Madaxda Maamul Goboleedyada Puntland, Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed ayaa shalay shir ku yeeshay magaalada Garoowe ee xarunta Puntland. Kulankan ayaa la sheegay in uu la xiriiray iskaashi iyo xiriir cusub oo dhexmara maamulladan, kadib markii uu dhawaan burburay kulan ay maamul Goboleedyada iyo Dowladda Dhexe ku lahaayeen isla magaaladaas. Si kastaba, waxaa kulankan ka maqnaa maamullada Jubaland iyo Galmudug oo qeyb ka ahaa shirkii Garoowe, sidoo kalena horey ugu jiray isbahaysi ay lahaayeen maamullada dalka. Seddexda maamul ee Garoowe ku shiray ayaa kadib kulankooda soo saaray war-murtiyeed ka kooban toddoba qodob oo ka hadlaya waxyaabihii ay isku afgarteen. Wariyaha VOA-da Nuux Muuse Birjeed ayaa warbixintan kasoo diray Garoowe.
from VOA http://bit.ly/2Q03LFm
via IFTTT
Monday, May 13, 2019
Saddex maamul goboleed oo heshiis ku gaaray Garoowe
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment