Wednesday, February 20, 2019

Trump: Kama dalban Whitaker in uu magacaabo qof i taageersan

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa beeniyay wararka sheegaya inuu ku simaha xeer ilaaliyaha guud ka codsaday, in qof madaxweynaha taageersan uu u magacaabo baadhista la xidhiidha, lacago la sheegay in lagu aamusiiyay laba haween ah oo eedaynayay madaxweynaha, intii uu socday ololihii doorashada ee 2016-kii Warkan ayaa lagu daabacay wargayska The New York Times, kaasi oo sheegaya in madaxweynuhu uu la hadlay xeer ilaaliyaha guud ee Maraykanka Matthew Whitaker oo markaasi ku simaha xeer ilaaliyaha ahaa. Waxa uu wargeysku qorey in madaxweyne Trump uu weydiistay Whitaker inay suurtagal tahay in kiiskaasi uu u dhiibo Jefrry Berman oo ah xeer ilaaliyaha  koonfurta New York. Madxaweynaha ayaa mar ay arrintaasi saxaafadda wax ka weydiisay beeniyay, waxana uu ku tilmmaamay war been abuur ah.    

from VOA https://ift.tt/2IrGw6Q
via IFTTT

No comments:

Post a Comment