Tuesday, April 30, 2019

Sarkaal Maxamed Nuur oo Danbi Lagu Helay

Guddi xeer-beegti ah oo todobaadyadi lasoo dhaafay eegayay  dacwad dil ah oo lagu soo oogay Maxamed Nuur oo horay uga tirsanaa booliiska magaalada Minneapolis, gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka ayaa ku helay laba danbi oo dil ah.

from VOA http://bit.ly/2V7fKXq
via IFTTT

Dab ka kacay suuqa Bakaaraha

Dab ayaa caawa ka kacay suuqa Bakaaraha, gaar ahaan agagaarka qeybta Cabdalla-Shiddeyaha. Lama garanayo illaa iyo hadda sababta dhalisay in uu dabkaasi kaco.

from VOA http://bit.ly/2GFkqcQ
via IFTTT

Mareykanka oo liiska argagixisada ku daraya Ikhwaanul Muslimiin

Aqalka Cad ayaa maanta sheegay in Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu ka fikirayo inuu ururka Akhwaanul Muslimiin ee dalka Masar uu ku daro liiska ururada orgagixisada.

from VOA http://bit.ly/2PENzJe
via IFTTT

Qeybo ka mid ah Sanaag oo la geliyey xaalad deg deg ah

Warsaxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland ayaa lagu sheegay in sadex degmo oo ka tirsan gobolka Sanaag oo ay ku jirto magaalada caasimadda gobolkaasi ee Ceerigaabo lagu soo rogay xaalad deg deg ah.

from VOA http://bit.ly/2DDZL8k
via IFTTT

Dad ku eedeysan dilka Axmed Dowlo oo xukun lagu riday

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta xukun dil ah ku ridday saddex qof oo lagu helay inay horey u dileen nin lagu magacaabo Axmed Mukhtaar Dowlo, bishii Sebtember sannadkii hore.

from VOA http://bit.ly/2J6IqZd
via IFTTT

Daacish oo baahisay muuqaal ay ku sheegtay Al-Baghdadi

Kooxda Daacish ayaa Isniintii soo saartay muuqaal cusub, oo ay ku sheegtay inuu muujinayo hoggaamiyaheeda baxsadka ah oo farriin u diraya taageerayaashiisa.

from VOA http://bit.ly/2vq4rKL
via IFTTT

Monday, April 29, 2019

Rod Rosenstein, Xeer-ilaaliye ku xigeenkii Mareykanka oo is casiley

Ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee Mareykaka Rod Rosenstein, ayaa shaaca ka qaaday in uu is casilaayo islamarkaasina uu shaqada ka tagaayo 11-ka bisha May ee soo socota.

from VOA http://bit.ly/2IRhiy4
via IFTTT

Minneapolis: Xeer-beegti go'aan ka gaaraysa eedda dil ee Maxamed Nuur

Waxa la soo gaba gabeeyay dhageysiga dacwad dil ah oo loo heysto Maxamed Nuur, oo ka mid ahaa ciidamada booliska ee magaalada Minneapolis ee gobolka Minnisota kaas oo asal ahan ka soo jeeda Soomaaliya.

from VOA http://bit.ly/2J4wyqP
via IFTTT

Saciid Deni oo dhaliilay dowladda dhexe

Madaxweyne Deni ayaa dhaliil u jeediyey dowladda federaalka, isaga oo sheegay in arrimaha qaar ay isku koobtay.

from VOA http://bit.ly/2IMguLb
via IFTTT

Ilayska VOA: Colaadihii ugu waa weynaa dunida

Barnaamijkii Ilayska VOA, waxa uu toddobaadkan ku saabsan yahay colaadihii ugu waa weynaa ee dunida soo maray iyo waxa ay Soomaaliya ka baran karto. Waxaa soo jeedinaya Maxamed Colaad Xasan.  

from VOA http://bit.ly/2GJy6DN
via IFTTT

Sida looga hor-tagi karo kufsiga ka jira Somalia

Kufsiga ayaa u muuqda mid Soomaaliya ku sii batay sanadihii u dambeeyay, iyada oo inta badan aan wax tallaabo sharci ah laga qaadin dambiilayaasha kufsiga gaysta. Hadaba qaar ka mid ah dadka u ololeeyay arrimaha bulshada ayaa soo bandhigay qaab cusub oo looga hortagi karo kufsiga. Ifraax Axmed waa guddmoiyaha ururka Ifraax Foundation oo ah urur u ololeeya arrimaha haweenka, Xuseen Barre ayay uga warrantay kulan ay dhawaan ku qabteen magaalada Muqdisho oo arrinta kufsiga uga hadleen.  

from VOA http://bit.ly/2V3X4HV
via IFTTT

Ciidamada Jubaland oo Al-Shabaab ku weeraray Xagar

Wararka ka imanaya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan maamulka Jubaland ay xalay weerareen degmada Xagar ee gobolkaasi, halkaasi oo ay gacanta ku hayaan maleeshiyaadka Al-Shabaab.

from VOA http://bit.ly/2GPv2Hs
via IFTTT

IMF: Dhaqaalaha Iran wuxuu hoos u dhacayaa 6%

Hay'adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa saadaalinaysa in dhaqaalaha dalka Iran uu sanadkan hoos u dhici dooni 6%, ayada oo dalkaas uu wajahayo cadaadiska cunaqabateynta Mareykanka.

from VOA http://bit.ly/2XQBe7N
via IFTTT

Sri Lanka oo mamnuucday Indho-shareerka

Sri Lanka, oo weli aan kasoo kaban saameynta qaraxyadii dalkaas dhacay Axaddii Easter,  ayaa amnuucday indha-shareerka ay xirtaan haweenka

from VOA http://bit.ly/2V5WBoT
via IFTTT

Sunday, April 28, 2019

Muqdisho: Shir Lagaga Hadlayo Xagjirka

Magalada Muqdisho waxaa ka socda qabanqaabada shir dhinaca la dagaalanka fikradda xagjirnimada iyo argagixisada ah oo ay ka qeyb galayaan dalalka ku bahoobay ururka Iskaashiga Islamka ee OIC, kaas oo Muqdisho ka dhacaya.

from VOA http://bit.ly/2XVVhlt
via IFTTT

Barnaamijka Wicitaanka Dhageystaha

Barnaamijka Wicitaanka Dhageystaha ee toddobaadkan waxaa marti ku ah Sheekh Cabdiraxmaan Bashiir oo ka hadlaya xiriirka u dhexeeya culumada iyo dadka hogaanka haya

from VOA http://bit.ly/2GOFsHt
via IFTTT

Saturday, April 27, 2019

Barnaamijka Caweyska Washington

Dhageyso Barnaamijka Caweyska Washington, waxaa soo jeedinaya Cabdixakim Maxmuud Shirwac.

from VOA http://bit.ly/2XTPnkJ
via IFTTT

Barnaamijka Martida Makarafoonka: Prof. Asli Kulane

Barnaamijka Martida Makarafoonka, waxaa todobaadkaan marti innoogu ah Prof. Asli Cali Kulane oo bare ka ah jaamacad ku taalla dalka Sweden.

from VOA http://bit.ly/2ZC4jpb
via IFTTT

Shiiq Shariif: Amniga Muqdisho Hoos Ayuu u sii Dhacayaa

Madaxweynihi hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, ayaa maanta sheegay in amaanka Muqdisho iyo kan Soomaaliya uu hoos u sii dhacayo.

from VOA http://bit.ly/2ULor4K
via IFTTT

Dhageyso: Barnaamijka Hambalyada iyo Heesaha

Ku soo dhawaada barnaamijka Hambalyada iyo Heesaha, oo aad maanta oo kale ka dhageysataan idaacadda VOA. Barnaamijka waxa idin la socodsiinaya Ibraahim Xasan Daandurey iyo Caasho Ibraahim Aadan.

from VOA http://bit.ly/2DEYGxk
via IFTTT

Dhageyso: Barnaamijka Dhacdooyinka Toddobaadka

Ku soo dhawaada barnaamijka Dhacdooyinka Toddobaadka, oo uu soo jeedinaayo Jamaal Axmed Cismaan. Dhageysi wacan.

from VOA http://bit.ly/2DAZinw
via IFTTT

Ilhaan: Magdhow ayaan u raadineynaa ehellada dadka ku dhintay dumqeymaha

Ilhaan Cumar oo ka tirsan Congress-ka Maraykanka ayaa sheegtay in dad rayid ah ay ku dhinteen duqeynta ay diyaaradaha drone-ka ah ee Maraykanku leeyahay ka fuliyaan Soomaaliya , iyadoo sheegtay inay ka shaqeynayaan sidii magdhow loo siin lahaa ehellada dadkaasi.

from VOA http://bit.ly/2WaPM1y
via IFTTT

Friday, April 26, 2019

Duqeymo xaga Cirka ah oo loo Maleynayo in ay Geysteen Diyaardaha aan Duuliyaha laheyn ee Droneska oo ka Dhacay Isku-Shuban

Duqeymo dhinaca cirka ah ayaa la soo sheegayaa in ay ka dhaceen deegaanka Cameyra ee degmada Iskushuban ee gobola Bari, halkaasoo la rumeysan yahay inay ku sugnaayeen kooxo katirsan ururda Daacish iyo Al-shabab oo dhowrkii bilood ee la soo dhaafay uu dagaal ku dhex marayey dhulka buuraleyda ah. Dadka socotada ah ee soo gaaray tuulada Timirshe ee degmada Isku-shuban ayaa sheegay inay salaadii Jimcaha kadib ay maqlayeen ugu yaraan 5 qarax oo xoog weyn oo ka dhacayey deegaanka Ceelka Shidi Cameyra ee u dhow tuuladaas. Majirto cid xaqiijisay khasaaraha ay duqeymahaasi ka geysteen goobaha lala beegsaday, mana jirto wax war ah oo ilaa iminka maamulka Puntland ka soo saareen duqaymaha ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Bari. 14 bishan April ayay aheyd markii meel u dhow tuulada Xiriiro ee degmada Iskushuban duqeyn cirka ah lagu dilay C/xakiin Dhuqub oo maamulka Puntland sheegay inuu ka tirsanaa ururka Daacish.

