Friday, November 30, 2018

Madaxweyne Trump oo Wareysi Siiyay VOA

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa si weyn usoo dhoweeyey heshiiska baayac-mushtarka saddex-geesoodka ah ee uu la saxiixday hoggaamiyayaasha waddamada Mexico iyo Kanada maalintii shalay.

from VOA https://ift.tt/2BIMNWi
via IFTTT

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo u dirtay Baydhabo

Ciidamo boolis ah oo ay dowladda federalka Soomaaliya kasoo dirtay Muqdisho ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo.

from VOA https://ift.tt/2BKc16P
via IFTTT

Wareysi: Guddoomiyaha baarlamanka Soomaaliya

Gudoomiyaha Barlamanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa markii ugu horeysey ka hadley kala diristii guddiga maaliyada baarlamanka ee uu sameeyey gudfoomiye ku xigeenkiisa koowaad.

from VOA https://ift.tt/2AASDrc
via IFTTT

Faaqidaadda: Kala dirista guddiga maaliyadda baarlamanka

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamanka Soomaaliya Cabdi Weli Ibraahim Muudey ayaa dhowaan kala diray guddigii Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta iyo la-Xisaabtanka ee baarlamanka. Cabdi Weli Ibraahim Muudey ayaa sheegay in sababta loo kala diray guddiga ay la xiriirto "khilaaf meel sare gaaray oo ka dhex jira xubnaha guddiga." Qaar ka mid ah xubnaha guddiga oo la hadlay VOA ayaa sheegay inaysan sharci ahayn tallaabada guddoonka. Haddaba Barnaamijka Faaqidaadda waxa uu ku saabsan yahay waxa uu muxuu xeer hoosaadka baarlamanka ka qabaa arrintan.  

from VOA https://ift.tt/2U5Vxx8
via IFTTT

Askari lagu dilay weerar ka dhacay Boosaaso

Hal askari ayaa ku dhintay laba kale iyo qof shacab ahna waa ay ku dhaawacmeen, kadib markii weraar qarax iyo rasaas isugu jira habeenimadii xalay ay rag hubaysan ku qaadeen ciidamo ka tirsan booliska Gobolka Bari, magaalada Boosaaso.

from VOA https://ift.tt/2U0hVru
via IFTTT

Trump oo joojiyey kulankii Putin ee la qorsheeyey

Trump ayaa qoraal uu soo dhigay twitter ku sheegay inuu go'aansaday inuu joojiyo kulan la qorsheeyey inuu Putin kula yeesho magaalada Buenos Aires sababo la xiriira in Ruushka uusan dib ugu celin Ukraine maraakiib iyo badmaaxiyiin ay ku qasabdeen badda Azov.

from VOA https://ift.tt/2E5VNqT
via IFTTT

May oo dilka Khaashuqji kala hadlaysa Bin Salman

Ra'iisul wasaaraha Britain Theresa May ayaa sheegtay in dilkii magaalada Istanbul loogu geystay wariye Jamal Khaashuqji, ay kala hadli doonto dhaxal-sugaha boqortooyada Sacuudiga Amiir Mohamed Bin Salman.

from VOA https://ift.tt/2Q1sZ9w
via IFTTT

Thursday, November 29, 2018

Howl-gallo ka Dhan ah Al-Shabaab oo Shabeellaha Hoose Ka Socda

Maalmihii ugu dambeeyey ciidamada dawladda ayaa hawl-gallo ka waday degaan u dhexeeya magaalooyinka Muqdisho iyo Marka kadib markii maleeshiyada Al-Shabaab laga soo riixay dhinaca magaalada Marka.

from VOA https://ift.tt/2AyEriw
via IFTTT

Waddani oo diiday in doorashada la dhaafiyo 2019

Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ayaa dib-u-dhaca doorashooyinka Somaliland ku tilmaamay masuuliyadda xukuumadda, waxaanu sheegay in xisbi ahaan aanay qayb ka ahayn masuuliyadda baaqashada, oo ay hore ugu eedeeyeen guddida doorashadu. Hoggaanka sare ee Xisbigaas oo warbaahintga kula hadlay Hargeysa, ayaa sidoo kale sheegay inaanay doorashadu dhaafin sannadka 2019. Weriyaha VOA Barkhad Maxamuud Kaariye ayaa shir-jaraa'id ka dib waraysi la yeeshay guddoomiyaha ku mee lgaadhka ah ee Xisbigaas Cabdiqaadir Ismaaciil Jirde, waxaanu ugu horreyn waydiiyay siday u arkaan go'aanka guddida doorashada ee dib-u-dhaca doorashada.    

from VOA https://ift.tt/2AuybIq
via IFTTT

Bandhigga VOA: Dagaaladii 1-aad iyo 2-aad ee dunida

Dunidan waxaa soo maray dagaallo fara badan oo siyaabo kala duwan u dhacay, laakiin axaa jira laba dagaal oo quwadaha aduunka ay isku hardiyeen oo loo yaqaan dagaalkii 1-aadiyo kii 2-aad ee dunida. Dagaalkii 1-aad ee dunida ayaa dhacay intii u dhaxeysay 28-kii July sanadkii 1914-kii iyo kii 2-aad oo socday intii u dhaxeysay 1-dii September 1939-kii ilaa iyo bishii labadii September, 1945-kii. Haddaba barnaamijkeenna Bandhigga VOA, ayaan todobaakan ku eegeynaa taariikhda dagaaladaasi waa weynaa ee dunida soo maray. Xuseen Barre Aaden ayaa inoo soo diyaariyay halkanna ka soo jeedinaya.  

from VOA https://ift.tt/2TY6Kzu
via IFTTT

Ukraine oo dalbatay ciidamada NATO

Madaxweynaha dalka Ukrain Petro Poroshenko ayaa weydiistay Isbaheysiga NATO in ay u soo diraan maraakiib dagaal si ay uga caawiyaan dalkiisa ammaanka badda Azov.

from VOA https://ift.tt/2RmDAZp
via IFTTT

Mareykanka: Sharci ka dhan ah dagaalka Yemen oo la ansixiyey

Aqalka senate-ka Mareykanka ayaa arbacadii cod ah 63-37 ku ansixiyey in horey loo dhaqaajiyo sharci dhigaya in Mareykanka uu soo geba gebeeyo ku lug-lahaanshaha dagaalka Yemen ee Sacuudiga uu hogaamiyo.

from VOA https://ift.tt/2Q0qULd
via IFTTT

Wednesday, November 28, 2018

Qubanaha VOA, Nov. 29, 2018



from VOA https://ift.tt/2QvbUo4
via IFTTT

Wiil Soomaali ah oo lagu la'yahay Minneapolis

Ilaa Isniintii toddobaadkan oo taariikhdu ay ku beegneyd 26-ka November ayaa waxaa gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka lagu la'yahay wiil lagu magacaabo Wali Dhuxulow oo dhashay sanadkii 2004-tii. Wiilkan ayaa arday ka ah dugsiga Southwest oo ku yaalla magaalada Minneapolis. Haddaba sidii iyo lagu waayey iyo dadaallada la doonayo in lagu helo ayaa wariyeheena Maxamuud Mascadda uu ka wareystay hooyada wiilkan la la'yahay, Amal Cabdi Xasan.  

from VOA https://ift.tt/2BD8OFX
via IFTTT

C/llaahi Maxamed: Guddiga maaliyadda lama kala diri karo

Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Soomaali Cabdiweli Ibraahim Muude ayaa qoraal uu soo saaray manata ku sheegay in la kala diray Guddigii Malaiyadda ee baarlaamka Soomalaiya.

from VOA https://ift.tt/2TPCZ3Y
via IFTTT

Hiiraan: Qaraxyo dilay Shabaab iyo ciidamo Amisom ah

Qaraxyo is-xiga ayaa shalay iyo xalayba ka dhacay garoonka diyaaradaha ee magaalada Buulobarde ee Gobolka Hiiraan. Qaraxa shalay dhacay ayaa wararku sheegayaan inuu ku dhintay askari ka tirsan ciidamada Jabuuti, halka qarax kale oo isla xalay ka dhacay garoonka ay ku dhinteen laba qof oo la aamisan yahay inay ahaayeen kuwii dhigayey. Garoonka Buulo Barde ayaa maalintii ay maamulaan cidiamada dawladda iyo kuwa nabad ilaalinta ee Jabuuti, balse waxay banneeyaan habeenkii. Jaamac Buulle Jaamac ayaa arrrimahan iyo dagaallo ka dhacay Ceel-Cad ka waraystay Gudodomiye ku xigeenka dhinaca amniga ee Gobolka Hiiraan Cabdiraxiim Muxumed Taakoy  

from VOA https://ift.tt/2Ax3ZfX
via IFTTT

Doorashada Golaha wakiilada Somaliland oo dib u dhacday

Guddida doorashada Somaliland ayaa sheegay in aanay suurtogal ahayn in ay qabsoomaan doorashooyinka golayaasha wakiillada iyo deegaanka ee loo qoondeeyay inay qabsoonto sannadka dambe horraantiisa. Guddida Doorashada ayaa sabab uga dhigay caqabado ay ka mid tahay wada-shaqayn la'aan xisbiga Waddani ah, dhaqaale la'aan iyo sidoo kale caqabad sharci. Xisbiga mucaaradka ah ee UCID ayaa isna masuuliyadda dib-u-dhacan dusha u saaray xukuumadda. Weriyaha VOA Barkhad Maxamuud Kaariye ayaa warbixintan ka soo diray Hargeysa.   

from VOA https://ift.tt/2TSjgAD
via IFTTT

Dhaqanka iyo Hiddaha, Qeybta 447-aad

Ku soo dhawaada dhageystayaal barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha. Qeybtanna waa tii 447-aad. Axmed Faarax Cali (Idaajaa) ayaa soo jeedinaya.    

from VOA https://ift.tt/2AAaVIW
via IFTTT

Guddiga maaliyadda baarlamanka oo la kala diray

Guddoonka baarlamanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta sheegay inuu kala diray guddigii Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta iyo la-Xisaabtanka ee baarlamanka.

from VOA https://ift.tt/2r8AbBJ
via IFTTT

Wiil Soomaali ah oo lagu la'yahay Minneapolis

Ilaa Isniintii toddobaadkan oo taariikhdu ay ku beegneyd 26-ka November ayaa waxaa gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka lagu la'yahay wiil lagu magacaabo Wali Dhuxulow oo dhashay sanadkii 2004-tii. Wiilkan ayaa arday ka ah dugsiga Southwest oo ku yaalla magaalada Minneapolis. Haddaba sidii iyo lagu waayey iyo dadaallada la doonayo in lagu helo ayaa wariyeheena Maxamuud Mascadda uu ka wareystay hooyada wiilkan la la'yahay, Amal Cabdi Xasan.  

from VOA https://ift.tt/2FJi8w4
via IFTTT

Tuesday, November 27, 2018

Wiil Lagu La'yahay Minneapolis

Ilaa Isniintii toddobaadkan oo taariikhdu ay ku beegneyd 26ka bishan November ayaa waxaa gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka lagu la'yahay wiil lagu magacaabo Wali Dhuxulow oo dhashay sanadkii 2004tii. Wiilkan ayaa arday ka ah dugsiga ee Southwest oo ku yaalla magaalada Minneapolis.

