IFTTT

15 qof oo ku dhintay shil ka dhacay Kenya

Ugu yaraan 15 qof oo ayaa lagu soo waramayaa inay dhinteen ka dib markii Bus ay saaraayeen oo ku sii jeeday magaalada Nairobi uu ku dhacay gaari xamuul ah.

from VOA https://ift.tt/2UbxShD
via IFTTT

Dhaqanka iyo Hiddaha qeybta 464-aad

Ku soo dhawaada barnaamija Dhaqanka iyo Hiddaha qeybtiisa 464-aad. Waxaa aalaba soo diyaariya, soona jeediya Axmed Faarax Cali (Idaajaa).          

from VOA https://ift.tt/2JISWrK
via IFTTT

Maxkamadda Sare ee Mareykanka oo la jirsatay Sudan

Maxkamadda Sare ee Mareykanka ayaa Talaadadii beddeshay xukun ku amray dowladda Sudan inay magdhow siiso qoysaska 17 askari oo sanaddii 2000 lagu dilay qaraxii markabka Mareykanka ee USS Cole ee Yemen.

from VOA https://ift.tt/2UZ5DzG
via IFTTT

Jadeeco fara-ba'an ku haysa Mareykanka

Degmada Rockland ee gobolka New York ayaa Talaadadi shalay ku dhawaaqday xaalad deg deg ah, kaddib markii uu deegaankaasi ka dillaacay cudurka jadeecada oo ah cudur horay looga ciribtiray Mareykanka. Degmadaan oo 40 km dhanka waqooyi ka xigta magaalada New York, ayaa maamulka waxa uu ka mamnuucay carruurta aanan ka tallaaneyn jadeecada in aysan iamaan xarumaha waaweyn ee ay dadka isugu yimaadaan. Xaaladda deg degga ah ayaa deegaanka Rockland ka dhaqangashay xalay, waxaana ay socon doontaa muddo 30 cisha.  Ujeedada ayaa lagu sheegay in la dhiirri-geliyo tallaalka cudurkaan jadeecadda oo tan iyo bishii hore kiisas dhowr ah laga helay gobollo ku yaalla Mareykanka. Degmada Rockland ee gobolka New York oo ay ku noolyihiin ilaa iyo 300,000 oo ruux ayaa sannadki 2000 laga ciribtiray cudurka jadeecada, hase yeeshee waxaa hadda laga helay kiisas dhan 153 oo la xiriira cudurka jadeecada.

from VOA https://ift.tt/2CFarmV
via IFTTT

Gantaallo lagu weeraray Israel iyo jawaab ay bixisay

Kooxaha wax iska caabinta Falastiin ayaa xalay saddex gantaal ku weeraray Israel, taasi oo dhlisay in ciidamada Israel ay duqeymo ku jawaabaan, halisna gelisay xabad joojin ay ku dhowaaqday kooxda Xamas.

from VOA https://ift.tt/2CHg5Vp
via IFTTT

Tuesday, March 26, 2019

Jadeeco fara-ba'an ku heya Mareykanka

Degmada Rockland ee gobolka New York ayaa Talaadadi shalay ku dhawaaqday xaalad deg deg ah, kaddib markii uu deegaankaasi ka dillaacay cudurka jadeecada oo ah cudur horay looga ciribtiray Mareykanka.

from VOA https://ift.tt/2FDZ54y
via IFTTT

Duqeyn loo geystay isbitaal ku yaalla Yemen

Ugu yaraan 7 qof oo ay afar ka mid ahi carruur yihiin ayaa la xaqiijiyay in ay dhinteen, kaddib marki uu gantaal ku habsaday isbitaal ay taageerto hey'adda Save the Children dhinaca oo ku yaalla waqooyigalbeed ee dalka Yemen.

from VOA https://ift.tt/2U06hAN
via IFTTT

Soomaaliya oo caddeysay mowqifkeeda Golan Heights

Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay mowqifkeeda rasmi ah ee buuralayda Golan Heights uu yahay in dhulkaasi ay leedahay Syria, isla markaana ay si aan sharci ahayn ku haysato dawladda Israel.

from VOA https://ift.tt/2TWRJBW
via IFTTT

Galka Baarista: Xaaladda ciidamada militariga Soomaaliya

Banaamijka Galka Barista, waxa uu maanta ku saabsan yahay xaaladda ciidamada militariga Soomaaliya, tirada u diiwaan gashay iyo caqabadaha haysta dhismaha ciidanka. Harun Macruuf ayaa soo jeedinaya.  

from VOA https://ift.tt/2Fx8CZA
via IFTTT

Qarax baabuur oo ka dhacay Muqdisho

Qarax baabuur ayaa mar kale maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, gaar ahaan agagaarka isgoyska KM4.

from VOA https://ift.tt/2HHZ6q4
via IFTTT

Somaliland: Doorashadu ma baaqaneyso

Guddiga doorashooyinka Somaliland ayaa sheegay in doorashooyinka goloyaasha aysan dhaafi doonin waqtigii loo cayimay ee sanadkan 2019. Arrintan ayaa waxaa VOA u sheegay guddoomiyaha guddiga oo wareysi na siiyey. Wariyaha VOA-da Sagal Mustafe Xassan ayaa warbixintan ka soo dirtay Hargeysa.    

from VOA https://ift.tt/2WqF7iW
via IFTTT

Sacuudiga oo ka hor-yimid go'aanka Trump ee Golan Heights

Dowladda Sacuudiga ayaa ka hor-timid go'aanka madaxweyne Donald Trump uu Isniintii dhulka Golan Heights ee Syria ugu aqoonsaday dhul ay leedahay Israel.

from VOA https://ift.tt/2JG6p3D
via IFTTT

Israel oo duqeysay Marinka Gaza

Diyaaradaha dagaalka Israel ayaa maanta duqeyn ka fuliyey Marinka Gaza, halka milatariga Israel ay sheegeen in weli ay socdaan gantaallada laga soo tuurayo dhulka Falastiiniyiinta.

from VOA https://ift.tt/2uucc1R
via IFTTT

Monday, March 25, 2019

Somaliland: Wasiiro lagu eedeeyey musuq-maasuq

Hanti-dhowraha Somaliland ayaa lagu soo warramayaa inuu u gudbiyay xafiiska xeer iaaliyaha guud baaritaan la xiriira eedo musuq-maasuq oo uu sheegay in loo haysto wasiiradda warfaafinta iyo gaashaandhiga iyo agaasimayaal ka tirsan waasaaradda warfaafinta.

from VOA https://ift.tt/2Frundv
via IFTTT

Al-Shabaab oo saacado qabsatay Xawaadley

Kooxda Al-Shabaab ayaa wakhti kooban la wareegay gacan ku haynta deegaanka Xawaadley oo hoostaga degmada Balcad ee gobolka Shabellaha Dhexe.

from VOA https://ift.tt/2HEgCLX
via IFTTT

Saraakiil ka tirsan NATO oo tagay Boosaaso

Mas'uuliyiinta wasaaradda dekedaha ee Puntland iyo saraakiil ka socota ciidamada NATO ee la hawlgala xeebaha Soomaaliya iyaga oo la dagaalama budhcad-badeedda ayaa maanta ku kulmay garoonka diyaaradaha ee Boosaaso. Haddaba mas'uuliyiinta Puntland ayaa kulankaas kadib la hadlay warbaahinta. Warbixintan waxaa inoo soo dirtay Faadumo Yaasiin Jaamac.  

from VOA https://ift.tt/2WlYXfg
via IFTTT

Hal qof oo ku dhintay qarax ka dhacay Muqdisho

Hal qof ayaa ku dhintay laba kalana waa ku dhaawacmeen qarax lala beegsaday baabuur ay leedahay mid ka mid ah jaamacadaha ugu waa weyn Muqdisho.

from VOA https://ift.tt/2HG0ABr
via IFTTT

Gantaal ku dhacay Tel Aviv oo dhaawacay 7 qof

Ciidamada Israel ayaa kooxda Xamas ku eedeeyey inay soo ridday gantaal ku dhacay guri ku yaalla waqooyiga magaalada Tel Aviv, kaasi oo dhaawacay 7 qof, waxayna ku dhowaaqeen inay ciidamo xoojin ah u dirayaan hareeraha Gaza.

from VOA https://ift.tt/2Tt0sqo
via IFTTT

Warbixinta Mueller: Trump lama shaqeyn Ruushka

Xeer-ilaaliyaha Mareykanka, William Barr ayaa warqad uu axaddii u diray Congress-ka ku sheegay in warbixinta Robert Mueller ee faro-gelintii uu Ruushka ku sameeyey doorashadii Mareykanka ee 2016 aysan helin wax caddeymo ah oo muujinaya in madaxweyne Trump ama qof ku xiran ay la shaqeeyeen Ruushka.

from VOA https://ift.tt/2CEe2Bs
via IFTTT

Sunday, March 24, 2019

Kiisas Cusub oo Cudurka Ebola oo Laga Helay DRC

Koox caalami ah oo gargaarka ka shaqeysa ayaa sheegtay in 58 kiis o cusub oo cudurka ebolaha ah laga helay Jamhuuriyadda Dimuquraadiga ee Congo todobaadkii tagay

from VOA https://ift.tt/2YhoqZ7
via IFTTT

Muqdisho: Xildh. Saqar oo la Aasay

Magaalada Muqdishu waxaa maanta lagu aasay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Dawladda Federaalka, Saqar Ibraahim Cabdalla oo ka mid ahaa ilaa 15 qof oo ku dhintay weerarkii shalay Al-Shabaab ay ku qaadday dhismaha wasaaradaha Shaqada iyoArrimaha Bulshada iyo Hawlaha Guud.

from VOA https://ift.tt/2YgGvqd
via IFTTT

Md. Biixi oo ka Hadlay Wadahadallada Somalia

Madaxeynaha Somaliland ayaa manata khudbaddiisii sannadlaha ka hor jeeediyey labada aqal ee baarlamaanka Somaliland, iyadoo ay joogeen mas'uuliyiinta xisbiyada. Warbixintan waxaa inoo soo dirtay Sagal Mustafe Xasan-Nuur

from VOA https://ift.tt/2Tph2Y4
via IFTTT

Barn. Wicitaanka Dhageystaha

Barnaamijka Wicitaanka Dhageystaha ee toddobaadkan waxaa marti ku ah Sheekh Cabdiraxmaan Shariif, Imaamka masjidka Daarul Hijra ee gobolka Minnesota, waxaanu ka hadlayaa booqashada culumada diinta ee xabsiyada iyo cisbitaaladda.

from VOA https://ift.tt/2YmTbfx
via IFTTT

Saturday, March 23, 2019

Barn. Hambalyada iyo Heesaha

Barnaamijka Hambalyada iyo Heesaha ee toddobadkan waxaa soo jeedinaya Ibraahim Xasan Maxamuud (Daanduray) iyo Caasha Ibraahim Aadan (Cuud)

from VOA https://ift.tt/2HPoXfh
via IFTTT

Barn. Dhacdooyinka Toddobaadka

Barnaamijka Dhacdooyinka ee toddobaadkan waxaan ku soo qaadanaynaa qoddobo dhowr ah oo ku saabsan Somalia, sida dhalinyaro Alshabab ka tirsan oo xukun dil ah lagu xukumay, booqashada Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Eritrea uu ku tagay Somaliland, iyo muranka dhinaca mushaharka ciidanka Somalia.

from VOA https://ift.tt/2YdeDU5
via IFTTT

Weeraro kala Duwan oo Muqdisho ka Dhacay

Ugu yaraan 10 qof oo shan ka mid ah ay yihiin maleeshiyaddii al-shabab ee weerarka geysatay ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen weerar maanta ka dhacay magaalada Muqdisho oo lagu qaaday xarumo wasaaradeed.

from VOA https://ift.tt/2HQsY2L
via IFTTT

Friday, March 22, 2019

Bar. Faaqidaadda: Xaaladda Ciidamada Dowladda Soomaaliya

Ku soo dhawaada barnaamijka Faaqidaadda Toddobaadka, oo aan maanta diiradda ku saareyno xaaladda ciidamada dowladda Soomaaliya oo bilihii ugu dambeeyay ay qaarkood ka cabanayay mushaar la'aan.

from VOA https://ift.tt/2UPP4WQ
via IFTTT

Ururka Islaamka oo ka shirey xasuuqii Masaajidda ee New Zealand

Waddamada ku bahoobay ururka Iskaashiga Islamka (OIC) ayaa shir deg deg ah ku yeeshay maanta magaalada Istanbul, ee dalka Turkiga, kaas oo ay kaga arrinsadeen xasuuqii dad ku cibaadeysanayay masaajiddo ku yaalla New Zealand loogu geystay Jimcihii hore.

from VOA https://ift.tt/2Cs4N7x
via IFTTT

Shaqaalo gar-gaar ah caalami ah oo u jiheystay dalalka dhaca K.Afrika

Shaqaalaha hey'adaha gar-gaarka ee caalamiga ah ayaa maanta u jiheystay bartamaha dalka Mozambique, si ay u gaaraan tobannaan kun oo ay saameeyeen fatahaado khasaaro xoog leh geystay oo ka dhashay duufaan todobaadkii hore ku dhufatay qeyb ka mid ah dalalka dhaca Koonfurta Afrika.

from VOA https://ift.tt/2TpYtDc
via IFTTT

Afghanistan: Askar Mareykan ah oo howl-gal lagu diley

Laba ka tirsan ciidamada Mareeykanka ayaa lagu dilay maanta oo Jimca ah dalka Afganistaan xilli ay hawlgal ku jireen.

from VOA https://ift.tt/2HLrM0N
via IFTTT

Thursday, March 21, 2019

Duco iyo Duug loo Sameeyey Dadkii New Zealand

Munaasabad duco iyo Aas ayaa loo sameeyey dadkii lagu laayey Labo masaajid oo ku yaala magaalada Christchurch ee dalka New Zealand.

from VOA https://ift.tt/2FphGQb
via IFTTT

Heritage oo qiimeyn ku sameysay dowladda Farmaajo

Machadka Daraasaadka ee Heritage ee fadhigiisu yahay magaalada Muqdisho ayaa soo saaray warbixin uu kaga hadlayo wixii u qabsoomay iyo wixii ka qaldamay dowladda Federalka ee Soomaaliya.

from VOA https://ift.tt/2JI92lB
via IFTTT

Maxay u gadoodeen ciidamada Soomaaliya?

Maalmihii u dambeeyay waxaanu sii deyneynay warbinno la xiriira ciidamo ka tirsan kuwa milatariga Soomaaliya oo ka soo baxayay qaar ka mid ah xeryihii ay ku layaaheen gobolada labda Shabeelle. Ciidamadan ayaa ka cabanayay mushahar iyo cunno la'aan ay sheegeen inay muddo bilo ah heysatay. Dowladda Soomaaliya ayaa wada dadaal ay ciidamadan ugu celineyso meelihii ay ka soo baxeen waxna looga qabanayo dhibaatada ay ciidankan sheeganayaan. Hadaba warbixin ku saabsan ciidamadan jiidaha ka soo baxaya iyo caqaqabada heysta ayaa waxaa Muqdishu ka soo dirtay wariyaha VOA-da Seynab Abuukar Maxamed.  

from VOA https://ift.tt/2U52W2k
via IFTTT

Bandhigga VOA: Kooxaha Midigta Fog ee Yurub

Barnaamijkii Bandhiga VOA, waxaan ku eegeynaa todobaadkan kooxaha Midigta fog ee neceb muslimiinta iyo dadka soo galootiga ah ee ku soo badanaya dalalka reer Yurub. Xuseen Barre Aaden ayaa inoo soo jeedinaya.    

from VOA https://ift.tt/2FlkZYU
via IFTTT

Halkuu marayaa baaritaanka dilkii Caa'isha Ilyaas

Qoyska Caasha Ilyaas oo ahayd gabadhii 12-jirka ahayd ee la kufsaday kadibna lagu dilay magaalada Gaalkacyo ayaa dhaliilay qaabka loo wado baadhitaanka lagu sameynayo dadkii ka danbeeyey danbiga gabadhooda lagula kacay. Aabaha gabadhan dhalay oo lagu magacaabo Ilyaas Aadan ayaa VOA u sheegay inuu dareensan yahay in wadadii laga leexiyay baadhitaanka kiiskan. Aabe Ilyaas ayaa xilliga uu VOA la hadlayay xasuus ahaan u watay boorsadii ay gabadhiisu ku tagi jirtay iskuulka. Warbixin arrintaas ku saabsan waxaa diyaariyey weriyaha VOA ee Garowe, Nuux Muuse Birjeeb.  

from VOA https://ift.tt/2uhSvdk
via IFTTT

New Zealand oo mamnuucday hubka daran-dooriga

Ku dhowaad toddobaad kadib markii 50 qof oo muslimiin ah lagu dilay magaalada Christchurch ee dalka New Zealand, ra'iisul wasaaraha dalkaas, Jacinda Ardern ayaa maanta sheegtay in dhammaan qoryaha kuwa milatariga oo kale iyo kuwa sida daran-dooriga u dhaca la mamnuuci doono.

from VOA https://ift.tt/2FqBXWV
via IFTTT

Wednesday, March 20, 2019

Xagee Ayuu Marayaa Baaritaanka Dilkii Caa'isha Ilyaas

Qoyska Caasha Ilyaas oo ahayd gabadhii 12-jirka ahayd ee la kufsaday kadibna lagu dilay magaalada Gaalkacyo ayaa dhaliilay qaabka loo wado baadhitaanka lagu sameynayo dadkii ka danbeeyey danbiga gabadhooda lagula kacay.

from VOA https://ift.tt/2Fk5qR5
via IFTTT

Qubanaha VOA, Mar. 21, 2019



from VOA https://ift.tt/2WcuxMA
via IFTTT

Indha-Qarshe oo ka hadlay ciidamada gadooday

Taliyaha Ciidamada Xogga dalka Jeneraal Daahir Aadan Cilmi "Indho Qarsho" ayaa sheegay in dawladdu waddo tirokoobta ciidanka, waxana uu sheegay inay muhiim tahay in ciidanku joogaan saldhiggooda.

from VOA https://ift.tt/2JrtXsS
via IFTTT

Dhaqanka iyo Hiddaha qeybta 463-aad

Ku soo dhawaada barnaamija Dhaqanka iyo Hiddaha qeybtiisa 463-aad. Waxaa aalaba soo diyaariya, soona jeediya Axmed Faarax Cali (Idaajaa).        

from VOA https://ift.tt/2JrU8zJ
via IFTTT

Xubno Shabaab ah oo xukun dil lagu riday

Maxkamada Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa saakay xukun dil ah ku riday laba nin oo ku eedeysnaa weeraro iyo qaraxyo ay dad ku dhinteen oo Muqdisho ka dhacay.

from VOA https://ift.tt/2FfX1hy
via IFTTT

Sh/Dhexe: Ciidamo ka gadooday mushahar la'aan

Qaar ka mid ah ciidamada dowladda Soomaaliya ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa maanta ka baxay saldhigyadooda.

from VOA https://ift.tt/2ujtwXe
via IFTTT

Amnesty: Mareykanka rayid ayuu ku dilay Soomaaliya

Hay'adda xuquuqda aadanah u dooddo ee Amnesty International ayaa sheegtay in tirada duqeynmaha dhinaca cirka ah ee uu Mareykanka ka fuliyay Soomaaliya ay aad u korortay.