from VOA http://bit.ly/2vq3Ngm
via IFTTT

Columbus: Maqaayad Soomaaliyeed oo Diyaarisa Biisa laga Sameeyay Oodkac

Iyadoo ay soo badanayaan dadka aan Soomaalida aheyn ee xiiseeya cunnooyinka Soomaalida ayaa maqaayadda ku taaalla magaalada Columbus, Ohio ee dalkan Mareykanka waxay billowdey iney sameyso bisa oodkac lagu sameeyey.

from VOA http://bit.ly/2IYEV7c
via IFTTT

Barn. Faaqidaadda: Dambiyada lagu geysto middiyaha ee Britain

Ku soo dhawaada barnaamijka Faaqidaadda Toddobaadka oo aannu ku soo qaadaneyno dambiyada middiyaha lagu galo ee ka dhaca Britain.

from VOA http://bit.ly/2IHmYLj
via IFTTT

Trump: Shuruuc cusub halagu soo rogo dadka fiisaha ku soo galaya Mareykanka

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa toddobaadkan hindisay tallaabooyin cusub oo lagu xakameynayo dadka u soo sarfa Mareykanka ee ku soo gala fiisaha ka dibna si sharci darro ah isaga jooga Mareykanka marka uu fiisaha ama dal ku galku ka dhaco.

from VOA http://bit.ly/2DzAtbA
via IFTTT

Q.M. iyo Mareykanka oo ka hadlay dhimashada rayidka ee Afghanistan

Ergayga gaarka ah ee Mareykanka u matalaya wada hadallada ay Washington kula jirto Talibanta Afghanistan, Zalmay Khalilzad, ayaa sheegay in jawaabta laga bixin karo in la yareeyo tirada dhimashada Afghanistan ay ku xiran tahay guul laga gaaro heshiis dhanka nabadda ah.

from VOA http://bit.ly/2vnAbAf
via IFTTT

Thursday, April 25, 2019

Xaalada Sudan

Milatariga iyo Banaanbaxayaasha Sudan oo isku soo Dhawaadey

from VOA http://bit.ly/2IXLmaC
via IFTTT

Haweenka iyo Qosyka: Sheeko iyo Shaah

Barnaamijka Haweenka iyo Qoyska ee toddobaadkan waxa uu ku saabsan yahay "Sheeko iyo Shaah" oo ah kulan ay dumar Soomaali ah oo deggan magaalada Seattle ee gobolka Washington isugu yimaadaan si ay u wada casariyeystaan

from VOA http://bit.ly/2XPUQZZ
via IFTTT

Hal Milyan oo Qof oo Dibad-bax ka Sameynaya Sudan

Dibad-baxayaasha Sudan ayaa billaabay in ay isu soo aruuraan iyaga oo doonaya in ay ka dhabeeyaan ballan qaadkoodii ahaa in ay Khamiista maanta ah sameynayaan bannaanbax ay ka qeyb-gali doonaan "Hal Milyan oo qof.''

from VOA http://bit.ly/2J1AjgR
via IFTTT

Joe Biden oo ku dhawaaqay in uu u tartamayo madaxweynannimo

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalka Mareykanka Joe Biden ayaa saakay xilliga dalkaan Mareykanka ku dhawaaqay inuu ka mid yahay musharraxiinta xisbiga Dimoqraadiga ee doorashada sannadka 2020-ka dhaceysa Mareykanka xilka madaxweynaha kula tartami doonta madaxweyne Donald Trump.

from VOA http://bit.ly/2DtaWkn
via IFTTT

Waresyai: Maalinta Caalamiga ah ee Duumada

Sanad walaba maanta oo kale 25-ka bisha April waxaa dunida laga xusaa maalinta cudurka Malaariyada ama Duumada. Sanadkan ayaa si ka duwan sanadihii hore waxay ku soo beegmeysaa maalinta iyadoo shalay dunida laga billaabay tallaalkii ugu horeeyay ee ka  hortagga Duumada. Wariyaha VOA Xuseen Xasan Dhaqane ayaa xanuunkan ka wareystay. Dr.C/laahi Maxamed Cismaan (Dr. Indhooy ) waxaa oo ku taqasusay cudurrada guud kana howlgalaa Magaalada Baledweyne.  

from VOA http://bit.ly/2IH1RbO
via IFTTT

Soomaali laga soo bad-baadiyay dagaallada Liibiya.

Qaar ka mid ah Soomaali ku go'doonsanayd dagaallada ka socda hareeraha  caasimadda Liibya ee Triboli ayaa fursad u helay in halkaasi laga soo saaro.

from VOA http://bit.ly/2IQXjPs
via IFTTT

Putin iyo Kim oo Kulmay

Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un iyo madaxweynaha Russia Vladimir Putin ayaa ballan qaaday in ay yeelan doonaan xiriir dhaw, waxyar ka hor inta uusan furmin shir madaxeedki ugu horreeyay abid oo ay labada hoggaamiye yeeshaan.

from VOA http://bit.ly/2XI089O
via IFTTT

Wednesday, April 24, 2019

Ciidanka Danab oo Gargaar Fidiyey

Ciidamada Soomaaliya ee sida gaarka ah u tababaran ee DANAB ayaa qalabka dhismaha iyo raashin deeq ah ku wareejiyay dadweynha ku nool deegaano ka tirsan shabeelaha hoose oo laga saaray kooxda al Shabaab

from VOA http://bit.ly/2W5GXpV
via IFTTT

Qubanaha VOA, Apr 25, 2019



from VOA http://bit.ly/2PtZwRW
via IFTTT

Midowga Afrika oo dalbaday in 3 bil gudaheed maamul rayid ah laga her-galiyo Sudan

Qaar ka tirsan hoggaamiyayaasha Midowga Afrika oo ku shiray magaalada Qaahira ayaa saddex bilood ugu daray Golaha Milatariga Ku Meelgaarka ah ee dalka Suudaan inay xukunka ku wareejiyaan maamul rayid ah.

from VOA http://bit.ly/2DrEHC7
via IFTTT

Wareysi: Wiil Dhalinyaro ah oo hibo u leh guryo naqshadeynta

Yuusuf Cabdulaahi, waa wiil dhalinyara ah oo dhawaan qorsheynaya in uu dhammeysto waxbarashadiisa heerka jaamaceed. Wuxuu aad ugu wanaagsan yahay naqshadeynta dhismaha guryaha, wuxuuna leeyahay riyo ah inuu wax ka beddelo noocyada dhismooyinka magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

from VOA http://bit.ly/2DwuQL7
via IFTTT

Boorama: Gabdho dhalin-yarada ka wacyi-galinaya maandooriyaha

Dhalinyaro u badan gabdho ayaa magaalada Boorama ka sameeyay wacyigelin ku aaddan dhibaatooyinka maandooriyaha ee uu dhallinyarada ku hayo.

from VOA http://bit.ly/2W1cXv7
via IFTTT

Dhageyso Barn. Dhaqanka iyo Hiddaha, Qeybta 468-aad

Ku soo dhawaada barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha. Qeybtanna waa qeybtii 468-aad, waxana soo jeedinaya Axmed Faarax Cali (Idaajaa).

from VOA http://bit.ly/2DHN3Wv
via IFTTT

Nairobi: Weriyayaal loo furey tababar ku saabsan cudurka Dabeysha

Waxa maanta magaalada Nayroobi ka furmey tababar ay wada jir u qaban-qaabiyeen VOA iyo hey'adda Mareykanka u qaabilsan ka hor-tagga cudurrada faafa ee magaceeda loo soo gaabiyo CDC. Tababarkaasi ayaa diiradda lagu saarayaa cudurka dabeysha.

from VOA http://bit.ly/2W38DeZ
via IFTTT

Malawi oo noqdey dalkii ugu horreeyay ee isticmaala talaalka duumada

Ururka Caafimaadka Aduunka ee WHO ayaa sheegay in dalka Malawi uu noqday waddankii ugu horeeyay ee billaaba in caruurta uu ka talaalo xanuunka duumada, isagoo adeegsanaya talaal cusub oo xanuunkan ay kaneecadu faafiyo looga hortago.

from VOA http://bit.ly/2DxVpj5
via IFTTT

Boosaaso: 3 Ruux oo ku Dhaawacantay Qarax Miino

Wararka ka imanaya magaalada Boosaaso ee maamulka Puntland ayaa sheegaya in saddex qof ay ku dhaawacmeen qarax miino oo saaka ka dhacay magaalada.

from VOA http://bit.ly/2W12AYd
via IFTTT

Tuesday, April 23, 2019

Dadka Masar oo Haa ugu codeeyay Isbadalka Dastuurka

Guddiga doorashada Masar ayaa sheegay in afri Talaadadi shalay loo qaaday waxkabaddalid lagu sameeyay dastuurka, ay shacabka Masar si aqlabiyad leh ugu codeeyeen haa.