from VOA https://ift.tt/2RpbKMc
via IFTTT

Cawad oo ka warbixiyey shirka ka socda Nairobi

Shikan oo loogu magacdarey Blue Economy oo ku saabsan dhaqaalaha, ayaa waxaa Soomaaliya uga qeybgalaya madaxweynaha dowlada federaalka ah iyo xubno kale oo ka mid ah dowladda.

from VOA https://ift.tt/2r6dnm6
via IFTTT

Aqalka Sare oo ka hadlay khilaafka dowladda iyo maamullada

Guddigii Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka u xil saaray xal ka gaarista khilaafka u dhaxeeya Dowladda dhexe iyo Dowlad goboleedyada ayaa soo saaray natiijada ka soo baxday kulamo ay la qaateen dhamaan dhinacyada.

from VOA https://ift.tt/2BCAWcB
via IFTTT

Dagaal dhex-maray ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab

Iska imaad ayaa maanta ka dhacay Gobolka Hiiraan kadib markii ciidamada dawladda ah ay weerar kedis ah kala kulmeen maleeshiyada ururka Al-Shabaab.

from VOA https://ift.tt/2KDJxyr
via IFTTT

Abiy Ahmed oo la kulmay xisbiyada mucaaradka

Ra'iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed ayaa maanta la kulmay xubnaha 81-ka xisbi mucaarad ee dalkaas, si uu ugala hadlo hab dib u habeyn loogu sameyn karo hanaanka doorashada dalkaas, sida uu sheegay xafiiskiisa.

from VOA https://ift.tt/2E070JN
via IFTTT

Maareeyaha garoonka Jowhar oo dilay xaaskiisa

Wararka ka imanaya magaalada Jowhar ee xarunta maamulka HirShabelle ayaa sheegaya in maareeyaha garoonka diyaarahada magaalada Jowhar uu xalay toogasho ku dilay xaaskiisa oo uur leh.

from VOA https://ift.tt/2KDns2S
via IFTTT

Xiisad ka dhex oogan Ukraine iyo Ruushka

Ruushka ayaa maanta sheegay in go'aanka Ukraine ay kusoo rogeyso xukun milatari ay hogaamin karto inay sii kacdo xiisadda colaadeed ee Bariga dalka Ukraine.

from VOA https://ift.tt/2BARxxs
via IFTTT

Xiisad ka dhex oogan Ukraine iyo Ruushka

Russia said Tuesday that Ukraine's decision to impose martial law after Russian forces seized three Ukrainian ships and their crew in the Black Sea could lead to a flare up in hostilities in eastern Ukraine.

from VOA https://ift.tt/2r5vVTw
via IFTTT

Monday, November 26, 2018

Beyle oo beeniyey eedaha musuq-maasuq

Maalmahan waxaa eedo iyo jawaab-celin is weydaarsaday Guddiga Baarlamaanka u qaabilsan la socodka maaliyadda oo ku eedeeyey Gobolka Banaadir iyo Wasaaradda Maaliyadda maamul xumo maaliyeed. Eedahaasna waxaa ka jawaabay oo ku gacansayray Wasiirka Maaliayadda iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.  Haddaba VOA Somali waxaa u suurtogashay inay waraysi gaar ah la yeelato Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle. Waraysi dheer oo uu la yeeshay Haaruun Macruuf waxa uu kaga hadlayaa eedeymahaas iyo halka ay ku dambaysay lacagaha ka yimid dalka Sucuudiga.  

from VOA https://ift.tt/2AoIwp7
via IFTTT

NUSOJ oo eedeysay dowladda Soomaaliya

Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSUJ, ayaa ku eedeeyay xukuumadda Soomaaliya inay cabburiso isla markaana laaluushto saxaafadda Soomaaliya.

from VOA https://ift.tt/2DHpOwe
via IFTTT

8 qof oo ku dhintay qarax ka dhacay Muqdisho

Ugu yaraan 8 qof, ayaa ku geeriyootay 15 qof oo kalena waa ay ku dhaawacmeen qarax baabuur oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

from VOA https://ift.tt/2Qn3ezG
via IFTTT

Beyle oo ka hadlay lacagtii laga soo qaaday Sacuudiga

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa wareysi uu siiyey VOA uga jawaabay halka ay ku dambaysay lacagaha ka yimid dalka Sucuudiga.

from VOA https://ift.tt/2DJTx7P
via IFTTT

Qarax dad badan ay ku dhinteen oo ka dhacay Gaalkacyo

Ugu yaraan, 14 qof ayaa ku geeiryootay in ka badan 10 kalena waa ay ku dhaawacmeen qarax iyo weerar lagu qaaday xarunta Sheekh Cabdi Weli Sheekh Cali Cilmi Yare, oo ka mid ahaa culimada Suufida.

from VOA https://ift.tt/2P38GTE
via IFTTT

Sunday, November 25, 2018

Wasiir Bayle oo ka Waramey Eedeymaha Gudiga Maaliyadda

Maalmahan waxaa eedo iyo jawaab-celin is weydaarsaday Guddiga Baarlamaanka u qaabilsan la socodka maaliyadda oo ku eedeeyey Gobolka Banaadir iyo Wasaaradda Maaliyadda maamul xumo maaliyeed.

from VOA https://ift.tt/2P4xJWC
via IFTTT

Brexit oo la Ansixiyey

Hoggaamiyayaasha 27-ka waddan ee Midowga Yurub ayaa ansixiyey heshiis ay dalka Biritan kaga baxayso Midowgaasi, isla markaana u gogol-xaaraya nooca iskaahsiga ay mustaqbalka yeeelan doonaan labada dhinac.

from VOA https://ift.tt/2P3Ndds
via IFTTT

Ka hortagga Xadgudubka Jinsiga oo laga Dooday

Olole sannadle ah oo soconaya 16-maalmood oo lagaga horjeedo xadgudubyada jinsiga ku salaysan ayaa maanta ku bilowday Soomaaliya, waxaana ololuhu kusoo beegmay maalinta Qaramada Midoobay u astaysay ciribtirka xadgudubyada jinsiga ku salaysan.

from VOA https://ift.tt/2zo7oOo
via IFTTT

Warbixin: Doodda Miisaaniyadda Somalia

Dhanka kale siyaasiyiinta qaar ayaa ka digaya saameynta ay yeelan karto Xildhibaanada xukuumadana ku jira oo ay sheegeen in ay adkeyneyso in xukuumada lala xisaabtamo.

from VOA https://ift.tt/2DJqDF2
via IFTTT

Barn. Wicitaanka Dhageystaha

Barnaamijka Wicitaanka Dhageystaha ee toddobaadkan waxaan ku soo qaadaneynaa go'aanada maxkamadda militariga ah ee Somalia

from VOA https://ift.tt/2QluTkC
via IFTTT

Midowga Yurub oo Ogolaaday Qorshaha ka Bixitaanka Britain.

Hogaamiyaha golaha midowga Yurub Donald Tusk ayaa sheegay in 27 ka hogaamiye ee midowga Yurub kulan ay ku yeesheen magaalada Brussels ay ku meel mariyeen qorshaha ka bixitaanka Britain ee midwoga Yurub.

from VOA https://ift.tt/2ScuPkq
via IFTTT

Saturday, November 24, 2018

Barnaamijka Caweyska Washington

WASHINGTON. D.C — Dhageyso Barnaamijka Caweyska Washington, waxaa soo diyaariyay soona jeedinaya Cabdixakim Maxamuud Shirwac.

from VOA https://ift.tt/2OXBQ6Q
via IFTTT

10 Askari oo ku Dhintay Shabeellaha Dhexe

10 ka tirsan askarta dowladda Somalia ayaa lagu dilay duleedka degmada Balcad ee Gobalka Shabellaha dhexe, ka dib markii ay wadada u galeen kooxda Alshabab kolonyo ciidan oo marayay inta u dhaxeysa Degaanada Qalimow iyo Gololey.

from VOA https://ift.tt/2R5teNg
via IFTTT

W. Rutu oo Booqday W. Bari, Kenya

Madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya William Rutu ayaa sheegay in Kenya ay ka shaqeynayso sidii ay si rasmi ah ugu furi lahayd xadka Kenya ee Somalia. Hadalkan ayuu ka sheegay safar uu ku tagay degmada Dadaab iyo Faafi oo ka tirsan maamulka deegaanka Garissa.

from VOA https://ift.tt/2P0VcYG
via IFTTT

Md. Biixi oo Booqday Tukarraq

Muuse Biixi, madaxweynaha Somaliland oo safar ku jooga gobollada bariga Somaliland ayaa maanta tagay deegaanka Tukarraq, halkaasi oo isku hor-fadhiyaan ciidamo ka tirsan Somaliland iyo Puntland oo dhowr jeer halkaasi dagaal ku dhexmaray.

from VOA https://ift.tt/2zmlEXO
via IFTTT

Barn. Dhacdooyinka Toddobaadka

Barn. Dhacdooyinka ee tooddobaadkan waxaad ku dhageysan doontaan qoddobo ay ku jirto xaalka doorashada madaxtinimo ee Koonfur-galbeed, Somalia, waxaana barnaamijka soo jeedinaya

from VOA https://ift.tt/2P4LW64
via IFTTT

Barn. Hambalyada iyo Heesaha

Barnaamijka Hambalyada iyo Heesaha ee toddobaadkan waxaa soo jeedinaya Ibraahim Xasan Maxamuud (Daanduray) iyo Caasha Ibraahim Aadan (Cuud)

from VOA https://ift.tt/2zqXsDF
via IFTTT

Friday, November 23, 2018

Wareysi: Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya

Safiirka Mareykanka u joogo Somalia, Donald Yamamoto, ayaa Wareysi gaar ah oo uu siiyey Laanta Afka Somaliga ee VOA uga hadlay arrimo badan.

from VOA https://ift.tt/2PMUF1G
via IFTTT

Faaqidaadda: Musuq-maasuqa lagu eedeeyey xukuumadda

Warbixin uu dhowaan soo saaray guddiga maaliyadda baarlamanka Soomaaliya ayaa wax is-daba marin miisaaniyadeed ku eedeeysay xukuumadda ra'iisul wasaare Xasan Kheyre iyo maamulka gobolka Banaadir. Haddaba barnaamijka faaqidaadda waxa uu ku saabsan yahay eedeyntaas. Waxaa soo diyaariyey soona jeedinaya Jamaal Axmed Cusmaan.  

from VOA https://ift.tt/2TxT4uW
via IFTTT

Qunsuliyadda Shiinaha ee Karachi oo la weeraray

Rag hubeysan ayaa maanta weeraray qunsuliyadda uu Shiinaha ku leeyahay magaalada Karachi ee dalka Pakistan.

from VOA https://ift.tt/2FADkVd
via IFTTT

Duqaymaha Maraykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Dawladda Maraykanka ayaa si weyn kor ugu qaadday weerarrada ka dhanka ah ururka Al-Shabaab, gaar ahaan gobollada dhexe ee Soomaaliya.