from VOA https://ift.tt/2TOXocU
via IFTTT

Erdogan oo dalbaday in la dilo Brenton Tarrant

Madaxweynaha Turkiga Reccep Tayyip Erodgan ayaa dalbaday In New Zealand ay dib usoo celiso xukunnada dilka ee dalkaas, islamarkaana ay ku qaado Brenton Tarrant ah ninkii 50 qof ee muslimiinta ah ku dilay masaajiddo ku yaalla magaalada Christchurch.

from VOA https://ift.tt/2TjEcik
via IFTTT

Tuesday, March 19, 2019

Amnesty: Duqeymaha Mareykanka ee Somalia waxaa ku dhintay rayid

Hey'adda xuquuqda aadanah u dooddo ee Amnesty International ayaa sheegtay in tirada duqeynmaha dhinaca cirka ah ee uu Mareykanka ka fuliyay Soomaaliya ay aad u korortay.

from VOA https://ift.tt/2ui0s25
via IFTTT

Aaska Muslimiinti lagu dilay New Zealand oo billowday

Labo ka mid ah Muslimiinti Jimcihi lagu laayay dalka New Zealand ayaa Arbacada maanta ah la aasay, taasoo noqoneysa aaski ugu horreeyay ee loo sameeyay 49-ka qof ee lagu dilay laba masaajiid oo ku yaalla magaalada Christchurch.

from VOA https://ift.tt/2FdRxUC
via IFTTT

Wasiir Sabriye oo ka hadlay dagaallada dalka

Wasiirka arrimaha gudaha ee Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye oo VOA la soo xiriiray ayaa sheegay in isaga iyo madaxweynaha iyo ra'iisul wasaaruha ay maanta kulan gaar ka yeesheen dagaal beeleedyada ka soo cusboonaadey deegaanka Xeraale, iyo agagaarka degmada Cadale.

from VOA https://ift.tt/2TWWiLC
via IFTTT

Warbixin: Waxbarashada Soomaalida Ohio

Gobolka Ohio waxa uu ka mid yahay meelaha ay degan yihiin Soomaalida ugu badan ee ku nool Maraykanka. Marka laga yimaado in Soomaalidu ay ka dhex muuqdaan dhinacyada ganacsiga iyo adeegyada kale ee bulshada, sidoo kale jira arday badan oo wax ka barata goobaha waxbarashada kuwaasi oo qaarkood ay dib ganacsiyo u bilaabaan. Haddaba waa sidee xaaladda waxbarasho ee ardayda Soomaalida ah ee halkaasi wax ka barata? Maxayse yihiin caqbadaha ay la kulmaan? Cabdixakiim Maxamuud Shirwac ayaa warbixintan ku eegaya.  

from VOA https://ift.tt/2Y9zmrY
via IFTTT

Saameynta amni ee ciidamada kasoo baxay furumaha

Ciidamada dowladda Somalia ayaa ayaga oo ka cabanaya mushahar la'aan, ka baxey furumihii dagaalka ee deegaano ay hore u joogeen, taasi oo keentey in Al-Shabaab ay deegaanadaas la wareegaan.

from VOA https://ift.tt/2ucMeQf
via IFTTT

Doorashada Netherlands - Soomaali u tartamaysa kuraas

Dalka Holland ayaa bari waxa loo codeyn doonaa doorashooyinka gobollada, xilli ay maalin un ka soo wareegtey weerarkii magaalada Utrecht ee uu nin Turki ah ku qaadey tareen magaalada ka dhex shaqeeyo. Doorashadan ayaa dadka musharaxiinta ah waxaa ka mid labo Soomaali ah oo u kala sharaxan xisbiyada Denk iyo Niida oo labaduba ah xisbiyo ay muslimiin leeyihiin. Xamdi Cabdirixmaan Garjeex waxaa ay ka tartameysaa gobolka North Holland oo ay Amsterdam ka mid tahay, waxa ay u warantey Jaamac Buulle Jaamac.  

from VOA https://ift.tt/2W85VVh
via IFTTT

Ciidamada Kenya oo ka baxay Buusaar

Ciidamada Kenya ayaa ka baxay Deegaanka Buusaar ee hoostago degmada Ceel-Waaq ee gobolka Gedo halkaasoo ay haysteen dhowrkii sano ee lasoo dhaafay.

from VOA https://ift.tt/2Y9HfgI
via IFTTT

Shabaab oo laga saaray Balcad oo ay haysteen saacado

Kooxda Al-Shabaab ayaa xalay qabsatay magaalada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe oo sacaado ay haysteen kadib markii dagaal ay kusoo qaadeen.

from VOA https://ift.tt/2HIvc4b
via IFTTT

Erdogan: Istanbul ma noqon doonto Constantinople

Madaxweynaha Turkiga Reccep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in weerarkii dhimashada lahaa ee lagu qaaday laba masjid oo ku yaalla dalka New Zealand uu qeyb ka ahaa howl-gal ballaaran oo lagu bartilmaameedsanayey Turkey.

from VOA https://ift.tt/2UJiFBl
via IFTTT

Sababta weerarkii Utrecht oo weli la baarayo

Mas'uuliyiinta dalka Netherlands ayaa weli isku dayaya inay go'aamiyaan sababta ka dambeysay toogasho shalay ka dhacday meel tareenada laga raaco oo ku taalla magaalada Utrecht.

from VOA https://ift.tt/2HDfYO0
via IFTTT

Monday, March 18, 2019

Barnaamijki Qurbe.

Qurbe waxa uu todobaadkan ku saabsan yahay xaallada Qurbejoogta Soomaalida ee dalka Qadar. Waxana ku marti ah Safiirka Soomaaliya u fadhiya Qadar, Cabdirisaaq Faarax Cali-Taano.

from VOA https://ift.tt/2HsheUY
via IFTTT

Wasiirka arrimaha dibedda Eritrea oo gaaray Hargeysa

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Eritrea Cusmaan Saaleh oo uu la socdo La-taliyaha Madaxweynaha waddankaasi ayaa maanta booqahso ku tagay magaalada Hargaysa ee caasimadda Somaliland. Wafdigan ayaa la kulmay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi. Warbixintan waxaa noo soo dirtay Sagal Mustafe Xasan Nuur.  

from VOA https://ift.tt/2TXjsS0
via IFTTT

Dad badan oo ku dhintay dagaal ka dhacay Cadale

Dagaal shalay ka dhacay degmada Cadalle ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa ku dhintay dad ka badan 20 qof waxaana ku dhaawacmay dad kaloo badan oo aan tiradooda la cayimin.

from VOA https://ift.tt/2OcSBfx
via IFTTT

Dagaallo dib uga soo cusboonaaday Xeraale

Dagaalo khasaarr badan oo nafeed gaystay ayaa ilaa xalay ilaa maanta gelinkii hore ka dhacayey degaanka Xeraaale ee Gobolka Galguduud. Dagaalka ayaa u dhaxeeyey dhinacyo horey ugu dagaalamay deegaankan. Wararka qaar ayaa sheegaya in tobannaan qof ay ku dhinteen inkastoo weli mas'uuliyiinta Galmudug aysan xaqiijin khasaaraha. Cabdulwaaxid Macalin Isxaaq ayaa warbixintan noo soo diray.    

from VOA https://ift.tt/2FjlTGm
via IFTTT

Ilayska VOA: Rafaadka ay maraan dhallinyarada tahriibta

Barnaamijkii Ilayska VOA waxa uu toddobaadkan ku saabsan yahay dhibaatooyinka ay dhallinyarada kala kulmaan tahriibka. Waxaa soo diyaariyey soona jeedinaya Maxamed Colaad Xasan  

from VOA https://ift.tt/2OcRDjp
via IFTTT

Toogasho ka dhacday magaalada Utrecht, Netherlands

Booliiska magaalada Utrecht ee dalka Netherlands ayaa sheegay in hal qof lagu dilay, dhowr qof oo kalena ay ku dhaawacmeen toogasho ka dhacday meel laga raaco tareenada.

from VOA https://ift.tt/2UII12m
via IFTTT

Xeerarka hubka New Zealand oo la beddelayo

Ra'iisul wasaaraha New Zealand ayaa maanta sheegtay in golaheeda wasiirada ay go'aan ka gaareen is-beddelo lagu sameynayo xeerarka hubka dalkaas, kadib xasuuqii Jimcihii ka dhacay laba masjid oo ku yaalla magaalada Christchurch. "Waxaan faah-faahin ku saabsan go'aannada siin doonnaa warbaahinta iyo shacabka ka hor kulanka xiga ee golaha wasiirada ee Isniinta soo aadan" ayay tiri Jacinda Ardern. "Tani waxay ugu dambeyn la macno tahay in toban maalmood gudahood kadib ficilkii argagixiso aanu ku dhowaaqi doonno is-beddelada, aan aaminsannahay, in bulshadeena ay ka dhigi doonaan kuwa amni dareema" ayey tiri. Ra'iisul wasaare Jacinda Ardern ayaa sheegtay in dhammaan meydadka 50-ka qof ee lagu dilay masjidka lagu wareejin doono qoysaskooda, ugu dambeyn maalinta arbacada, si loogu aaso si waafaqsan shareecada Islaamka. Madaxa baarista dambiya dil ee dalkaas, Deborah Marshall ayaa sheegtay in xafiiskeeda uu sida ugu dhaqsiyaha badan uga shaqeynayo in meydka kasta lagu wareejiyo qoyskiisa saxda ah. "Ma jirto wax ku xun in meyadka la isku qaldo, oo meyd lagu wareejiyo qoys aan kiisa dhabta ahayn" ayay tiri.

from VOA https://ift.tt/2UHAil7
via IFTTT

Uganda: Xukunka Museveni oo la gaarsiinayo 40 sano

Xubnaha baarlamanka ugu jira xisbiga haya talada dalka Uganda ayaa taageeray isku day uu madaxweyne Yoweri Museveni ku doonayo in mar kale dib loogu doorto hoggaanka dalkaas, sida ku cad qaraar ay isku raaceen.