from VOA http://bit.ly/2Vkn69s
via IFTTT

Bayern Munich oo Akadeemiyad ka fureysa Africa

Kooxda kubadda cagta Bayern Munich ee dalka Jarmalka oo ka mid ah kooxaha ugu magaca weyn qaaradda Yurub, ayaa la saxiixatay xiriirka kubadda cagta dalka Itoobiya, heshiis u ogolaanaya in ay magaalada Addis Ababa ay ka furato akadeemiyaddeedi ugu horreysay ee ay ka hirgeliso qaaradda Africa.

from VOA http://bit.ly/2KYFCjF
via IFTTT

Sri Lanka oo oo tuhuntay Daacish

Reysal wasaaraha Sri Lankan Ranil Wickremesinghe ayaa sheegey, in ay suurtagal tahay in weerarkii Axaddii lagu qaaday kaniisado dalkiisa ay ka dambeeyaan kooxda Daacish.

from VOA http://bit.ly/2VoNyP3
via IFTTT

Sarkaal ka tirsan al-Shabaab oo isa soo Dhiibay

Sarkaal sare oo ka tirsan Al-Shabab oo lagu magacaabo Aadan Cabdi Maxamed kuna magac dheer Aadan Coobbe ayaa isku soo dhiibay dawladda Soomaaliya, waxaana la sheegay in markii uu isa soo dhiibayey uu la socday sarkaal kale oo meel hoose uga jira ururka Al-Shabaab.

from VOA http://bit.ly/2ZtLmF3
via IFTTT

Galka Baarista: Dagaallada iyo Caafimaadka Dhimirka

Barnaamijkii Galka Baarista ee toddobaadkan wuxuu ku saabsan yahay Dagaalada iyo saamaynta ay ku yeesheen caafimaadka dhimirka.

from VOA http://bit.ly/2PndK7c
via IFTTT

Daacish oo Sheegatay Mas'uuliyadda Weerarradii Srilanka.

Kooxda Daacish ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerarradii Axaddii lagu qaaday kaniisado iyo hotello ku yaalla dalka Srilanka ooay ku dhinteen in kabadan 300 oo qof.

from VOA http://bit.ly/2vhFAIT
via IFTTT

Monday, April 22, 2019

Wareysi: Prof Maxamed Mukhtaar

Prof. Maxamed Mukhtaar oo taariikhda Afrika ka dhiga Jaamacadda Savannah State University ee Gobolka Georgia ee dalkan Maraykanka ayaa VOA ay ka wareysatay burburka Soomaaliya sida uu u saameeyay cilmi-baaristii Soomaalida.

from VOA http://bit.ly/2KTHQRb
via IFTTT

Yaa Lagu Tuhunsanyahay Qaraxyadi Sri Lanka?

Dowladda Sri Lanka ayaa maanta sheegtay in ay rumeysantahay in koox Muslimiin mintidiin ah ay ka danbeeyeen, weeraradi Axaddi lagu qaaday dalkaasi oo ay ku dhinteen ku dhawaad 300 oo qof.

from VOA http://bit.ly/2VgIXi0
via IFTTT

Mareykanka oo adkeeyay cuna-qabateynta Iran

Mareykanka ayaa maanta soo gaba gabeysay ogolaashihi uu dalalka qaar u ogolaaday in ay saliidda ka sii iibsan karaan dowladda Iran, taasoo hadda culeys dhaqaale oo xoog leh ku keeni doonto xukumadda Tehran.

from VOA http://bit.ly/2KW0kR7
via IFTTT

Wafdi Ka Socda Sudan oo Imanaya Washington

Wafdi ka socda dalka Sudan ayaa lagu wadaa inay booqasho ku yimaaddaan Maraykanka.

from VOA http://bit.ly/2PotJSC
via IFTTT

Paris St Germain oo hanatay horyaalka France

Kooxda Paris St Germain ayaa shalay ku guuleysatay horyaalka kubadda cagta dalkaasi, kaddib marki ay 3-1 ku garaacday kooxda Monaco ciyaar ka dhacday garoonka PSG ee Parc des Princes ee magaalada Paris.

from VOA http://bit.ly/2vfT33M
via IFTTT

Liverpool iyo City oo isu jawaabaya

Liverpool ayaa Axadi shalay dib ugu soo laabatay hogaanka horyaalka kaddib marki ay xalay 2-0 ku soo garaacday kooxda Cardiff oo ay marti u aheyd. Labada gool waxaa u kala dhaliyay Liverpool, Georginio Wijnaldum iyo James Milner.

from VOA http://bit.ly/2XuOzm4
via IFTTT

Benzema oo u badiyay Real Madrid

Dhanka Spain, haddii aanu aadno, kooxda Real Madrid ayaa dhuuqsatay kaalinta saddexaad, kaddib marki ay xalay 3-0 ku garaacday kooxda Athletic Bilbao. Saddexda goolba waxaa wada dhaliyay Karim Benzema.

from VOA http://bit.ly/2IAAHU3
via IFTTT

Sunday, April 21, 2019

Wicitaanka Dhageystaha: Waxaa Marti ku ah Wasiirka Beeraha

Barnaamijka Wicitaanka Dhageystaha, todobaadkaan waxaa marti noogu ah, Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Saciid Xuseen Ciid.

from VOA http://bit.ly/2veJZw2
via IFTTT

Lacago Badan oo Laga Helay Guriga Cumar Al Bashir

Wararka ka imanaya dalka Sudan ayaa sheegaya in gurigii uu deganaa madaxweynihii xilka laga qaaday Cumar al Bashiir laga dhex helay boqolaal milyan oo doolar oo guriga u taallay.

from VOA http://bit.ly/2Vg7a80
via IFTTT

Afar Nin oo Lagu Dilay Sacuudiga

Warbaahinta Sacuudiga ayaa ku warrantay in la dilay afar nin oo weerar ku qaadday saldhig ay ciidamada amaanka boqortooyada ku leeyihiin Magaalo ku taalla dhinaca waqooyi ee caasimadda Riyadh.

from VOA http://bit.ly/2IyWYSa
via IFTTT

Doorasho Madaxweyne oo Ka Socota Ukraine

Dadka reer Ukrain ayaa maanta codadkooda ka dhiibanaya doorashada madaxtinimada, taasoo la filayo in xafiiska ugu sarreeya waddanka lagu aamini doono nin majaajiliista ah oo aanan laheyn khibrad siyaasadeed.

from VOA http://bit.ly/2XvhvKM
via IFTTT

Srilanka: 140 qof oo ku dhintay Qaraxyo

In kabadan 140 qof ayaa maanta oo Axad ah ku dhintay qaraxyo lala eegtay kaniisaddo iyo hoteello ku yaalla dalka Srilanka. Qaraxyadan waxaa ku dhaawacmay in ka badan 400 oo qof.

from VOA http://bit.ly/2ILl0sd
via IFTTT

Saturday, April 20, 2019

Martida: Madaxa Amiin Ambulance

Barnaamijka todobaadkan waxaa marti ku ah Madaxa gaadiidka gurmadka ee Amiin Ambulance ee Magaalada Muqdisho

from VOA http://bit.ly/2vg6MHS
via IFTTT

Barnaamijka Caweyska Washington

Waxaad ku dhageysan doontaan Silsiladdii Araweloo iyo Qeysbii 2aad ee Wareysigii Fanaanka Nimcaan Hillaac

from VOA http://bit.ly/2IHhHSY
via IFTTT

Maraykanka oo Duqeyn ka Fuliyay Meel u dhow Jamaame.

Taliska Ciidamada Mareykanka ayaa sheegay in Maraykanku uu shalay duqeyn ka fuliyay shalay meel ku dhow degmada Jamaame ee gobolka Jubadda Dhexe ee Soomaaliya, iyagoo halkaasi ku dilay laba ka mid ah maleeshiyada al-Shabaab.

from VOA http://bit.ly/2Xu5y8g
via IFTTT

Masar: Afti loo Qaadayo Isbaddel lagu Sameeyo Dastuurka

Dalka Masar waxaa maanta afti loo qaadayaa in isbaddel lagu sameeyo dastuurka, taasi oo madaxweynaha dalkaasi Abdel-Fattah al-Sisi u ogolaanaysa inuu xilka sii hayo ilaa iyo sanadka 2030-ka.

from VOA http://bit.ly/2Xw4QXN
via IFTTT

Friday, April 19, 2019

Faaqidaadda: Khilaafka Dowladda iyo Maamul-gobolleedyada.

