Idaacadda Subaxnimo ee Saaka iyo Caalamka waxaad ku maqashaa wararkii habeenimadii xalay ka dhacay Soomaaliya iyo waliba caalamka, barnaamijyo, wareysi xiiso leh, ciyaaraha, dhanbaallada dhagaystayaasha iyo waliba wargeysyada caalamku waxay saaka ku waabariisteen.
from VOA https://ift.tt/3cmoIoA
via IFTTT
Saturday, February 29, 2020
Idaacadda Subaxnimo
Martida: Dhibaatada weerarada middiyaha London
Barnaamijka Martida Makrafoonka waxa marti ku ah Sahal Yuusuf Cali oo madax ka ah ururka Gaashaan oo ka shaqeeya arrimaha bulshada ee London. Ridwaan Xaaji Cabdiwali ayaa London ka soo diyaariyay.
from VOA https://ift.tt/39aE5yF
via IFTTT
Barnaamijka Caweyska Washington
Barnaamijka Caweyska Washington ee toddobaadkan waxaad ku dhageysan doontaan sheekooyin xiiso leh iyo kaalmihii heesaha. Barnaamijka waxaa soo diyaariyey, soona jeedinaya Cabdixakiim Maxamuud Shirwac.
from VOA https://ift.tt/2wgqdnX
via IFTTT
Idaacadda Fiidnimo
Idaacadda Fiidnimo ee Evening Edition waxaad ku maqashaan wararkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka, barnaamijyo iyo wareysiyo ka turjumaya dhacdooyinka waqtigaasi ka dhacaya daafaha Dunida.
from VOA https://ift.tt/2Tvheaa
via IFTTT
Idaacadda Galabnimo
Idaacadda Galabnimo waxaad ku maqashaan wararka ugu danbeeya ee caalamka, barnaamijyo, ciyaaro, wareysiyo iyo waliba heeso.
from VOA https://ift.tt/2PC5Hot
via IFTTT
Mareykanka oo Loogu Baaqay Inuusan Cadaadin Ethiopia
Dadka ka soo jeeda dalka Ethiopia ee ku nool dalka Mareykanka ayaa ugu baaqey Mareykanka inuu joojiyo culeyska uu Ethiopia ku saarayo wadahadallada biya-xireenka ay dowladdoodu ka dhiseyso wabiga Nile. Habtamu Seyoum iyo Salem Solomon ayaa warbixintan inoo diyaariyey, waxaana soo jeedineysa Falastin Axmed Iimaan.
from VOA https://ift.tt/2I8joY0
via IFTTT
Barnaamijka Hambalyada iyo Heesaha
Ku soo dhowaada Barnaamijka Hambalyada iyo Heesaha ee toddobaadkan, waxaana soo jeedinaya Ibraahim Xassan Daandurey iyo Sahra Cabdi Axmed.
from VOA https://ift.tt/39acbmp
via IFTTT
Barnaamijka Dhacdooyinka Todobaadka
Ku soo dhowaada Barnaamijka Dhacdooyinka Todobaadka, waxaana soo diyaariyay soona jeedinaya Jamal Axmed Cisman.
from VOA https://ift.tt/2TmpOrQ
via IFTTT
Madaxda Ahlu Sunna oo Isku-dhiibay Dowladda Soomaaliya
Dagaalada labada dhinac oo sidoo kale ka dhacay magaalada Guriceel ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 20 qof, oo labada dhinac iyo rayidba isugu jiray. 18 ka mid ah ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen magaalada Dhuusamareb.
from VOA https://ift.tt/2PzCQkx
via IFTTT
Mareykanka iyo Taliban oo Heshiis Nabadeed kala Saxiixanaya
Ka dib 19 sano oo colaad ah, wakiilo ka kala socda Mareykanka iyo kooxda Taliban ayaa lagu wadaa iney maanta heshiis nabadeed ku kala saxiixdaan magaalada Doha ee dalka Qatar
from VOA https://ift.tt/38c8U4B
via IFTTT
Idaacadda Duhurnimo
Idaacadda Duhurnimo waxaad qeybta hore ku maqli kartaa wararka ugu waaweyn ee Soomaaliya iyo Caalamka. Qeybta danbe ee idaacaddu waxay idiin soo gudbinaysaa barnaamijyo ku saabsan dhalinyarada maanta.
from VOA https://ift.tt/38drqJQ
via IFTTT
Friday, February 28, 2020
Idaacadda Subaxnimo
Idaacadda Subaxnimo ee Saaka iyo Caalamka waxaad ku maqashaa wararkii habeenimadii xalay ka dhacay Soomaaliya iyo waliba caalamka, barnaamijyo, wareysi xiiso leh, ciyaaraha, dhanbaallada dhagaystayaasha iyo waliba wargeysyada caalamku waxay saaka ku waabariisteen.
from VOA https://ift.tt/2vpS3xR
via IFTTT
Idaacadda Fiidnimo
Idaacadda Fiidnimo ee Evening Edition waxaad ku maqashaan wararkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka, barnaamijyo iyo wareysiyo ka turjumaya dhacdooyinka waqtigaasi ka dhacaya daafaha Dunida.
from VOA https://ift.tt/2TqB9qO
via IFTTT
WHO oo ka digay in Coronavirus uu ku faafayo dunida oo dhan
Ururka caafimaadka adduunka ee WHO ayaa ka digay in cudurka Coronavirus uu ku faafi karo caalamka oo dhan.
from VOA https://ift.tt/2Vun12t
via IFTTT
Idaacadda Galabnimo
Idaacadda Galabnimo waxaad ku maqashaan wararka ugu danbeeya ee caalamka, barnaamijyo, ciyaaro, wareysiyo iyo waliba heeso.
from VOA https://ift.tt/398HfTv
via IFTTT
Galmudug: Dagaal ka dhex qarxay dowladda iyo Ahlu-Sunna
Dagaal u dhexeeya ciidamada dawladda federalka Somalia iyo kuwa ururka Ahlu-Sunna, ayaa ka socda magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel, inkasta oo la sheegay in haatan dagaalka Guriceel uu yara hakaday wixii ka dambeeyay 2-dii Duhurnimo.
from VOA https://ift.tt/3aen4nf
via IFTTT
Turkey oo Europe ku fasaxday qaxootigii ay ka haysay
Koox muhaajiriin ah oo ku sugan dalka Turkey ayaa maanta u dhaqaaqay dhanka xuduudda dalkaas uu la wadaago Greece iyo Bulgaria, ayaga oo ku wajahan Yurub.
from VOA https://ift.tt/2PymAR0
via IFTTT
Bankiga Adduunka oo dib usoo celiyey xiriirkii Soomaaliya
Bankiga Adduunka ayaa shalay sheegay inay dib usoo celiyeen xiriirkii ay dawladda Soomaaliya la lahayd Bankiga Adduunka 30 sano kadib.
from VOA https://ift.tt/3aaD49M
via IFTTT
Idaacadda Duhurnimo
Idaacadda Duhurnimo waxaad qeybta hore ku maqli kartaa wararka ugu waaweyn ee Soomaaliya iyo Caalamka. Qeybta danbe ee idaacaddu waxay idiin soo gudbinaysaa barnaamijyo ku saabsan dhalinyarada maanta.
from VOA https://ift.tt/3cfBrt7
via IFTTT
Thursday, February 27, 2020
Idaacadda Subaxnimo
Idaacadda Subaxnimo ee Saaka iyo Caalamka waxaad ku maqashaa wararkii habeenimadii xalay ka dhacay Soomaaliya iyo waliba caalamka, barnaamijyo, wareysi xiiso leh, ciyaaraha, dhanbaallada dhagaystayaasha iyo waliba wargeysyada caalamku waxay saaka ku waabariisteen.
from VOA https://ift.tt/2Px9hQE
via IFTTT
Xiriirka Bankiga Adduunka iyo dawladda Soomaaliya
Bankiga Adduunka ayaa shalay sheegay inay caadiyeeyeen xiriirkii ay dawladda Soomaaliya la lahayd Bankiga Adduunka 30 sano kadib. Baniga Adduunka waxa uu sheegay in Soomaaliya ka faa'iidaysan doonto dayn cafinta ay helayso marka la raaco daymaha laga khafiifiyo waddamada faqiirka ah.
from VOA https://ift.tt/3abczkt
via IFTTT
Idaacadda Fiidnimo
Idaacadda Fiidnimo ee Evening Edition waxaad ku maqashaan wararkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka, barnaamijyo iyo wareysiyo ka turjumaya dhacdooyinka waqtigaasi ka dhacaya daafaha Dunida.
from VOA https://ift.tt/2TiGkJm
via IFTTT
Madaxweyne ku-xigeenka Iran oo laga helay Coronavirus
Madaxweyne ku-xigeenka Iran ee arrimaha haweenka iyo qoyska Masoumeh Ebtekar, ayaa ka mid noqotay dadka laga helay cudurka Coronavirus ee dalkaas kusii faafaya, sida uu sheegay wasiir ku-xigeenka caafimaadka Iraj Harirchi.
from VOA https://ift.tt/2VrBzQr
via IFTTT
Biixi iyo mucaaradka oo heshiis ka gaaray doorashooyinka
Madaxweynaha Somaliland iyo labada xisbi mucaarid ayaa maanta si rasmi ah u wada saxiixay heshiis cusub oo lagu soo afjarayo murankii mudadda dheer ka taagnaa gudidda doorashooyinka iyo qabashada doorashooyinka wakiilada iyo deegaanada.
from VOA https://ift.tt/39glzoF
via IFTTT
Idaacadda Galabnimo
Idaacadda Galabnimo waxaad ku maqashaan wararka ugu danbeeya ee caalamka, barnaamijyo, ciyaaro, wareysiyo iyo waliba heeso.
from VOA https://ift.tt/2T7xO17
via IFTTT
Ganacsiga Boosaaso oo maalmo hakad ku jira
Waxaa weli hakad ku jira ganacsiga suuuqa, gaar ahaan meheradaha bagaashka ee magaalada Boosaaso oo la hakiyey muddo dhowr maalmood ka hor. Ganacsatada ayaa ka cabanaya canshuur kordhin ay sheegeen in lagu sameeyay, waxaana ay joojiyeen badeecadihii ay kala soo degi jireen dekedda Boosaaso, kuwaas oo weli ku xayiran dekedda. Sidoo kale qaar ka mid ah ganacsatada, ayaa lagu soo waramayaa in la xirxiray kadib go'aanka ay qaateen. Warbixintan waxaa Boosaaso ka soo dirtay Faadumo Yaasiin Jaamac.
from VOA https://ift.tt/3975n8O
via IFTTT
Bandhigga VOA: Taariikhda xanuunada faafa ee dunida
Barnaamijka Bandhiga VOA waxa uu toddobaadkan ku saabsan yahay taariikhda xanuunada faafa ee dunida, sida ay kusoo billowdeen, nuucyada ay u kala baxaan, iyo sida ay diinta Islaamka ay ula tacaasho. Xuseen Barre Aaden ayaa soo diyaariyay, soona jeedinaya.
from VOA https://ift.tt/2vlmKnS
via IFTTT
Maxay Somalia uga dhigan tahay in deynta laga qafiifiyo?
Prof. Xuseen Warsame oo bare ka ah Jaamacadda Calgary ee dalka Canada, ayaa sharxaya waxa ay Soomaaliya uga dhigan tahay in deynta laga qafiifiyo iyo waxa kadib xiga.
from VOA https://ift.tt/2uF3Iso
via IFTTT
Sacuudi Carabiya oo hakisay Cumrada iyo dalxiiska ajaaniibta
Sacuudi Carabiya ayaa maanta hakisay Cumrada iyo Dalxiiska ay dalkeeda ku iman jireen ajaaniibta dalalka uu ku fidayo cudurka Coronavirus.
from VOA https://ift.tt/2vkwPkX
via IFTTT
Idaacadda Duhurnimo
Idaacadda Duhurnimo waxaad qeybta hore ku maqli kartaa wararka ugu waaweyn ee Soomaaliya iyo Caalamka. Qeybta danbe ee idaacaddu waxay idiin soo gudbinaysaa barnaamijyo ku saabsan dhalinyarada maanta.
from VOA https://ift.tt/2Tjk95Z
via IFTTT
Itoobiya oo dalbatay in la hakiyo wada-hadallada Nile
Dowladda Itoobiya ayaa Arbacadii weydiisatay Mareykanka in la hakiyo wada-hadallo la filayey in maaanta ay dib uga furmaan Washington oo ku saabsan muranka ka taagan biyo-xireenka ay ka sameyneyso webiga Nile.
from VOA https://ift.tt/2PuFojV
via IFTTT
Wednesday, February 26, 2020
Idaacadda Subaxnimo
Idaacadda Subaxnimo ee Saaka iyo Caalamka waxaad ku maqashaa wararkii habeenimadii xalay ka dhacay Soomaaliya iyo waliba caalamka, barnaamijyo, wareysi xiiso leh, ciyaaraha, dhanbaallada dhagaystayaasha iyo waliba wargeysyada caalamku waxay saaka ku waabariisteen.
from VOA https://ift.tt/2wTV229
via IFTTT
100 dal oo ballan qaaday lacag deynta looga qafiifinayo Soomaaliya
In ka badan 100 dal oo xubno ka ah IMF ayaa ballan qaaday inay bixinayaan $334 milyan oo qeyb ka ah deynta laga qafiinayo Soomaaliya, sida ay maanta sheegtay IMF.
from VOA https://ift.tt/2SYLew9
via IFTTT
Idaacadda Fiidnimo
Idaacadda Fiidnimo ee Evening Edition waxaad ku maqashaan wararkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka, barnaamijyo iyo wareysiyo ka turjumaya dhacdooyinka waqtigaasi ka dhacaya daafaha Dunida.
from VOA https://ift.tt/3a5CslO
via IFTTT
Idaacadda Galabnimo
Idaacadda Galabnimo waxaad ku maqashaan wararka ugu danbeeya ee caalamka, barnaamijyo, ciyaaro, wareysiyo iyo waliba heeso.
from VOA https://ift.tt/37ZQrbw
via IFTTT
Maxaa dowladda ku qasbay inay ciidano geyso Gedo?
Hadalkii uu wakiilka dawladda Maraykanka ee Qaramada Midoobay Rodney Hunter uga hor-yimid ciidamada dowladda gaysay Gedo ayaa soo cusbooneysiiyey hadal heynta baahida keeni kartay tallaabada ay qaadday dowladda.
from VOA https://ift.tt/2wJMv1n
via IFTTT
Dhaqanka iyo Hiddaha, Qeybta 510-aad
Ku soo dhawaada Barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha, qeybtiisa 510-aad. Waxaa soo jeedinaya Axmed Faarax Cali (Idaajaa).
from VOA https://ift.tt/3c9NZCi
via IFTTT
Idaacadda Duhurnimo
Idaacadda Duhurnimo waxaad qeybta hore ku maqli kartaa wararka ugu waaweyn ee Soomaaliya iyo Caalamka. Qeybta danbe ee idaacaddu waxay idiin soo gudbinaysaa barnaamijyo ku saabsan dhalinyarada maanta.
from VOA https://ift.tt/2Vn9z0d
via IFTTT
Beesha caalamka oo qoraal kasoo saartay doorashada Somalia
Dowladaha, iyo ururada caalamiga ah ee daneeya arrimaha Soomaaliya ayaa ugu baaqay dhammaan dhinacyada siyaasadda Soomaaliya in ay si wada jir ah uga wada shaqeeyaan, sidii Soomaaliya looga qaban lahaa doorasho xor iyo xalaal ah oo waqtigeeda ku dhacda.
from VOA https://ift.tt/3c62mro
via IFTTT
Iran oo Mareykanka u jeedisay eedeyn la xiriirta Coronavirus
Madaxweynaha Iran Hassan Rouhani ayaa maanta ku eedeeyey Mareykanka inay dalkiisa ku baahinayaan "cabsi" la xiriirta cudurka Coronavirus ee ka dillaacay.
from VOA https://ift.tt/32sbnXn
via IFTTT
Kanaalada xirmay ee webiga Shabelle oo dib loo furayo
Sodankii Sano ee la soo dhaafay waxaa aasmay ama xirmay marinadii ay mari jireen biyaha wabiga Shabeelle, taasi oo horseeday dhibaato joogto ah oo ay dadka deegaanka kala kulman.
from VOA https://ift.tt/3a5hjbl
via IFTTT
Tuesday, February 25, 2020
Beesha Caalamka oo dalbatay in doorashada Soomaaliya lagu qabto waqtigi loogu talagaly
Dowladaha, iyo ururada caalamiga ah ee daneeya arrimaha Soomaaliya ayaa ku baaqay in Soomaaliya laga qabto doorasho xalaal ah oo ku dhacda waqtigii loo qabtay.
from VOA https://ift.tt/381iKpZ
via IFTTT
Idaacadda Subaxnimo
Idaacadda Subaxnimo ee Saaka iyo Caalamka waxaad ku maqashaa wararkii habeenimadii xalay ka dhacay Soomaaliya iyo waliba caalamka, barnaamijyo, wareysi xiiso leh, ciyaaraha, dhanbaallada dhagaystayaasha iyo waliba wargeysyada caalamku waxay saaka ku waabariisteen.
from VOA https://ift.tt/2vgXU8G
via IFTTT
Idaacadda Habeennimo
Idaacadda habeenimo ee Evening Edition waxaad ku maqashaan wararkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka, barnaamijyo iyo wareysiyo ka turjumaya dhacdooyinka ka dhacaya daafaha Dunida.
from VOA https://ift.tt/2SZby9F
via IFTTT
Shabaab ku lug lahaa weerarkii Manda Bay oo la dilay
Milatariga Maraykanka ayaa sheegay in duqayn dhacday 22-kii bishan Febraayo lagu dilay laba argagixiso ah, oo mid ka mid ah uu lug ku lahaa weerarkii Al-Shabaab ku qaaday saldhigga ciidamada Kenya iyo Maraykanka ee Manda Bay ee Gobolka Lamu.
from VOA https://ift.tt/2HV7wIW
via IFTTT
Idaacadda Fiidnimo
Idaacadda Fiidnimo ee Evening Edition waxaad ku maqashaan wararkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka, barnaamijyo iyo wareysiyo ka turjumaya dhacdooyinka waqtigaasi ka dhacaya daafaha Dunida.
from VOA https://ift.tt/32pySjT
via IFTTT
Galka Baarista: Ma lala hadli karaa Al-Shabaab?
Barnaamijka Galka Baarista waxa uu toddobaadkan ku saabsan yahay suurta-galnimada ah in wada-hadallo ay dhex maraan dowladda Soomaaliya iyo kooxda Al-Shabaab.
from VOA https://ift.tt/2veNGph
via IFTTT
Aqalka Wakiilada Somaliland oo ka dooday xaaladda siyaasadeed
Mudanayaasha Aqalka Wakiilada Somaliland ayaa billaabay inay dood ka yeeshan xaaladda siyaasadeed ee Somaliland. Mudanayaasha ayaa si gaar ah isu dul taagay qodobo ay ka mid yihiin wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya. Warbixntan waxa Hargeysa ka soo diray Khadar Maxamed Cakule
from VOA https://ift.tt/2Vn7SA6
via IFTTT
Mareykanka oo ka horyimid ciidanka la geeyey Gedo
Wakiilka dawladda Maraykanka ee Qaramada Midoobay iyo Ergeyga gaarka ah ee Soomaaliya James Swan ayaa ka mid ahaa mas'uuliyiintii shalay ka hadlay shirkii Golaha Ammaanka ee looga hadlay xaaladda Soomaaliya.
from VOA https://ift.tt/3a1haWo
via IFTTT
Idaacadda Galabnimo
Idaacadda Galabnimo waxaad ku maqashaan wararka ugu danbeeya ee caalamka, barnaamijyo, ciyaaro, wareysiyo iyo waliba heeso.
from VOA https://ift.tt/2VlRaB9
via IFTTT
Madaxweyne Hosni Mubarak oo geeriyooday
Madaxweynihii hore ee Masar Hosni Mubarak ayaa geeriyooday isaga oo ahaa 91 jir, waxaa sidaas sheegay taleefishinka dowladda, Talaado.
from VOA https://ift.tt/32ueFcO
via IFTTT
Idaacadda Duhurnimo
Idaacadda Duhurnimo waxaad qeybta hore ku maqli kartaa wararka ugu waaweyn ee Soomaaliya iyo Caalamka. Qeybta danbe ee idaacaddu waxay idiin soo gudbinaysaa barnaamijyo ku saabsan dhalinyarada maanta.
from VOA https://ift.tt/2Pnz9yt
via IFTTT
Al-Shabaab oo mas'uuliyiin ku dilay Baardheere
Wararka naga soo gaadhaya degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in xalay saddex qof lagu dilay magaalada kadib markii habeenimadii guryahooda lagala baxay.
from VOA https://ift.tt/3a6OjjF
via IFTTT
Askar Turkish ah oo lagu dilay Libya
Madaxweynaha Turkey Reccep Tayyip Erdogan ayaa Talaadada sheegay in laba askari oo Turkish ah lagu dilay dalka Libya, halkaasi oo ay u joogaan taageeridda dowladda caalamku aqoonsan yahay.
from VOA https://ift.tt/2TeMxWQ
via IFTTT
Monday, February 24, 2020
Idaacadda Subaxnimo
Idaacadda Subaxnimo ee Saaka iyo Caalamka waxaad ku maqashaa wararkii habeenimadii xalay ka dhacay Soomaaliya iyo waliba caalamka, barnaamijyo, wareysi xiiso leh, ciyaaraha, dhanbaallada dhagaystayaasha iyo waliba wargeysyada caalamku waxay saaka ku waabariisteen.
from VOA https://ift.tt/38WcHUZ
via IFTTT
Sarkaal ka Tirsan Hormuud oo Duqeyn Ku Dhintay
Shirkadda Hormuud ayaa sheegtay in sarkaal u shaqaynayey lagu dilay duqayn maanta ka dhacday meel u dhow degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe Dhexe.
from VOA https://ift.tt/38VQTJ9
via IFTTT
Idaacadda Habeennimo
Idaacadda habeenimo ee Evening Edition waxaad ku maqashaan wararkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka, barnaamijyo iyo wareysiyo ka turjumaya dhacdooyinka ka dhacaya daafaha Dunida.
from VOA https://ift.tt/2TdvlAS
via IFTTT
Idaacadda Fiidnimo
Idaacadda Fiidnimo ee Evening Edition waxaad ku maqashaan wararkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka, barnaamijyo iyo wareysiyo ka turjumaya dhacdooyinka waqtigaasi ka dhacaya daafaha Dunida.
from VOA https://ift.tt/2ViFrmT
via IFTTT
Saameynta abaarihii gobolka Sool oo weli taagan
Guddoomiyaha Gobolka Sool Cabdiqani Maxamuud ayaa waraysi uu siiyey idaacadda VOA kaga hadlay saamaynta abaarihii soo maray gobolka iyo colaaduhu ku yeesheen dadka Gobolka.
from VOA https://ift.tt/3c4JaKE
via IFTTT
Idaacadda Galabnimo
Idaacadda Galabnimo waxaad ku maqashaan wararka ugu danbeeya ee caalamka, barnaamijyo, ciyaaro, wareysiyo iyo waliba heeso.
from VOA https://ift.tt/3c6ugmW
via IFTTT
Askar ka tirsan Amisom oo toogasho lagu dhaawacay
Ugu yaraan laba askari oo ka tirsan ciidamada Burundi ee qaybta ka ah ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa maanta lagu dhaawacay toogasho ka dhacday meel u dhow saldhig ay ku leeyihiin degaanka Buurane ee Gobalka Shabeellaha Dhexe.
from VOA https://ift.tt/3a0CVFK
via IFTTT
Cudurka CoronaVirus oo kusii faafaya Bariga Dhexe
Cudurka CoronaVirus ayaa kusii faafaya waddamo caalamka ah, waxaana wararkii ugu dambeeyey ay sheegayaan in kiisas cudurkaasi ah lagu arkay waddamada Kuwait, Ciraaq iyo Baxrayn.
from VOA https://ift.tt/32o6yOP
via IFTTT
Filim jaceyl oo lagu soo bandhigay Hargeysa
Magaalada Hargeysa ayaa shalay lagu soo bandhigay filim Soomaali ah kaasi oo ay jilayaan dhalinyaro reer Hargeysa ah, Filimka oo ka hadlayo Qiso jacayl ah ayaa waxaa loogu magac daray SHIL JACAYL, waxaana soo saartay Wasaaradda Warfaafinta Somaliland. Haddaba Khadar Maxamed Cakule ayaa ka waraystay sheekada filimkan cusub Deeq Aw Cali oo ah agaasimaha Filimada, ee wasaaradda warfaafinta.
from VOA https://ift.tt/2Pk83YO
via IFTTT
Mareykanka oo heshiis iibin agab militari ah la galaya India
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa maanta sheegay in Mareykanku uu saxiixi doono heshiis looga iibinayo dalka India diyaaradaha qumaatiga u kaca iyo qalab militari oo ku kacaya ilaa saddex bilyan oo dollar. Ku dhawaaqistan ayaa timid mar uu Trump ka hadlayay isu soo bax lagu soo dhoweynayay oo ka dhacay magalaada Ahmedabad, halkaasi oo dad gaaraya 100 kun ay ku soo aruureen si ay u dhagaystaan Madaxweyne Trump iyo Ra'iisul wasaaraha India Narendra Modi. Ka hor booqashada, Madaxweyne Trump ayaa sheegay in heshiis ganacsi uu weyn oo ka dhexeeya labada dal uusan qeyb ka ahayn safarkiisan. Laakin khudbaddiisa maanta ayuu ku ballan qaaday in labada dal ay yeelan doonaan mid ka mid ah heshiisyada ganacsi ee ugu weyn. Labada mas'uul ayaa ammaanay cilaaqaadka ka dhexeeya Mareykanka iyo India. "America wey jeceshahay India. America waa ay xushmeysaa India, America waligeedba waxay ahaan doontaa saaxiibka dhabta ah ee shacabka India," ayuu Trump yiri. Waxa uu sheegay in labada dal ay si wadajir ah uga shaqeyn doonaan la dagaalanka argagixisada. "Xuduudeheenu waa ay ka xirnaan doonaan kuwa argagixisada ah, iyo argagixisanimada, iyo dhamaan fikradaha xagjirnimo," ayuu yiri.
from VOA https://ift.tt/32ktLBk
via IFTTT
Idaacadda Duhurnimo
Idaacadda Duhurnimo waxaad qeybta hore ku maqli kartaa wararka ugu waaweyn ee Soomaaliya iyo Caalamka. Qeybta danbe ee idaacaddu waxay idiin soo gudbinaysaa barnaamijyo ku saabsan dhalinyarada maanta.