from VOA https://ift.tt/2W6JDDa
via IFTTT

Sunday, March 17, 2019

Barn. Wicitaanka Dhageystaha

Barnaamijka Wicitaanka Dhageystaha ee toddobaadkan waxaa marti ku ah Sheekh Maxamed Dayib Sheekh Xuseen, Imaamka masjidka Al-Huda, magaalada Birmingham ee dalka England, waxaanu ka hadlayaa ammaanka goobaha cibaadada ee Muslimiinta

from VOA https://ift.tt/2W02KPa
via IFTTT

10 ku Dhimatay Dagaal ka Socda Sh. Dhexe

Sida ay sheegayaan wararka degaanka laga helayo dagaalka ayaa saaka waabarigii ka bilaawday tuulo lagu magacaabo Burdheere halkaas oo sannadahii ugu dambeyay uu ka taagnaa muran dhuleed u dhaxeyay beelaha ay malayshiyaadkoodu dagaalamayaan.

from VOA https://ift.tt/2Y2rbxy
via IFTTT

Saturday, March 16, 2019

Madaxweyne Geelle oo Muqdisho ku sugan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa maanta lagu wadaa inuu xadhiga ka jaro dhismaha cusub ee safaaradda Djibouti ay ka dhisatay magaalada Muqdisho.

from VOA https://ift.tt/2JjbT4b
via IFTTT

Barnaamijka Caweyska Washington

Barnaamijka Caweyska Washington ee toddobaadkan waxaad ku dhageysan doontaan silsilad suugaaneeddii Araweelo iyo qodobkii Heesaaga iyo Hal-abuurka oo uu maantana uu marti ku yahay Abwaan Barre Maxamed Fiidow

from VOA https://ift.tt/2u8ebIZ
via IFTTT

Md. Geelle oo Booqday Muqdisho

Madaxweynaha Wadanka Djibouti Ismaaciil Cumar Geele iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa soo gaaray Magaalada Mqudisho,waxaana garoonka ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Soomaaliya Maxmaed Cabdulaahi Farmaajo.

from VOA https://ift.tt/2Y0x12h
via IFTTT

Sarkaal Alshabab ah oo lagu Dilay Yaaq-bariweyne

Wararka ka imaanaya deegaanka Yaaq beriweyne ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in halkaasi ay xiisad dagaal ka taagneyd ilaa iyo shalay, ka dib markii maleeshiyo gacan saar la leh ciidamada dowladda ay halkaa ku dileen sarkaal sare oo ka tirsan maleeshiyada al- Shabab.

from VOA https://ift.tt/2O8TPsj
via IFTTT

Barnaamijka Dhacdooyinka Toddobaadka

Barnaamijka Dhacdooyinka ee toddobaadkan waxaad ku dhageysan doontaan qubanayaal ay ku jiraan dadkii ku dhintay dayuuraddii Ethiopian Airlines iyo dagaal ka dhacay gobolka Mudug

from VOA https://ift.tt/2FhGafB
via IFTTT

Barnaamijka Hambalyada iyo Heesaha

Barnaamijka Hambalyada iyo Heesaha ee toddobaadkan waxaa soo jeedinaya Ibraahim Xasan Maxamuud (Daanduray) iyo Falastiin Axmed Iimaan, waxaanad ku maqli doontaan tahniyadaha ay dhageystayaasha VOA u dirayaan xigtadooda

from VOA https://ift.tt/2Ta4O5l
via IFTTT

Friday, March 15, 2019

Ammaanka Masaajidda W/Ameerika oo la adkeeyey

Masaajid badan oo ku yaalla wadamada Yurub iyo Waqooyiga America ayaa qaadey tallaabooyin ay kaga hor-tagayaan in weerar lala beegsado kadib weerar lagu qaaday masjid ku yaalla dalka New Zealand.

from VOA https://ift.tt/2O8Uny1
via IFTTT

Faaqidaadda Toddobaadka: Amniga Muqdisho

Barnaamijka Faaqidaadda waxa uu toddobaadkan ku saabsan yahay amniga magaalada Muqdisho, oo toddobaadyadii tagey sii xumaanayey. Waxaa soo jeedinaya Jamaal Axmed Cusmaan.  

from VOA https://ift.tt/2Y0nf08
via IFTTT

New Zealand: Dad lagu laayey weerar lagu qaaday laba masjid

Ugu yaraan hal nin oo hubeysan ayaa dilay 49 qof, islamarkaana dhaawacay 20 kale kadib weerar ayada oo lagu jiro salaaddii jimcaha lagu qaaday laba masjid oo ku yaalla dalka New Zealand. Ninka fuliyey weerarkan oo ka dhacay magaalada Christchurch, ayaa si toos oo muuqaal ah ugu tabiyey Facebook, isaga oo cambaareynaya dadka muhaajiriinta ah, oo uu ugu yeeray "duullaan." Dadkii masjidka ku tukunayey ayaa ayaga oo dhintay ama dhaawac ah waxay daadsanaayeen dhulka, sida ka muquatay muuqaalka uu baahiyey ninka weerarka fuliyey. Booliska ayaa sheegay in 41 qof lagu dilay masjidka Al-Noor, halka toddobada kale ay ku dhinteen masjid ku yaalla xaafadda Linwood, ayada oo qof kalena uu isbitalka ku geeriyooday. Ra'iisul wasaaraha New Zealand, Jacinda Ardern ayaa sheegtay in dalka la geliyey heegankii amni ee ugu sarreeyey, waxayna ficilkan ku qeexday mid argagixiso. Waxay sheegtay in la xiray afar qof oo xagjiriin ah, hase yeeshee aysan horey ugu jirin liiska booliska. Sahra Ahmed oo ka mid ah Soomaalida degan magaalada Christchurch ayaa sheegtey in dad tiro badan la dhigay Isbitaalka ayagoo dhaawac ah. Weriye  Sahra Cabdi Axmed ayey khadka telefoonka ugu warantey sida ay wax u dhaceen.  

from VOA https://ift.tt/2W1l1vG
via IFTTT

Madaxda dunida oo ka fal-celiyey weerarka New Zealand

Weerar lagu qaaday laba masjid oo ku yaalla dalka New Zealand, kuwaas oo lagu dilay ugu yaraan 49 qof, ayaa argagax, carro iyo lama filaan ka abuuray dunida.

from VOA https://ift.tt/2UENIym
via IFTTT

Thursday, March 14, 2019

Weerar ka dhacay Masjid ku yaala dalka New Zealand.

Weerar ka dhacay Masaajid ku yaalo magaaladda Christchurch ee dalka New Zealand ayaa waxaa ku dhimatey ilaa iyo Lix qof, sida Wakaaladdaha wararka ay tabiyee.

from VOA https://ift.tt/2TT5oJ6
via IFTTT

Shirka jihaynta siyaasadda Puntland oo lasoo geba-gebeeyey

Magaalada Garowe ee xarunta Puntland waxaa maanta lagu soo gabagabeeyay shir halkaasi ka socday oo looga hadlayay jiheynta siyaasadda xukuumadda Puntland.

from VOA https://ift.tt/2HlSbD1
via IFTTT

Bandhigga VOA: Garaacista carruurta ee dugsiyada

Barnaamijka Bandhiga VOA, waxa aan todobaadkan ku eegeynaa: Qaab ciqaabeedka ama garaacista caruurta ee macalimiinta dugsiyada Quraanka ee Soomaaliya.  Falastiin Axmed Iimaan ayaa inoo soo diyaarisay halkanna ka soo jeedineysa.  

from VOA https://ift.tt/2EZA7Lf
via IFTTT

Laascaanood: Maxkamad gabar ka furtay nin lagu qasbay

Maxkamadda degmada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa qaaday kiiska dacwadda gabar 14 sano jir ah oo guur lagu qasbay. Maxkamadda ayaa go'aamisay, in gabadhan oo ninka ay ku dareen qoyskeeda sida la sheegay, laga furo. Wariyaha VOA-da Cabdikariim Olol ayaa kiiskan iyo go'aanka maxkamadda ka wareystay  gudoomiyaha maxkamada degamada Laascaanood Xasan Maxamuud Warsame.    

from VOA https://ift.tt/2Cltgv1
via IFTTT

Qarax baabuur oo ka dhacay Muqdisho

Qarax ka dhashay baabuur walxaha qarxa lagu xiray ayaa maanta ka dhacay isgoyska Shaqaalaha ee waddada Makka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho.

from VOA https://ift.tt/2Tzu7Db
via IFTTT

Senate-ka Mareykanka oo diiday dagaal Yemen

Aqalka Senate-ka Mareykanka ayaa xalay ansixiya xeer soo afjaraya ku lug lahaanshaha Mareykanka ee dagaalka Yemen iyo taageerada ay Washington siiso isbaheysiga carbeed ee uu hogaamiyo Sacuudiga ee dagaalka ka wada Yemen.

from VOA https://ift.tt/2TEpVC0
via IFTTT

Dhaqanka iyo Hiddaha qeybta 462-aad

Ku soo dhawaada barnaamija Dhaqanka iyo Hiddaha qeybtiisa 462-aad. Waxaa aalaba soo diyaariya, soona jeediya Axmed Faarax Cali (Idaajaa).          

