Iyadoo ay jiraan boqolaal dhalinyaro ah oo tahriib iyo dan-daro ugu le'da bad iyo bariba, ayaa haddana dhanka kale waxaa jira kuwa nolosha kasoo bilaabay meel hoose oo gaaray heer sare. Mubaarak Maxamed Maxamuud waa wiil ku dhashay baaddiyaha Dhulka Soomaalida Itoobiya, waxana uu ku qaatay waxbarashada aasaasiga iyo heerka sareba magaalada Hargeysa, gaar ahaan dugsiga Abaarso. Hadda waxa uu nasiib u yeeshay inuu todobaadkan ka qalin jabiyo Machadka Tiknoolajiyadda ee Massachusetts ee MIT loo soo gaabiyo ee dalkan Mareykanka, kadib deeq waxbarasho ah oo uu ka helay sanado ka hor. Sahra Cabdi Axmed, ayaa warbixintan ka diyaarisay.
from VOA http://ift.tt/2r17U2n
via IFTTT
Wednesday, June 7, 2017
Wiil Soomaali ah oo ka Qalin Jebiyey Machadka MIT
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment