Tuesday, May 28, 2019

Doorka Soomaalida ee doorshada Midowga Yurub

Doorashadii baarlamaanka Midowga Yurub ayaa la soo gaba gabeeyay, waxana hadda soo baxaya natiijooyinka horudhaca ah ee doorashada. Xisbiyada midigta dhexe iyo bidix dhexe ayaa lumiyay aqlabiyadda baarlamaanka Midowga Yurub, sida ay muujinayaan natiijooyinka soo baxay. Xisbiyada ay taageeraan dadka qowmiyiinta ah ee ajnabiga neceb ayaa guulo waaweyn kasoo hooyay dalalka France, Talyaaniga iyo Jarmalka, Halka xisbiyada Gareen Party iyo kan Libaraalka ay guulo ka keeneen dalalka Britain qaar ka mid ah dhamaan 28-ka waddan ee xubnaha ka ah Midowga Yurub. Musharixiin Soomaali ah ayaa ka qeyb ahaa tartanka sanadkan, oo qaarkood guulo gaaray. Jamaal Axmed Cismaan ayaa warbixintan nooga diyaariyay doorashadaasi.    

from VOA http://bit.ly/2MdmwH8
via IFTTT

No comments:

Post a Comment