from VOA https://ift.tt/2F0abzb
via IFTTT

Falastiin oo cambaareysay go'aanka Mareykanka

Afhayeen u hadlay madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabaas, ayaa cambaareeyey go'aanka Mareykanka ee ah in hadda kadib uusan Daanta Galbeed, Marinka Gaza, iyo Buuraha Golan Heights ugu yeeri doonin "Dhul la haysto"

from VOA https://ift.tt/2u7D7QT
via IFTTT

Wednesday, March 13, 2019

MN: Argagixisada Lacago Looma Dirin

Hanti-dhowrka sharci-dejinta ee gobolka Minnesota ayaa warbixin ka soo baxday lagu sheegay in wax dambi ah lagu waayey baaris uu horay u codsaday golaha sharci-dejinta ee gobolka MN, taas oo ku saabsaneyd in xarumaha lagu xanaaneeyo caruurta Soomaalida ay 100 milyan oo dollar argagixiso u direen.

from VOA https://ift.tt/2TLnxZp
via IFTTT

Qubanaha VOA, March 14, 2019



from VOA https://ift.tt/2XQvoUV
via IFTTT

Wararkii ugu dambeeyey dagaalka Al-Shabaab iyo Daacish

Degaanka Dhaadaar iyo tuulooyinka ku teedsan oo ka tirsan degmada Qandala ee gobolka Bari ee Punland ayaa isgaarisiintu ka go'nayd mudo 21 cisho ah, kadib marki halkaas uu dagaal ku dhex maray ururada Al-Shabaab iyo Daacish. Ma jirto cid xog dhab ah ka haysa khasaaraha labada dhinaca ee halakaas ku dagaalamay. Guddomiye ku-xigeenka degmada Qandala ee gobolka Bari, Cabdikhaaliq Maxamed Ismaaciil  ayaa VOA u sheegay in dagaalkii ugu danbayey uu saddex maalin ka hor ka socday dhulka Buuralayda ah, ee degmada Qandala u jira 200 KM. Waxa uu sidoo kale sheegay in qoysaskii degaanadaas ku noolaa ay intooda badan barakaceen. Weriyaha VOA, Faadumo Yaasiin Jamac ayaa gudoomiye ku-xigeenka degmada Qanadala waraysi kula yeelatay magaalada Boosaaso.  

from VOA https://ift.tt/2TK5LWr
via IFTTT

Qarax dhimasho badan oo ka dhacay Baay

Ugu yaraan shan qof ayaa ku dhintay ku dhawaad 40 kalena waa ay ku dhaawacmeen qaraxyo maanta ka dhacay deegaanka Goof-gaduud Buurey ee gobolka Baay, oo qiyaastii 30km u jira magaalada Baydhabo.

from VOA https://ift.tt/2VWkjj7
via IFTTT

Iska hor-imaad ka dhacay Gaalkacyo

Lix qof ayaa ku dhintay ku dhawaad 10 kalena way ku dhaawacmeen kadib iska horimaad maanta ka dhacay magaalada Gaalkacyo.

from VOA https://ift.tt/2u5ddgn
via IFTTT

Iran oo 'jawaab adag' ugu hanjabtay Israel

Iran waxay jawaab adag ka bixin doontaa ficil kasta oo ciidamada badda Israel ay qaadaan oo ka dhan ah maraakiibteeda shidaalka, waxaa sidaas maanta yiri wasiirka gaashaandhigga Iran.

from VOA https://ift.tt/2Cen0VW
via IFTTT

Netanyahu iyo Erodgan oo aflagaado is-dhaafsaday

Ra'iisul wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa maanta madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ugu yeeray "Kaligii taliye" iyo "qiyaali" ayada oo mar kale labada hoggaamiyo ay aflgaado is-dhaafsadeen.

from VOA https://ift.tt/2UDqbOk
via IFTTT

Tuesday, March 12, 2019

Garissa: 3 Qof oo Bullaacad ku Dhacay

Dadka ku nool magaalada Garissa ee dalka Kenya ayaa tan iyo xalay ku mashquulsan sidii loo heli lahaa oo dibadda loogu soo saari lahaa, raq iyo ruux, saddex qof oo laba ka mid ahi caruur yihiin oo xalay fiidkii ay la duntay musqul ku taalla guri ka mid ah guryaha magaalada Garisa

from VOA https://ift.tt/2Uy6ffH
via IFTTT

Mareykanka oo xayiraad cusub saaraya Venezuela

Ergayga gaarka ah ee Dowladma Mareykanka ugu qaabilsan arrimaha siyaasadda ee dalka Venezuela, Elliott Abrams, ayaa sheegay in maamulka madaxweyne uu todobaadkan ku dhawaaqi doono cunaqabateeno cusub oo lagu soo rogo doono Venezuela.

from VOA https://ift.tt/2F92gAT
via IFTTT

Mareykanka oo xaqiijiyey weerarkii Daarasalaam

Ciidamada milatariga Maraykanka ayaa xaqiijiyey in xalay ay duqyan ka gaysteen degaanka Daarasalaam ee u dhow magaalada Awdheegle, iyaga oo gacan siinayey cidiamada Soomaalida oo ay soo weerareen maleeshiyada Al-Shabaab.

from VOA https://ift.tt/2HgLqlU
via IFTTT

Galka Baarista: Badqabka hawada Soomaaliya

Barnaamijka Galka Baarista waxa uu maanta ku saabsan yahay badqabka hawada Soomaaliya, iyadoo dowladda Somalia ay mamnuucday diyaaraha uu farsameeyey Midowga Suufiyeeti. Haaruun Macruuf ayaa barnaamijka diyaariyay halkanna ka soo jeedinaya.  

from VOA https://ift.tt/2XVSJoj
via IFTTT

Galka Baarista: Badqadka hawada Soomaaliya

hawada Soomaaliya, iyadoo dowladda Somalia ay mamnuucday diyaaraha uu farsameeyey Midowga Suufiyeeti.

from VOA https://ift.tt/2CfyMiI
via IFTTT

Axmed Xuseen oo la kulmaya Soomaalida Edmonton

Axmed Dirir Xuseen oo ah wasiirka socdaalka, iyo arrimaha qaxootiga ee Canada ayaa ku sugan magaalada  Edmonton ee gobolka Alberta ee dalkaas. Axmed ayaa sheegay inuu halkaas maanta kulan kula yeellanayo qaar ka mid ah waalidiinta Soomaalida ah ee caruurtooda ay ku dhinteen falalka gaangis-ka. Axmed ayaa sheegay in xisbiga Labour-ka ee uu ka tirsan yahay uu shaqooyin badan u abuuray dhalinyarada.  Jaamac Buulle Jaamac ayaa khadka taleefonka ku wareystay wasiir Axmed, wuxuuna weydiiyay wuxuu kala hadlayo waalidiinta.  

from VOA https://ift.tt/2Ux2s2b
via IFTTT

Weerar iyo duqeyn lagu qaaday Shabaab

Ciidamada Danab ee Soomaaliya oo taageero ka helaya diyaarado Mareykan ah ayaa weeraray xalay saldhig ay Shabaab ku lahaayeen tuulada Daarusalaam ee Sh/Hoose.

from VOA https://ift.tt/2UyOJaW
via IFTTT

Macron oo bogaadiyey go'aanka Bouteflika

Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron ayaa ku booriyey mas'uuliyiinta Algeria inay abaabulaan xukun kala wareegid la aqbali karo, kadib markii madaxweyne Abdelaziz Bouteflika uu ka laabtay damaciisa ahaa inuu mar shanaad u tartamo kursiga.

from VOA https://ift.tt/2Hc86na
via IFTTT

Pelosi: Trump ma mudna xil ka qaadis

Afhayeenka Aqalka Wakiilada Mareykanka, Nancy Pelosi ayaa meesha ka saartay xil ka qaadis lagu sameeyo madaxweyne Trump, ayada oo sheegtay inuusan mudneyn.

from VOA https://ift.tt/2UwRREv
via IFTTT

Monday, March 11, 2019

Zidane oo dib ugu laabtay Real Madrid

Zinedine Zidane ayaa dib ugu laabtay maamulka naadiga Real Madrid, kadib markii uu ka tagay naadigaasi 10 bil ka hor.

from VOA https://ift.tt/2F4TLa1
via IFTTT

Midowga Yurub oo mashruuc ka billaabaya Jubaland

Midowga Yurub ayaa lagu wadaa inuu maalinta berri ah uu magaalada Kismaayo ku daah furo mashruuc ku kacaya 83 milyan oo Euro.

from VOA https://ift.tt/2F4F8DD
via IFTTT

Wareysi: Ehellada Soomaalidii ku dhimatay diyaaradda Ethiopian

Waxaa soo baxaya in dad door ah oo Soomaali asalkoodu yahay balse watay baasabooro kala duwan ay ku dhinteen diyaaradda.

from VOA https://ift.tt/2HdySvs
via IFTTT

Shir ka furmay magaalada Godey

Magaalada Godey ee Ismaamulka Soomaalida Ethiopia waxaa maanta ka furmay shir ay dawladda deegaanku kula kulmeyso qeybaha kala duwan ee bulshada. Shirka oo hal maalin soconayaa ayaa mas'uuliyiinta ka qeyb galayaa ay sheegeen in lagu xoojinayo xiriirka bulshada iyo dawladda. Maxamed Cabdi Sandhere ayaa khadka telefonka ee magaalada Godey kula xiriiray Ugaas Cabdullaahi Ugaas Cabdi Ugaas Axmed-Xaashi oo shirka qeyb ka ah.   

from VOA https://ift.tt/2Ho41f4
via IFTTT

Buug: Mullah Omar wuxuu ku ag noola saldhigga ciidamada Mareykanka

Aas-aasaha ururka Taliban Mullah Cumar ayaa sanado badan ku noolaa meel masaafo kooban oo socod ah un u jirta saldhigyada ciidamada Mareykanka,.

from VOA https://ift.tt/2EU1zKa
via IFTTT

Shirkado hakiyey isticmaalka diyaardda Boeing 737-Max 8

Dhowr shirkado diyaaradeed ayaa dejiyey dhammaan diyaaradahooda nooca Boeing 737-Max 8 kadib markii mid ka mid ah oo shalay ku dhacday Ethiopia ay ku dhinteen 157 qof.

from VOA https://ift.tt/2Cec1M9
via IFTTT

Sunday, March 10, 2019

Wararkii Ugu Dambeeyay ee Burburkii Dayuuraddii Ethiopian Airline

Shirkada Ethiopian Airlines ayaa bilowdey baaritaanka ay ku sameyneyso shilkii ay shaley ku bur burtey mid ka mida diyaaradeheeda oo ay ku dhinteen 157 qof oo saaraa, kuwaa oo ka soo kala jeeday 33 dal.

from VOA https://ift.tt/2CbxrJW
via IFTTT

Warbixin: Xiisadda Hadaladii Ilhaan Cumar

Xiisad siyaasadeed ayaa ka ooganahay hadallo ay horey iyo dhawaanba u jeedisay Ilhaan Cumar oo ah gabar Somaali Mareykan ah oo Aqalka Hoose ee Kongareeska Mareykanka ka tirsan.

from VOA https://ift.tt/2Uu8AIl
via IFTTT

Syria: Banaanbax ka Dhacay Darcaa

Koox reer Syria ah ayaa dibad bax ka oogay magaalada Darcaa Axaddii shalay, kaasoo ay uga soo horjeedeen taagista taalo cusub oo Madaxweyihiii hore ee dalkaasi Xaafid Al-Asad ah

from VOA https://ift.tt/2tZakO2
via IFTTT

Diyaarad ay Leedahay Itoobiyaan Airlines oo Burburtey

Wararka naga soo gaaraya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in ay burburtay diyaarad ay leedahay Itoobiyaan Airlines taas oo ay ku dhinteen dhamaan rakaabki saarnaa oo gaarayay 149 iyo shaqaalihi diyaaradda oo ahaa 8 ruux.

from VOA https://ift.tt/2VR4x9w
via IFTTT

Saturday, March 9, 2019

Martida Makarafoonka: Cumar Hiraabe

Barnaamijka Martiga Makarafoonka waxaa todobaadkaan marti innoogu ah Cumar Hiraabe Aden oo ka mid ah waxgaradka Soomaalida kunool dalka Canada.

from VOA https://ift.tt/2CdsRuz
via IFTTT

Barnaamijka Caweyska Washington

Barnaamijka Caweyska Washington ee toddobaadkan waxaan idiinku haynaa sheekooyin aad u xiiso badan oo ay ka mid yihiin, Nin munaasibadii meherkiisa gaar ahaan qaybtii faraatigaliska ku qabtay badda gunteeda, Qayb kale oo ka mid ah Silsiladii Araweelo

from VOA https://ift.tt/2VHcm1k
via IFTTT

Barnaamijka Hambalyada Iyo Heesaha

Barnaamijka Hambalyada iyo Heesaha ka dhageyso dhambaalada dhalashada, iyo aroosyada ee ay dhageystayaashu hawada u mariyaan, eheladooda iyo saaxibadood. sidoo kalena ku dhageyso heeso macaan

from VOA https://ift.tt/2TJWs9e
via IFTTT

Doorasho kale oo ka socota Nigeria

Dadka reer Nigeria ayaa maanta oo sabti ah soo dooranaya gudoomiyaasha gobollada iyo golayaasha dowladaha hoose ee dalka oo dhan.

from VOA https://ift.tt/2H92Y3i
via IFTTT

SOMALILAND: Xuska Maalinta Haweenka

Wasiirka Wasaaradda Shaqagelinta Arrimaha Bulshada iyo Qoyska ee Somaliland Marwo Hindi Jaamac Gaani, oo ka hadashay doorka siyaasadda ee Haweenka Somaliland iyo duruufaha heysta.

from VOA https://ift.tt/2Cc71b3
via IFTTT

Puntland: Xuska Maalinta Haweenka

Puntland xus loo sameeyay Maalintan Haweenka ayaa Madaxweynaheeda Saciid Cabdullahai Deni oo ka qeybgalay waxa uu ka hadlay amaanka iyo dumar uu sheegay inay argagixisada la shaqeeyaan

from VOA https://ift.tt/2UxcmRu
via IFTTT

Friday, March 8, 2019

Faaqidaadda: Maalinta Haweenka iyo Haweenka Soomaaliyeed

Barnaamijka Faaqidaadda Toddobaada waxa uu ku saabsan maalinmta haweenka adduunka ee 8-da March, iyo haweenka Soomaaliya. Waxaa soo jeedineysa Sahra Ciidle Nuur.  

from VOA https://ift.tt/2SNfmHH
via IFTTT

Howlgal ka dhan ah Al-Shabaab oo ka dhacay Sh/Dhexe

Wararka ka imaanaya deegaano ka tirsan Gobalka Sh/Dhexe ayaa sheegaya in howlgal isugu jira duqeyn iyo weerar toos ah lagu qaaday deegaanka Gamboole oo ka tirsan gobolkaas.

from VOA https://ift.tt/2UpCFZv
via IFTTT

Wasiirkii dastuurka Soomaaliya oo geeriyooday

Wasiirkii dastuurka dowladda federaalka Soomaaliya, Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil ayaa maanta ku geeriyooday dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta. Sida ay mas'uuliyiin dowladda Soomaaliya ka tirsan ay sheegeen Xoosh Jibiril ayaa waxaa ku dhacay xanuun deg deg, ah xilli uu booqasho qoys uu ku joogey Imaaradka Carabta. Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa wasaaraaddiiisa, waxay waayadan ku mashquulsaneyd dhameystirka qabyo qoraalka dastuurka Soomaaliya.    

from VOA https://ift.tt/2HiJp7S
via IFTTT

Suldaan lagu dhex-dilay masjid ku yaalla Boosaaso

Nin hubeysan ayaa maanta masaajidka Mubarak ee magaalada Boosaaso ku dhex dilay Suldan Bashiir Muuse Konte oo ka mid ahaa isimidda caanka ah ee Puntland.

from VOA https://ift.tt/2tWCjOo
via IFTTT

Thursday, March 7, 2019

Dumar Abaalmarin La Siiyey

Toban Dumar ah ayaa abaalmarin lagu Siiyey dadaalo ay u galeen wax ka bedelka nolosha bulshadooda.

from VOA https://ift.tt/2UrKApc
via IFTTT

Meydka gabar Soomaali ah oo laga helay California

Meydka gabar ayaa Isniintii laga helay guri ku yaalla magaalada City Heights ee gobolka California.

from VOA https://ift.tt/2HqubOr
via IFTTT

Bandhigga VOA: Soomaalida iyo sarifka lacagaha Online-ka

Baarnaamijka Bandhigga VOA waxa uu toddobaadkan ku saabsan yahay Soomaali fara badan oo ku soo badanaya ganacsiga sarifka lacagaha qalaad ee online-ka lagu kala sarrifto. Suuqyadan oo markii hore  aanay Soomaalida fikrado badan ka heysan, ayaa hadda waxa jira macallimiin tababara Soomaalida dooneysa inay ka mid noqdaan ganacsigan. Jamaal Axmed Cismaan ayaa soo jeedinaya.  

from VOA https://ift.tt/2ERLJA7
via IFTTT

Trump oo beddelay amarkii Obama ee sheegista khasaraha rayidka

Madaxweyne Donald Trump ayaa saxiixay wareegtadan arbacadii shalay, waxaana ay meesha ka saareysaa wareegto madaxweyne oo uu horey u soo saaray madaxweynihii isaga ka horeeyay Barack Obama, sanadkii 2016kii. Wareegtadaasi Obama ayaa qeyb ka aheyd dadaal la doonayay in howlgaladda ciidamada Mareykanka gaar ahaan duqeymaha ay fuliyaan Dayuuradaha Droneska ay noqdaan kuwo daah furan, gaa rhaaan goobaha colaadaha. Trump ayaa wareegtadan laalay shalay sida uu shaaciyay Aqalka cad. Wareegtada ayaa lagu yiri "shacigan uu saxiixay Obama ayaa ka doonaya ciidamadeena kuna qasbaya inay soo wariyaan qasaaraha ka dhasha duqeynta. Mana aha mid wax weyn soo kordhinaya ee waa mid ka jeedinaya xirfadlayaasheena dhinaca sirdoonka inay howshooda qabsadaan." Wareegtadan ayaa fareysay bahda sirdoonka Mareykanka inay soo bandhigaan sanad walba 1da bisha May inay soo gudbiyaan –warbixin aan la shaacin oo kooban oo ku aadan tirada weerada cirka ee la fuliyay, meelaha lala beegsaday iyo qasaaraha ka soo gaaray dadka rayidka ah. Hase yeeshee saraakiil ka risan Aqlka Cad oo difaacayay sharciga lagu laalay wareegtadii Obama ayaa sheegay in Mareykanku ay ka go'antahay u hogaansamidda dhamaan sharciyada caalamiga ah ee colaadaha hubeysan, oo ay ku jirto ilaalinta in shacab ay waxyeelo ka soo gaarto, haddii ay dhacdana la qaato masuuliyadda. Meelaha uu Mareykanka weerarada cirka ah uu ka geysto waxaa ka mid ah Soomaaliya, Yemen Afghanistan, xuduudda Pakistan, iyo dalal kale oo ku yaala Bariga Dhexe. Intii uu xukunka hayey madaxweyne Trump ayaa Mareykanku uu fuliyay 2,243 weerar oo dhinaca cirka ah. Labaddii sanno ee ugu horeysay Madaxweyne Obamihii isaga ka horeeyayna waxay ciidamada Mareykanku fuliyeen 1,878 weerar oo xagga cirka sida lagu shaaciyay warbixin ay soo saartay Xarunta Dabogalka Saxaafadeed ee UK, oo ay soo xigteen wabaahinta mareykanka ee arrintan wax ka qoray. Soomaaliya oo kaliya, sida uu shaaciyay Taliska Ciidamada Mareykanka ee Africa ee AFRICOM dayuuradaha dagaalka ee Mareykanka ayaa ka fuliyay Soomaaliya 35 werar sanadkii 2017, kii horeeyay waxey fuliyeen 47 weerarar. Sanadki tagay ee 2018ka, wuxu Mareykanka ka fuliyay Soomaaliya ilaa iyo 50 weerar oo dhinaca cirka ah, halka dhowrka bilood ee sanadkan 2019ka uu fuliyay 23 weerar. Mareykanka ayaa sheegay in weeraradaa ay ku dileen boqolaal Maleeshiyada ururka al-shabab ah, laba ka mid ah hogaamiyeyaashoodii ugu sareeyay, saraakiil iyo xubno argagixiso shisheeye ah.