from VOA https://ift.tt/2SUddgp
via IFTTT
Mahathir oo is-casilay iyo jahwareer ka taagan Malaysia
Ra'iisul wasaaraha Malaysia Mahathir Mohamed ayaa warqad is-casilaad ah u gudbiyey boqorka dalka, sida uu xafiiskiisa sheegay Isniin, taasi oo jahwareer gelisay dowladda.
from VOA https://ift.tt/2w1FtVm
via IFTTT
Sunday, February 23, 2020
Idaacadda Subaxnimo
Idaacadda Subaxnimo ee Saaka iyo Caalamka waxaad ku maqashaa wararkii habeenimadii xalay ka dhacay Soomaaliya iyo waliba caalamka, barnaamijyo, wareysi xiiso leh, ciyaaraha, dhanbaallada dhagaystayaasha iyo waliba wargeysyada caalamku waxay saaka ku waabariisteen.
from VOA https://ift.tt/2SSItMT
via IFTTT
Idaacadda Fiidnimo
Idaacadda Fiidnimo ee Evening Edition waxaad ku maqashaan wararkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka, barnaamijyo iyo wareysiyo ka turjumaya dhacdooyinka waqtigaasi ka dhacaya daafaha Dunida.
from VOA https://ift.tt/2vd1BfB
via IFTTT
Ciidamada Dowladda oo Weeraray Deegaanka Buur Eyle
Ciidamada dawladda Soomaaliya ayaa shalay weerar ku qaaday saldhig ay maleeshiyada Al-Shabaab ku leeyihiin deegaanka Buur Eyle oo hoos yimaada degmada Buurhakaba ee gobolka Baay.
from VOA https://ift.tt/2HKuP8l
via IFTTT
Italy: Tirada Dadka Qaba Cronovirus oo Korodhay
Tirada dadka laga helay cudurka Corona Virus dalka Talyaaniga ayaa korodhay, waxaana mas'uuliyiinta caafimaadku ay sheegeen inay haatan laba qof cudurkan u dhinteen. Mas'uuliyiintu waxay xaddideen dhaqdhaqaaqa dadka ee magaalooyinka uu xanuunku saameeyey. Haddaba, Caasha Ibraahim Aadan ayaa wararkan ka waraystay Shukri Siciid oo la shaqeysa wargeyska la Rabublica ee ka soo baxa dalka Talyaaniga.
from VOA https://ift.tt/2HOJJKB
via IFTTT
Idaacadda Galabnimo - 1600
Idaacadda Galabnimo waxaad ku maqashaan wararka ugu danbeeya ee caalamka, barnaamijyo, ciyaaro, wareysiyo iyo waliba heeso.
from VOA https://ift.tt/37LdpD2
via IFTTT
Barnaamijka Wicitaanka Dhageystaha
Barnaamijka Wicitaanka Dhageystaha ee toddobaadkan waxa uu ku saabsan yahay aroos wadareed toddobaadkan ka dhacay Muqdisho oo lagu dhisay ilaa toban qoys oo ay ku jireen dadka baahiyaha gaarka ah qaba. Barnaamijka waxaa marti noogu ah Sheikh Cabdi Xayyi Sheikh Aadan oo ka mid ah culumada Soomaaliyeed ahaana ninkii lahaa fikirka arrintan. Sahra Cabdi Axmed ayaa barnaamijka noo diyaarisay soona jeedineysa.
from VOA https://ift.tt/2T36oYU
via IFTTT
Bernie Sanders oo ku Guuleystay Doorashadii Nevada
Senator Bernie Sanders oo ka mid ah musharaxiinta xisbiga dimuqraadiga ee k u loolamaya doorashada isreereebka xisbiga ayaa ku guuleystay codeyntii shalay ka dhacday gobolka Nevada, isaga oo haatan hogaanka u qabtay musharaxiinta kale ee la baratameysa.
from VOA https://ift.tt/2TepQSK
via IFTTT
Duqeyn Al-Shabab lagula eegtay degamada Saakoow
Ciidanka Mareykanka ee ka howlgala Africa ayaa sheegay, in duqeyn cirka ah oo ay shalay ka fuliyeen degmada Saakoow ee gobolka Jubbada Dhexe ku dileen, maleeshiyo ka tirsan ururka Al Shabab.
from VOA https://ift.tt/37RYbMk
via IFTTT
Idaacadda Duhurnimo
Idaacadda Duhurnimo waxaad qeybta hore ku maqli kartaa wararka ugu waaweyn ee Soomaaliya iyo Caalamka. Qeybta danbe ee idaacaddu waxay idiin soo gudbinaysaa barnaamijyo ku saabsan dhalinyarada maanta.
from VOA https://ift.tt/37QdmWB
via IFTTT
Saturday, February 22, 2020
Idaacadda Subaxnimo
Idaacadda Subaxnimo ee Saaka iyo Caalamka waxaad ku maqashaa wararkii habeenimadii xalay ka dhacay Soomaaliya iyo waliba caalamka, barnaamijyo, wareysi xiiso leh, ciyaaraha, dhanbaallada dhagaystayaasha iyo waliba wargeysyada caalamku waxay saaka ku waabariisteen.
from VOA https://ift.tt/39Upuaq
via IFTTT
Xisbiyada: Biixi wuu ku Fashilmay Hoggaaminta
Xisbiyada Somaliland ayaa Madaxweyne Muuse Biixi ku eedeeyay in uu Somaliland galiyey khalkhal siyaasadeed, iyagoo sheegay in Madaxweyne Biixi uu burburiyey sida ay hadalka u dhigeen "dimoqraadiyadda Somaliland."
from VOA https://ift.tt/2Vhu3aH
via IFTTT
Barnaamijka Caweyska Washington
Barnaamijka Caweyska Washington ee toddobaadkan waxaad ku dhageysan doontaan sheekooyin xiiso leh iyo kaalmihii heesaha. Barnaamijka waxaa soo diyaariyey, soona jeedinaya Cabdixakiim Maxamuud Shirwac.
from VOA https://ift.tt/2HJAb3y
via IFTTT
Barnaamijka Martida Mikrofoonka
Ku soo dhowaada Barnaamijka Martida Mikrofoonka oo ay todobaadkan marti ku tahay Naciima Cali Xareed oo ah gudoomiyaha ururka Mother and Child Welfare ee magaalada London. Barnaamijka oo aan ku eegi doonno xaaladda maxaabiista Soomaalida ee dalka Britain iyo dedaallada ururkani uu ku bixiyo caruurta Soomaalida ee xabsiyada ku xiran ayaa waxaa inoo diyaariyey halkanna ka soo jeedinaya Ridwaan Xaaji Cabdiweli.
from VOA https://ift.tt/2PfVe1E
via IFTTT
Idaacadda Fiidnimo
Idaacadda Fiidnimo ee Evening Edition waxaad ku maqashaan wararkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka, barnaamijyo iyo wareysiyo ka turjumaya dhacdooyinka waqtigaasi ka dhacaya daafaha Dunida.
from VOA https://ift.tt/2Ve1ScT
via IFTTT
Barnaamijka Hambalyada iyo Heesaha
Ku soo dhowaada Barnaamijka Hambalyada iyo Heesaha ee toddobaadkan, waxaana soo jeedinaya Caasha Ibraahim Aadan (Cuud) iyo Ibraahim Xassan Daandurey.
from VOA https://ift.tt/2v7caRk
via IFTTT
Somaliland oo Dhistay Guddi la Dagaalama Daroogada
Wasiirka Diinta iyo Awqaafta ee Somaliland Sh. Khaliil Cabdillaahi Axmed ayaa faahfaafhiyey sababaha keenay in xukuumaddu ay go'aankan gaarto, isaga oo sheegay in loo baahan yahay wada shaqeyn guud oo laga yeesho la dagaalanka ka ganacsiga maandooriyeyaasha
from VOA https://ift.tt/2vS8pPR
via IFTTT
Idaacadda Galabnimo
Idaacadda Galabnimo waxaad ku maqashaan wararka ugu danbeeya ee caalamka, barnaamijyo, ciyaaro, wareysiyo iyo waliba heeso.
from VOA https://ift.tt/2vX0IaO
via IFTTT
Boosaaso oo lagu Gaba-gabeeyey bandhiggii carwada ee Puntland
Waxaa lagu soo gabagabeeyey xarunta Jaamacadda Bariga Afrika ee magaalada Boosaaso bandhiggii carwada Puntland ee sanadka 2020-ka, taasi oo socotay muddo 5 maalmood ah.
from VOA https://ift.tt/3bV6NFz
via IFTTT
Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo 50 Jirsaday
Ra'isul Wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa ka hadlay ahmiyadda loo aas-aasay ciidanka asluubta oo ay ka mid tahay in la bedelo dhaqanka qofka xabsiga loo taxaabo. "Waa in si aad dadka xiran u toosisaan, aad marka hore idinku noqotaan kuwa toosan oo daahirsan," ayuu yiri Kheyre.
from VOA https://ift.tt/37PD6T5
via IFTTT
Barnaamijka Dhacdooyinka Toddobaadka
Ku soo dhowaada Barnaamijka Dhacdooyinka Todobaadka, waxaana soo diyaariyay soona jeedinaya Jamaal Axmed Cisman.
from VOA https://ift.tt/2wBuJNP
via IFTTT
Idaacadda Duhurnimo
Idaacadda Duhurnimo waxaad qeybta hore ku maqli kartaa wararka ugu waaweyn ee Soomaaliya iyo Caalamka. Qeybta danbe ee idaacaddu waxay idiin soo gudbinaysaa barnaamijyo ku saabsan dhalinyarada maanta.
from VOA https://ift.tt/32fH1qS
via IFTTT
Afghanistan: 3400 oo qof ayaa ku dhintay 2019-kii
Qaramada Midoobe ayaa Sabtida maanta ah sheegtay in colaadda dalka Afghanistan ay ku dhinteen 3400 oo qof ayna ku dhaawacmeen 7 kun oo kale sanadkii aynu ka soo gudubnay ee 2019
from VOA https://ift.tt/2PdE84C
via IFTTT
Friday, February 21, 2020
Idaacadda Subaxnimo
Idaacadda Subaxnimo ee Saaka iyo Caalamka waxaad ku maqashaa wararkii habeenimadii xalay ka dhacay Soomaaliya iyo waliba caalamka, barnaamijyo, wareysi xiiso leh, ciyaaraha, dhanbaallada dhagaystayaasha iyo waliba wargeysyada caalamku waxay saaka ku waabariisteen.
from VOA https://ift.tt/2SQLLjL
via IFTTT
Idaacadda Fiidnimo
Idaacadda Fiidnimo ee Evening Edition waxaad ku maqashaan wararkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka, barnaamijyo iyo wareysiyo ka turjumaya dhacdooyinka waqtigaasi ka dhacaya daafaha Dunida.
from VOA https://ift.tt/2Ph1p5U
via IFTTT
Idaacadda Galabnimo
Idaacadda Galabnimo waxaad ku maqashaan wararka ugu danbeeya ee caalamka, barnaamijyo, ciyaaro, wareysiyo iyo waliba heeso.
from VOA https://ift.tt/2Vetbnd
via IFTTT
Faaqidaadda: Maxaa dardar geliyey weerarada Al-Shabaab?
Barnaamijka Faaqidaadda Toddobaadka waxa uu maanta ku saabsan yahay weeraradii ugu dambeeyey ee Al-Shabaab ay ka fuliyeen Soomaaliya iyo Kenya, iyo waxa ugu wacan in Al-Shabaab ay markii muddo la joogaba ay awood u yeeshaan inay dardar geliyaan weeraradooda.
from VOA https://ift.tt/32ctUqD
via IFTTT
Degmada Qoryooley oo go'doon gashay
Waxaa hakad galay isku socodka gaadiidka badeecooyinka keeni jiray iyo kuwa qudaarta ka qaadi jiray degmada Qoryooley ee Gobalka Shabeelaha Hoose, kadib markii dhawaan kooxda Al-Shabab ay gaari qarxay la beegsadeen mid ka mid ah labada buundo ee magaalada.
from VOA https://ift.tt/2Vhchod
via IFTTT
Pompeo oo shaaciyey xilliga la saxiixayo heshiiska Taliban
Xogahayaha Arrimaha Debedda Mareykanka Mike Pompeo ayaa Jimcaha maanta ah sheegay in Mareykanka uu u diyaar garoobayo saxiixa heshiis uu la galayo kooxda Taliban 29 bishan February, kaasi oo ku imanaya xabbad-joojin muddo todobaad ah oo lagu yareynayo rabshadaha dalkaasi.
from VOA https://ift.tt/38O4rX0
via IFTTT
Farmaajo oo saxiixay sharciga doorashooyinka
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay saxiixay sharciga doorashooyinka kadib markii uu soo maray labada aqal ee baarlamanka.
from VOA https://ift.tt/2Vbqhji
via IFTTT
Aqalka Wakiilada oo loo sheegay in Ruushka ay faro-gelinayaan doorashada 2020
Saraakiisha sirdoonka Mareykanka ayaa sharci-dejiyayaasha u sheegay toddobaadkii tagay in Ruushka ay faro-gelinayaan ololaha doorashada 2020, ayada oo ujeedku yahay in shaki la geliyo sax ahaanshaha codadka, lana taageero dib u doorashada madaxweyne Trump.
from VOA https://ift.tt/2PeTtSF
via IFTTT
Idaacadda Duhurnimo
Idaacadda Duhurnimo waxaad qeybta hore ku maqli kartaa wararka ugu waaweyn ee Soomaaliya iyo Caalamka. Qeybta danbe ee idaacaddu waxay idiin soo gudbinaysaa barnaamijyo ku saabsan dhalinyarada maanta.
from VOA https://ift.tt/3bP64Wa
via IFTTT
Thursday, February 20, 2020
Idaacadda Subaxnimo
Idaacadda Subaxnimo ee Saaka iyo Caalamka waxaad ku maqashaa wararkii habeenimadii xalay ka dhacay Soomaaliya iyo waliba caalamka, barnaamijyo, wareysi xiiso leh, ciyaaraha, dhanbaallada dhagaystayaasha iyo waliba wargeysyada caalamku waxay saaka ku waabariisteen.
from VOA https://ift.tt/2T1SuGp
via IFTTT
Idaacadda Fiidnimo
Idaacadda Fiidnimo ee Evening Edition waxaad ku maqashaan wararkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka, barnaamijyo iyo wareysiyo ka turjumaya dhacdooyinka waqtigaasi ka dhacaya daafaha Dunida.
from VOA https://ift.tt/2ulj5Gg
via IFTTT
Dilalka sharciga ka baxsan ee Nairobi oo weli socda - HRW
Booliska Kenya ayaa ugu yaraan sideed qof toogasho ku dilay xaafadaha isku raranta ah ee Nairobi, labadii bil ee tagtay, ayaga oo jebinaya sharciga isticmaalka awoodda, waxaa sidaas sheegtay hay'adda xuquuqda aadanaha Human Right Watch (HRW), Khamiis.
from VOA https://ift.tt/37L6HNp
via IFTTT
Idaacadda Galabnimo
Idaacadda Galabnimo waxaad ku maqashaan wararka ugu danbeeya ee caalamka, barnaamijyo, ciyaaro, wareysiyo iyo waliba heeso.
from VOA https://ift.tt/2SHJ57W
via IFTTT
Sharci ma tahay dib u furista ururada siyaasadda Somaliland?
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa sheegay inuu furayo diiwaan galinta urarada siyaasadeed, iyada oo uu taagan yahay muranka u dhexeeya axsaabta Somaliland.
from VOA https://ift.tt/2SLRIyy
via IFTTT
Bandhiga VOA: Kufsiga dadka laga awoodda badan yahay
Barnaamijka Bandhigga VOA waxa uu toddobaadkan ku saabsan yahay kufsiga ka dhaca Soomaaliya, gaar ahaan midka loo gaysto dadka laga tirada badan yahay iyo dadka itaalka darran sida barakacayaasha. Waxaa soo jeedineysa Falastiin Axmed Iimaan.
from VOA https://ift.tt/37I3ePD
via IFTTT
Falastiin iyo Israel oo xal ka gaaray muran ganacsi
Israel ayaa soo geba-gebeysay mamnuucis ay saartay wax soo saarka beeraha Falastiiniyiinta ee loo soo dhoofiyo kadib marki maamulka Falastiiniyiinta ay ka laabteen xaddidaad ay kusoo rogeen hilibka looga soo dhoofiyo Israel, sida ay sheegtay wasaaradda difaaca Israel.
from VOA https://ift.tt/37KuD3t
via IFTTT
Idaacadda Duhurnimo
Idaacadda Duhurnimo waxaad qeybta hore ku maqli kartaa wararka ugu waaweyn ee Soomaaliya iyo Caalamka. Qeybta danbe ee idaacaddu waxay idiin soo gudbinaysaa barnaamijyo ku saabsan dhalinyarada maanta.
from VOA https://ift.tt/32cIxds
via IFTTT
Germany: Baarar shiishadda lagu cabo oo dad lagu laayey
Nin la tuhunsan yahay inuu yahay xagjir midig-fog ah ayaa sagaal qof ku dilay weerar uu xalay ku qaaday laba baar oo shiishadda lagu cabo oo ku yaalla dalka jarmalka, ka hor inta aanu gurigiisa ku laaban oo uusan is-dilin, waxaa sidaas sheegay booliska.
from VOA https://ift.tt/2vQcR1c
via IFTTT
Wednesday, February 19, 2020
Idaacadda Subaxnimo
Idaacadda Subaxnimo ee Saaka iyo Caalamka waxaad ku maqashaa wararkii habeenimadii xalay ka dhacay Soomaaliya iyo waliba caalamka, barnaamijyo, wareysi xiiso leh, ciyaaraha, dhanbaallada dhagaystayaasha iyo waliba wargeysyada caalamku waxay saaka ku waabariisteen.
from VOA https://ift.tt/2SYQFKl
via IFTTT
Xog dheeri ah oo ku saabsan weeraradii saldhigyada Sh/Hoose
Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerarradii saacadihii hore ee saaka ka dhacay Gobolka Shabeellada Hoose, waxaana la sheegay in lagu dilay 24 askari, iyo 14 Shabaab ah.
from VOA https://ift.tt/38HaBbt
via IFTTT
Idaacadda Fiidnimo
Idaacadda Fiidnimo ee Evening Edition waxaad ku maqashaan wararkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka, barnaamijyo iyo wareysiyo ka turjumaya dhacdooyinka waqtigaasi ka dhacaya daafaha Dunida.
from VOA https://ift.tt/2vMDHYa
via IFTTT
Maxaa looga hortagi la'yahay weerarada Al-Shabaab ee saldhigyada?
Waxaa sii kordhaya weerarada maleeshiyada kooxda Al-Shabaab ay ku qaadaan saldhigyada militari ee ciidamada dowladda Soomaaliya, ayada oo maanta kaliya ay weerareen laba saldhig.
from VOA https://ift.tt/2HztzEW
via IFTTT
Idaacadda Galabnimo
Idaacadda Galabnimo waxaad ku maqashaan wararka ugu danbeeya ee caalamka, barnaamijyo, ciyaaro, wareysiyo iyo waliba heeso.
from VOA https://ift.tt/3bVS6Cb
via IFTTT
Dhaqanka iyo Hiddaha, Qeybta 509-aad
Ku soo dhawaada Barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha, qeybtiisa 509-aad. Waxaa soo jeedinaya Axmed Faarax Cali (Idaajaa).
from VOA https://ift.tt/37HZMVc
via IFTTT
Xiisad ka dhex oogan Turkey iyo Russia
Turkey iyo Russia ayaa is dhaafsaday hadallo kul kulul maanta oo Arbaca ah ka dib markii Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan uu ku hanjabay in uu weerar ku qaadi doonno Syria, si loo dhameeyo waxa ay Ankara ugu yeertay howlgallada arxandarrada ah ee ciidamada Syria ay ka wadaan gobolka Idlib. Tani ayaa imanaysa iyadoo hay'adaha gargaarka ee Syria ay soo saareen baaq degdeg ah oo ku aaddan in xabadda la joojiyo iyo in caawimaad caalami ah loo fidiyo dad ku dhow hal milyan oo qof oo ka cararaya dhibaatada ciidamada maamulka Asad ay ka wadaan gobolka ku yaalla waqooyi-bari dalkaasi ee Idlib. Dowladda Turkey oo taageerta kooxaha fallaagada ee ku sugan Idlib, ayaa in muddo ahba kala hadleysay Russia in xabbada la joojiyo, iyadoo dooneysa in ay ka hortagto mowjado kale oo qaxooti ah oo dalkeeda soo gala kuwaasi oo sii kordhin kara 3.7 milyan oo qaxooti Syria u dhashay oo haatan ku nool dalkeeda. Laakin Erdogan ayaa sheegay in wadahadalladii u danbeeyey ee dhexmaray Ankara iyo Moscow aan lagu guuleysan in natiijo wax ku ool ah laga gaaro, waxaana uu ka digay in Turkey uu qaadi doono howlgal uu ka fuliyo gudaha Syria waa haddii buu yiri aysan ciidamada Damascus isaga bixin gobolkaasi dhamaadka bishan. Hase ahaatee, aqalka Kremlin ee looga taliyo Russia ayaa si degdeg ah uga jawaabay hanjabaadda ka soo baxday Erdogan, waxaana ay ka digeen in weerar lagu qaado ciidamada Syria ay tahay "xaallada ugu xun." AFP
from VOA https://ift.tt/325UIsy
via IFTTT
Bas u socday Nairobi oo lagu weeraray Mandera
Wararka ka imanaya Gobolka Mandera ayaa sheegaya in weerar lala beegsaday baabuur bas ah uu maanta ka dhacay degaankaas.
from VOA https://ift.tt/37FpxFt
via IFTTT
Idaacadda Duhurnimo
Idaacadda Duhurnimo waxaad qeybta hore ku maqli kartaa wararka ugu waaweyn ee Soomaaliya iyo Caalamka. Qeybta danbe ee idaacaddu waxay idiin soo gudbinaysaa barnaamijyo ku saabsan dhalinyarada maanta.
from VOA https://ift.tt/2uPmRYN
via IFTTT
Al-Shabaab oo weeraray laba saldhig oo militari
Maleeshiyada kooxda Al-Shabaab ayaa Maanta weeraray laba saldhig oo militari oo ay ciidamada Soomaaliya ku leeyihiin gobolka Shabeellada Hoose, sida ay sheegeen saraakiil militari.
from VOA https://ift.tt/39NXDc4
via IFTTT
Minnesota: Hooyo Soomaali ah oo laga qaaday 6 caruur
Hay'adda daryeelka caruurta ee magaalada East Grand Folks ee gobolka Minnesota ayaa bishii hore ee January hooyo Soomaaliyeed ka wareejisay 6 caruur ah oo ay dhashay.
from VOA https://ift.tt/38ImBt3
via IFTTT
Tuesday, February 18, 2020
Idaacadda Subaxnimo
Idaacadda Subaxnimo ee Saaka iyo Caalamka waxaad ku maqashaa wararkii habeenimadii xalay ka dhacay Soomaaliya iyo waliba caalamka, barnaamijyo, wareysi xiiso leh, ciyaaraha, dhanbaallada dhagaystayaasha iyo waliba wargeysyada caalamku waxay saaka ku waabariisteen.
from VOA https://ift.tt/3bRX6Y6
via IFTTT
Idaacadda Habeennimo
Idaacadda habeenimo ee Evening Edition waxaad ku maqashaan wararkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka, barnaamijyo iyo wareysiyo ka turjumaya dhacdooyinka ka dhacaya daafaha Dunida.
from VOA https://ift.tt/2vOABCT
via IFTTT
Idaacadda Fiidnimo
Idaacadda Fiidnimo ee Evening Edition waxaad ku maqashaan wararkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka, barnaamijyo iyo wareysiyo ka turjumaya dhacdooyinka waqtigaasi ka dhacaya daafaha Dunida.
from VOA https://ift.tt/38zwtoZ
via IFTTT
Mareykanka oo cambaareeyey dilkii weriye Cabdiweli
Safaarada Mareykanka ee Muqdisho ayaa cambaareysey dilkii bishan 16-keedii loogu geystey wariye Cabdiweli Cali Xasan magaalada Afgooye ee gobolka Shabellaha Hoose.
from VOA https://ift.tt/38GWnXV
via IFTTT
Pompeo oo la kulmay Abiy, ballan-qaaday taagero
Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Mike Pompeo ayaa maanta magaalada Addis-Ababa kula kulmay ra'iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed iyo saraakiil kale.
from VOA https://ift.tt/2uVKHSy
via IFTTT
Idaacadda Galabnimo
Idaacadda Galabnimo waxaad ku maqashaan wararka ugu danbeeya ee caalamka, barnaamijyo, ciyaaro, wareysiyo iyo waliba heeso.
from VOA https://ift.tt/2HyM38n
via IFTTT
Weriye iyo xubno kale oo Shabaab ah oo la xukumay
Maxkamadda ciidamada ee magaalada Muqdisho ayaa min 10 sano oo xabsi ah ku xuukuntay laba nin oo lagu helay inay ka tirsan yihiin ururka Al-Shabaab. Cabdulqaadir Suufi Muunye iyo Saciid Cumar Cabdullaahi ayaa lagu soo eedeeyey inay kooxda Al-Shabaab u qaabilsanaayeen tuullada Mareerey oo hoos timaada degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose. Maxkamadda ayaa sidoo kale xukun ku ridday Xasan Luqmaan, oo lagu eedeeyey inuu la shaqeynayey warbaahinta Al-Shabaab, lagana qabtay Muqdisho, ayaa sidoo kale lagu xukumay 8 sano oo xabsi ah. Warbixintan waxaa Muqdisho nooga soo diray Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle
from VOA https://ift.tt/2STyhTh
via IFTTT
Arday Soomaali ah oo weli ku xayiran Wuhan
Weli waxaa sii kordhaya tirada dadka u dhimanaya xanuunka Corona Virus oo faro-ba'an ku haya dalka Shiinaha, gaar ahaan magaalada Wuhan. Ilaa haatan waxaa Shiinuhu ay sheegeen inay ku dhinteen ku dhowaad 1900 qof sida ay sheegeen hay'adaha warbaahinta, waxaana weli magaalada ku xayiran arday Soomaali ah. Haaruun Macruuf ayaa khadka telefoonka ee Wuhan kula xiriiray saddex arday oo kala ah Dr. Yaasiin Gaardo, Amiin Daahir iyo Cabdulqaadir Maxamed Cabdi. Waxaa kale oo walaaca ardayda ka jawaabi doona safiirka Soomaaliya ee Shiinaha Cawaale Kulane, oo isna la hadlay VOA. Hadalkana waxaa ku horraynaya Dr Yaasiin Gaardo oo ka hadlaya xaaladda magaalada Wuhan. Hoos ka dhageyso wareysiyadooda
from VOA https://ift.tt/323PYUa
via IFTTT
Gabar kufsi iyo dil loogu gaystay gobolka Awdal
Deegaan miyi ah oo ka tirsan degmada Lughaya oo ay ku nool yihiin dadka xoolo dhaqatada ah ayaa loogu gaystay kufsi iyo dil gabadh 18 sano jir ah, 16-kii bishan, sida ay sheegeen ciidamada booliiska. Booliisku waxay sheegeen in dilka iyo kufsiga loo gaystay marxuumad Shukri Yuusuf. Taliyaha ciidanka Booliska Gobolka gaashaanle sare Cabdiraxmaan Nuur Colhaye ayaa u sheegay idaacada VOA in falkaasi kufsiga iyo dilka ah uu ka dhacay deegaanka Tuurka oo ka tirsan Lughaya ee Gobolka Awdal. Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay inay gacanta ku hayaan eedeysane lagu tuhmayo inuu falkaas gaystay. Haashim Sheekh Cumar Good ayaa warbixintan kasoo diray Boorama.
from VOA https://ift.tt/2vERdgt
via IFTTT
Goormuu dhaqan gelayaa heshiiska Mareykanka iyo Taliban?