Faaqidaadda waxaan toddobaadkan ku eegaynaa khilaafka u dhaxeeya maamul-goboleedyada iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo halka uu ku danbeeyay.

from VOA http://bit.ly/2ve9q12
via IFTTT

Saxafiyiin Rug-caddaa ah oo Soomaaliya ka baxay

Alla ha u naxariistee waxaa galabta Muqdisho lagu aasay wariyihii caanka ahaa ee Soomaaliyeed, Cabdullaahi Maxamed Sheegow, Isniintiina aanu kasoo gudubnayna, waxaa Nairobi ku geeriyooday Maxamuud Maxamed Afrax oo ka mid ahaa rug-caddaaga saxaafadda Soomaaliya.

from VOA http://bit.ly/2VhVOR6
via IFTTT

Turkey oo xiray rag u dhashay Imaaraadka

Turkiga ayaa maanta xiray laba nin oo looga shakiyay in ay u jaajuusayeen dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta, iyadoo sidoo kalana hadda la baarayo in ay lug ku lahaayeen dilkii magaalada Istanbul sannadki hore loogu geystay Jamal Khashoggi.

from VOA http://bit.ly/2UL13Jq
via IFTTT

Todobaad kaddib dhaciddii Cumar Al Bashir

Muddo todobaad ah kaddib marki uu millatariga dalka Sudan uu talada awood uga tuuray hogaamiyihi hore ee dalkaasi Cumar Xasan Al-Bashir, ayay dibadbaxayaashu billaabay kacdoonkani wali dalbanayaan, in millatariga uu xakunka ku wareejiyo dowlad rayid ah.

from VOA http://bit.ly/2GlR6rJ
via IFTTT

Thursday, April 18, 2019

Warbixinta Robert Mueller oo la daabacay

Warbixinta Robert Mueller ee baaritaankiisii faro-gelinta Ruushka ay ku sameeyeen doorashadii Mareykanka ee 2016 ayaa maanta la daabacay, si shacaka ay u arkaan.

from VOA http://bit.ly/2DmqhTL
via IFTTT

Bandhigga VOA: Kacdoonka dalalka Carabta

Bandhigga VOA, waxa uu todobaadkan ku saabsan yahay kacdoonaddii dalalka carabta ee xukunka looga tuuray madaxd muddo dheer xukunka hayay. Xuseen Barre Aaden ayaa inoo soo jeedinaya.  

from VOA http://bit.ly/2GwONUh
via IFTTT

Ammaanka Muqdisho oo loo adkeeyey cabsi dibadbax

Maalmihii la soo dhaafay magaalada Muqdisho waxaa la hadalay hayay banaanbax laga abaabulayay baraha bulshada oo la sheegay in maanta oo ku beegneyd 18-ka bisha uu dhici lahaa.

from VOA http://bit.ly/2XpUjh8
via IFTTT

Wareeggii labaad ee doorashada India oo socota

In ka badan 150 milyan oo qof ayaa codadkooda ka dhiibanaya wajiga labaad ee doorashada guud ee dalka Inddia Khamiista maanta ah. Doorashada maanta ayaa waxay shacabka ku soo dooran doonaan ilaa iyo 90 mudane, dhamaan gobollada dalka oo uu ku jiro gobolka ay India iyo Pakistan ku muransanyihiin ee Kashmir. Bishi Febraayo, maleeshiyo fadhigoodu yahay Pakistan, ayaa gobolka Kashmir ku dilay in ka badan 40 askari oo ka mid ah millatariga India.  Hindia ayaa ugu jawaabtay weerar cirka ah oo ay ka fulisay Pakistan, halka Pakistan ay soo ridday laba diyaaradood oo ay India leedahay. Doorashada Hindia oo ah doorasho dimoqraadi tan ugu weyn aduunyada, ayaa waxa loo kala qeybiyay 7 wareeg. Waxaana isu diiwaangeliyay in ay codadkooda ka dhiibtaan 900 oo milyan oo ruux.  Doorashadan oo billaabatay Khamiistii aanu kasoo gudubnay, ayaa soo xirmi doonta 23-ka bisha May ee soo socota. Xisbiga Ra'isulwasaare Narendra Modi ee Bharatiya Janata Party ayaa loo saadaalinayaa inuu ku guuleysan doono doorashada.

from VOA http://bit.ly/2IoXWjG
via IFTTT

Rouhani oo midnimo ugu baaqay dalalka Bariga Dhexe

Madaxweynaha Iran, Hassan Rouhani ayaa dalalka Bariga Dhexe ugu baaqay inay iska caabiyaan sahnuuniyadda, isaga oo weerar ku qaaday Israel.

from VOA http://bit.ly/2Dg7XLN
via IFTTT

Wednesday, April 17, 2019

Qubanaha VOA, Apr 18, 2019



from VOA http://bit.ly/2ZmzQLA
via IFTTT

IGAD oo soo saartay digniin abaar ku wajahan Bariga Afrika

Maamul Goboleedka IGAD ayaa ka digay inay kor u kacdo baahida dhinaca cuntada ee ka taagan waddamada gobolka gaar ahaan waddamada Soomaaliya, Kenya, Itoobiya iyo Uganda. War saxaafadeed kasoo baxay IGAD ayaa lagu sheegay in cunto yaraantu ay saamayn karto ilaa 23 milyan oo qof ku nool waddamadaasi. Warbxiintan waxaa inoo haysa Falastiin Axmed Iimaan.      

from VOA http://bit.ly/2PdCdvT
via IFTTT

Laba qarax oo maanta ka dhacay Muqdisho

Laba qarax oo kala duwan ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, xilli maalmihi tagay aad loo adkeeyey ammaanka magaalada.

from VOA http://bit.ly/2VPwTRR
via IFTTT

Canada: Xisbiga UCP oo ku guuleystay doorashadii Alberta

Xisbiga midigta fog ee muxaafidka ah ee United Conservatives Party (UCP) oo uu hoggaaminayo Jason Kenney ayaa cod aqlabiyad ah ku guuleystay doorashada gobolka Alberta ee dalka Canada oo ay ku tartamayeen xisbiyo badan.

from VOA http://bit.ly/2DiRYNn
via IFTTT

Dhaqanka iyo Hiddaha qeybta 467-aad

Ku soo dhawaada barnaamija Dhaqanka iyo Hiddaha qeybtiisa 467-aad. Waxaa aalaba soo diyaariya, soona jeediya Axmed Faarax Cali (Idaajaa).          

from VOA http://bit.ly/2VRajYS
via IFTTT

Imaaraadka oo soo dhoweeyey go'aanka Trump

Imaaraadka Carabta ayaa tallaabo muhiim ah ku qeexay go'aanka madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu codka diidmada qayaxan ugu adeegsadan qaraar congress-ka Mareykanka uu ku amray in lasoo afjaro ku lug lahaanshaha Mareykanka ee dalka Yemen. "Xaqiijinta madaxweyne Trump ee taageerada Isbahaysiga Carabta ee Yemen waa astaan wanaagsan oo muujinaysa taageerada Mareykanka ee ku wajahan isbaysigiisa Carabta" waxaa sidaas yiri wasiiru dowlaha arrimaha dibedda Imaaraadka Anwar Gargash oo qoraal soo dhigay twitter. "Go'aanka muhiimka ah ee Trump waa mid xeeladeed oo waqtigii loo baahnaa yimid" ayuu yiri Gargash oo dowladdiisa ay dagaalka Yemen xulufo kula tahay Sacuudiga. Trump ayaa go'aanka congress-ka ay ku diideen dagaalka Yemen ku qeexay mid aan loo baahneyn oo ah isku day halis ah oo wiiqaya awoodihiisa dastuuriga, islamarkaana halis gelinaya nolosha askarta Mareykanka. Trump ayaa sidoo kale sheegay in qaraarka congress-ka uu dhaawacayo siyaasadda arrimaha dibedda Mareykanka iyo xiriirka Mareykanka uu la leeyahay dalalka kale.

from VOA http://bit.ly/2Zf1ASu
via IFTTT

Al-Bashiir oo xabsi loo wareejiyey

Madaxweynaha xilka laga tuuray ee dalka Sudan, Cumar Xasan Al-Bashiri ayaa talaadadii loo wareejiyey xabsiga Kobar ee magaalada Khartoum, sida ay laba xubnood oo qoyskiisa ka tirsan u sheegeen wakaaladda wararka ee Reuters.

from VOA http://bit.ly/2Gpq56K
via IFTTT

Tuesday, April 16, 2019

Muqdisho: Nin Ku eedeysanaa in uu bam ku tuurey saldhig ciidan oo la dilay

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa diley nin lagu eedeyay in uu bamgacmeed ku weeraray saldhigga ciidamada booliska ee degmada Wardhiigley ee gobolka Banaadir xalay.

from VOA http://bit.ly/2UGQJSL
via IFTTT

Trump oo diidey in uu joojiyo ku lug lahaashiyaha Mareykanka ee dagaalka Yemen

Madaxweyne Donald Trump ayaa xalay diidmada qayaxan u adeegsaday qaraar uu Koongareeska Mareykanka ku diiday ku lug-lahaashaha Mareykanka ee dagaalka ay Sacuudiga iyo xulufadiisa ka wadaan dalka Yemen.

from VOA http://bit.ly/2GiZbxn
via IFTTT

Shacabka Indonesia oo saaka Madaxweyne soo dooranaya

Shacabka waddanka Indonesia ayaa saakay 7:00 subaxnimo xilliga dalkooda u dareeray goobasha codbixinta, si ay u soo doortaan madaxweynaha shanta sano ee soo socota.

from VOA http://bit.ly/2UGQGGz
via IFTTT

Monday, April 15, 2019

Ileyska VOA: Is-maandhaafka Qurba-joogta iyo Dal-joogta

Kusoo dhawaada barnaamijka Ileyska VOA, oo todobaadkaan ku saabsan qaabka ay wax u wada qabsan karaan qurba-joogta dalka ku laabtay iyo dal-joogta.

from VOA http://bit.ly/2DgQMd4
via IFTTT

Warbixin: Deynta lagu leeyahay Soomaaliya

Dowladda Soomaaliya ayaa maalmihi na dhaafay ku howlaneyd sidii deymaha looga cafin lahaa Soomaaliya

from VOA http://bit.ly/2VN0Lht
via IFTTT

Juventus oo raadineysa Joao Felix

Warbaahinta dalka Talyaaniga ayaa maanta ku warramay, in kooxda Juventus ay dooneyso weeraryahanka dhalinyarada ah ee u soo baxay kooxda Benfica iyo xulka Portual, ciyaaryahan Joao Felix.