from VOA https://ift.tt/2NR1LhG
via IFTTT

Muqdisho: Qarax dhowr qof ay ku dhinteen

Afar qof ayaa lagu dilay, sagaal kalena waa ay ku dhaawacmeen qarax baabuur oo ka dhacay meel u dhow maqaayad ku taalla magaalada Muqdisho, sida ay werisay wakaaladda wararka AFP.

from VOA https://ift.tt/2SMBRMU
via IFTTT

Wednesday, March 6, 2019

Warbixin: Soomaali ka Tartamaysa Doorashada Gobollada Holland

Doorashada gobollada dalka Holland ayaa lagu wadaa in ay dhacdo 20-ka bishan, waxaana ka qaybgalayo labo dhalinyaro Soomaalida dalkaasi ku dhaqan oo xisbiyo kala duwan u tartamaya.

from VOA https://www.voasomali.com/a/4816932.html
via IFTTT

Qubanaha VOA, March, 7, 2019



from VOA https://ift.tt/2NL26Cm
via IFTTT

Somalia oo la wareegtay guddoominta Jaamacadda Carabta

Dawladda Soomaaliya ayaa maanta la wareegtay Guddoominta Golaha Wasiirrada ee Ururka Jaamacadda Carabta, kalfadhiga 151-aad oo ka furmay magaalada Qaahira.

from VOA https://ift.tt/2ESDvsI
via IFTTT

Maxaa wax looga qaban la'yahay amni darrada Muqdisho?

Magaalada Muqdisho waxa ku soo noqnoqda qaraxyada iyo dilalka qorsheysan oo weliba toddobaadyadii dhowaa sare u kacay. Bulshada magaalada ayaa ku jahawareersan sababta weli wax looga qaban la'ayahay ammaanka magaallo ay joogaan kumanaan ciidamo boolis ah, nabad-sugid, military iyo ciidamo shisheeye. Seynab Abuukar Maxamed ayaa warbixin ay ku eegeyso ammaanka nooga soo dirtay Muqdisho.  

from VOA https://ift.tt/2VCcJKs
via IFTTT

Soomaalida oo ka hadlay kulanka Farmaajo iyo Uhuru?

Magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya waxaa maanta ku kulmay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo ku heshiiyey in la wanaajiyo xiriirka labada dal. Qaar ka mid ah Soomaalida ku nool magaalada Nairobi ayaa dareenkooda ka dhiibtay kullanka maanta ka dhacay magaalada Nairobi. Wariyaha VOA-da Yaasiin Ciise Wardheere ayaa makaroofanka la dhex qaaday.  

from VOA https://ift.tt/2NLzEAm
via IFTTT

Dhaqanka iyo Hiddaha qeybta 461-aad

Ku soo dhawaada barnaamija Dhaqanka iyo Hiddaha qeybtiisa 461-aad. Waxaa aalaba soo diyaariya, soona jeediya Axmed Faarax Cali (Idaajaa).        

from VOA https://ift.tt/2H2bAc2
via IFTTT

Korea-da Waqooyi oo soo celisay goobihii tijaabada gantaallada

Dhowr ilo-wareed ayaa ku warramay in Korea-da Waqooyi ay dib usoo celisay qeybo ka mid ah goobihii ay ka tuuri jirtay gantaallada ee ay burburisay kadib markii ay sidaas ku ballan-qaaday kulan madaxeedkii ay madaxweyne Trump kula yeelatay dalka Singapore sanaddii tagtay. 38 North, oo ah mashruuc fadhiggiisu yahay Washington oo ka shaqeeya arrimaha Korea-da Waqooyi, ayaa sheegay in sawirro satellite ay muujinayaan dhismooyin iyo qalab yaalla goobta tijaabada Tongchang-ri, oo sidoo kale loo yaqaan Sohae, oo dib loo dhisayo intii u dhaxeysay 16-kii Febraayo iyo labadii March. Sidoo kale, wakaaladda wararka Korea-da Koonfureed ee Yonhap News ayaa sheegtay in sirdoonka dalkaas ee NIS ay u sheegeen sharci-dejiyayaasha in dib u dhiska goobta ay socoto. Xarunta Istaraatiijiyadda iyo Daraasaadka Caalamiga ah ee CSIS ayaa sidoo kale go'aamisay in Korea-da Waqooyi ay waddo dib u dhis deg deg ah. Kadib kulankii uu Kim Jong Un sanadii tagtay kula yeeshay Singapore, madaxweyne Trump ayaa weriyayaasha u sheegay in hoggaamiyaha Korea-da Waqooyi uu ballan-qaaday inuu baab'in doono goobta ugu weyn ee tijaabada gantaallada.      .  

from VOA https://ift.tt/2TCJJVs
via IFTTT

Soomaaliya oo sheegtay inay heshiis gaareen Kenya

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegtay in Soomaaliya iyo Kenya ay heshiis ku gaareen in dib loo soo celiyo xiriirka labada waddan.

from VOA https://ift.tt/2TjTh8E
via IFTTT

Tuesday, March 5, 2019

Somalia: Baahida Daran ee Gurmadka Deg-degga ah

Dr Cabdulqaadir Xaaji Aadan, madaxa Aamin Ambulance ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay, in marka laga reebo yarida taagta dhaqaale ee Adeeggiisa, haddana dhibta ugu weyn ee ay qabaani ay tahay sidii ay, sida ugu dhakhsaha badan, ugu gaari lahaayeen dadka dhibaateysan.

from VOA https://ift.tt/2SL3cyX
via IFTTT

Farmaajo iyo Abiy oo wada-hadallo u tagaya Nairobi

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa la filayaa in goor-dhow ay u amba baxaan magaalada Nairobi, sida lagu sheegay war kasoo baxay Villa Somalia.

from VOA https://ift.tt/2SGlSjn
via IFTTT

Mareykanka: Askar badan ayaa ka dhimaneysa Al-Shabaab

Taliyaha hawlgalla khaaska ah ee taliska ciidamada Maraykanka ee Afrika Maj. Gen. Marcus Hicks ayaa sheegay in askar badan ay Al-Shabaab uga dhimanayso furimaha dagaalka.

from VOA https://ift.tt/2SJWDwz
via IFTTT

Nin kufsaday gabar kadibna dilay oo lagu toogtay Garbahaarey

Maxkamad ku taalla magaalada Garbahaaray ayaa maanta xukun dil ah ku fulisay nin lagu helay inuu kufsaday isla markaana dilay gabar bilowgii sannadkan.

from VOA https://ift.tt/2EKVK1Z
via IFTTT

Dad lagu xir-xiray Beledweyn kadib askari la dilay

Ciidamada amniga ee magaalada Beledweyne ayaa sameeyey qabqabasho kadib sarkaal ka tirsan ciidamada amniga oo lagu dilay halkaasi maalintii shalay. In ka badan 30 qof ayaa la sheegay inay ciidanku qabteen. Warbixintan waxaa inoo soo diray Xuseen Xasan Dhaqane.  

from VOA https://ift.tt/2TdQH3U
via IFTTT

Trump oo lagu dhalleeceeyey jawaabtii dilka Khaashuqji

Xubnaha Aqalka Senate-ka Mareykanka ee labada xisbi ayaa aad ugu dhaleeceeyey maamulka madaxweyne Donald Trump jawaabtii uu ka bixiyey dilkii suxufiga reer Sacuudi Jamaal Khaashuqji loogu gaystay qunsuliyadda Sacuudiga ee magaalada Istanbul.

from VOA https://ift.tt/2VFfKd7
via IFTTT

Monday, March 4, 2019

Boosaaso: Muran ka taagan suuq la doonayo in la xiro

Mas'uuliyiinta maamul goboleedka Puntland ayaa soo saaray amarro cusub oo ay ku xirayaan suuqa kalluunka iyo marsada ee ku dhexyaalla dekedda Boosaaso.

from VOA https://ift.tt/2SGSvxe
via IFTTT

Ilayska VOA: Dhibaatada tahriibka iyo saameyntiisa

Barnaamijkii Ilayska VOA, waxa uu maanta ku saabsan yahay dhibaatada dhallinyarada ay ka marto tahriibka iyo saameynta ay ku reebto waalidkood iyo ehalladooda. Waxaa soo jeedinaya Maxamed Colaad Xasan.      

from VOA https://ift.tt/2XyPS4t
via IFTTT

Shabaab dilal fulin jiray oo Muqdisho lagu qabtay

Ciidamada amniga ee magaalada Muqdisho ayaa qabtay saddex nin oo la sheegay inay ka tirsan yihiin Al-Shabab oo qorshaynayey inay dilal ka gaysteen magaalada.