from VOA https://ift.tt/2zmzKIN
via IFTTT

Thursday, November 22, 2018

Duqaymaha Maraykanka oo Kordhay

Duqaymaha Maraykanka ayaa si aad ah kor ugu kacay sannadkan. Markii ugu horraysay ayaa Maraykanka ciidamdadiisu ayaa shan duqaymood oo isku xigxiga ay ka gaysteen Soomaaliya.

from VOA https://ift.tt/2DGh49V
via IFTTT

Bandhigga VOA: Xaaladda Ciidamada Soomaaliya

Barnaamijkii Bandhigga VOA, waxa aan toddobaadkan ku eegaynaa xaaladda ciidamada dowladda Somalia, oo warbixinta hay'adda Monitoring group ay dhawaan ku sheegtay in 70% ciidankaasi hubka ay haystaan ay badankood leeyihiin qabiillo iyo shaqsiyaad. Haddaba waxaa warbixintan inoo haysa Falastiin Axmed Imaan.   

from VOA https://ift.tt/2DScmqd
via IFTTT

Doorashada Koonfur Galbeed oo mar kale dib loo dhigay

Guddiga doorashada madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa maanta sheegay in doorashadu dhici doonto 5-ta bisha soo socota ee December. (Halkan ka dhageyso warbixin)

from VOA https://ift.tt/2OZEyZw
via IFTTT

Al-Shabaab oo nabaddoon ku gowracay Beled-Xaawo

Degmada Beled Xaawo waxaa maanta lagu aasay mid ka mid ah nabad-doonada degmadaasi ugu caansanaa oo xalay ay dileen kooxda Al-Shabaab, kadib markii ay gurigiisa ku weerareen.

from VOA https://ift.tt/2FyGxod
via IFTTT

Kenya: 14 qof oo loo xiray haweeney la afduubtay

Kenya ayaa sheegtay in 14 qof ay u soo xirTAY afduubkii shalay dalkaas loog gaystay haweenay Talyaaniga u dhalatay oo lagu magacaabo Sylvia Romano. Romano ayaa ka mid ahayd shaqaale gar-gaar oo shalay qaarna lagu dhaawacay qaarna lagu afduubtay gobolka xeebta ah ee Malindi. Dalka Kenya ayaa waxaa haatan socda baaritaan xooggan oo haweeneydan lagu baadi-goobayo. Weriyaha VOA, Maxamed Faarax Shire ayaa warbixintan kasoo diray magaalada Gaarisa.  

from VOA https://ift.tt/2r1GdV0
via IFTTT

Ganacsade lagu dilay Boosaaso iyo dad la dhawaacay

Koox bastoolado ku hubeysan ayaa saaka waaberigii waxay suuqa magaaladda Boosaaso ku dileen Axmed Cali Nuur (Dalqo) oo xisaabiye ka ahaa shirkad ganacsi oo lagu magacaabo Saabir oo xarun ganacsi ku leh magaaladda Boosaaso.

from VOA https://ift.tt/2zjFMcT
via IFTTT

Madaxii sirdoonka GRU ee Ruushka oo geeriyooday

Madaxa hay'adda sirdoonka milatariga Ruushka ee GRU, oo horey loogu eedeeyey faro-gelinta doorashadii Mareykanka ee 2016 ayaa ku geeriyooday Moscow.

from VOA https://ift.tt/2OXEYzw
via IFTTT

Wednesday, November 21, 2018

Shir Ganacsi oo Turkiga ka Dhacay

Magaalada Istanbul ee wadanka Turkiga waxaa lagu qabtey shir ay kasoo qeybgaleen sideed Kun oo qof oo meelo kala duwan oo dunida ah ka tagey. Shirkadaha kala duwan ee dalkaasi Turkiga ayaa kulankaasi ku soo bandhigay Alaabaha ay sameeeyaan ee ay aduunka u iib geeyaan.

from VOA https://ift.tt/2PLMR06
via IFTTT

Qubanaha VOA, Nov. 22, 2018



from VOA https://ift.tt/2BpW1Xq
via IFTTT

Ciidamada ONLF oo ku laabtay Itoobiya

Tobannaan ka tirsan ciidamada ururka ONLF ayaa maanta kusoo laabtay magaalada Jigjiga iyadoo ay diyaaradi kasoo qaaday magaalada Asmara ee dalka Eritrea.

from VOA https://ift.tt/2S3eLl5
via IFTTT

Xubno Shabaab ahaa oo duqeyn lagu dilay

Taliska ciidamada Mareykanka ee Africom ayaa sheegey in ay shalay duqeyn ka geysteen deegaanka Quy Cad oo ka tirsan gobolka Mudug. Warsaxaafadeed ay soo saareen ayey ku sheegeen Africom in iyagoo kaashanaaya dowlada federaalka ay halkaas duqeyn dhinaca cirka ah ka geysteen. Waxaa kale oo ay warsaxaafdeedkooda ku sheegeen in ay qiimeynayaan khasaraha weerarkaas, iyagoo xusey in aysan jirin dad rayid ah oo wax ku nqodey. Africom ayaa sheegtey in weerarkaas ay ku dileen 7 ka mida maleeshiyaadka Al-Shabaab. Waa markii labaad ee weerar noocan ah ay ka geystaan aagaas.

from VOA https://ift.tt/2DQUFY6
via IFTTT

Maxaa hortaagan dhameystirka dastuurka Soomaaliya?

Bihsii May ee sannadkkan ayaa wasaaradda dasturuka Soomaaliya ay shaacisay in dastuurka lagu dhammaystirayo dhammaadka sannadkan, taasi oo u muuqata inaysan dhici doonin.

from VOA https://ift.tt/2SboDcL
via IFTTT

Dhaqanka iyo Hiddaha, Qeybta 446-aad

Ku soo dhawaada dhageystayaal barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha. Qeybtanna waa tii 445-aad. Axmed Faarax Cali (Idaajaa) ayaa soo jeedinaya. Dhaqanka iyo Hiddaha, Qeybta 446-aad        

from VOA https://ift.tt/2OVNu21
via IFTTT

Kenya: Weerar dad lagu afduubay qaarna lagu dhaawacay

Booliiska dalka Kenya ayaa sheegay in xalay fiidkii ay koox ku hubaysan qoryaha AK 47 weerar ku qaadeen xarunta ganacsiga ee Chakama oo ku taala count-ga Kilifi, oo 80 km dhanka galbeed kaga beegan magaalada Milindi.

from VOA https://ift.tt/2FwBep5
via IFTTT

85,000 oo carruur ah oo ku dhintay dagaalka Yemen

Qiyaastii 85,000 oo ah carruur da'doodu ka hooseyso 5 jir, ayaa laga yaabaa inay cudurro iyo gaajo ugu dhinteen dalka Yemen, tan iyo markii uu dagaalka sokeeye ka billowday dalkaas, sanaddii 2005, waxaa sidas maanta sheegtay hay'ad caalami ah.

from VOA https://ift.tt/2zmgpr8
via IFTTT

Tuesday, November 20, 2018

Trump oo Taageeray Sacuudiga

Madaxweyne Donald Trump ayaa si weyn u taageeray dowladda Sacuudiga, xilli ay Bulshada Caalamka ay aad ugu cambaareysay Riyadh dilka wariye Jamal Kashikji.

from VOA https://ift.tt/2A7j8Ep
via IFTTT

Ethiopia: Saraakiil la Eedeeyey

Xisbiga TPLF oo hogaamin jiray taxaafulka EPRDF oo dalka Ethiopia soo maamulayey muddo labaatan sano ka badan ayaa eed kulul u jeediyey xukuumadda cusub ee hormoodka ka yahay RWe Abiy Ahmed.

from VOA https://ift.tt/2TwJoAM
via IFTTT

Mareykanka oo Baaq u Diray Interpol

Xilli lagu wado in maanta ay magaalada Dubai ka dhacdo doorashada guddoonka sare ee Hey'adda Booliska Caalamiga ah ee Interpol, ayay dowladda Mareykanka ku dhawaaqday in ay ayyiday Kim Jong Yang oo u dhashay dalka Kuuriyada Koofureed, kana mid ah musharraxiinta xilka madaxweynaha Interpol.

from VOA https://ift.tt/2AebKaa
via IFTTT

Moowluudka oo Laga Xusay Minneapolis

Magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ayaa waxaa xalay lagu qabtay xuska dhalashada nabigeenna Muxammed (NNKH).

from VOA https://ift.tt/2TwJmsE
via IFTTT

37 ka mid ah Shabaab oo duqeyn lagu dilay

Ciidamada milatariga ee Maraykanka ayaa sheegay inay dileen 37 ka tirsan maleeshiyada ururka Al-Shabaab kadib laba duqaymood oo ka dhacay Gobolka Mudug shalay.

from VOA https://ift.tt/2PFhrZj
via IFTTT

Galka Baarista: Cudurrada aan la is-qaadsiin ee Soomaaliya loogu dhinto

Hay'adda WHO waxay Galka Baarista u sheegtay in cudurrada aan la is-qaadsiin ee Soomaaliya ay mas'uul ka yihiin geerida 32% guud ahaan Soomaaliya.

from VOA https://ift.tt/2PDdgxg
via IFTTT

Beyle oo ka jawaabay warbixintii baarlamanka

Warbixin uu guddiga maaliyadda ee baarlamanka soo saaray ayaa wasaaradda maaliyadda ku eedeysay wax is-daba marin la xiriirta miisaaniyadda 2018.

from VOA https://ift.tt/2A9gqOR
via IFTTT

Ciidamada Kenya oo la siiyey qalab ay kula dagaalamaan Shabaab

Wasaarada gashaandhiga dalka Mareykanka ayaa qalab iyo gaadiid militari ugu deeqday ciidamada ammaanka ee dalka Kenya. Uqeybsanaha wasaarada gaashaandhigga dalka Kenya Colonel Kevin Balisky ayaa sheegay in ay tobabaro u furayaan ciidamada ammanka ee dalka Kenya si ay uga hortagaan Al-Shabaab. Warbixintan waxaa magaalada Garissa ka soo diray wariyaha VOA-da Maxamed Faarax Shire.  

from VOA https://ift.tt/2Tt9PaD
via IFTTT

Baabuurka xildhibaan Jeesow oo la qarxiyey

Gaari uu lahaa xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo yaallay waddada Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho ayaa qarax lala beegsaday, sida ay sheegeen goobjoogeyaal.

from VOA https://ift.tt/2PHdZNK
via IFTTT

Dagaal dib uga qarxay magaalada Xudayda

Dagaal ayaa Isniintii dib uga qarxay magaalada dekedda leh ee Yemen ee Xudayda xilli ay socdaan dadaallo ku wajahan sidii xabad joojin loo gaari lahaa.

from VOA https://ift.tt/2qUGedh
via IFTTT

Monday, November 19, 2018

Duqeyn lala beegsaday Al-Shabaab

Wararka laga helayo deegaanka Cadaley oo u dhaw degmada Xaradheere ee gobalka Mudug ayaa sheegaya in diyaarado dagaal ay duqaymo ka gaystayn halkaasi.

from VOA https://ift.tt/2BhcFIX
via IFTTT

Ciidamada ONLF oo ku soo laabanaya Ethiopia

Ururuka ONLF ayaa sheegay in ciidamo ka tirsan jabhadda oo saldhiggoodu ahaa dalka Eritrea inay bilaabayaan inay toddobaadkan dib ugu soo laabtaan Itoobiya. (Halka ka dhageyso wareysi la xiriira)

from VOA https://ift.tt/2qTqIy9
via IFTTT

Dagaal dhex maray Shabaab iyo Galmudug

Dagaallo kale ayaa laga soo sheegayaa Gobolka Glaguduud, kuwaas oo u dhexeeya maleeshiyada Al-Shabaab iyo ciidamada Ahlu Sunna Wal-Jamaaca oo haatan ka tirsan maamulka Galmudug. Dagaalladan ayaa daba socday kuwo toddobaadkii hore ka dhacay degaan Goola Goole. Dagaallada maanta ayaa ka dhacay halka lagu magacaabo Dhagaxyaale. Warbixintan waxaa Gaalkacyo kasoo diray weriyaha VOA Cabdiwaaxid Macallin Isxaaq.  

from VOA https://ift.tt/2qUv5t1
via IFTTT

Xaaladda hooyo lugaheeda ku weysay qaraxii Saxafi

Sacdiyo Saleebaan, waxaa si xun ay ugu dhaawacantey Qaraxii 9-kii Bishaan lala eegtey Hotel-ka Saxafi ee magaalada Muqdisho.

from VOA https://ift.tt/2FvjTx0
via IFTTT

Trump: Ma dhageysan doono codka dilka Khaashuqji

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in warbixin laga siiyey cajalad maqal ah oo laga duubay dilka suxufigii Sacuudiga Jamal Khaashuqji loogu gaystay qunsuliyadda Sacuudiga ee Isnatbul, balse uusan dooneyn inuu dhageysto.

from VOA https://ift.tt/2PCr3UW
via IFTTT

Sunday, November 18, 2018

Madaxa Shirkada Telesom oo Abaalmarin ku Guuleystey

Gudoomiyaha shirkadda Isgaarsiinta ee Telesom, Cabdikariim Maxamed Iid ayaa todobaadkan ku guulaystay abaalmarinta maamulaha ugu wanaagsan shirkadaha isgaarsiinta ee Africa.

from VOA https://ift.tt/2QTv5Vv
via IFTTT

Somalia: Miisaaniyadda Waxbarashada iyo Caruurta Danyarta

Miisaaniyadda Wasaaradda waxay horey u ahaan jirtay 3 milyan oo dollar iyadoo la sheegayo inay haatan gaadhay 8 milyan. Hase yeeshee su'aashu waxay tahay intee in le'eg ayaa la gelinayaa waxbarashada dhallanaka kasoo jeeda qoysaska danyarta ah.

from VOA https://ift.tt/2OKF3GN
via IFTTT

Tartanka Feerka oo Muqdisho lagu Qabtay

Tartan ku saabsan dib usoo noolaynta ciyaarta feedhka oo laba maalmood socday ayaa shalay lagu soo gabagabeeyey magaalada Muqdishu, waana tartankii ugu horreeyey ee magaalada lagu qabto muddo sannado ah.

from VOA https://ift.tt/2zfhaCn
via IFTTT

Wicitaanka: Madaxa Amin Ambulance

Barnaamijka Wicitaanka ee toddobaadkan waxaa marti ku ah Dr. Cabdulqaadir Cabdiraxmaan Xaaji Aadam, madaxa Hay'adda Amin Ambulance oo ka jawaabaya su'aalaha qaar ka mid ah dhageystayaasha VOA

from VOA https://ift.tt/2DIby7i
via IFTTT

Saturday, November 17, 2018

C/raxmaan Kaahin oo ka Tala Bixinaya Dhismaha Maamulka Minnesota

Guddoomiyaha la doortey ee gobolka Minesota​, Tim Walz, ayaa hadda ku guda jira dadaallada uu ku soo xulanayo xubnaha maamulkiisa cusub.

from VOA https://ift.tt/2Q3vNSB
via IFTTT

C/raxmaan Kaahin oo ka Tala Bixinaya Dhismaha Maamulka Minneapolis

Duqa cusub ee magaalada Minneapolis ee gobolka Minnisota oo ay Soomaali bandanna deggan yihiin, Jacob Frey, ayaa hadda ku guda jira dadaallada uu ku soo xulanayo xubnaha maamulkiisa cusub.

from VOA https://ift.tt/2QRAXhU
via IFTTT

Barnaamijka Martida Mikrofoonka

Barnaamijka Martida Mikrofoonka ee toddobaadkan waxaa marti ku ah Prof. Magtire Ibraahim Maxamed oo ah madaxa cilmi-baarista ee Jaamacadda Djibouti

from VOA https://ift.tt/2qQPHSJ
via IFTTT

Barnaamijka Caweyska Washington

Dhageyso Barnaamijka Caweyska Washington, waxaa soo diyaariyay soona jeedinaya Cabdixakim Maxamuud Shirwac.

from VOA https://ift.tt/2Q1ctWi
via IFTTT

28ka Nov. oo loo Qabtay Doorashada K. Galbeed

Maanta waa 17-ka Novembar, waana maalintii loo muddeeyay inay qabsoonto doorashada maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya. Hase ahaatee doorashadaasi ayaa dib u dhacday muddo laba todobaad ah, waxaana lagu wadaa inay qabsoonto 28ka bishan.

from VOA https://ift.tt/2BeflXP
via IFTTT

CIA oo Rumeysan in Ben Salman uu Amray Dilka Khashoggi

Hey'adda Sirdoonka Mareykanka ee CIA ayaa sheegtay inay rumaysantahay in dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudiga, Maxamed Bin Salmaan uu bixiyay amarka lagu dilay weriye Jamaal Kaashugji, sida laga baahiyay warbaahinta Mareykanka.

from VOA https://ift.tt/2K9sUdC
via IFTTT

Barnaamijka Dhacdooyinka Toddobaadka

Barnaamijka Dhacdooyinka ee toddobaadkan waxaan ku soo qaadaneynaa qubanayaal kala duwan oo ku saabsan siyaasadda Somalia, waxaana soo jeedinaya Jamaal Axmed Cusmaan

from VOA https://ift.tt/2BeoorB
via IFTTT

Barn. Hambalyada iyo Heesaha

Barnaamijka Hambalyada iyo Heesaha ee toddobaadkan waxaa soo jeedinaya Ibraahim Xasan Maxamuud (Daanduray) iyo Nuur Xasan Nuur (Bukhaari)

from VOA https://ift.tt/2KcK8XF
via IFTTT

Friday, November 16, 2018

10 qof oo ku dhintay dagaal ka dhacay Galgaguud

Ugu yaraan 10 qof ayaa lagu soo waramayaa inay ku dhinteen tiro kalena ay ku dhaawacmeen dagaal maanta gobolka Gal-Gaduud ku dhex maray maleeshiyada ururka Al-Shabaab iyo dadka deegaanka.

from VOA https://ift.tt/2QM1JYV
via IFTTT

Faaqidaadda: Sanad kadib doorashadii Muuse Biixi

Barnaamijkii Faaqidaadda Toddobaadkan waxa uu oo ku saabsan yahay sanad ka dib markii la doortay madaxweyne Muuse Biixi, hormar iyo dib u dhac wixii ku yimid maamulka Somaliland. Waxaa soo jeedineysaa Sahra Ciidle Nuur.  

from VOA https://ift.tt/2Dn5Kzf
via IFTTT

Mareykanka oo cunaqabateyn saaray shaqsiyaad Sacuudi ah

Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday cunaqabateyn ka dhan ah 17 qof oo u dhashay dalka Sacuudiga, kuwaasi oo lagu tuhmayo inay ku lug lahaayeen dilka suxufi Jamaal Khaashuqji.

from VOA https://ift.tt/2BbUpka
via IFTTT

Tirada dadka ku dhintay dabka California oo korortay

Tirada dadka ku dhintay laba dab oo ka ololaya Koofurta iyo Waqooyiga gobolka California ee dalka Mareykanka ayaa gaartay 66 qof. Saraakiisha gobolka ayaa ku warranay in Khamiisti shalay la helay meydadka 7 ruux oo hor leh, waxaana aad looga baqayaa in tirada dhimashada ay sii kororto maadaama wali la la'yahay boqolaal qof. Khubarrada ayaa sheegaya in dabka sannadkaan ka socoda California laga yaabo inuu noqdo mid ka mid ah kuwi ugu xumaa ee soo mara gobolka, iyadoo eedda dabka la saarayo isbadalka cimiladda iyo kororka dadka. Jennifer Balch, oo madax ka ah Sheybaarka Dhulka ee jaamacadda Colorado Boulder, ayaa sheegtay in shan jeer uu ka badanyahay baaxadda dabka Galbeedka Mareykanka marka loo fiiriyo sannadihii toddobaatanaadkii.

from VOA https://ift.tt/2K8s5lu
via IFTTT

Thursday, November 15, 2018

Waraysi: Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya

Wasiirka caafimaadka Soomaaliya ayaa sheegtay inay muhiimad siinayso wasaaradda yaraynta dhimashada hooyinka iyo dhallaanka xilli xaaladda caafimaad ee dalka ay liidato. Waraysi ay siisay idaacadda VOA ayaa wasiirka Caafimaadka Foosiya Abiikar Nuur waxay ku sheegtay in sannadkiiba hooyooyin badan ay dhinteen xilliga ay dhalayaan. Haaruun Macruuf ayaa waraysi la yeeshay wasiirka, waxayna ugu horrayn ka jawaabaysaa waxyaabaha ay mudnaanta siinayso wasiirka.  

from VOA https://ift.tt/2DsovS3
via IFTTT

Sacuudiga oo dil la raba "dadkii dilay Khaashuqji"

Dacwad oogaha guud ee Sacuudiga ayaa codsaday in ciqaab dil lagu xukumo shan qof oo la sheegay in lagu tuhmayo dilka suxufi Jamaal Khaashuqji.

from VOA https://ift.tt/2FoDyi6
via IFTTT

Bandhigga VOA: Is-dhexgalka dhaqaale ee Geeska Afrika

Barnaamijka Bandhigga VOA, waxaan toddobaadkan diiradda ku saareynaa dadaalkaa is dhex galka ganacsi ee ka socda  gobolka Geeska Afrika oo Soomaaliyana ay qeyb ka tahay.

from VOA https://ift.tt/2PwMXIS
via IFTTT

Kooxda QM: Dhuxusha Soomaaliya weli waa la dhoofiyaa

Dhoofinta dhuxusha Somaaliya ee ay Qaramada Midoobay Mamnuucday ayaa weli sii socota, dhaqaale malaayiin dollar ahna uu ka soo galaa ururka Al-Shabaab, sida lagu sheegay warbixin cusub.