Heshiiska u dhaxeeya Taliban iyo ciidamada Mareykanka ee lagu yareynayo rabshadaha dalka Afghanistan, ayaa dhaqan-geli doona shanta maalmood ee soo soca gudahood, waxaa sidaas maanta sheegay sii-hayaha wasiirka arrimaha gudaha Afghanistan. "Yareynta rabshadaha waxay billaaban doontaa shanta maalmood ee soo socda gudahood, waxaana saldhig u ah wada-xaajoodkii dhex maray Mareykanka iyo Taliban," ayuu Masoud Andarabi u sheegay taliyeyaal boolis goboleedyo kulan isugu yimid magaalada Kabul. Toddobaadkii tegay, sarkaal sare oo Mareykan ah ayaa sheegay in wada-xaajoodyo dalka Qatar lagula yeeshay wakiilo ka socda Taliban ay dhaliyeen in mabda' ahaan la isku raaco in rabshadaha la yareeyo muddo toddobaad ah. Saraakiisha Mareykanka iyo Taliban ayaa dalka Qatar ku wada-hadlayey tan iyo sanadii tagtay, ayaga oo doonaya in la gaaro heshiis ciidamada Mareykanka ay uga bixi karaan dalkaas, laguna soo geba-gebeynayo dagaalkoodii ugu waqtiga dheeraa. Taliban ayaa taas dhaafsaneysa inay damaanad qaado in mintidiinta caalamiga ah aysan wax shirqool ah kasoo maleegi doonin Afghanistan. Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa si weyn u doonaya in ciidamada Mareykanka uu kasoo saaro Afghanistan, oo ay ku sugnaayeen 18 sano, ayaga oo galay kadib weerarkii Al-Qacida ay ku qaaday Mareykanka, 11-kii September 2001. REUTERS
from VOA https://ift.tt/2SCrcY7
via IFTTT
Muuse Biixi oo ka hadlay kulankii Farmaajo iyo arrimo kale
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo maanta la hadlay labada Aqal ee Somaliland ayaa ka warramay kulan uu dhowaan magaalada Addis-Ababa kula qaatay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
from VOA https://ift.tt/2SWlgIq
via IFTTT
Saameynta Coronavirus ee ganacsatada Soomaalida
Dalka Shiinaha waxaa weli dhibaato xooggan ku haya xanuunka Coronaviris, oo sidoo kale saameeyey meelo kale oo dunida ka mid ah. Tirada guud ee dadka cudurkan ugu dhintay dalka Shiinaha ayaa waxa hadda mareysaa 1,868 qof, halka ay la il-daran yihiin in ka badan 72 kun oo qof. Ganacsatada Soomaalida ee dalka Kenya ayaa dhankoodana ka walaacsan saameyn xooggan oo uu ku yeeshay xanuunka Coronavirus, kaasi oo hakad galiyey ganacsigii ay la lahaayeen dalka Shiinaha. Warbixintan waxaa magaalada Nairobi ka soo diray wariyaha VOA ee Khadar Maxamuud Xareed.
from VOA https://ift.tt/323CnMN
via IFTTT
Kenya: 5 sano kadib, howl-galkii Boni oo weli aan guuleysan
Kenya ayaa sanaddii 2015 billowday howl-gal argagixisada Al-Shabaab looga sifeynayo Kaymaha Boni ee Waqooyi Bari ee ku teedsan xuduudda Soomaaliya.
from VOA https://ift.tt/3bOUM4o
via IFTTT
Idaacadda Duhurnimo
Idaacadda Duhurnimo waxaad qeybta hore ku maqli kartaa wararka ugu waaweyn ee Soomaaliya iyo Caalamka. Qeybta danbe ee idaacaddu waxay idiin soo gudbinaysaa barnaamijyo ku saabsan dhalinyarada maanta.
from VOA https://ift.tt/37Bme2d
via IFTTT
Monday, February 17, 2020
Idaacadda Subaxnimo
Idaacadda Subaxnimo ee Saaka iyo Caalamka waxaad ku maqashaa wararkii habeenimadii xalay ka dhacay Soomaaliya iyo waliba caalamka, barnaamijyo, wareysi xiiso leh, ciyaaraha, dhanbaallada dhagaystayaasha iyo waliba wargeysyada caalamku waxay saaka ku waabariisteen.
from VOA https://ift.tt/37BIdGn
via IFTTT
Idaacadda Habeennimo
Idaacadda habeenimo ee Evening Edition waxaad ku maqashaan wararkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka, barnaamijyo iyo wareysiyo ka turjumaya dhacdooyinka ka dhacaya daafaha Dunida.
from VOA https://ift.tt/2V11YVc
via IFTTT
Idaacadda Fiidnimo
Idaacadda Fiidnimo ee Evening Edition waxaad ku maqashaan wararkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka, barnaamijyo iyo wareysiyo ka turjumaya dhacdooyinka waqtigaasi ka dhacaya daafaha Dunida.
from VOA https://ift.tt/2HwXw8y
via IFTTT
Wada-hadalladii Masar iyo Itoobiya ee Nile oo fashilmay
Saraakiisha Itoobiya ayaa sheegay in wada-xaajoodyo toddobaadkii tegay ka dhacay magaalada Washington ay ku guul-darreysteen inay xaliyaan muranka muddada fog kala dhaxeeya Masar ee salka ku haya biyo-xireenka Nile.
from VOA https://ift.tt/2SCgNf7
via IFTTT
Wariye lagu Dilay Afgooye
Wararka ka imaanaya magaalada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in maanta rag hubeysan ay halkaasi ku toogteen wariye Cabdiwali Cali Online oo Afgooye uga soo warami jiray telefeshinka Universal.
from VOA https://ift.tt/2P15Wch
via IFTTT
Idaacadda Galabnimo
Idaacadda Galabnimo waxaad ku maqashaan wararka ugu danbeeya ee caalamka, barnaamijyo, ciyaaro, wareysiyo iyo waliba heeso.
from VOA https://ift.tt/2Sypmra
via IFTTT
Saraakiishii SNM: "Farmaajo ma iman karo Hargeysa"
Qaar ka mid ah Saraakiishii ururkii SNM iyo siyaasiyiinta Somaliland ayaa maanta ka hadlay safar la sheegay inay suurt-gal tahay inuu Hargeysa ku tago Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
from VOA https://ift.tt/2u9pcNK
via IFTTT
Ileyska VOA: Takoorka dadka qaba xanuunka Juudaanka
Barnaamijka Ileyska VOA waxa uu toddobaadkan ku saabsan yahay takoorka dadka qaba xanuunka juudaanka kala kumaan bulshada. Waxaa soo jeedinaya Maxamed Colaad Xasan.
from VOA https://ift.tt/39yPjwC
via IFTTT
Weriye Cabdi Weli Online oo lagu aasay Muqdisho
Allaha u naxariistee weriye Cabdiweli Cali Xasan "Cabdiweli Online" oo shalay ay dabley hubaysan ku dileen magaalada Afgooye ayaa maanta lagu aas-aasay duleedka Muqdisho.
from VOA https://ift.tt/2woJraZ
via IFTTT
Diyaaradaha Israel oo loo fasaxay hawada Sudan
Diyaarad ay leedahay Israel ayaa markii u horreysay ku duushay hawada dalka Sudan taasi oo uu Ra'iisulwasaaraha Israel Benajmin Netanyahu ku sheegay tusaale kale oo ku aadan hagaajinta xiriirka dalalkii ay hore isku hayeen.
from VOA https://ift.tt/3201e3U
via IFTTT
Caqabadaha diidan in la qabto doorashooyinka Somaliland
Xukuumadda iyo xisbiyada mucaaradka ah ee Somaliland ayaan ilaa hada iksu af garan xilliga la qabanayo doorashooyinka goleyaasha wakiilada iyo dawladaha hoose, in kasta oo ay golaha guurtidu mudo kordhin u sameeyeen. Waxaa weli xayiran xaaladda guddiga doorashooyinka, kadib markii la kala diray guddigii hoe ee waqtigoodu dhammaaday, islamarkaana guddiga cusub uu waayey kalsoonida xisbiyada mucaaradka. Khilaafka ka taagan guddiga doorashooyinka ayaa noqday caqabad sharci oo ku gudban qabsoomida doorashooyinka iyo dhaqaajinta hawlaha qabyada ah. Waxaa warbixintan ku eegeysa Sahra Ciidle Nuur.
from VOA https://ift.tt/2vIIrOI
via IFTTT
Idaacadda Duhurnimo
Idaacadda Duhurnimo waxaad qeybta hore ku maqli kartaa wararka ugu waaweyn ee Soomaaliya iyo Caalamka. Qeybta danbe ee idaacaddu waxay idiin soo gudbinaysaa barnaamijyo ku saabsan dhalinyarada maanta.
from VOA https://ift.tt/2vDZscD
via IFTTT
Trump 'oo u hanjabay' dalalka la macaamila Huawei
Safiirka Mareykanka ee Germany ayaa Axaddii sheegay in madaxweyne Donald Trump uu ku hanjabay inuu joojin doono sirdoonka uu la wadaago dalalka la macaamila shirkadda Shiineeska ee Huawei.
from VOA https://ift.tt/3bDVz8d
via IFTTT
Sunday, February 16, 2020
Idaacadda Subaxnimo
Idaacadda Subaxnimo ee Saaka iyo Caalamka waxaad ku maqashaa wararkii habeenimadii xalay ka dhacay Soomaaliya iyo waliba caalamka, barnaamijyo, wareysi xiiso leh, ciyaaraha, dhanbaallada dhagaystayaasha iyo waliba wargeysyada caalamku waxay saaka ku waabariisteen.
from VOA https://ift.tt/3bSIXu2
via IFTTT
Idaacadda Fiidnimo
Idaacadda Fiidnimo ee Evening Edition waxaad ku maqashaan wararkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka, barnaamijyo iyo wareysiyo ka turjumaya dhacdooyinka waqtigaasi ka dhacaya daafaha Dunida.
from VOA https://ift.tt/31Yf1Il
via IFTTT
Xukun Xabsi ah oo lagu Riday Mas'uul ka Tirsanaa Maamulka G. Banaadir
Maxkamadda milatariga ee Soomaaliya ayaa xabsi saddex sano ah ku xukuntay mas'uul ka tirsanaa maamulka gobolka Banaadir kadib markii lagu helay inuu hore uga tirsanaan jiray ururka Al-Shabaa
from VOA https://ift.tt/2UV1OhT
via IFTTT
Senator Ilyaas: Ma ahan in Farmaajo ku Dul-gabbado Abiy Axmed
Senetar Ilyaas Cali Xasan oo ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya isla markaana ah Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Xisbiga Himilo Qaran ayaa aragtidiisa ka dhiibtay, warka sheegaya in laga yaabo in Ra'isulwasaaraha Itoobiya iyo Madaxweynaha Soomaaliya ay tagaan magaalada Hargeysa.
from VOA https://ift.tt/2Sv9eXu
via IFTTT
Barnaamijka Wicitaanka Dhageystaha
Barnaamijka Wicitaanka Dhageystaha ee toddobaadkan waxa uu ku saabsan yahay Sharciga Batroolka iyo Macdanta ee uu dhowaan saxiixay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, horena ay u soo meel mariyeen labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya. Barnaamijka ayaa waxaa ka qeybgalaya oo su'aalaha dhagaystayaasha qaar ee VOA ka jawaabaya Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee dowladda Soomaaliya Maxamuud Cabdulqaadir Hilaal. Sahra Cabdi Axmed ayaa barnaamijka noo diyaarisay soona jeedineysa.
from VOA https://ift.tt/2vBQs80
via IFTTT
Faysal Cali Waraabe: Deel-qaaf ayay nagu tahay imaanshiyaha Farmajo
Guddoomiyaha xisbiga mucaaradksa Somaliland ee UCID Fyasal Cali Waraabe, ayaa sheegay in aysan aqbaleyn in madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmajo uu tago magaalada Hargeysa.
from VOA https://ift.tt/2SNaGUa
via IFTTT
Maxaa ka jira in Abey Axmed iyo Farmaajo ay tagayaan Hargeysa?