from VOA http://bit.ly/2UEwkO4
via IFTTT

Salah oo u badiyay Liverpool

Gool caaqibo lahaa oo uu xalay Mohamed Salah ayaa ka caawiyay kooxdiisa Liverpool in ay dib ugu soo laabtaan hogaanka horyaalka Ingiriiska ee Premier League, ka gadaal marki ay 2-0 ku dubteen Chelsea.

from VOA http://bit.ly/2DgjAlZ
via IFTTT

Guuldarro culus oo ku habsatay PSG

Kooxda Paris St Germain ayaa la kulantay xalay guuldarro culus, kaddib marki ay 5-1 kula jabtay kooxda kaalinta labaad ku jirta ee Lille.

from VOA http://bit.ly/2VKx3tx
via IFTTT

Ilhan Cumar: Waxaa laygu hanjabay dil

Ilhan Cumar oo ah mudane ka tirsan Aqalka Wakiillada ee Mareykanka, ayaa sheegtay in ay kordheen hanjabaadaha dilka ah ee loo soo dirayo.

from VOA http://bit.ly/2UiRlZB
via IFTTT

Afghanistan: Dad lagu dilay xaflad aroos

Masuuliyiin ku sugan bariga Afghanistan ayaa sheegey in kooox hubeysan ay rasaas ku fureen goob xaflad ay ka socotay xaflad aroos.

from VOA http://bit.ly/2ZgzXbV
via IFTTT

Sunday, April 14, 2019

Xuutiyiinta oo Doonaya Xiriir ay Mareykanka la Yeeshaan

Jabhadda Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegtay inay doonayaan inay xiriir la yeeshaan Mareykanka ka dib Afar sano oo dagaal qaraar oo dadlkaasi ka socday ay ku lug lahaayeen

from VOA http://bit.ly/2XdMBGq
via IFTTT

Miltariga Sudan oo Loogu Baaqay inay Xukunka Wareejiyaan

Aasaasayaasha ugu waaweynaa ee banaanbaxyadii ka socday Sudan ayaa ugu baaqay Miltariga kuxunka afgambiga uga riday todobaadkii hore madaxweynihii dalkaasi soo xukumayay 30ka sano, Cumar Xassan Al-bashiir inay xukunka ku wareejiyaan dowlad rayid ah.

from VOA http://bit.ly/2VJX8cb
via IFTTT

Barnaamijka Wicitaanka Dhageystaha

Barnaamijka Wicitaanka Dhageystaha ee toddobaadkan waxa uu ku saabsan yahay amniga Muqdisho, waxaana marti ku ah Mahad Maxamed Salaad oo ah xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Somalia

from VOA http://bit.ly/2Uic2oq
via IFTTT

Dagaal ka Socda Hareeraha Tripoli

Dagaal qaraar ayaa ka socda dalka Liibiya kaasi oo u dhexeeya maleeshiyada u daacadda ah hoggaamiyaha Jeneral Khaliifa Xaftar iyo dawladda caalamku aqoonsan yahay ee fadhigeedu yahay magaalada caasimadda ah ee Tiriboli.

from VOA http://bit.ly/2Uhuei4
via IFTTT

Puntland: Duqeyn ka Dhacday Gobolka Bari

Ugu yaraan laba qof ayaa la rumaysan yahay inay ku dhinteen duqeyn maanta ay diyaaradi la beegsatay gaari nooca raaxada ah oo marayey degaaanka Kalgeed-dheer ee duleedka tuuladda Xiriiro ee degmada Iskushuban, gobolka Bari ee Puntland.

from VOA http://bit.ly/2v1o9wb
via IFTTT

Pompeo oo u Socdaalaya Columbia

Pompeo ayaa dhowr jeer tagey dalalka koofurta America si uu taageero ugu helo go'aanka madaxweynaha Mareykanka ee ka dhanka madaxweynaha Vinezulla Nicolas Maduro.

from VOA http://bit.ly/2PbX5DM
via IFTTT

Dad badan oo ku dhintay dagaalka Libya

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in dagaalka ka socda nawaaxiga magaalada Tripoli ay ku dhinteen 121 qof halka ay ku dhaawacmeen 561 kale, tan iyo inti uu Tripoli weerarka ku qaaday janaraal Khalifa Haftar horraanti bishaan.

from VOA http://bit.ly/2v6vOcG
via IFTTT

Saturday, April 13, 2019

Gudoomiyaha G. Banaadir: Cadaaladda ayaa la horkeenayaa Cidii Dishey Dhalinyarada Labada ah

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in ay Baaritaano ku hayaan cidii ka dambeysay dilkii loo geystey Labo dhalinyaro ah oo midkood uu wadey gaadiidka Bajaajka markii dilkiisa uu dhacayey

from VOA http://bit.ly/2X3Pk5k
via IFTTT

Barnaamijka Caweyska Washington

Barnaamijka Caweyska Washington ee toddobaadkan waxaad ku dhageysan doontaan suugaan la xiriirta Silsaladdii Araweelo iyo xubintii Hal-abuurka iyo Heesaaga

from VOA http://bit.ly/2v4NXY4
via IFTTT

Martida Makarafoonka: Cabdallah Sh Maxmuud

Barnaamijka Martida Makarafoonka waxaa marti ku ah, madaxa arrimaha bulshada ee shirkadda Hormuud Cabdlla Sheekh Maxmuud.

from VOA http://bit.ly/2VJkTBk
via IFTTT

Muqdisho: Ciidanka Somalia oo Dilay Labo Shacab ah

Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka dhacay banaanbax ay oogayeen boqolaal dhalinyarada ku shaqeysta mooto bajaajta, kuwaas oo ka cabanaya dilalka ay ciidamada dowladda u geystaan dhalinyaradan oo soo kordhaya.

from VOA http://bit.ly/2Kwe1px
via IFTTT

Barn. Dhacdooyinka Toddobaadka

Barnaamijka Dhacdooyinka ee toddobaadkan waxaad ku dhageysan doontaan warar uu ku jiro qodobka cafinta deynta ee dunidu ka dhaafeyso dalka Somalia

from VOA http://bit.ly/2UhtglY
via IFTTT

Barn. Hambalyada iyo Heesaha

Barnaamijka Hamblayada iyo Heesaha ee toddobaadkan waxaa soo jeedinaya Ibraahim Xasan Maxamuud (Daanduray) iyo Nuur Xasan Nuur (Bukhaari)

from VOA http://bit.ly/2Gcp8yM
via IFTTT

Friday, April 12, 2019

Soomaaliya oo Rabto in Deyn Dhaaf Loo Sameeyo.

Waxaa dowladda Soomaaliya ay waydiisatey dalalka ku leh deynta $4.6 Billion in ay ka cafiyaan si dalka uu u helo maalgashi shisheeye.

from VOA http://bit.ly/2v1ZYNU
via IFTTT

Mareykanka oo duqeyn ku dilay xubno Shabaab ah

Ciidamada Mareykanka ayaa sheegay in duqeyn cirka ah ay shalay la beegsadeen maleeshiyada ururka al-Shabab, meel ka mid ah gobolka Shabeellada Hoose.

from VOA http://bit.ly/2IcvzW5
via IFTTT

Faaqidaadda: Deyn cafinta Soomaaliya

Barnaamijka Faaqidaadda Toddobaadka waxa uu ku saabsan yahay dadaallada ay Soomaaliya ku dooneyso in caalamka uu uga cafiyo deymaha lagu leeyahay. Waxaa soo jeedinaysa Sahra Cabdi Axmed.  

from VOA http://bit.ly/2P9cQuX
via IFTTT

Wararkii ugu dambeeyey xaaladda Sudan

Miltariga la wareegay talada dalka Sudan ayaa sheegay inay qorsheynayaan in xukunka dalkaasi ay gacan u geliyaan xukumad rayid ah, laba sanadood ka dib. General Omar Zein Abedeen oo ka tirsan saraakiisha sar sare ee Miltariga Sudan ayaa Shir Jaraa'id oo uu qabtay maanta oo Jimca ah ku sheegay aysan dhiibi dooni madaxweynaha xukunka laga tuuray Cumar Xassan al-Bashiir oo ay doondooneyso Maxkamadda Caalamiga ah ee dambiyada dagaalka ee ICC. Inkastoo Ciidamadu maalintii shalay ay soo rogeen xaalad deg deg ah ayaa hadana laga cabsi qabaa inay dhacaan isu soo baxyo kale. Dalkaasi waxa ku nool dad Soomaali ah oo araday u badan kuwaasi oo xaalada taagan ay saamayn ku yeelatay. Cabdi Kaafi Ismaaciil Xirsi waxa uu ka mid yahay ardayda wax ka barata magaalada Khartuum waxaana xaalada Soomaalida halkaasi degan uu uga waramay Cabdixakiim Maxamuud Shirwac.  

from VOA http://bit.ly/2UeKbWa
via IFTTT

Qarax dad badan ku dilay Pakistan

Ugu yaraan 18 ruux ayaa la xaqiijiyay in ay dhinteen kaddib marki maanta qarax lagu weeraray suuq lagu iibiyo qudaarta oo ku yaalla magaalada Quetta ee gobolka Balochistan ee dalka Pakistan. Saraakiisha booliska ayaa sheegay in bartilmaameedka qaraxa uu ahaa bulshada Hazara oo ka tirsan dadka shiicada ah ee laga tirada badanyahay ee dalka Pakistan. Taliye ku xigeenka ciidanka booliska ee magaalada Quetta Abdul Razzaq Cheema, ayaa sheegay in walxaha lagu qarxiyay suuqa Quetta lagu soo dhex-qariyay loor uu ka buuxay bataati. Wuxuu intaasi raaciyay in daaqadaha guryaha ka ag-dhawaa suuqa ay soo dhaceen. Weerarkan ayaa dhacay xilli ciidamada booliska ay xoojiyeen amaanka dadka laga tirada badanyahay ee Shiicaha Hazara ee dagan magaalada Quetta. Wali ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda weerarkaasi.