from VOA https://ift.tt/2DDl0c4
via IFTTT

Soomaali ka Qeyb Galeysa Ciyaaraha Golf-ka ee Pan Arab

Dalka Marooko waxa ka soconaya ciyaaraha golf-ka ee dhalinyarada 18 jirka ka hooseeya. Waxa ka qeyb galaya ciyaaryahanno Soomaaliyeed oo ciyaarihii ugu horreyay natiijo wanaagsan la yimid.

from VOA https://ift.tt/2QQYj76
via IFTTT

Muhaajiriin soo garay xadka Mareykanka

Safkii ugu horreeyay oo ka mid ah kumanaan muhaajiriin ah, oo iyaga oo cagahooda maalaya kusoo wajahan xuduudka koofureed ee dalkaan Mareykanka ayaa Arbacadi shalay gaaray magaalada Tijuana ee xadka dalka Mexico. Ilaa iyo 800 oo isugu jira carruur, haween iyo rag ayaa hadda ku sugan magaalada Tijuana. Qaar badan oo ka mid ah dadkaan ayaa sheegay in ay joogi doonaan halkaas, si ay u sugaan kooxda kale ee mujaajiriinta ah. Muddo bilooyin ah ayay ku qaadatay in ay Tijuana gaaraan kaddib markii ay kasoo carareen rabshado iyo faqri kasoo barabixiyay dalal ku yaalla bartamaha America, haba ugu darnaado dalka Honduras. Ku dhawaad 4,000 oo muhaajiriin oo hadda socod kusoo maraya inta u dhaxeysa gobolka Sonora iyo magaalada Tijuana ayaa lagu wadaa in ay xadka Mexico soo gaaraan maalmaha soo socda. Dadkaan ayaa raba in ay Mareykanka kasoo xadka uu la wadaago dalka Mexico.    Madaxweyne Donald Trump ayaa cambaareeyay muhaajiriintan islamarkaana xadka u diray kumanaan ka mid ah milatariga si ay uga hortagaan muhaajiriintan.

from VOA https://ift.tt/2DoVK8r
via IFTTT

May oo wajaheysa caqabado la xiriira Brexit

Isku dayga ra'iisul wasaaraha Britain Therese May ay baarlamanka dalkaas uga dhaadhicineyso inay ansixiyaan heshiis ay Britain kaga baxeyso Midowga Yurub ayaa wajahaya caqabad hor leh, kadib markii maanta uu is-casilay wasiirkeedii Brexit, Dominic Raab.

from VOA https://ift.tt/2DoUYs3
via IFTTT

Wednesday, November 14, 2018

Farmaajo oo ka Hadlay Xaaladda G. Afrika

Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa ka hadlay Iskaashiga gobolka ee u dhaxeeyo dalalka Somalia Ethiopia iyo Eritrea, iskaashigaas oo uu ku tilmaamay inuu yahay mid sare u qaadeya dhaqaalaha iyo Iskaashiga gobolka.

from VOA https://ift.tt/2QOtNLu
via IFTTT

Nabaddoon lagu Xiray Balad-xaawo

Salaadiinta Dhaqanka degmada Baladxaawo ayaa kulan ay isugu yimaadeen ku cambaareyey xariga nabadoonka.

from VOA https://ift.tt/2PqSjp8
via IFTTT

Qubanaha VOA, Nov 15, 2018



from VOA https://ift.tt/2QDUXEp
via IFTTT

Buug laga qoray argatida qaldan ee laga qoray Soomaaliya

Dhowaan waxaa Jaamacadda Norway, qeybteeda daraasaadka horumarinta culuumta bulshada lagu soo bandhigay buug ka hadlaya aragtida khaldan ee laga aaminsan yahay ama laga qoray Soomaaliya iyo Soomaalida 50-kii sano ee ugu dambeeyay. Dr. Maxamed Xuseen Gaas oo qoray buugan, lana gudoonsiiyay shahaadada PhD-da ayaa nuxurka buugan waxaa ka waraystay wariyaha VOA-da ee London Ridwaan Xaaji Cabdiwali.  

from VOA https://ift.tt/2K3gynx
via IFTTT

Kooxda QM ee Somalia oo warbixin soo saartay

Warbixin ku saabsan mowduucyada ugu waa weyn ee ay warbixintaasi ka hadashay ee ku saabsan xaaladda Soomaaliya, halkan ka dhageyso.

from VOA https://ift.tt/2qO4vBH
via IFTTT

Dhaqanka iyo Hiddaha, Qeybta 445-aad

Ku soo dhawaada dhageystayaal barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha. Qeybtanna waa tii 445-aad. Axmed Faarax Cali (Idaajaa) ayaa soo jeedinaya.        

from VOA https://ift.tt/2OInk2M
via IFTTT

Cayaaryahan Cabdi Dheere oo ku geeriyodoay Canada

Allaha u naxariistee waxaa magaalada Toronto ee dalka Canada ku geeriyooday Cabdi Maxamed Ciye (Cabdidheere) oo ka tirsanaan jiray xulkii qaranka Soomaaliya iyo kooxdii Jeenyo ee cayaaraha Basketball-ka. Cabdidheere oo ka mid ahaa cayaarotydii u qaxay Canada kadib dagaalladii sokeeye ayaa dhowr bil ku xanuunsanaa Toronto. Wixii ka horeeyay xanuunkiisa wuxuu tababare u ahaa dhallinyarada Soomaalida iyo kuwa kale ee ajaaniibta ah ee xiiseeya cayaaraha basketball-ka ee magaalada Toronto. Wariyaha VOA-da Canada Xuseen Nuur Xaaji ayaa geerida Allaha u naxariistee Cabdidheere ka wareystay Faarax Jaamac Nuur (Oday) oo saaxib la ahaa marxuumka.    

from VOA https://ift.tt/2DkSDOV
via IFTTT

Boosaaso: Askari toogasho ku dilay laba askari oo kale

Askari ka tirsan ciidamada badda maamul goboleedka Puntland ayaa habeenimdii xalay magaalada Boosaaso ku dilay laba askari oo ciidamada Badda maamulka Puntland ay ka wada tirsanaayeen.

from VOA https://ift.tt/2zRV5Jn
via IFTTT

Gaadiid ku xanibnaa Afgooye oo la fasaxay

Gaadiid nooca xamuulka qaado oo u kala gooshayey Muqdisho iyo gobollada koonfureed ee Bay, Bakool iyo Gedo ayaa maalmihi la soo dhaafey ku xayirnaa magaalada Afgooye. Gaadiidkan oo 100 gaarayey ayaa maanta ka anbabaxay degmadaasi, ka dib marki jidka oo qowleysato ciidanka xoogga ka tirsanaan jirey u xirnaa la furey, sida ay sheegeen mas'uuliyiinta gobolka. Gudoomiyaha gobolka Shabeellada Hoose, Maxamed Ibraahim Barre oo u waramey Jaamac Buulle Jaamac ayaa faah-faahinaya sida ay wax udhaceen.  

from VOA https://ift.tt/2TaDCEV
via IFTTT

Israel oo joojisay dagaalkii Gaza

Ra'iisul wasaaraha Israel Benjamin Natenyahu ayaa difaacay go'aan uu ku joojiyey dagaalkii Gaza kadib markii hogaamiyayaasha Xamas ay aqbaleen xabad-joojin ay dhex-dhexaadisay Masar.

from VOA https://ift.tt/2B5vkal
via IFTTT

Tuesday, November 13, 2018

Sool: Dhallinyaro Booqatay Deegaanadii lagu Dagaalamay

Qaar ka mid ah dhalinyarada magaalada Laascaanood oo dhawaan booqday deegaanno ku yaalla Koofurta gobolka Sool oo ay ku dagaallameen beelo walaala ah, ayaa sheegay in ay soo arkeen guryo la gubay iyo carruur iyo haween barakacay.

from VOA https://ift.tt/2K25MxL
via IFTTT

44 Ku Dhimatay Dab ka Socda California

Kumannaan ka mid ah shaqaalaha dabdamiska Mareykanka ayaa la tacaalaya dab xoog leh oo ka ololaya qeybo ka mid ah koofurta iyo waqooyiga gobolka California.

from VOA https://ift.tt/2z6TKz2
via IFTTT

Wararkii ugu dambeeyey cayaaraha NBA

Kulamo ka tirsan horyaalka kubadda koleyga ee Mareykanka ee NBA, ayaa la cayaarey. Kooxda Golden State ee haysata horyaalnimada cayaaraha NBA-da Mareykanka islamarkaana hogaanka u heysa kooxaha galbeedka ayaa xaley dhadhamisey guul darradii sadaxaad. Golden State ayaa waxaa ka badisay kooxda LA Clippers, waxaana looga adkaadey 121 dhibcood iyo 116 dhibcoood. Kooxda Golden State oo cayaartey 14 kulan oo horyaalka ah ayaa laba kamid ah lagasoo badiyey balse kulankii xaley wuu uga duwanaa sababtoo ah waxaa kusoo xigta kooxda Portland Trail Blazers oo ay isku dhibco noqon doonaan hadii ay badiso kulan baaqi u ah oo ay habeen dambe la ciyaari doonto LA Lakers. Golden State oo ah kooxda kaliya ee halmar kulmisey inta ugu badan ee xidigaha All-Star-ka loo yaqaano ayaa lumisey dhibco badan marka isbarbar dhig lagu sameeyo guul darrooyinka ay la kulantey, tirada kulamada ay hadda cayaartey iyo sanadkii hore, balse lama oga waxa dhici doona dhamaadka xilli cayaareedka inkastoo kooxda Portland Trail Blazers ay sanadkaan lasoo baxdey wacdaro la yaableh iyo qaab ciyaareed wanaagsan.  

from VOA https://ift.tt/2K1N21o
via IFTTT

Burco: Xafladaha ragga iyo dumarka oo la mamnuucay

Maamulka Somaliland ayaa soo saaray amarro hoteellada iyo goobaha kale ee lagu caweeyo ee magaalooyinka Somaliland looga mamnuucayo inay furaadaan wixii ka dambeeya habeenkii 11:50 daqiiqo. Wasiir ku Xigeenka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Diiriye Muuse ayaa warkan maanta ka sheegay telefishinka dowladda. Geesta kalena magaalada Burco ayaa la sheegay in sanadihii ugu dambeeyay laga mamnuucay Aroosyada ay ragga iyo dumarku iskugu yimaadaan ee lagu qabto Hoteellada. Sidoo kale qaar ka mid ah Hoteellada ku yaala magaalada Burco ayaa dhawaan soo saaray g'aan ay ku mamnuucayaan in sawiro lagu galo. Sahra Ciidle Nuur ayaa warbixintan arimahaasi ku eegaysa.  

from VOA https://ift.tt/2PZiD9e
via IFTTT

Boosaaso: Maxkamadda ciidamada oo xukuno riday

Gudomiyaha Maxkamada Ciidamada Gobollada Bari iyo Sanaag G/sare Cawil Axmed Faarax waxaa uga waramay  xukunada  dilka iyo Xabsi daa'imka  ee ay maxkamadu todobaadyadii u danbaysay xukuntay.

from VOA https://ift.tt/2QEKo4f
via IFTTT

Walaac laga muujiyey doorashada Koonfur Galbeed

Waxaa la filayaa in dhawaan ay qabsoonto doorashada madaxweynaha ee maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya. Aqoonyahanada deegaanka ayaa waxay walaac ka muujinayaan in doorashadu ay horseedi karto dhibaato kale iyo dib u dhac ku yimaadda deegaanadaas haddii ay waqtigii loogu talo galay ku qabsoomi waydo ama go'aanka doorashada faraha looga qaadi waayo masuuliyiinta maamulka. Prof. Maxamed Xaaji Muukhtaar oo bare ka ah jaamacadda Savannah ee gobolka Georgia ee dalka Maraykanka ayaa VOA-da uga warramay sida uu u arko qaabka ay ku socoto u diyaar garowga doorashada. Caasho Ibraahim Aaden ayaa wareysatay.  

from VOA https://ift.tt/2zawzDP
via IFTTT

Ciidamada Israel oo weeraray Gaza

Milatariga Israel ayaa xalay duqeymo la beegsaday Marinka Gaza, ayaga oo sheegay inay ka jawaabayeen boqolaal gantaal oo Israel looga soo tuuray Gaza.

from VOA https://ift.tt/2qFgAcm
via IFTTT

Monday, November 12, 2018

Shabaab oo dilay xubno ka tirsan qaarna xiray

Wararka idaacadda VOA Somali ay ka helayso magaalada Jilib ayaa sheegaya in maleeshiyada Al-Shabaab ay khaarajiyeen xubin ka tirsanaa ururka kuwo kalena ay qabqabteen.

from VOA https://ift.tt/2QCIdhB
via IFTTT

Barnaamijka Qurbe: Qurbajoogta iyo siyaasadda

Barnaamijka Qurbe ee todobaadkan waxa aan ku eegeynaa sababta ay Soomaalidu u soo dhaweeyaan Qurbejoogta guullaha siyaasadeed ka gaara wadamadi ay u qaxeen ee reer galbeedka, balse marka Qurbejoog kale dalki aado oo xillal siyaasadeed u doonta ay u dhibsadaan. Jaamac Buulle Jaamac ayaa inoo soo diyaariyey.  

from VOA https://ift.tt/2PqvTEk
via IFTTT

Muqdisho: Taliyeyaal boolis oo xilalka laga qaaday

Taliska booliiska Soomaaliya ayaa xilkii ka qaaday afar ka tirsan taliyayaasha ciidanka booliiska ee magaalada Muqdisho. (Dhageyso wareysi ku saabsan)

from VOA https://ift.tt/2FjLOzY
via IFTTT

Dad harraad ugu dhintay Dhadhaab

Hal qof ayaa inta la ogyahay oon oogu dhintay tuulada Sheebcad oo ku taala duleedka dagmada Dhadhaab halka boqolaal kale ay qarka u saaran yihiin oon daran.

from VOA https://ift.tt/2zW9iFt
via IFTTT

Toddobaadka hal-abuurka ganacsi oo ka furmay Hargeysa

Toddobaadka hal-abuurka ganacsi ee dunnida ayaa maanta laga bilaabay magaalada Hargeysa Munaasibaddii bilowga toddobaadkan oo uu furay madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa inta uu socdo waxa abaalmarinno lagu guddoonsiin doonaa halabuurro ganacsi oo la maalgelinayo. Weriyaha VOA Barkhad Maxamuud Kaariye ayaa arrimahan ka waraystay Mustafe Deyr Cismaan oo ah maamulaha xidhiidhka warbaahinta iyo tiknoolajiyadda ee Shaqodoon oo ah ururka qabanqaabiyay toddobaadkan.  

from VOA https://ift.tt/2T55PNr
via IFTTT

Rabshado ka dillaacay magaalada Gaza

Ra'iisul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa soo gaabinaya booqasho uu ku joogo magaalada Paris kadib markii rabshado ay ka dilaaceen magaalada Gaza.

from VOA https://ift.tt/2Ps9EOr
via IFTTT

Sunday, November 11, 2018

Axmed Madoobe ma Booqanayaa Gedo?

Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Gedo iyo xubno kale oo bulshada ah ayaa sheegay inay kasoo horjeedaan in Axmed Madoobe uu Garbaharay booqdo. Hase yeeshee ma jiro wax war ah oo rasmi ah oo kasoo baxay dhinaca hogganaka Jubbaland oo muujinaya in Axmed Maxamed Madoobe uu ku wajahan yahay Gobolka Gedo.

from VOA https://ift.tt/2QAhuSP
via IFTTT

Barnaamijka Wicitaanka Dhageystaha

Barnaamijka Wicitaanka Dhageystaha ee toddobaadkan waxaa marti ku ah Madaxweynaha Maamulka Puntland, Dr. Cabdiwali M. Cali Gaas, waxana uu ka jawaabayaa su'aalaha qaar ka mid ah dhageystayaasha idaacadda VOA

from VOA https://ift.tt/2PqQRmD
via IFTTT

Muqdisho: Xarun Caafimaad oo la Xiray

Bukaan qaba cudurka HIV-AIDS ayaa sheegay in la xiray xarun caafimaad oo ay ka qaadan jireen daawooyinka ay u qaataan xanuunkaasi, waxayna ku eedeeyeen Gudoomiyaha Degmada Shibis inay xirtay xaruntaasi.

from VOA https://ift.tt/2DAARsb
via IFTTT

Farmaajo oo la Kulmay Saraakiisha Amniga

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan la yeeshay madaxda ciidamada amniga, waxaana uu ka dalbaday warbixin dhammaystiran oo ku saabsan amniga iyo qaraxyadii maalintii Jimcihii ka dhacay Muqdishu, sida lagu sheegay warbahainta dawladda.

from VOA https://ift.tt/2RO1DQx
via IFTTT

Saturday, November 10, 2018

Madaxweynaha Puntland Dr. Gaas oo eedeyay Dowladda Soomaaliya

Madaxweynaha Maamul goboleedka Puntland, Cabdiwali Maxamed Cali (Gaas) ayaa sheegay in dowladda dhexe ee federalka Soomaaliya ay rabto inay awoodaha, daqliga iyo dhismaha dowladnimo, xariirka dibadda ay rabto in iyada isku koobto.

from VOA https://ift.tt/2PlhDwX
via IFTTT

Martida: Xeer ilaaliyaha DFS, Axmed Daahir Cali

Ku soo dhawaada barnaamijka Martida Makrafoonka, oo uu toddobaadkan marti noogu yahay Axmed Cali Daahir, Xeer ilaaliyaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

from VOA https://ift.tt/2T0OxAS
via IFTTT

Martida Makrafoonka: Xeer Ilaaliyaha Soomaaliya.

Xeer ilaaliyaha Soomaaliya Axmed Cali Daahir ayaa maanta marti ku ah barnaamijka Martida Makrafoonka.

from VOA https://ift.tt/2qGsZg6
via IFTTT

Barnaamijka Caweyska Washington

WASHINGTON. D.C — Dhageyso Barnaamijka Caweyska Washington, waxaa soo diyaariyay soona jeedinaya Cabdixakim Maxamuud Shirwac.

from VOA https://ift.tt/2QuEQcw
via IFTTT

Muqdisho: Dhimashadii Weerarada oo Korortay

Tirada ayaa hadda gaartay in ka badan 50 qof oo dhimasha ah iyo 106 kale oo dhaawac ah, waxaana isbitalada ay ku mashquulsanyihiin daweynta dadkii ku dhaawacmay qaraxyada.

from VOA https://ift.tt/2qG6M1Q
via IFTTT

Madaxweyne Biixi oo Isku-shaandheyn Sameeyey

Maxadaxwaynaha Somaliland ayaa magacaabis iyo isku shaandheynba ku sameeyay xubno kamida golihiisa wasirada, isaga oo xilal cusubna magacaabay

from VOA https://ift.tt/2QyB0iD
via IFTTT

Barn. Dhacdooyinka Toddobaadka

Barnaamijka Dhacdooyinka ee tooddobaadkan waxaad ku maqli doontaan qubanayaal ku saabsan Somalia oo uu ku jiro warka sheegaya in dayuuradda Ethiopian Airlines ay bilowday duullimaadkeeda magaalada Muqdisho

from VOA https://ift.tt/2PlksxS
via IFTTT

Barnaamijka Hambalyada iyo Heesaha

Barnaamijka Hambalyada iyo Heesaha ee toddobaadkan waxaa soo jeedinaya Ibraahim Xasan Maxamuud (Daanduray) iyo Caasha Ibraahim Aadan (Cuud)

from VOA https://ift.tt/2QukkJ2
via IFTTT

Friday, November 9, 2018

Saddex qarax oo ka dhacay Muqdisho

Ugu yaraan 23 qof ayaa ku dhintay 10 ka badanna wey ku dhaawacmeen saddex qarax oo is-xigxigay oo galabta ka dhacay magaalada Muqdisho.

from VOA https://ift.tt/2qCa46d
via IFTTT

Soomaali weerar ka gaystay Australia

Booliska dalka Australia ayaa sheegay maanta oo Jimca ah in nin Soomaali ah uu mindi ku weeraray saddex qof, magaalada Melbourne, isagoo mid ka mid ah dilay, ka hor inta aysan boolisku toogan.

from VOA https://ift.tt/2JP2bmu
via IFTTT

Faaqidaadda: Xaaladda maamulka Koonfur Galbeed

Barnaamijka Faaqidaadda Toddobaadka waxa uu maanta ku saabsan xaaladda siyaasadeed ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, oo dhowaan uu is-casilay madaxweynihii maamulkaas Shariif Xasan Sheekh Aadan.

from VOA https://ift.tt/2DwcmMz
via IFTTT

Dagaalka Mareykanka ee argagixisada oo dilay nus milyan qof

Daraasad la baahiyey Khamiistii ayaa sheegtay in dagaalka Mareykanka uu hoggaaminayo ee ka dhanka ah argagixisada uu dad dhan nus milyan qof ku dilay dalalka Afghanistan, Iraq iyo Pakistan, 17-kii sano ee tegay.

from VOA https://ift.tt/2FalEj6
via IFTTT

Xaalad deg deg ah oo looga dhawaaqay California

Xaalad deg deg ah ayaa looga dhawaaqay qeybta waqooyi ee gobolka California kaddib markii uu dab xoog badani baabi'yay deegano ku yaallo dhinaca waqooyi.

from VOA https://ift.tt/2qDdoy0
via IFTTT

Thursday, November 8, 2018

Bandhigga VOA: Taariikhda arrimaha samafalka

Bandhigga VOA waa barnaamij cusub oo ay VOA-du idiin soo deyn doonto toddobaadkiiba mar maalinta khamiista ah. Waxaan ku eegi doonnaa arrimaha, Taariikhda, Dhaqaalaha, Sharciga iyo Samafalka. Todobaadkan waxaan ku soo qaadaneynaa Taariikhda arrimaha samafalka. Cabdixakiim Maxamuud Shirwac ayaa todobaadkan inoo soo diyaariyay, halkanna ka soo jeedinaya.  

