Monday, February 25, 2019

Tirinta codadka doorashada Nigeria oo socda

Waxaa wali socoto tirinta codadka doorashadi madaxtinimo ee Sabtidi ka dhacday dalka Nigeria, iyadoo Axadii shalayna ay wali furnaayeen goobaha codbixinta. Inkasta oo meelaha qaar ay doorashada u dhacday si nabad ah, hadana rabshado ka dhacay meelo ka mid ah dalkaasi ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 40 qof. Guddiga madaxa bannaan ee doorashada dalka Nigeria ayaa sheegay in ay qeybo ka mid ah gobollada Lagos, Rivers iyo Anambra ay dib uga qaban doonaan doorashada, kaddib marki ay dhaceen carqaladeyn. Lama oga magaalooyinka ay saameeyeen carqaladahaasi. Wariyaha VOA-da ee magaalada Abuka Peter Clottey ayaa kusoo warramay in guddiga doorashada ay ku dhawaaqi doonaan natiijada Isniinta maanta ah. Madaxweynaha hadda xilka hayaha Muhammadu Buhari iyo ninka sida aadka ah ula tartamaya Atiku Abubakar ayaa labaduba saadaaliyay in ay ku guuleysan doonaan doorashada. Wariyaasha ayaa sheegaya in ay adag tahay in hadda la saadaaliyo cidda ku horreys tirinta codadka.

from VOA https://ift.tt/2BRdxDE
via IFTTT

No comments:

Post a Comment