from VOA http://bit.ly/2ZgJyzo
via IFTTT

Dhaqaatiir Cuban ah oo laga afduubtay Kenya

Koox hubeysan ayaa laba dhaqtar oo u dhashay dalka Cuba ka afduubtay xuduudda Kenya ay la wadaagto Soomaaliya, xilli ay shaqo u socdeen, waxayna sidoo toogasho ku dileen sarkaal boolis ah oo ilaalinayey.

from VOA http://bit.ly/2Kt1PWB
via IFTTT

Maxkamadda Islamabad: Reena iyo Raveena laguma qasbin diinta

Maxkamad ku taalla magaalada Islamabad ee dalka Pakistan ayaa xukmisay inay si iskood ah u qaateen diinta Islaamka laba gabdhood oo walaalo Hindu ah, kana soo jeeda gobolka Sindh, kuwaas oo la tuhunsanaa in la afduubtay laguna qasbay inay guursadaan raggooda oo Muslimiin ah.

from VOA http://bit.ly/2UgnAZm
via IFTTT

Thursday, April 11, 2019

Kufsiga iyo dilalka oo kusoo badanaya Garoowe

Madaxda Puntland ayaa ka dalbaday hay'adaha garsoorka dedejinta kiisaska la xiriira kufsiga, si looga hortago falalka kufsiga iyo dilka is wata ee ku soo badanaya Puntland.

from VOA http://bit.ly/2G5T1Rd
via IFTTT

Bandhigga VOA: Xiisadda Jabuuti iyo ganacsade Geelle

Barnaamijka Bandhigga VOA, waxa uu toddobaadkan ku saabsan yahay dacwad xasaasiyad ka dhalisay Somaliland oo Djibouti looga oogay Ganacsade Axmed Cusmaan Geelle.   Waxaa soo jeedineysa Falastiin Axmed Iimaan.  

from VOA http://bit.ly/2Z7mzH0
via IFTTT

Al-Bashiir oo xukunka laga tuuray lana xiray

Wasiirka gaashaandhigga Sudan, Awad Mohamed Ahmed Ibn Auf ayaa taleefishinka qaranka dalkaas ka sheegay in ciidamada ay xukunka ka qaadeen islamarkaana xireen madaxweyne Cumar Xasan Al-Bashiir.

from VOA http://bit.ly/2GkmiZX
via IFTTT

Julian Assange oo lagu xiray London

Booliska magaalada London ayaa sheegay inay aas-aasaha shabakadda WikiLeaks Julian Assange ku xireen safaaradda Ecuador ee magaaladaas.

from VOA http://bit.ly/2GbC5ZM
via IFTTT

Madaxweyne Al-Bashiir oo is-casilay

Madaxweynaha dalka Sudan, Cumar Xasan Al-Bashiir ayaa is-casilay kadib ku dhowaad afar bilood oo dibad-baxyo looga soo horjeeday xukunkiisa 30-ka sano, sida ay werinayaan wakaaladaha wararka.

from VOA http://bit.ly/2G3YMyW
via IFTTT

Wednesday, April 10, 2019

Boosaaso: Qarax Miino oo ay Askari ku Dhaawacantay

Qarax miino oo habeenkii xalay ahaa ka dhacay magaalada Boosaaso ayaa dhaawacay tiro askar ah, iyada oo dhaawaca qaarkii uu culus yahay. Askarta ayaa la weeraray iyaga oo gaari saaran.

from VOA http://bit.ly/2DbqyZI
via IFTTT

Qubanaha VOA, April 11, 2019



from VOA http://bit.ly/2GdPNfM
via IFTTT

Tuesday, April 9, 2019

ONLF: Dhibaatooyin ayaa ka jira Gobolka Soomaalida

Madaxda Ururka ONLF ayaa sheegay inay dhul ballaaran oo ku yaalla Gobolka Soomaalida ay ku soo arkeen dhibaatooyin xoogan oo haysta dadka deegaanka.

from VOA http://bit.ly/2D8UXHX
via IFTTT

Puntland oo la dagaalamaysa musuq maasuqa

Wasiirka maaliyadda Puntland, Xasan Shire Cabdi oo u waramay VOA ayaa sheegay mudadii uu hayey xilka wasiirnimada inay maamulka cusub uu qabtay dad lagu soo eedeeyey arrimo musuq-maasuq lacageed.

from VOA http://bit.ly/2GaxwjB
via IFTTT

Galka Baarista: Baaritaanka weerarkii DusitD2

Barnaamijkii Galka Baarista waxa uu maanta ku saabsan yahay baaritaanka weerarkii Dusit D2, oo ay saddex bilood ka soo wareegtay markii la fuliyay iyo halka uu marayo. Waxaa soo jeedinaya Haaruun Macruuf.    

from VOA http://bit.ly/2GbS4rT
via IFTTT

Sacuudiga iyo Iran oo ka jawaabay go'aanka Mareykanka

Sacuudi Carabiya ayaa maanta soo dhoweysay go'aanka Mareykanka uu ciidamada Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran ugu calaameeyey urur argagixiso.

from VOA http://bit.ly/2IlBxD3
via IFTTT

Rasaas laga maqlayo Khartoum iyo dibad-baxyo weli socda

Rasaas ayaa maanta laga maqlayey dibedda xarunta ciidamada milatariga dalka Sudan ee magaalada Khartoum, ayada oo dibad-baxyada lagu dalbanayo inuu is-casilo madaxweyne Cumar Xasan Al-Bashiir ay galeen maalintii 4-aad oo xiriir ah.

from VOA http://bit.ly/2YZ5Qpe
via IFTTT

Monday, April 8, 2019

Soomaalida Alberta, Canada oo Doorashada u Diyaargaroobeysa

Doorashada gobolka Alberta ee dalka Canada ayaa gashey todobaadki ugu danbeeyey. Marka laga tago Ontario oo Soomaali door ahi ay degan yihiin, Alberta waa gobolka labaad ee Soomaalida ugu badan ee Canada ay ku nool yihiin.

from VOA http://bit.ly/2U21aLy
via IFTTT

Wiil 5 sano jir ahaa oo lagu dilay Beledweyne

Mas'uuliyiinta magaalada Belddweyne ayaa cambaareeyey fal si arxan-darro ah loogu dilay wiil shan sano jir ah.

from VOA http://bit.ly/2KfvW3T
via IFTTT

32 qof oo ku dhintay dagaalka Libya

Ugu yaraan 32 qof ayaa ku geeriyooday, 50 kalena waa ay ku dhaawacmeen dagaal u dhaxeeya ciidamada dowladda Libya iyo kuwa Jeneralka isku dayaya inuu afgambiyo ee Khalifa Haftar, sida ay sheegtay dowladda.

from VOA http://bit.ly/2UCMTcC
via IFTTT

Sudan: Dibad-baxayaal hor degay guriga Al-Bashiir

Ciidamada milatariga dalka Sudan ayaa lagu daad gureeyey xaruntooda magaalada Khartoum, ayada oo kumanaan dibad-baxayaal ah ay ku boorinayaan inay ku biiraan baaqyada ku saabsan in madaxweyne Cumar Xasan Al-Bashiir u is-casilo.

from VOA http://bit.ly/2Kf1FlL
via IFTTT

Sunday, April 7, 2019

Xoghayaha Amniga Gudaha Mareykanka oo Iscasishay

Xoghayaha Wasaaradda Amniga Gudaha ee Mareykanka Kirstjen Nielsen ayaa iscasishay ka dib muddo 16 bilood ah ay heysay jagadaas

from VOA http://bit.ly/2G02E3H
via IFTTT

Sanad-guurada 25aad ee Xasuuuqii Rwanda

Maanta waxay ku buuxdaa 25 sano markii uu bilowday xasuuqii dalka Rwanda oo ay ku dhinteen 800 kun oo qof muddo 100 maalmood keliya ah. Xasuuqa ayaa yimid ka dib markii lasoo riday diyaarad uu saarnaa madaxweynihii hore ee waddankaas Jevunal Habyarimana oo ku dhintay shilkaasi diyaaradeed

from VOA http://bit.ly/2IiKxJm
via IFTTT

Wicitaanka: Prof. Maxamed Cumar Dalxa

Barnaamijka Wicitaanka Dhageystaha ee toddobaadkan waxaa marti ku ah Prof. Maxamed Cumar Dalxa oo xubin ka ah Golaha Shacabka Somalia, waxaana uu ka jawaabayaa su'aalaha dhageystayaasha VOA ee la xiriira buuqii Sabtidii ka dhacay baarlamaanka

from VOA http://bit.ly/2G6WuAm
via IFTTT

Saturday, April 6, 2019

Faiza Cali oo Musharax ka ah Calgary, Canada

Mudo labo todobaad ka yar oo ku aadan 16-ka April ayaa gobolka Alberta ee dalka Canada waxa loo dareerayaa maalinta codeynta doorashada. Hasa ahaatee waxaa jiro doono maalmo shan ah oo ay dadku codkooda horey u dhiiban karaan, Soomaali dhowr ahna waa ay ka sharaxan yihiin.