from VOA https://ift.tt/2PmlN7O
via IFTTT

HirShabeelle oo ciidameyneysa Macawiisleyda

Mas'uuliyiinta maamul goboleedka HirShabelle ayaa sheegay in maleeshiyo beeleedyo waayadii dambe Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe kula dagaalamayay Ururka Al-Shabab, oo loo yaqaan Macawisleey la qalabeyn doono laguna biirin doono ciidamada dowladda.

from VOA https://ift.tt/2ATGDT2
via IFTTT

Trump oo xilka ka qaaday Jeff Sessions

Madaxweynaha Maraykanka Dondld Trump ayaa Arbacadii shalay xilkii ka qaaday Xeer Ilaaliyihii guud ee Maraykanka Jeff Session.

from VOA https://ift.tt/2D9U8iP
via IFTTT

Toogasho ka dhacday gobolka California

Mas'uuliyiinta gobolka California ee dalka Mareykanka ayaa sheegay in 11 qof lagu dhaawacay toogasho habeenkii arbacada ka dhacday baar lagu caweeyo.

from VOA https://ift.tt/2yXEEMe
via IFTTT

Wednesday, November 7, 2018

Xeer Ilaaliye Jeff Sessions oo Is-casilay

Madaxweyne Trump ayaa dhiniciisa, fariin twitter ah oo uu soo diray, ku shaaciyey tagista Sessions, isla markaana u mahad celiyey, isaga oo sheegay in xiliga soo socda la magacaabi doono qof si joogta ah xilka u qabta.

from VOA https://ift.tt/2PennbH
via IFTTT

Shariif Xasan oo is-casilay kana haray tartanka madaxweyne

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa maanta sheegay inuu xilkaasi iska casilay, kana haray tartanka madaxweyne ee 17-ka November.

from VOA https://ift.tt/2PjQ0Ef
via IFTTT

Dhaqanka iyo Hiddaha, Qeybta 444-aad

Ku soo dhawaada dhageystayaal barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha. Qeybtanna waa tii 444-aad. Axmed Faarax Cali (Idaajaa) ayaa soo jeedinaya.      

from VOA https://ift.tt/2PcOPXf
via IFTTT

Baarlamanka Somalia oo baaraya Amisom

Xilbibaannada baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa ugu baaqay hawlgalka AMISOM inay baaraan dil lagu eedeeyey inay ciidankoodu gaysteen oo shalay ka dhacay xaafadda Huriwaa ee magaalada Muqdishu oo ay ku dhinteen afara qof oo rayid ah. Guddiga baarlamaanka ayaa sheegay inay baaritaan ku samayn doonaan dilkaasi. Warbxiintan waxaa magaalada Muqdisho nooga soo diray Xasan Kaafi Qoyste.      

from VOA https://ift.tt/2F7QLLX
via IFTTT

Ilhaan Cumar oo ka mid noqotay Congress-ka Mareykanka

Ilhan Cumar, Hodan Xasan, iyo Maxamuud Nuur ayaa ku guuleystay doorashooyinkii xilliga dhexe ee ay ka galeen gobolka Minnesota. Guulahan ayaa waxaa ugu weyn midda Ilhaan Cumar oo ka mid noqon doonto Aqalka Hoose ee Congress-ka Maraykanka, ayadoo noqon doonta qofkii ugu horreeyey ee Soomaali ah ee sidaas sameeya. Dhinaca kale Hodan Xasan iyo Maxamuud Nuur ay ka mid noqon doonaan Aqalka Hoose ee baarlamaanka gobolka Minnesota. Keith Ellison oo beneeyey kursiga Ilhaan ay ku guuleysatay ayaa isna u dhow inuu ku guuleysto xilka Xeer Ilaaliyaha Guud ee gobolka Minnesota oo uu u tartamayey. Falastiin Iimaan ayaa ka wareysatay Cabdicasiis Xuseen Cusmaan oo ku sugan Minneapolis.  

from VOA https://ift.tt/2F9mXPf
via IFTTT

Dimoqraadiga oo qabsaday Aqalka Wakiilada Mareykanka

Xisbiga Dimoqraadiga Mareykanka ayaa dib ula wareegay maamulka Aqalka Wakiilada, halka Jamhuuriga ay sii xajisteen Aqalka Senate-ka kadib doorashadii xilliga dhexe ee shalay ka dhacday dalka.

from VOA https://ift.tt/2PNonms
via IFTTT

Tuesday, November 6, 2018

Ilhan Cumar oo ku Guuleysatay Doorashadii Maraykanka

Ilhan Cumar, Hodan Xasan, iyo Maxamuud Nuur ayaa ku guuleystay doorashooyinkii ay ka galeen gobolka Minnesota, iyada oo Ilhan Cumar ay ka mid noqon doonto Aqalka Hoose ee Congress-ka Maraykanka.

from VOA https://ift.tt/2AQbUpS
via IFTTT

Doorasho muhiim ah oo maanta ka socota Mareykanka

Dadweynaha Mareykanka oo aad u kala qeybsan ayaa maanta codeynaya si ay u doortaan xubno cusub oo aqalka congress-ka ah.

from VOA https://ift.tt/2AQDF1w
via IFTTT

Gabar Macallimad aheyd oo lagu dilay Muqdisho

Magaalada Muqdisho waxaa xalay lagu toogtay gabadh lagu magacaabo Safiyo Cabdiraxmaan Maxamuud, waxaana dilka gabadha lagu eedeeyey inuu ka dambeeyey askari ka mid ah ciidamada booliiska dawladda Soomaaliya.

from VOA https://ift.tt/2RERmGq
via IFTTT

Galka Baarista: Kooxda Daacish ee Soomaaliya

Barnaamijkii Galka Baarista, waxa uu toddobaadkan ku saabsan yahay Maaleeshiyada Daacish, Garabka Soomaaliya, iyo dhaqdhaqaaqyadooda. Waxaa soo diyaariyey soona jeedinaya Haaruun Macruuf.  

from VOA https://ift.tt/2SQZZis
via IFTTT

Dowladda Dhexe: Doorashada Koonfur Galbeed dib uma dhici karto

Wasaaradda arrimaha gudaha ee dowladda Soomaaliya ayaa soo saartay qoraal ay ku fareyso madaxda dowlad goboleedka Koonfur Galbeed in doorashada maamulkaasi ay qabsoonto xilliggii loo asteeyey, oo ah 17-ka November 2018-ka.

from VOA https://ift.tt/2RyvtIS
via IFTTT

Ciidamada Amisom oo shacab ku dilay Muqdisho

Ciidamada Amisom ayaa maanta toogasho ku dilay afar qof, ka dib markii qarax lala eegtay gaari booyad ah oo biyo u dhaaminayay, agagaarka Ex-Control Balcad ee degamada Heliwaa ee magaalada Muqdisho. Wariyaha VOA-da Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle ayaa warbixintan Muqdisho ka soo diray.      

from VOA https://ift.tt/2PGa9DX
via IFTTT

Turkiga oo soo bandhigaya caddeymaha dilka Khaashuqji

Wasiirka arrimaha dibedda Turkiga Mevlut Cavusoglu ayaa maanta sheegay in dowladdiisa ay hayso xog cusub oo ku saabsan dilka weriyaha Sacuudiga Jamaal Khaashuqji, islamarkaana ay dadweynaha usoo bandhigi doonaan caddeymaha.

from VOA https://ift.tt/2JICbcr
via IFTTT

Monday, November 5, 2018

Wararkii ugu dambeeyey doorashada Koonfur Galbeed

Wararka ka imanaya magaalada Baydhaba ayaa sheegaya in gudoomiyihii guddiga doorashada ee maamul goboleedka Koonfur Galbeed Carfo Ibraahin Aadan uu is-casilay.

from VOA https://ift.tt/2QhzBN7
via IFTTT

Mareykanka oo dib usoo celiyey xayiraadii Iran

Dowladda Mareykanka ayaa maanta dib cunaqabateyn ugu soo rogtay ganacsiga saliidda iyo hanaanka maaliyadda Iran, kadb ballan-qaadkii madaxweyne Trump ee ahaa inuu dib u cunaqabateyn doono Tehran, sababo la xiriira barnaamijkeeda nukliyeerka. Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Mike Pompeo oo shir jaraa'id la qabtay xoghayaha maaliyada Steve Mnuchin ayaa sheegay in Iran ay haysato ikhtiyaar. "Dib ayay uga soo laaban kartaa ficilladeeda dambiga ah, oo waxay noqon kartaa dal caadi ah, ama waxa ay daawan doontaa dhaqaalaheeda oo burbura" ayuu yiri Pompeo. Tallaabooyinka cusub ayaa mamnuucaya in la iibsado saliidda Iran, oo ah qeyb weyn oo ka mid ah dhaqaalaheeda. Mamaulka Trump ayaa sheegay in sideed dal oo kala ah Turkey, China, India, Japan, Korea-da Koonfureed, Taiwan, Italy iyo Greece la siiyey waqti dheeri ah oo ay kusoo geba gebeeyaan iibsigooda saliidda Iran.

from VOA https://ift.tt/2Otz74Z
via IFTTT

Koonfur Galbeed: Musharaxiin is-diiwaan geliyey

Guddiga Doorashada ee Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa maanta bixiyey shahaadooyinka musharrixiinta soo buuxiyey shuruudaha ay dhigeen guddiga doorashada. (Dhageyso wareysi ku saabsan)

from VOA https://ift.tt/2D4n5wx
via IFTTT

Ilhaan Cumar oo u dhow inay taariikh sameyso

Dadka Mareykanka ah ayaa dooran doona talaadada bari ah 435 xubnood oo ka mid noqonaya Aqalka Congress-ka iyo 35 kursi oo ka mida 100 kursi ee senate-ka. Sidoo kale waxaa la dooran doonaa. gudoomiyayaasha gobollada iyo xafiisyada heer degmo. 435 kaas xubnood waxaa ka mida Ilhan Cumar, oo ah gabar Soomaali Mareykan ah, oo haddii ay guuleysato noqoto qofkii ugu horreeyey ee Soomaali ah ee gala congress-ka. Hadaba warbixin ku saabsan qaban qaabada doorashada iyo waxa laga fili karo waxaa magaalada Mineapolis inooga soo direy wariyaheena Jacfar Kuukaay.  

from VOA https://ift.tt/2P9PB7j
via IFTTT

Nicholas Haysom oo la kulmay Xaaf

Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Haysom ayaa maanta magaalada Gaalkacayo kula kulmay madaxweynaha maamu goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf. Mr Haysom ayaa toddobaadyadan safar ku marayey maamullada dalka, isaga oo lasoo kulmay dhammaan madax maamul goboleedyada dalka. Warbixintan waxaa Gaalkacayo nooga soo diray Cabdiwaaxid Macallim Isxaaq.  