from VOA https://ift.tt/2TvpoS1
via IFTTT

Trump oo dimoqraadiga ku eedeeyey fashilka kulankii Kim

Madaxweynaha Maryekanka  Donald Trump ayaa sheegey in go'aanka xisbiga Dimuqraaddiga ay ku gaareen inay wareystaan qareenkiisii hore Michael Cohen isla waqtigii uu isaga la kulmayay hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un, ay sababtay in uu fashilmo kulankaas. Trump ayaa Axaddii soo dhigay bartiisa Twitter-ka in xisbiga Dimuqraddiga ay wareysteen "beenaale qirtay beentiisa" ayna ku soo aaddiyeen xilii uu dhacayay shir muhim ah oo Nukliyerka looga hadlayay, taasina ay sababtay in shirka lagu kala kaco. Cohen oo Trump u ahaa qareen muddo 10 sano ah ayaa madaxweynaha ugu yeeray "beenaale, qaa'in iyo cunsuri" intii ay socotey dhageysiga su'aalo weydiintiisa Aqalka Wakiillada. Waxa uu sheegey in madaxweynuhu uu galay dambiyo inta uu xafiiska joogey, taasi oo Dimuqraaddigu u saamaxdey inay ku baaqaan baaritaanno dheeraad ah.​

from VOA https://ift.tt/2HavVeq
via IFTTT

Aqalka Wakiilada oo codsaday dokumentiyo la xiriira Trump

Gudoomiyaha guddi hoosaadka caddaalada ee Aqalka Wakiilada Mareykanka ayaa soo saaray codsi uu uga dalbanayo ilaa iyo 60 qofood dukumintiyo qeyb ka ah baaritaanka faragelinta la sheegay in Ruushka uu ku sameeyay doorashadi uu kusoo baxay madaxweyne Trump sannadki 2016-kii. Dadka codsiyada loo diray waxaa ku jira qaar ka mid ah saraakiisha sare ee Aqalka Cad iyo Waaxda Cadaalada, waxaana tani ay qeyb ka tahay dardar-gelinta baaritaanka uu hormuudka u yahay baare sare Robert Mueller. Xildhibaan Jerrold Nadler ayaa u sheegay telafishanka ABC News in codsiga lagu dalbanayo dukumintiyada la diray, si loo billaabo baaritaan uu u sheegay inuu muhiim u yahay shacabka Mareykanka kuna saabsan danbiyo la xiriira marin habaabin caddaaladeed, musuq maasuq iyo ku tagrifalid lagu sameeyay awoodda dalka. Waxa uu sheegay in guddiga uu doonayo inuu arko dokumentiyada wiilka Trump ee Donald Trump Jr iyo Allen Weisselberg oo ah madaxa maaliyadda ee shirkadda Trump Organization oo ah shirkadda ganacsiga ee madaxweynaha. Nedler ayaa sidoo kale sheegay inay rumeysan yihiin in madaxweynaha uu is-hortaag ku sameeyey cadaaladda labadii sano ee uu xilka hayey.  

from VOA https://ift.tt/2Tvi88S
via IFTTT

Duufaan dad badan ku dishay gobolka Alabama

Ugu yaraan 22 qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen duufaan xoog leh oo axaddi dharbaaxday gobolka Alabama ee koofurta dalka Mareykanka.

from VOA https://ift.tt/2VBrCNe
via IFTTT

Sunday, March 3, 2019

Madaxweyne Cagjar: Ha la Maalgashado Deegaanka

Madaxweyne Mustafe Cagjar ayaa wareysi gaar ah oo uu VOA siiyay sidoo kale ku sheegay in maamulkiisa aanu khuseyn shir Addis Ababa uga socday Soomaali ka kala tagay deegaanno kala duwan.

from VOA https://ift.tt/2TdvR4A
via IFTTT

Barnaamijka Wicitaanka Dhageystaha

Barnaamijka Wicitaanka Dhageystaha ee toddobaadkan waxaa marti ku ah Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Waddooyinka ee Somaliland, Cabdillaahi Obokor Cismaan oo ka hadlaya waddada isku xireysa Berbera iyo Wajaale

from VOA https://ift.tt/2GXUgou
via IFTTT

Ciidanka Kenya oo ka Baxay Faafaxdhuun

Ciidamada Kenya ayaa shalay si lama filaan ku noqotay mas'uuliyiinta Gobolka Gedo ee Somalia uga baxay magaalada Faaxadhuun ee Gobolkaas Gedo, taasi oo markiiba ay la wareegeen maleeshiyada ururka Al-Shabab.

from VOA https://ift.tt/2C1LBgq
via IFTTT

Muqdisho: Mas'uul Degmo oo Qarax ka Badbaaday

Qaraxa oo ahaa miino la dhigay waddad dhinaceeda ayaa waxaa lala beegsaday baabuur uu la socday gudoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada ee deegaanka Garasbaalleey Cabdullaahi Gumnuri, balse mas'uulkan ayaa sheegay inuu ka badbaaday qaraxan.

from VOA https://ift.tt/2UgThCH
via IFTTT

Dibadbaxyo ka Dhan ah Madaxweynaha Algeria

Dibadbaxyada ayaa waxaa looga soo horjeedaa in madaxweyne Abdelaziz Bouteflika uu xilka isu soo taago markiisii shanaad, xilli caawa saqda dhexe ay ku egtahay is-diiwaangelinta musharraxiinta doorashada dalkaasi ka dhici doonto bisha April.

from VOA https://ift.tt/2H8Ay8R
via IFTTT

Barnaamijka Caweyska Washington

Barnaamijka Caweyska Washington ee toddobaadkan waxaad ku dhageysan doontaan doodda ku saabsan Boqoraddii Araweelo iyo xubintii Hal-abuurka iyo Heesaaga oo uu marti ku yahay Abwaan Barre Maxamed Fiidow

from VOA https://ift.tt/2EqGbMA
via IFTTT

Barnaamijka Martida Mikrofoonka

Barnaamijka Martida Mikrofoonka ee toddobaadkan waxaad ku dhageysan doontaan ka-qeyb-qaadashada Soomaalida ee siyaasadda dalka Finland

from VOA https://ift.tt/2TbrgQp
via IFTTT

Saturday, March 2, 2019

Hoobiyeyaal lagu Weeraray Villa Somalia

Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in madaafiic hoobiyeyaal ah lagu weeraray Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya. Madaafiicdan oo la sheegay inay ahaayeen ilaa iyo shan ayaa qaar ka mid ah ay ku dhaceen gudaha madaxtooyada.

from VOA https://ift.tt/2EH4yH7
via IFTTT

Nugaal: Dhallinyaro Dil lagu Xukumay

Maxkamadda Darajada Kowaad ee gobalka Nugaal ee Puntland ayaa maanta dil ku xukuntay 5 dhalinyaro ah oo ku edeysanaa kufsi ay u geysteen gabar jirtay 16 sano, kaas oo horay uga dhacay magaalada Gaalkacyo.

from VOA https://ift.tt/2VrtHLm
via IFTTT

Barnaamijka Dhacdooyinka Toddobaadka

Barnaamijka Dhacdooyinka ee toddobaadkan waxaad ku dhageuysan doontaan qubanayaal ku saabsan siyaasadda Somalia oo uu ugu weyn yahay weerarkii toddobaadkan ka dhacay magaalada Muqdisho

from VOA https://ift.tt/2EH4t6h
via IFTTT

Barnaamijka Hambalyada iyo Heesaha

Barnaamijka Hambalyada iyo Heesaha ee toddobaadkan waxaa soo jeedinaya Ibraahim Xasan Maxamuud (Daanduray) iyo Caasha Ibraahim Aadan (Cuud)

from VOA https://ift.tt/2T8sxrD
via IFTTT

Al Bashir oo ka dagay xilka gudoomiyaha xisbiga NCP

Madaxweynaha Sudan Omar al-Bashir ayaa ka dagey xilka gudoomiyenimo ee xisbiga NCP ee talada dalkaasi haya isagoo hogaaminta xisbiga ku wareejiey Ahmed Harun oo ahaa gudoomiye ku xigeenkiisii.

from VOA https://ift.tt/2GVFy1d
via IFTTT

Hindiya iyo Pakistan oo madaafiic isugu jawaabay

Milatariga dalalka India iyo Pakistan ayaa duqeymo sababay khasaaro nafeed isugu jawaabay, hal maalin kaddib marki ay Pakistan ku wareejisay Hindiya duuliihi ay Pakistan qabatay.

from VOA https://ift.tt/2GW8S7T
via IFTTT

Friday, March 1, 2019

Yay tahay in Somalia ay xulufo la sameysato.

Dowladda Soomaaliya ayaa xiisad diblomaasiyeed oo cusub lugaha la gashay kadib markii Kenya ay u yeertay safiirkeeda Muqdisho, islamarkaana soo dirtay kii Soomaaliya. Arrintan ayaa imanaysa ayada oo sidoo kale dowladda Soomaaliya ay kasoo kabaneyso xiisaddii dalalka khaliijka. Haddaba Soomaaliya yay tahay inay xulufo la sameysato.  

from VOA https://ift.tt/2C964QT
via IFTTT

Maxaa soo cel-celiya qaraxyada Muqdisho?

Maleeshiyada Al-Shabab ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerarkii xalay ka dhacay Muqdishu oo ay ku dhinteen ugu yaraan 30 qof, in ka badan 100 kalena ay ku dhaawacmeen. Hadaba maxaa soo celceliya qaraxyadan? Sidee ayayse ugu suuragashay maleeshiyadan inay halkaasi tagaan oo ay ka dagaalamaaan. Su'aalahaasi iyo kuwo kale ayaa wariyeheenna Maxamed Colaad Xassan uu weydiiyay Cabdisalaan Guuleed oo horey u soo noqday ku xigeenka madaxa haya'adda Nabad sugidda Qaranka ee xukumaddii Xassan Sheekh.    

from VOA https://ift.tt/2UdWp2n
via IFTTT

Wararkii ugu dambeeyey weerarka Muqdisho

Waxaa weli socda howlgalka ay ciidmada dowladda Soomaaliya ka wadaan dhismo ay xalay gudaha u galeen rag ka tirsan Al-Shabaab oo ku dheggan maqaaxida Hilaac UK.

from VOA https://ift.tt/2ECQNco
via IFTTT