from VOA http://bit.ly/2OX04zB
via IFTTT

Barnaamijka Caweyska Washington

Barnaamijka Caweyska Washington ee toddobaadkan waxaad ku dhageysan doontaan maansadii la xiriirtay boqoraddii Araweelo iyo xubintii Hal-abuurka iyo Heesaaga

from VOA http://bit.ly/2Ksi2M3
via IFTTT

Martida: Maxamed Cabdi Afeey

Barnaamijka Martida Makaroofanka ee todobaadkan waxaan ku eegeynaa xaaladda Qaxootiga Soomaalida ee Kenya. Waxaa marti ku ah Maxamed Cabdi Afeey

from VOA http://bit.ly/2FYZzAT
via IFTTT

Fadhigii Baarlamaanka Somalia oo Buuq ku Dhamaaday

Kullan ay maanta xildhibaanada Golaha Shacabka ee Dowladda Federalka Soomaaliya kaga doodi lahaayeen Amniga Qaranka ayaa buuq ku dhawaamaday, ka dib markii Guddoonka Golaha uu uu dalbay in saxaafadda Bbanaanka looga saaro kullanka, xildhibaanada qaarna ay diideen.

from VOA http://bit.ly/2KgqsFZ
via IFTTT

AFRICOM: Dad ayaa ku Dhintay Weerarada Somalia

Taliska Ciidamada Mareykanka ee Africa ee (AFRICOM) ayaa sheegay in xog cusub oo ay heleen ay sheegeyso in haweeneey iyo cunug yar ay ku dhinteen weerar dhinaca cirka ah oo ay dayuuradaha Mareykanka ka fuliyeen Soomaaliya.

from VOA http://bit.ly/2UzOrnG
via IFTTT

Barnaamijka Dhacdooyinka Toddobaadka

Barnaamijka Dhacdooyinka ee toddobaadkan waxaad ku dhageysan doontaan warar ku saabsan Somalia oo uu ugu weyn yahay haweenaydii toddobaadkan ku dhashay waddada, ka dib markii loo diiday in cisbitaal ku yaalla Muqdisho.

from VOA http://bit.ly/2Kc2nA2
via IFTTT

Barnaamijka Hambalyada iyo Heesaha

Barnaamijka Hambalyada iyo Heesaha ee toddobaadkan waxaa soo jeedinaya Ibraahim Xasan Maxamuud (Daanduray) iyo Caasha Ibraahim Aadan (Cuud)

from VOA http://bit.ly/2UyIhnQ
via IFTTT

Friday, April 5, 2019

Xal laga gaaray muran sababay inuu xirmo suuqa Islli

Waxaa xal laga gaaray muran u dhaxeeyay ganacsatada magaalada Islii iyo waaxda canshuuraha dalka Kenya, kaasi oo sababay in maalmo la xiro suuqa Islii.

from VOA http://bit.ly/2WPfh8O
via IFTTT

Xaguu ku dambeeyey go'aankii ay Somalia ku mamnuucday diyaaradaha Antonov?

Barnamaijkii Galka Baarista ee ka baxay idaacadda VOA 12-kii bisha Maarso, waxaad ku dhagaysateen warbixin ku saabsan dawladda Soomaaliya oo hawada ka mamnuucday diyaaradaha Antonov ee la sameeyey xilligii dawladdii Midowga Soviet. Go'aanka ayaa si gaar ah u khusaynayey diyaaradaha noocoodu yahay Antonov 24, Antonov 26, Antonov 32 iyo Antonov 12. Haddaba idaacadda VOA waxay heshay warar dheeraad ah oo ku saabsan tallaabada ay qaadday dawladda Soomaaliya oo farayey diyaaradahaasi inaysan duulin wixii ka dambeeyey Maarso 15-keeda, 2019-ka. Haaruun Macruuf ayaa warbixintan inoo diyaariyey.  

from VOA http://bit.ly/2UoOpzO
via IFTTT

Faaqidaadda: Doorashooyinka golayaasha deegaanka Somaliland

Barnaamijka Faaqidaadda Toddobaadka waxa uu maanta ku saabsan yahay waqtigii golayaasha deegaanka Somaliland oo dhamaaday iyo golayaasha oo weli kuraasta ku fadhiya ayada oo aysan dhicin doorasho kale. Waxaa barnaamijka soo jeedinaya Cabdixakiim Maxamuud Shariwac.  

from VOA http://bit.ly/2FT2KdD
via IFTTT

Tartanka orodka gaaban oo Muqdisho lagu qabtay

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maanta lagu qabtey tartan orod gaaban ah oo lagu maamuusaayey maalinta nabada adduunka iyo cayaaraha.

from VOA http://bit.ly/2HZch6r
via IFTTT

Sacuudiga oo xiray dad ay ku jiraan Mareykan

Boqortooyada Saudi Arabia ayaa maanta xabsiga dhigtay sideed qof oo u dhaq-dhaqaaqa arrimaha xuquuqda aadanaha, kuwaasoo labo ka mid ahi heystaan dhalashada dalka Mareykanka.

from VOA http://bit.ly/2WOGvwg
via IFTTT

Atalanta oo kusoo dhawaaneysa Yurub

Kooxda Atalanta ee dalka Talyaaniga ayaa hal dhibic oo kaliya usoo jirsatay kaalinta afraad ee horyaalka oo ay hadda ku jirto Milan, kaddib marki ay xalay 4-1 ku garaacday Bologna.

from VOA http://bit.ly/2uNKjSs
via IFTTT

Libya: Ciidamada Haftar oo dib loo celiyey

Ciidamo daacad u ah Jeneral Khalif Haftar ayaa maanta dib looga soo riixay saldhig muhiim ah oo 30 KM u jira magaalada Tripoli, taasi oo dib u dhigeysa ku siqitaankooda deg degga ah ee magaalada caasimadda ah ee dalka Libya.

from VOA http://bit.ly/2UfP3PT
via IFTTT

Thursday, April 4, 2019

Wararka Qaraxii Xaley ka dhacay Muqdisho

Inta ay sheegeen hay'adaha Amniga waxaa ku dhaawacmay qaraxii xaley ka dhacay magaalada Muqdisho sideed qof oo Afar ka mid ah xaalkooda uu aad u liito.

from VOA http://bit.ly/2Up4hS3
via IFTTT

Qarax caawa ka dhacay Muqdisho

Qarax qasaare geystay ayaa caawa fiidkii ka dhacay agagaarka dugsiga tababarada ciidamada booliska ee Jeneral Kaahiye

from VOA https://ift.tt/2I9eN9c
via IFTTT

Banka Dhexe ee Somalia oo guddoomiye cusub loo magacaabay

Dowladda Soomaaliya ayaa maanta guddoomiyaha banka dhexe u magacowday nin Soomaali ah oo lagu magowday Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi.

from VOA https://ift.tt/2WKqSpq
via IFTTT

Wararkii ugu dambeeyey xaaladda amni ee Muqdisho

Hay'addaha amniga Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho ka wada howlgal ay ku baadi goobayaan baabuur ay sheegeen in waxybaaha qarxa lagu soo rakibay oo ku dhex-jira magaalada.

from VOA https://ift.tt/2uMMu8F
via IFTTT

Bandhigga VOA: Suuqyada Saamiyada

Barnaamijka Bandhigga VOA waxa uu ku saabsan yahay ganacsiga dhinaca internet-ka ah, gaar ahaan suuqyada lagu kala iibsado saamiyada ee Stock Markets.  Jamaal Axmed Cismaan ayaa soo diyaariyay soona jeediyay.  

from VOA https://ift.tt/2WMocrA
via IFTTT

Ninkii muslimiinta laayey oo 50 dacwad lagu soo oogayo

Booliska dalka New Zealand ayaa sheegay in ay 50 kiis oo dil ah kusoo oogi doonaan, ninki 50 qof oo Mulimiin ah ku laayey laba masaajid oo ku yaalla dalkaasi bishii tagtay.

from VOA https://ift.tt/2YOn6NL
via IFTTT

Turkey oo eedeyn kulul u jeedisay Mareykanka

Turkey ayaa wasaaradda arrimaha dibedda Mareykanka ku eedeysay inay been faafisay kadib kulan dhex-maray labada diblomaasi ee ugu sarreeya labada dal, si ay uga wada-hadlaan xiisadda u dhaxeysa.

from VOA https://ift.tt/2WMac10
via IFTTT

Soomaali musharaxiin ka ah dalka Canada

Gobolka Alberta ee ay ku nool yihiin Soomaalida labaad ee ugu badan dalka Canada ayaa waxa ka socdo doorashada gobolka. Inta la ogyahay waxa doorashadaasi usharaxan dhowr Soomaali ah. Magaalada Edmonton ee caasimada u ah gobolkaas, islamarkaasna ay ku nool yihiin Soomaalida ugu badan ayaa waxa ka tartamaya labo qof oo Soomaali ah. Cabdikariin Bakaal iyo Shaadiya Xussen waxa ku tartamayaan magaca xisbiga Alberta Liberal. Maxamed Cabdi Xassan ayaa qadka telefoonka kula xariirey, ugu horeyn Shaadiya Xuseen weydiiyey sababta ay xisbigan ku dooratay.  

from VOA https://ift.tt/2uL3Bru
via IFTTT

Wednesday, April 3, 2019

Soomaali Musharaxiin ka ah Kanada

Gobolka Alberta ee ay ku nool yihiin Soomaalida labaad ee ugu badan dalka Kanada ayaa waxa ka socdo doorashada gobolka. Inta la ogyahay waxa doorashadaasi usharaxan dhowr Soomaali ah.

from VOA https://ift.tt/2FNJMFi
via IFTTT

Qubanaha VOA, Apr. 04, 2019



from VOA https://ift.tt/2OOFG3Q
via IFTTT

Somalia iyo Kenya oo dib usoo celinaya xiriirkooda

Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad ayaa VOA u sheegay in isaga iyo Monica Juma ay isku raaceen in lasoo celiyo xiriirka labada waddan.