from VOA https://ift.tt/2D3ZYCr
via IFTTT

Ninka qaba Asia Bibi oo codsi u diray Trump

Ninka qaba haweeney kirishtan ah, oo sideed sano xabsi ku yaalla dalka Pakistan ugu jirtay eedeymo la xiriira inay aflagaadeysay nebi Muxamed NNKH ayaa ka codsaday madaxweyne Donald Trump inuu magan-galyo siiyo.

from VOA https://ift.tt/2RBqpmP
via IFTTT

Sunday, November 4, 2018

Maxkamadda G. Banaadir oo Xukuno Ridday

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa shalay ridday xukunno la xirira musuqmaasuqa ay sameeyeen qaar ka mid ah saraakiisha hoose ee dekedda iiyo wasaaradaha qaarkood.

from VOA https://ift.tt/2AKz3tE
via IFTTT

Jubaland iyo Shabab oo Araare ku Dagaalamay

Saddex ka tirsan ciidamada dawladda ayaa ku dhaawacmay qarax maanta ka dhacay meel u dhow degmada Wanlaweyn sida ay sheegayaan warar dhinaca amniga ah. Dhinaca kale, degaanka Araare oo ka tirsan maamulka Jubaland ayaa waxaa shalay ka dhacay iska hor imaad u dhexeeyayJubaland iyo Al-Shabab.

from VOA https://ift.tt/2F5ZnTl
via IFTTT

NISA oo Qandaraasyo Hakisay

Hay'adda Nabad sugidda Qaranka Soomaaliya ee NISA ayaa shalay barteeda twitterka ku sheegtay inay hakisay una gudbisay Hanti-Dhowrka Guud ee Qaranka qandaraasyo malaayiin dollar dhan oo NISA sheegtay inuu saxiixay Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Amniga.

from VOA https://ift.tt/2Qj789I
via IFTTT

Danjire N. Hayson oo Hargeysa Booqday

Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Haysom ayaa safarkiisii u horreeyay maanta ku tegay magaalada Hargeysa, waxaanu kulamo la yeeshay masuuliyiinta dawladda Somaliland oo uu ka mid yahay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

from VOA https://ift.tt/2qtKhwS
via IFTTT

Barn. Wicitaanka Dhageystaha

Barnaamijka Wicitaanka Dhageystaha ee toddobaadkan waxa uu ku saabsan yahay faa'iidada iyo khasaaraha warbaahinta bulshada (Social Media), waxaana marti ku ah Qaryaqaan Xasan Jaamici

from VOA https://ift.tt/2QkfGgw
via IFTTT

Hogaamiyaha Mucaaradka Bahrain oo Xabsi Daa'in Lagu Xakumay

Maxkamadda Sare ee racfaanka dalka Bahrain ayaa maanta xakun xabsi daa'in ah ku ridday saddex xubin oo ka tirsan mucaaradka dalkaasi.

from VOA https://ift.tt/2QjcZMn
via IFTTT

Askari Mareykan ah oo lagu dilay Afghanstan

Aksari ka mid ah ciidamada Mareykanka ee jooga Afganstan ayaa dhintay mid kalana waa la dhaawacay kadib marki uu rasaas ku furay askari ka tirsan ciidamada Afganstan gudaha magaalada Kabul.

from VOA https://ift.tt/2qvaU4l
via IFTTT

Saturday, November 3, 2018

Talyaaniga oo Soo Saaray Sharci Cusub oo Xaddidaya Muhaajiriinta

Reysal wasaare ku xigeenka dalka Talyaaniga ahna wasiirka arrimaha gudaha dalkaasi, Matteo Salvini, ayaa sharci ku aaddan xaddidda soo galootiga soo saaray dhawaantan.

from VOA https://ift.tt/2D3FRUK
via IFTTT

Warbixin: Booliiska Somaliland oo 25 Jirsaday

Somaliland waxaa maanta laga xusay 25 guurada aas aaska ciidanka booliska Soomaaliland, iyadoo munaasabado kala duwan lagu qabtay Hargeysa iyo magaalooyin kaleba.

from VOA https://ift.tt/2znApZC
via IFTTT

Barnaamijka Caweyska Washington

Dhageyso Barnaamijka Caweyska Washington, waxaa soo diyaariyay soona jeedinaya Cabdixakim Maxamuud Shirwac.

from VOA https://ift.tt/2P7LvNb
via IFTTT

Galmudug: Shir loo Ballansan yahay Toddobaadkan

30-kii bishii hore waxaa baaqday kullan horey loo qorsheeyay inuu ka dhaco magaalada Gaalkacyo kaasoo ujeedadiisu ahaa in lagu xaliyo khilaafaadka siyaasadeed ee maamulka Dowlad Goboleedka Galmudug, iyada oo dadaal badan ka dib, hadda loo ballansan yahay 7-da bishan.

from VOA https://ift.tt/2AIRfE1
via IFTTT

Wareysi: Danjire Maxamed C. Afey

Maalmahanba waxaa dalka Canada kulamo ku lahaa Ergayga Gaar ah ee Hay'adda Qaxootiga Qaramada Midoobay u qaabilsan Geeska Africa, danjire, Maxamed Cabdi Affey iyo Wasiirka Qaxootiga, Socdaalka iyo Jinsiyadaha dalka Canada, mudane Ahmed Hussein.

from VOA https://ift.tt/2F1SqCH
via IFTTT

Barn. Dhacdooyinka Toddobaadka

Barnaamijka Dhacdooyinka ee toddobaadka waxaad ku dhageysan doontaan qubanayaal kala duwan oo siyaasadda Somalia ku saabsan, waxaana soo jeedinaya Jamaal Axmed Cusmaan

from VOA https://ift.tt/2CWN498
via IFTTT

Barn. Hambalyada iyo Heesaha

Barnaamijka Hambalyada iyo Heesaha ee toddobaadkan waxaa soo jeedinaya Ibraahim Xasan Maxamuud (Daanduray) iyo Caasha Ibraahim Aadan (Cuud)

from VOA https://ift.tt/2P8SvZU
via IFTTT

Friday, November 2, 2018

Haweenka iyo Qoyska: Muran Guddoonka Haweenka Qaranka

Muran iyo is fahmi waa muddo soo jiitamayay oo ka dhex taagnaa maamulka ururka haweenka Qaranka Soomaaliyeed ayaa ugu dambeyntii dhalyay in kulan ka dhacay magaalada Muqdisho lagu doorto guddoomiye iyo guddoomiye ku xigeen cusub oo la sheegay in ay badalayaan masuuliyiinta xilalkaasi horey u haysay.

from VOA https://ift.tt/2Ru4q1q
via IFTTT

Faaqidaadda: Dastuurka iyo khilaafka madaxda Soomaalida

Barnaamijka Faaqidaadda waxa uu maanta ku saabsan khilaafka dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamul goboleedyada iyo arrimaha dastuuriga ah ee la isku hayo.

from VOA https://ift.tt/2RxAL7u
via IFTTT

Trump oo abuuray cabsi ku saabsan soo-galootiga

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa mar kale khamiistii abuuray cabsi ku saabsan dadka soo-galootiga ah ee aan sharciga lahayn, isaga oo ballan-qaaday amar madaxweyne oo xaddidaya dadka magangalyo doonka ah ee kasoo galaya xuduudda koonfureed ee Mareykanka.

from VOA https://ift.tt/2yOovsi
via IFTTT

Doorashada Maraykanka iyo gabdhaha muslimiinta

Ugu yaraan laba gabdhood oo muslimiin ah ayaa la filayaa in markii ugu horraysay loo doorto Aqalka Congress-ka Maraykanka.

from VOA https://ift.tt/2PFRAQ6
via IFTTT

Pompeo: Weli ma hayno caddeymaha dadkii dilay Khaashuqji

Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka, Mike Pompeo ayaa sheegay in weli ay toddobaadyo naga xigaan, ka hor inta Mareykanka uusan helin caddeymo ku filan si uu cunaqabateyn u saaro dadkii ka dambeeyey dilka suxufiga Sacuudiga, Jamaal Khaashuqji.

from VOA https://ift.tt/2RtRUyQ
via IFTTT

Thursday, November 1, 2018

Doorashada Maraykanka iiyo Musharrixiinta Soomaalida

Dalkan Maraykanka waxaa maalinta Talaadada ee toddobaadka dambe dhici doonta doorashooyinka Aqalka Koongareeska iyo kuwa golayaasha gobollada, waxaana dadka tartamaya ka mid ah Muslimiin iyo Soomaali ku kala nool goobo kala duwan.

from VOA https://ift.tt/2SCpeoE
via IFTTT

Bandhigga VOA: Taariikhda nidaamka federaalka

Bandhigga VOA waa barnaamij cusub oo ay VOA-du idiin soo deyn doonto toddobaadkiiba mar maalinta khamiista ah. Waxa uu maanta ku saabsan yahay Taariikhda Nidaamka Federaalka. (Halkan ka dhageyso)

from VOA https://ift.tt/2SCpfc7
via IFTTT

Haweenka Somaliland oo aan helin saamigooda siyaasadda

Ururada bulshada Somaliland ayaa baaq ay soo saareen ku sheegay in aanay haweenku helin saamigii siyaasadda, gaar ahaan xilalka xukuumadda. (Halkan ka dhageyso warbixin ku saabsan)

from VOA https://ift.tt/2zkgxGO
via IFTTT

Santiago Solari oo guul ku billaabay

Tababaraha cusub ee kooxda Real Madrid Santiago Solari ayaa guul ku billaabay kulankiisi ugu horreeyay ee uu kooxda hogaamiyo, kaddib marki ay xalay 4-0 ku mareen kooxda Melilla ciyaar ka tirsaneyd wareega 1-aad ee tartanka Copa del Rey.

from VOA https://ift.tt/2P7cYP6
via IFTTT

Milan oo soo gaartay kaalinta afraad

Kooxda AC Milan ayaa marki ugu horreysay tan iyo inti uu billowday xilli ciyaareedka cusub gaartay kaalinta afraad kaddib marki ay xalay 2-1 uga badisay kooxda Geona.

from VOA https://ift.tt/2CRTFln
via IFTTT

Chelsea, Arsenal iyo Tottenham oo wada badiyay

Kooxda Chelsea ayaa u gudubtay wareega sideeda koox ee tartankan kaddib ay 3-2 ku garaacday naadiga Derby County oo ka mid ah kooxaha heerka labaad.

from VOA https://ift.tt/2P0lgYS
via IFTTT

Doorashada Mareykanka: Dad xilli hore codeynaya

Iyada oo maalmo yar ay ka horsan yihiin doorashada xiliga dhexe ee Mareykanka ayaa waxaa jiro dad sii bilaabay in ay codkooda sii dhiibtaan.

from VOA https://ift.tt/2Pyr778
via IFTTT

Boko Xaram oo 15 qof ku dishay Nigeria

Mintidiin la tuhunsan yahay inay xubno ka yihiin kooxda Boko Xaram, ayaa xalay 15 qof ku dilay weerar ay ku qaadeen xaafado ku yaalla waqooyiga bari ee Nigeria, sida ay dadka deegaanka u sheegeen wakaaladda wararka Reuters.

from VOA https://ift.tt/2RpWwWA
via IFTTT