Guddoomiyaha Golaha Guurtida ee Somaliland, Suleymana Maxamuud Aadan ayaa maanta u sheegay xubnaha aqalka odayaasha in Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu doonayo inuu booqasho ku yimaado magaalada Hargaysa isaga oo ay wada socdaan Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahai Farmaajo.
from VOA https://ift.tt/2SvNf2x
via IFTTT
Idaacadda Galabnimo - 1600
Idaacadda Galabnimo waxaad ku maqashaan wararka ugu danbeeya ee caalamka, barnaamijyo, ciyaaro, wareysiyo iyo waliba heeso.
from VOA https://ift.tt/2uPxf2y
via IFTTT
Qatar iyo Sacuudiga oo Hakiyay Wadaxaajood u Socday
Wasiirka Arrimaha Debedda ee Qatar ayaa sheegay in wadahaddaladii u dhexeeyey Doha iyo Riyadh si loo dhameeyo khilaafka dublumaasiyadeed ee ka dhex aloosan uu haatan hakad galay, iyadoo dublumaasiyiinta iyo khubarada siyaasadda ka faallooda ay sheegayaan in wadahadalladaasi la isku mari waayay.
from VOA https://ift.tt/2SMLZHj
via IFTTT
Idaacadda Duhurnimo
Idaacadda Duhurnimo waxaad qeybta hore ku maqli kartaa wararka ugu waaweyn ee Soomaaliya iyo Caalamka. Qeybta danbe ee idaacaddu waxay idiin soo gudbinaysaa barnaamijyo ku saabsan dhalinyarada maanta.
from VOA https://ift.tt/2u2fGfb
via IFTTT
Saturday, February 15, 2020
Idaacadda Subaxnimo
Idaacadda Subaxnimo ee Saaka iyo Caalamka waxaad ku maqashaa wararkii habeenimadii xalay ka dhacay Soomaaliya iyo waliba caalamka, barnaamijyo, wareysi xiiso leh, ciyaaraha, dhanbaallada dhagaystayaasha iyo waliba wargeysyada caalamku waxay saaka ku waabariisteen.
from VOA https://ift.tt/38wUe0Z
via IFTTT
Xogta Jehan Serwan Mostafa oo laga Raadinayo Soomaaliya
Magaalada Diinsoor ee gobolka Baay ayaa waxaa saaka duyuurad aan la aqqoon dalka laga leeyahay ay ku daadisay waraaqo lagu qoray magaca Jehan Serwan Mostafa oo uu Mareykanku aad u doon doonayo.
from VOA https://ift.tt/2UWtHWO
via IFTTT
Barnaamijka Caweyska Washington
Barnaamijka Caweyska Washington ee toddobaadkan waxaad ku dhageysan doontaan sheekooyin xiiso leh iyo kaalmihii heesaha. Barnaamijka waxaa soo diyaariyey, soona jeedinaya Cabdixakiim Maxamuud Shirwac.
from VOA https://ift.tt/37uLV4r
via IFTTT
Barnaamijka Martida Mikrofoonka
Ku soo dhowaada Barnaamijka Martida Mikrofoonka oo uu todobaadkan marti ku yahay Cabdisalaam Yuusuf Guuleed oo soo noqday Taliye ku xigeenka Hay'adda Sirdoonka Soomaaliya ee NISA. Barnaamijka oo aan ku eegi doonno dib u bilaabidda taageerada dhaqaale ee sida tooska ah uu Mareykanku u siiyo ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa waxaa inoo diyaariyey halkanna ka soo jeedinaya Ridwaan Xaaji Cabdiweli.
from VOA https://ift.tt/2UU1GPz
via IFTTT
Idaacadda Fiidnimo
Idaacadda Fiidnimo ee Evening Edition waxaad ku maqashaan wararkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka, barnaamijyo iyo wareysiyo ka turjumaya dhacdooyinka waqtigaasi ka dhacaya daafaha Dunida.
from VOA https://ift.tt/38x6qP5
via IFTTT
Idaacadda Galabnimo
Idaacadda Galabnimo waxaad ku maqashaan wararka ugu danbeeya ee caalamka, barnaamijyo, ciyaaro, wareysiyo iyo waliba heeso.
from VOA https://ift.tt/2Ss89Qj
via IFTTT
Kalluumeysato ku Dhintay Dabeylo ku Dhuftay Xeebaha Muqdisho
Ugu yaraan lix ka mid ah kaluumeysatada doomaha yar yar ku jillaabta ayaa ku dhintay, kuwo kale waa lagu la'ayahay xeebaha magaalada Muqdisho, ka dib markii dabeylo ay kaluumeysatadu ku sheegeen kuwo aan waqtigan looga baran, ay xeebaha ku dhufteen.
from VOA https://ift.tt/2SZE7Td
via IFTTT
Barnaamijka Hambalyada iyo Heesaha
Ku soo dhowaada Barnaamijka Hambalyada iyo Heesaha ee toddobaadkan, waxaana soo jeedinaya Caasha Ibraahim Aadan (Cuud) iyo Ibraahim Xassan Daandurey.
from VOA https://ift.tt/2OYe3Xb
via IFTTT
Barnaamijka Dhacdooyinka Todobaadka
Barnaamijka Dhacdooyinka Todobaadka, waxaa soo jeedinaya Jamal Axmed Cismaan.
from VOA https://ift.tt/2OWozhQ
via IFTTT
Mareykanka iyo Taliban oo Gaaray Heshiis Xabbad-joojin ah
Mareykanka ayaa heshiis xabbad-joojin hal toddobaad ah la gaaray ururka Taliban, taasi oo waddada u xaareysa in ciidanka Mareykanka ay ka baxaan dalka Afghanistan.
from VOA https://ift.tt/2OU8FEq
via IFTTT
Idaacadda Duhurnimo
Idaacadda Duhurnimo waxaad qeybta hore ku maqli kartaa wararka ugu waaweyn ee Soomaaliya iyo Caalamka. Qeybta danbe ee idaacaddu waxay idiin soo gudbinaysaa barnaamijyo ku saabsan dhalinyarada maanta.
from VOA https://ift.tt/39xvhSY
via IFTTT
Dadka uu Dilay Coronovirus oo Gaaray 1,500 Qof
Maamulka magaalada Beijing ayaa Jimcadii meel mariyey amar ku qasbaya dhamaan dadka imanaya caasimadda in mudo 14 cisho ah ay iskarantiilaan, iyagoo ku hanjabay in qofkii aan sharcigan u hogaansamin ay ciqaab marin doonaan.
from VOA https://ift.tt/37urd4s
via IFTTT
Friday, February 14, 2020
Idaacadda Subaxnimo
Idaacadda Subaxnimo ee Saaka iyo Caalamka waxaad ku maqashaa wararkii habeenimadii xalay ka dhacay Soomaaliya iyo waliba caalamka, barnaamijyo, wareysi xiiso leh, ciyaaraha, dhanbaallada dhagaystayaasha iyo waliba wargeysyada caalamku waxay saaka ku waabariisteen.
from VOA https://ift.tt/3bGUVGL
via IFTTT
Idaacadda Fiidnimo
Idaacadda Fiidnimo ee Evening Edition waxaad ku maqashaan wararkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka, barnaamijyo iyo wareysiyo ka turjumaya dhacdooyinka waqtigaasi ka dhacaya daafaha Dunida.
from VOA https://ift.tt/2uCd0W7
via IFTTT
Idaacadda Galabnimo
Idaacadda Galabnimo waxaad ku maqashaan wararka ugu danbeeya ee caalamka, barnaamijyo, ciyaaro, wareysiyo iyo waliba heeso.
from VOA https://ift.tt/2HoxHr7
via IFTTT
Boosaaso: Weerar lagu dhaawacay taliye boolis
Kooxo hubeysan ayaa maanta waxay rasaas ku fureen Taliyaha Saldhiga Booliska Nuur Salaad ee magaalada Boosaso Col. Cumar Warsame Ciise xilli uu ka soo baxay masaajidka Faadumo ee magaaladda Boosaaso xiligii salaada Jimcaha.
from VOA https://ift.tt/2Hl8VIs
via IFTTT
Faaqidaadda: Xiisadda federaalka iyo Jubaland
Barnaamijka Faaqidaadda Toddobaadka waxa uu ku saabsan yahay xiisadda ka dhex oogan dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo maamul goboleedka Jubaland, taasi oo kasii dartay dhowaan markii dowladda ay ciidamo geysay gobolka Gedo oo ka tirsan maamulka Jubaland. Waxaa barnaamijka soo jeedinaya Maxamed Cabdi Xasan.
from VOA https://ift.tt/2uOtnPl
via IFTTT
Tartan caanaha geela ah oo ka billowday Hargeysa
Dhaqashada geela waa mid ka mid ka ah waxyaabaha udub dhexaadka u ah dhaqanka reer miyiga ee Soomaalida iyo suugaanta, waxeyna uga faa'iideystaan iyagoo hilibkiisa cuna, caanihiisa caba, isla markaana u adeegsada gaadiid ahaan. Waayihii u dambeeyay waxaa ku soo kordhayay Soomaalida reer miyiga ah ganacsato magaalooyinka ka yimaada iyo qurba joog geela dhaqda. Shalay waxaa Somaliland ka bilowday markii ugu horeysay tartanka caanaha geela kaasi oo ay iska kaashadeen sida la sheegay dawladda Somaliland iyo Isu-tagga Imaaradka Carabta, iyadoo abaal marino la siin doono dadka uu geeloodu ugu caano badnaado. Wariyaha VOA-da Khadar Maxamed Cakule oo goobtii tartankaasi tagay ayaa warbixintan Hargeysa nooga soo diray.
from VOA https://ift.tt/37tgPKt
via IFTTT
Barr oo ka cabanaya qoraallada Trump ee twitter-ka
Xeer Ilaaliyaha Guud ee Mareykanka William Barr ayaa sheegay in qoraallada uu Twitter-ka ku qoro Madaxweyne Donald Trump ee ku saabsan Wasaaradda Caddaalaadda, shaqaaleheeda iyo kiisaska ay gacanta ku haysaba ay "ka dhigayaan inaan shaqadeyda qabsan waayo."
from VOA https://ift.tt/38tviaH
via IFTTT
Idaacadda Duhurnimo
Idaacadda Duhurnimo waxaad qeybta hore ku maqli kartaa wararka ugu waaweyn ee Soomaaliya iyo Caalamka. Qeybta danbe ee idaacaddu waxay idiin soo gudbinaysaa barnaamijyo ku saabsan dhalinyarada maanta.
from VOA https://ift.tt/2SqFk6R
via IFTTT
Saudi Arabia: Bin Salman lama kulmayo Netanyahu
Wasiirka arrimaha dibedda Saudi Arabia ayaa Khamiistii beeniyey warbixino sheegayey in laga yaabo inay kulmaan dhaxal-sugaha dalkaas Maxamed Bin Salmaan iyo ra'iisul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu.
from VOA https://ift.tt/31ZBiW7
via IFTTT
Thursday, February 13, 2020
Idaacadda Subaxnimo
Idaacadda Subaxnimo ee Saaka iyo Caalamka waxaad ku maqashaa wararkii habeenimadii xalay ka dhacay Soomaaliya iyo waliba caalamka, barnaamijyo, wareysi xiiso leh, ciyaaraha, dhanbaallada dhagaystayaasha iyo waliba wargeysyada caalamku waxay saaka ku waabariisteen.
from VOA https://ift.tt/2uBtBt8
via IFTTT
Soomaaliya waxay u qalantaa dayn cafis - IMF
Hay'adda lacagta adduunka ee IMF iyo Bankiga adduunka ayaa shir ay yeesheen maalmihii Arbacada iyo Khamiista ee toddobaadkan kadib waxay ku dhowaaqeen inay Soomaaliya u qalanto in daymaha lagu leeyahay laga khafiifiyo marka la raaco waddamada faqiirka ah ee daymaha culus lagu leeyahay.
from VOA https://ift.tt/37m9BYN
via IFTTT
Idaacadda Fiidnimo
Idaacadda Fiidnimo ee Evening Edition waxaad ku maqashaan wararkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka, barnaamijyo iyo wareysiyo ka turjumaya dhacdooyinka waqtigaasi ka dhacaya daafaha Dunida.
from VOA https://ift.tt/3bzzasD
via IFTTT
Barnaamijyo gaar ah: Dadka aan badanaa laga hadlin
Maanta waxa ay ku beegan tahay maalinta Raadiyaha ee Adduunka, waxaana idiin soo gudbineynaa warbixino gaar ah, oo aan uga hadleyno xaaladda dadka aan inta badan sheekooyinkooda la werin. Barnaamijyadan oo ka kala imanaya magaalaoyinka Muqdisho, Hargeysa iyo Boosaaso, waxaa ay ka kala hadlayaan haweenka, naafada iyo dadka la hayb-sooco. Barnaamijka dadka la hayb-sooco waxaa Hargeysa kusoo diyaariyey Khadar Maxamed Cakule. Barnaamijka ku saabsan xuquuda dumarka Soomaaliyeed, waxaa Boosaaso kusoo diyaarisay Faadumo Yaasiin Jaamac. Barnaamijka ku saabsan baahiyaha ay qabaan dadka naafada ah, waxaa Muqdisho kusoo diyaariyey Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle. Saddexda warbixin, hoos ka dhageyso
from VOA https://ift.tt/3bBL8C7
via IFTTT
Mareykanka oo xayiraadda ka qaaday Al-Barakaat
Dowladda Maraykanka ayaa xayiraaddii ka qaaday shirkaddii Al-Barakaat ee Soomaaliya oo muddo laga joogo ku dhowaad 20 sano ku jirtay liiska argagixisada.
