Wednesday, September 6, 2017

Guuleed oo ka Jawaabay Hadalkii Golaha Wasiirada

Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa ka jawaabay go'aanka Gollaha Wasiirada ee lagu sheegay in heshiis la saxiixay 2-dii May 2016 oo ay Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Dawladda Federaalka Ethiopia ku heshiiyeen in ay si wada jir ah isaga kaashadaan la dagaallanka nabad-diidka iyo argagixisada si loo xaqiijiyo sugidda amniga iyo xasilloonida labada dal. Go'aanka dawladda waxaa sidoo kale lagu sheegay in Heshiiskan ay Dowladda Federaalka u wada saxiixay Wasiirkii hore ee Boostada iyo Isgaarsiinta Mudane Maxamed Jaamac Mursal (Geelle) iyo Mudane Cabdikarin Xuseen Guuleed. Ridwaan Xaaji Cabdiwali ayuu u warramay isagoo ku sugan magaalada Ankara ee dalka Turkiga.    

from VOA http://ift.tt/2f3vLH0
via IFTTT

No comments:

Post a Comment