from VOA https://ift.tt/2WJjbQi
via IFTTT

Muqdisho oo la sheegay inuu ku jiro gaari qarax lagu buuxiyey

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa shaaca ka qaaday in gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay uu ku jiro magaalada Muqdisho. Shir jaraa'id oo goor dhow ay qabatay , taliye ku-xigeenka Booliska Soomaaliyeed Jeneral Zakiya Xuseen, ayay ku sheegtay in gaari qarax laga soo buuxiyay oo Al-Shabaab soo diyaariyeen uu magaalada ku jiro. Waxay warbaahinta u soo bandhigtay sawirka gaadiidka la tuhunsan yahay, kuna wargelisay shacabka. Jen. Zakiya ayaa sheegtay in Ciidanka Booliska ay ku daba jiraan gaadiidkaas, waxayna  ugu baaqday shacabka inay ka feejignaadaan gaadiidkaas qaraxa lagu soo diyaariyay. Hadalka taliye ku xigeenka ayaa imanaya iyadoo maalmihii ugu danbeyay ay Muqdisho ka dhaceen qaraxyo xiriir ah oo sababay dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed.

from VOA https://ift.tt/2uGeaw0
via IFTTT

Hooyo loo diiday inay ku dhasho isbital ku yaal Muqdisho

Khadro Maxamud Dhicis, ayaa dariiq ku dhashey markii laga cayriyey Isbitaal ku yaalla Muqdisho, oo ay u tagtey in ay ku umusho.

from VOA https://ift.tt/2HVEAm1
via IFTTT

Dhaqanka iyo Hiddaha qeybta 465-aad

Ku soo dhawaada barnaamija Dhaqanka iyo Hiddaha qeybtiisa 465-aad. Waxaa aalaba soo diyaariya, soona jeediya Axmed Faarax Cali (Idaajaa).            

from VOA https://ift.tt/2WC6O8O
via IFTTT

Soomaalida Canada iyo cudurka Autism-ka

Sannad walba 2-da bisha April waxaa caalamka laga maamuusaa maalinta wacyigelinta cudurka Autism-ka. Cudurkan oo Soomaalida ku nool gudaha aysan aqoon badan u laheyn ayaa dhawaanahan kusoo badanaya carruurta Soomaalida ah ee ku nool qurbaha, gaar ahaan Yurub iyo waqooyiga Ameerika. Wariyaha VOA-da ee Canada Xuseen Nuur Xaaji ayaa wareystay qaar ka tirsan hooyooyinka Soomaalida Canada ee carruurtooda qaba cudurka Autism-ka, warbixinta ayuuna kasoo diray magaalada Toronto.  

from VOA https://ift.tt/2WHT1NS
via IFTTT

Abshir Jaamac oo sameeyey sawir aad loo hadal hayo

Abshir Jaamac Abshir, waa wiil yar oo sameeya sawirrada farshaxanka gacanta, waxuu ku nool-yahay magaaladda Muqdisho, waxuuna todobaadkan soo saarey mid ka mid ah sawiradiisa ugu hadal haynta badnaa.

from VOA https://ift.tt/2FVwJCV
via IFTTT

Kulanka baarlamanka Somalia oo maanta qabsoomay

Aqalka Hoose ee baarlamaanka Soomaaliya, ayaa maanta helay tirada xubnaha uu u baahnaa oo ka badan 139 xubnood si uu hawlihiisa u qabsado.

from VOA https://ift.tt/2uJePwU
via IFTTT

Xuutiyiinta oo Drone ku weeraray Sacuudiga

Sacuudia Carabiya ayaa sheegtay inay ka hor-tagtay laba diyaarad oo drone ah, kuwaas oo Xuutiyiinta Yemen ay kusoo weerareen, hase yeeshee shan qof, oo uu ku jiro canug, ay ku dhaawacmeen burburka diyaaradahaas.

from VOA https://ift.tt/2HVOFj2
via IFTTT

Shareecada Islaamka oo maanta ka dhaqan gashay Brunei

Midowga Yurub ayaa maanta cambaareeyey shareecada Islaamka ee maanta ka dhaqan gashay dalka Brunei, oo uu sheegay in ciqaabta "arxan-darrada ah" ee sharciga uu ogolaanayo ay ka dhigan tahay jirdil iyo jebinta heshiisyada caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha.

from VOA https://ift.tt/2I98YZB
via IFTTT

Tuesday, April 2, 2019

Hogaamiyihii Algeria oo is casilay

Madaxweynaha Algeria Abdelaziz Bouteflika ayaa xalay ku dhawaaqay inuu iska casilay xilka madaxweynenimo, sidaasi waxaa islaamisay wakaaladda rasmiga ah ee wararka u faafisa dowlada Algeria.

from VOA https://ift.tt/2WLeDcr
via IFTTT

Najib Razak oo la maxkamadeynayo

Hogaamiyihii hore ee dalka Malaysia Najib Razak ayaa maanta oo Arbaca ah maxkamad lasoo taagi doonaa, iyadoo loo heysto musuqmaasuq ah inuu lunsaday lacago malaayiin dollar ah.

from VOA https://ift.tt/2uEGijf
via IFTTT

Ciidamada dowladda oo qabsaday Sabiid

Wararka ka imanaya Gobolka Shabeellada Hoose ayaa sheegaya in ciidamada dawladda Soomaaliya ay Al-Shabaab ka qabsadeen degaanno cusub oo u dhow degmada Afgooye.

from VOA https://ift.tt/2V9ohFm
via IFTTT

Hargeysa: Barakacayaal ku dhintay dab ka kacay xero

Laba qof ayaa ku dhintay dab xalay habeen badhkii ka kacay xero ay ku nool yihiin dad barokacayaal ah oo ku taalla magaalada Hargeysa.

from VOA https://ift.tt/2FN1iJs
via IFTTT

Xisbiga Erdogan oo diiday natiijada doorashadii Istanbul

Xisbiga madaxweyne Erdogan ee AKP ayaa go'aansaday inuu diidmo ka gudbiyo natiijooyinka doorashooyinkii dhammaan 39-ka degmo ee magaalada Istanbul, sida uu weriyey wargeyska Hurriyet.

from VOA https://ift.tt/2FJ91bO
via IFTTT

Caruurta Khaashuqji oo la siiyey guryo iyo lacag

Dowladda Sacuudiga ayaa caruurta suxufigii la dilay ee Jamal Khaashuqji siisay guryo ku fadhiya malaayin dollar, islamarkaana bil walba u qortay kumanaan dollar, sida uu qoray wargeyska Washington Post.

from VOA https://ift.tt/2YKMvrM
via IFTTT

Monday, April 1, 2019

Xeer-beegti loo Xulayo Dacwadda Sarkaal Noor

Sida aan idaacadayada marar badan horay uga baahinnay, bishii July ee sanadkii 2017kii, sarkaal ka tirsanaa booliiska gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka, laguna magacaabo Maxamed Nuur ayaa toogasho ku dilay haweenay u dhalatay dalka Australia oo lagu magacaabo Justine Damond.

from VOA https://ift.tt/2U8ohsF
via IFTTT

Cawad: Cabdullaahi Dool shaqo lagama eryin

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa u sheegay idaacadda VOA Somali inaan shaqada laga cayrin Cabdullaahi Dool oo ka tirsanaa shaqaalaha xafiiskiisa balse la beddelay dhowr sababood dartood.

from VOA https://ift.tt/2OFBjHX
via IFTTT

Bajaajle maanta lagu dilay Muqdisho

Mid ka mid ah dhallinyarada Bajaajta ku shaqeesata ayaa maanta askari ka tirsan ciidanka Dowladda uu ku dilay Magaalada Muqdisho.

from VOA https://ift.tt/2JVucwk
via IFTTT

Ilayska VOA: Dhibaatooyinka Qoysaska Soomaalida Canada

Barnaamijkii Ilayska VOA, waxa uu toddobaadkan ku saabsan yahay dhibaaooyinka waalidiinta Soomaaliyeed ee Canada ka haysta ubadkooda oo ku biiraya kooxo burcad ah. Waxaa soo jeedinaya Maxamed Colaad Xasan.  

from VOA https://ift.tt/2UlMZFm
via IFTTT

Xulista xeer-beegtida kiiska Maxamed Nuur oo billaabanaysa

Waxaa maanta billaabaneysa xulista xeer-beegtida maxkamadda sarkaal Soomaali-Mareykan ah oo horey uga tirsanaa booliiska magaalada Minneapolis, kaasi oo dilay haweeney u dhalatay dalka Australia.

from VOA https://ift.tt/2I3c94R
via IFTTT

Xisbiga Erdogan oo guul-darrooyin la kulmay

Xisbiga madaxweyne Erdogan ee AKP ayaa guul-darrooyin xooggan ay ka gaareen doorashooyinka dowldaha hoose ee dalkaas, ayada oo looga adkaaday magaalooyinka waa weyn ee dalka.

from VOA https://ift.tt/2JSSK9m
via IFTTT

Shareecada Islaamka oo laga dhaqa-gelinayo Brunei

QM ayaa maanta cambaareysay sharciga Islaamiga ah ee ku dhaqankiisa uu toddobaadkan ka hir-galayo dalka Brunei, kaasi oo ay ku qeexday "mid arxan darro ah, oo ka baxsan bani'aadannimada."

from VOA https://ift.tt/2OA6l40
via IFTTT