from VOA https://ift.tt/2OOeNOI
via IFTTT
Idaacadda Galabnimo
Idaacadda Galabnimo waxaad ku maqashaan wararka ugu danbeeya ee caalamka, barnaamijyo, ciyaaro, wareysiyo iyo waliba heeso.
from VOA https://ift.tt/2tUzwcl
via IFTTT
Ethiopia oo ansixisay sharci ka dhan ah hadallada naceybka
Baarlamanka Ethiopia ayaa Khamiista maanta ah ansixiyay sharci dhigayo in ciqaab adag la dul-dhigi doono dadka ku kaca hadallada naceybka iyo maran-habaabinta ku saleysan.
from VOA https://ift.tt/37kR6Up
via IFTTT
Idaacadda Duhurnimo
Idaacadda Duhurnimo waxaad qeybta hore ku maqli kartaa wararka ugu waaweyn ee Soomaaliya iyo Caalamka. Qeybta danbe ee idaacaddu waxay idiin soo gudbinaysaa barnaamijyo ku saabsan dhalinyarada maanta.
from VOA https://ift.tt/37paS1d
via IFTTT
Kiisaska cusub ee Coronavirus oo hoos u dhacay
Tirada kiisaska cusub ee xanuunka Coronavirus ee Shiinaha ayaa hoos usii dhacaysa maalintii labaad oo toos ah, laakiin xeeldheerayaasha caafimaadka ayaan qabin in la joogo xilligii la is- dhigan lahaa.
from VOA https://ift.tt/2vrIy0M
via IFTTT
Amnesty: "Suxufiyiinta Somalia cabsi ayey ku nool yihiin"
Hay'adda Xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International ayaa warbixin ay maanta soo saartay ku sheegtay in suxufiyiinta Soomaaliya "la haysto," wajahayaan qaraxyo, garaac, weeraro iyo xarig.
from VOA https://ift.tt/2uHgqGY
via IFTTT
Maxay Sudan u go'aansatay inay dhiibto Al-Bashiir?
Dowladda ku-meel gaarka ah ee Sudan ayaa aqbashay in madaxweynihii hore ee dalkaas Omar al-Bashir ay u gacan geliso maxkamadda dambiyada ee ICC, kadib markii magaalada caasimadda ah ee Khartoum ay ku kulmeen dowladda iyo mucaaradka gobolka Darfur.
from VOA https://ift.tt/2Sl7SOZ
via IFTTT
Wednesday, February 12, 2020
Idaacadda Subaxnimo
Idaacadda Subaxnimo ee Saaka iyo Caalamka waxaad ku maqashaa wararkii habeenimadii xalay ka dhacay Soomaaliya iyo waliba caalamka, barnaamijyo, wareysi xiiso leh, ciyaaraha, dhanbaallada dhagaystayaasha iyo waliba wargeysyada caalamku waxay saaka ku waabariisteen.
from VOA https://ift.tt/2HhPeBj
via IFTTT
Aragtida shacabka ee kulankii Farmaajo iyo Muuse Biixi
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa shalay ku kulmay magaalada Addis Ababa.
from VOA https://ift.tt/38qKdSU
via IFTTT
Idaacadda Fiidnimo
Idaacadda Fiidnimo ee Evening Edition waxaad ku maqashaan wararkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka, barnaamijyo iyo wareysiyo ka turjumaya dhacdooyinka waqtigaasi ka dhacaya daafaha Dunida.
from VOA https://ift.tt/2SC8heZ
via IFTTT
Idaacadda Galabnimo
Idaacadda Galabnimo waxaad ku maqashaan wararka ugu danbeeya ee caalamka, barnaamijyo, ciyaaro, wareysiyo iyo waliba heeso.
from VOA https://ift.tt/2vq6YrC
via IFTTT
Mareykanka oo dib u billaabay taageerada militariga Somalia
Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in todobaadkan ay dib u billowday taageeraddii milatari ee ay siin jirtay ciidmada dowladda Soomaaliya, si ey u taageerto howlgallada argagixiso la dirirka ee gobolka Shabeellada Hoose.
from VOA https://ift.tt/3buZIuZ
via IFTTT
Is-rasaaseyn maanta ka dhacday Kismaayo
Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubaland ayaa sheegaya in is-rasaaseyn kooban ay maanta halkaasi ku dhex martay ciidamada amniga Jubaland iyo kuwa taabacsan Cabdinaasir Seerar, oo horay u sheegtay in uu yahay madaxweyne.
from VOA https://ift.tt/2SBD7Ex
via IFTTT
Shirka garsoorka dalka oo ka furmay Muqdisho
Shir looga hadlayo garsoorka dalka iyo cadaaladda ayaa maanta ka furmaya magaalada Muqdisho.
from VOA https://ift.tt/2SjhWrK
via IFTTT
Dhaqanka iyo Hiddaha, Qeybta 508-aad
Ku soo dhawaada Barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha, qeybtiisa 508-aad. Waxaa soo jeedinaya Axmed Faarax Cali (Idaajaa).
from VOA https://ift.tt/39rcOrk
via IFTTT
Jeneral Khalifa Haftar oo joojiyey duulimaadyadii QM
Ciidamada daacadda u ah Khalifa Haftar ayaa joojiyay duulimaadyada diyaaradaha sida shaqaalaha QM ee ku socda iyo kuwa ka baxaya dalka Libya, taasi oo dhaawacaysa dadaallada bani'aadanimo iyo kuwa dhexdhexaadineed ee socday, sida uu sheegay xafiiska howlgalka QM ee Libya.
from VOA https://ift.tt/2uEH8ju
via IFTTT
Idaacadda Duhurnimo
Idaacadda Duhurnimo waxaad qeybta hore ku maqli kartaa wararka ugu waaweyn ee Soomaaliya iyo Caalamka. Qeybta danbe ee idaacaddu waxay idiin soo gudbinaysaa barnaamijyo ku saabsan dhalinyarada maanta.
from VOA https://ift.tt/39qvnfh
via IFTTT
Erdogan oo ku hanjabay tallaabo ka dhan ah Syria
Madaxweynaha Turkey Reccep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in militariga dalkiisa ay cirka iyo dhulka uga weerari doonaan meel kasta oo ay ku sugan yihiin ciidamada Syria, haddii askari oo kale Turkish ah ay waxyeeleeyaan.
from VOA https://ift.tt/2UJsHFl
via IFTTT
Sanders oo ku guuleystay doorashadii New Hampshire
Senator-ka gobolka Vermont Bernie Sanders ayaa ku guuleystay doorashadii Talaadadii ka dhacday gobolka New Hampshire ee lagu xulayey musharaxa xisbiga dimoqraadiga ee bisha November madaxtinimada Mareykanka kula loolami doona madaxweyne Donald Trump.
from VOA https://ift.tt/2SnWdiB
via IFTTT
Tuesday, February 11, 2020
Idaacadda Subaxnimo
Idaacadda Subaxnimo ee Saaka iyo Caalamka waxaad ku maqashaa wararkii habeenimadii xalay ka dhacay Soomaaliya iyo waliba caalamka, barnaamijyo, wareysi xiiso leh, ciyaaraha, dhanbaallada dhagaystayaasha iyo waliba wargeysyada caalamku waxay saaka ku waabariisteen.
from VOA https://ift.tt/2tOjqAP
via IFTTT
Idaacadda Habeennimo
Idaacadda habeenimo ee Evening Edition waxaad ku maqashaan wararkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka, barnaamijyo iyo wareysiyo ka turjumaya dhacdooyinka ka dhacaya daafaha Dunida.
from VOA https://ift.tt/38kYyQJ
via IFTTT
Idaacadda Fiidnimo
Idaacadda Fiidnimo ee Evening Edition waxaad ku maqashaan wararkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka, barnaamijyo iyo wareysiyo ka turjumaya dhacdooyinka waqtigaasi ka dhacaya daafaha Dunida.
from VOA https://ift.tt/2OIfs3R
via IFTTT
Farmaajo iyo Muuse Biixi oo ku kulmay Addis Ababa
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa galabta ku kulmay magaalada Addis Ababa.
from VOA https://ift.tt/2Shouaj
via IFTTT
Al-Bashir oo loo gacan gelinayo maxkamadda ICC
Dowladda ku-meel gaarka ah ee Sudan ayaa aqbashay in madaxweynihii hore ee dalkaas Omar al-Bashir ay u gacan geliso maxkamadda dambiyada ee ICC.
from VOA https://ift.tt/3bopgKl
via IFTTT
Idaacadda Galabnimo
Idaacadda Galabnimo waxaad ku maqashaan wararka ugu danbeeya ee caalamka, barnaamijyo, ciyaaro, wareysiyo iyo waliba heeso.
from VOA https://ift.tt/3bxVZNs
via IFTTT
Taliye Xijaar: Amniga dalka meel xun ayuu marayaa
Taliyaha ciidamada booliiska Soomaaliya Jeneral Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa sheegay in amniga dalka uu marayo meel xun.
from VOA https://ift.tt/37ggivs
via IFTTT
Galka Baarista: Dhibaatada daroogada ay ku hayso Soomaaliya
Barnaamijka Galka Baarista waxa uu maanta ku saabsan yahay dhibaatada isticmaalka daroogada, oo ay ku jiraan dawooyinka la iska badiyo, ay ku hayaan Soomaaliya. Waxaa soo diyaariyey soona jeedinaya Haaruun Macruuf.
from VOA https://ift.tt/38kalid
via IFTTT
Raggii dilay Caa'isha Ilyaas oo xukun dil lagu fuliyey
Maamul goboleedka Puntland ayaa maanta xukun dil ah ku fuliyey laba nin oo ka mid ahaa saddex nin oo lagu helay inay afduubeen, kufsadeen, islamarkaana dileen gabadh 12 jir ah.
from VOA https://ift.tt/2UKgGzw
via IFTTT
Idaacadda Duhurnimo
Idaacadda Duhurnimo waxaad qeybta hore ku maqli kartaa wararka ugu waaweyn ee Soomaaliya iyo Caalamka. Qeybta danbe ee idaacaddu waxay idiin soo gudbinaysaa barnaamijyo ku saabsan dhalinyarada maanta.
from VOA https://ift.tt/2HcIyEr
via IFTTT
Tirada dadka u dhintay Coronavirus oo dhaaftay 1000
Tirada dadka ku dhintay cudurka Coronavirus ee dalka Shiinaha ayaa dhaaftay 1000 qof, waxaana sare usii kordhaya walaaca laga qabo heerka uu la eg yahay dhaawaca uu gaarsiiyey dhaqaalaha dalka.
from VOA https://ift.tt/2OIJC7p
via IFTTT
Monday, February 10, 2020
Idaacadda Subaxnimo
Idaacadda Subaxnimo ee Saaka iyo Caalamka waxaad ku maqashaa wararkii habeenimadii xalay ka dhacay Soomaaliya iyo waliba caalamka, barnaamijyo, wareysi xiiso leh, ciyaaraha, dhanbaallada dhagaystayaasha iyo waliba wargeysyada caalamku waxay saaka ku waabariisteen.
from VOA https://ift.tt/39pPOsC
via IFTTT
Idaacadda Habeennimo
Idaacadda habeenimo ee Evening Edition waxaad ku maqashaan wararkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka, barnaamijyo iyo wareysiyo ka turjumaya dhacdooyinka ka dhacaya daafaha Dunida.
from VOA https://ift.tt/2Ha1Kml
via IFTTT
Idaacadda Fiidnimo
Idaacadda Fiidnimo ee Evening Edition waxaad ku maqashaan wararkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka, barnaamijyo iyo wareysiyo ka turjumaya dhacdooyinka waqtigaasi ka dhacaya daafaha Dunida.
from VOA https://ift.tt/2SwvhvW
via IFTTT
Idaacadda Galabnimo
Idaacadda Galabnimo waxaad ku maqashaan wararka ugu danbeeya ee caalamka, barnaamijyo, ciyaaro, wareysiyo iyo waliba heeso.
from VOA https://ift.tt/2SdAn0R
via IFTTT
Askar lagu dilay qarax ka dhacay duleedka Muqdisho
Wararka ka imanaya duleedka Muqdishu ayaa sheegaya in maanta uu qarax ka dhacay waddada dhinaceeda uu qabsaday kolonyo ka tirsan ciidamada dawladda.
from VOA https://ift.tt/2tPOvUY
via IFTTT
Dimoqraadiga oo ku loolama gobolka New Hampshire
Duqii hore ee magaalada South Bend ee gobolka Indiana Pete Buttigieg ayaa ka qeybgali doona codbixinta ugu horreysay ee toos ah ee talaadada berri ah ka dhacaysa gobolka New Hampshire, isaga oo ah ninka haysta ergooyinka ugu badan. Xisbiga Dimuqraadiga ee gobolka Iowa ayaa shaaciyey natiijada codbixintii ergooyinka gobolkaasi ee la qabtay Isniintii hore taasi oo ay hareysay jahawareer ka dib markii cilad farsamo ay soo wajahday. Buttigieg ayaa lagu dhawaaqay inuu helay 14 ka mid ah 41 ergo ee gobolkaasi Iowa, waxaana ku xigay Senator-ka gobolka Vermont Bernie Sanders oo helay 12 ergo, 8 ergo ayaa waxaa qaatay Senatoradda gobolka Massachusetts Elizabeth Warren halka Madaxweyne kuxigeenkii hore Joe Biden uu helay 6 ergo, ayada oo Senatorada Minnesota Amy Klobuchar ay heshay hal ergay. Ma jirin musharrax kale oo gobolka Iowa ka helay wax ergo ah. Musharraxa soo baxaya ayaa u baahan inuu helo 1,990 ergo si ay ugu guuleysto magacaabista musharaxa madaxweynaha ee shirweynaha xisbiga dimoqraadiga ee bisha Luulyo ee ka dhici doona magaalada Milwaukee ee gobolka Wisconsin. In kasta oo ay goor hore tahay islamarkaana 14 ergo aysan u muuqan mid macna weyn leh haatan sameyneysa, hadana ergay kasta oo uu musharaxu helo ayaa ah mid muhiim ah, gaar ahaan tartankan adag ee u muuqda iney hogaaminayaan Buttigieg iyo Sanders iyo Warren oo aan iyaga aad uga fogayn. Saadaal laga sameeyey gobolka New Hampshire ee ay codbixintiisu dhacayso maalinta berri ah ayaa muujineysa in Senator Sanders uu hogaaminayo, halka Buttigieg uu yahay qofka labaad. Madaxweyne ku xigeenkii hore Joe Biden iyo Warren ayaa ku kala jira kaalmaha saddexaad iyo afaraad halka Klobuchar ay tahay qofka shanaad.
from VOA https://ift.tt/2vgUpyP
via IFTTT
Mas'uuliyiinta Mandera oo dalbaday inuu ka baxo Janan
Siyaasiyiinta iyo mas'uuliyiinta kale ee Gobolka Mandera ayaa ugu baaqay dawladda Kenya inay hubka ka dhigto ama waddanka ka saarto Wasiirka Amniga ee Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan oo maalmahan ku sugnaa degaanka Mandera.
from VOA https://ift.tt/31H8Sjr
via IFTTT
Cabdirashiid Janan: Kuma sugni Mandera
Wasiirka amniga Jubaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan ayaa sheegay inuusan ku sugneyn magaalada Mandera balse uu joogo magaalada Beled Xaawo ee gobolka Gedo.
from VOA https://ift.tt/2SABzub
via IFTTT
Idaacadda Duhurnimo
Idaacadda Duhurnimo waxaad qeybta hore ku maqli kartaa wararka ugu waaweyn ee Soomaaliya iyo Caalamka. Qeybta danbe ee idaacaddu waxay idiin soo gudbinaysaa barnaamijyo ku saabsan dhalinyarada maanta.
from VOA https://ift.tt/39re8u7
via IFTTT
Masar oo dhex-dhexaadineysa Xamas iyo Israel
Wafdi ka socda dowladda Masar oo isku dayaya iney qaboojiyaan colaadda ka taagan marinka Gaza ayaa maanta oo Isniin ah halkaasi gaaray sida uu wakaaladda wararka AFP ay u xaqiijiyeen ilo-wareed ka tirsan Waaxda Amaanka ee ururka Xamas.
from VOA https://ift.tt/37cGFlN
via IFTTT
Dadka Shiinaha oo ku laabtay shaqooyinka kadib fasaxii Coronavirus
Malaayiin qof oo ku sugan dalka China ayaa maanta shaqada ku laabtay kadib markii ay qaateen fasax dheer, oo looga gol lahaa in hoos loogu dhigo fiidtaanka xanuunka coronavirus, ayada oo tirada dadka u dhintay ay kor u dhaaftay 900 oo qof.
from VOA https://ift.tt/2OHMUYB
via IFTTT
Sunday, February 9, 2020
Idaacadda Subaxnimo
Idaacadda Subaxnimo ee Saaka iyo Caalamka waxaad ku maqashaa wararkii habeenimadii xalay ka dhacay Soomaaliya iyo waliba caalamka, barnaamijyo, wareysi xiiso leh, ciyaaraha, dhanbaallada dhagaystayaasha iyo waliba wargeysyada caalamku waxay saaka ku waabariisteen.
from VOA https://ift.tt/2tFlawa
via IFTTT
Maxamuud Sayid Aadan oo ka Hadlay Xaaladda Baladxaawo
Degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo ayaa lagu soo waramayaa in maalintii shalay uu askari ku dhintay halka laba kalana ay ku dhaawacmeen ka dib markii uu isku dhac dhex maray ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland
from VOA https://ift.tt/39oWk35
via IFTTT
Al-Shabaab oo Weerar ka Fulisay gobolka Lamu
Taliyaha ciidamada booliska ee Lamu Irungu Macharia ayaa u xaqiijiyay weerarkan warbaahinta The citizen ee dalka Kenya isaga oo sheegay in ciidamada booliska iyo kooxaha hubeysan ay is rasaaseeyeen ka hor inta aaney maleyshiyaadka Al-Shabaab u cararin dhanka keymaha.
from VOA https://ift.tt/39ms0Gi
via IFTTT
Idaacadda Fiidnimo
Idaacadda Fiidnimo ee Evening Edition waxaad ku maqashaan wararkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka, barnaamijyo iyo wareysiyo ka turjumaya dhacdooyinka waqtigaasi ka dhacaya daafaha Dunida.
from VOA https://ift.tt/3br0jO7
via IFTTT
Dadka uu Dilay Coronavirus oo Kor u Dhaafaya 800 oo Qof
Afar qof oo la socday markabka dalxiiska ee Royal Caribbean ayaa magaalada Newark ee gobolka New Jersey lagu qiimeynayaa suurtagalnimada ah in ay qabaan xanuunka Coronavirus ee ka dillaacay dalka China.
from VOA https://ift.tt/2H4P1RQ
via IFTTT
Shir Madaxeedka Midowga Africa oo ka Furmay Addis Ababa
Magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia waxaa maanta ka fumary shir madaxeedkii sanadlaha ahaa ee madaxda Middowga Africa. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi la socda ayaa ka qeybgalaya shirkan.
from VOA https://ift.tt/3bokFaO
via IFTTT
Barnaamijka Wicitaanka Dhageystaha
Barnaamijka Wicitaanka Dhageystaha ee toddobaadkan waxa uu ku saabsan yahay kalluumeysiga sharci-darrada ah ee maraakiibta shisheeye ee ka jalaabta badda Soomaaliya. Barnaamijka ayaa waxaa ka qeybgalaya oo su'aalaha dhagaystayaasha qaar ee VOA ka jawaabaya Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga ee Dowladda Federaalka Cabdullaahi Bidhaan Warsame.
from VOA https://ift.tt/2StDocE
via IFTTT
Idaacadda Galabnimo - 1600
Idaacadda Galabnimo waxaad ku maqashaan wararka ugu danbeeya ee caalamka, barnaamijyo, ciyaaro, wareysiyo iyo waliba heeso.
from VOA https://ift.tt/2unHon3
via IFTTT
Askar Mareykan ah oo lagu dilay Afghanstan
Militariga Mareykanka ayaa xaqiijiyay maanta oo Axad ah, in laba askari oo Mareykan ah la dilay lix kalana la dhaawacay, ka dib markii askari Afghani ah oo la shaqeynayay uu rasaas ku furay.
from VOA https://ift.tt/2OFV3wv
via IFTTT
Idaacadda Duhurnimo
Idaacadda Duhurnimo waxaad qeybta hore ku maqli kartaa wararka ugu waaweyn ee Soomaaliya iyo Caalamka. Qeybta danbe ee idaacaddu waxay idiin soo gudbinaysaa barnaamijyo ku saabsan dhalinyarada maanta.
from VOA https://ift.tt/2OGwSOr
via IFTTT
Saturday, February 8, 2020
Idaacadda Subaxnimo
Idaacadda Subaxnimo ee Saaka iyo Caalamka waxaad ku maqashaa wararkii habeenimadii xalay ka dhacay Soomaaliya iyo waliba caalamka, barnaamijyo, wareysi xiiso leh, ciyaaraha, dhanbaallada dhagaystayaasha iyo waliba wargeysyada caalamku waxay saaka ku waabariisteen.
from VOA https://ift.tt/2UFKzkv
via IFTTT
Idaacadda Fiidnimo
Idaacadda Fiidnimo ee Evening Edition waxaad ku maqashaan wararkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka, barnaamijyo iyo wareysiyo ka turjumaya dhacdooyinka waqtigaasi ka dhacaya daafaha Dunida.
from VOA https://ift.tt/2OB5XDS
via IFTTT
Barnaamijka Caweyska Washington
Barnaamijka Caweyska Washington ee toddobaadkan waxaad ku dhageysan doontaan sheekooyin xiiso leh iyo kaalmihii heesaha. Barnaamijka waxaa soo diyaariyey, soona jeedinaya Cabdixakiim Maxamuud Shirwac.
from VOA https://ift.tt/2SckW9n
via IFTTT
Barnaamijka Martida Mikrofoonka
Ku soo dhowaada Barnaamijka Martida Mikrofoonka oo uu todobaadkan marti ku yahay Dr. Cabdiqani Cismaan Yuusuf oo ka howlgala Waaxda Caafimaadka ee Britain ee NIH. Barnaamijka waxaa inoo diyaariyey halkanna ka soo jeedinaya Ridwaan Xaaji Cabdiweli.
from VOA https://ift.tt/2OBzjBQ
via IFTTT
Duqeyn ka Dhacday Jubbada Dhexe oo Lala Beeegsaday Al-Shabaab
Taliska ciidamada Mareykanka ee Africa ayaa sheegay in laba duqeyn oo ay Khamiistii la soo dhaafay la beegsadeen dhismo ay Al-Shabab ku leeyihiin meel ku dhow deegaanka Jilib ee gobolka Jubada Dhexe ay ku dhaawaceen laba ka mid ah maleeshiyadii Al-Shabab ee halkaa ku sugnaa.
from VOA https://ift.tt/37cdZJw
via IFTTT
Warbixin: Saddex sano ka dib doorashadii Madaxweyne Farmaajo
Farmaajo ayaa intii uu ku jiray ololaha doorashada, khudbad uu baarlamaanka ka hor jeediyey waxa uu sameeyey ballanqaadyo dhowr ah oo uu ku sheegay inuu wax ka qaban doono haddii uu helo taageerada xubnaha Baarlamaanka ee dalka.
from VOA https://ift.tt/2H6Iw0W
via IFTTT
Barnaamijka Hambalyada iyo Heesaha
Ku soo dhowaada Barnaamijka Hambalyada iyo Heesaha ee toddobaadkan, waxaana soo jeedinaya Caasha Ibraahim Aadan (Cuud) iyo Ibraahim Xassan Daandurey.
from VOA https://ift.tt/2vhmYMe
via IFTTT
Aqalka Sare oo Ansixiyey Sharciga Doorashada Qaranka
Aqalka Sare ee Baarlamanka Soomaaliya ayaa maanta meel mariyay hindise sharciyeedka doorashooyinka qaranka kaasi oo ay wax ka bedel ku sameeyeen, dibna ay ugu celiyeen golaha shacabka si ay Iyana u ansixiyaan. Kulanka golaha aqalka sare oo ka dhacay xaruntooda Muqdisho ayaa 27 ka mid ah xubnaha Aqalka Sare ay ogolaadeen in sharcigan la ansixiyo, halka 6 xubnood ay diideen. Wariyaha VOA ee Muqdisho Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle ayaa warbixintan noo haya.
from VOA https://ift.tt/2OCV30g
via IFTTT
Idaacadda Galabnimo
Idaacadda Galabnimo waxaad ku maqashaan wararka ugu danbeeya ee caalamka, barnaamijyo, ciyaaro, wareysiyo iyo waliba heeso.
from VOA https://ift.tt/3bgLi1z
via IFTTT
Khameni: Waa inaynu yeelana awood xooggan oo aan isaga baacino cadowga
Hoggaamiyaha sare ee Iran Ayatollah Cali Khameni ayaa maanta sheegey in Jamhuuriyadda Islaamiga ah ay noqoto mid awood leh oo isaga waabisa halisaha cadowgeeda islamarkaasina ka hortagto dagaal.
from VOA https://ift.tt/2OEZurv
via IFTTT
Turkey oo ciidamo dheeri ah u diray Idlib
Dowladda Turkey ayaa Sabtida maanta ah ku hanjabtay iney duqeymo kaga jawaabi doonto haddii xarumaha ciidamadeeda ku sugan yihiin ee gobolka Idlib ee Suuriya markale la weeraro.
from VOA https://ift.tt/39jFvGu
via IFTTT
Idaacadda Duhurnimo
Idaacadda Duhurnimo waxaad qeybta hore ku maqli kartaa wararka ugu waaweyn ee Soomaaliya iyo Caalamka. Qeybta danbe ee idaacaddu waxay idiin soo gudbinaysaa barnaamijyo ku saabsan dhalinyarada maanta.
from VOA https://ift.tt/39jMzmF
via IFTTT
Friday, February 7, 2020
Idaacadda Subaxnimo
Idaacadda Subaxnimo ee Saaka iyo Caalamka waxaad ku maqashaa wararkii habeenimadii xalay ka dhacay Soomaaliya iyo waliba caalamka, barnaamijyo, wareysi xiiso leh, ciyaaraha, dhanbaallada dhagaystayaasha iyo waliba wargeysyada caalamku waxay saaka ku waabariisteen.
from VOA https://ift.tt/2S8DJ5p
via IFTTT