Shalay ayaa waxaa magaalada Cadaado ka dhacdey doorashada mid ka mid ah kuraastii ugu adkeyd oo la filaayey in ay ku tartanto xildhibaan Caasha Xaaji Cilmi.
from VOA http://ift.tt/2gAz6w5
via IFTTT
Wednesday, November 30, 2016
Caasho Xaaji Cilmi oo Eedeysay Madaxweyne Guuleed
Eedeymo Musuq-Maasuq Cusub oo Hareeyey Doorashooyinka
Waxaa weli jira eedo la xiriira in siyaasiyiinta ay faro-gelin ku hayaan hannaanka doorashooyinka Aqalka Hoose ee ka socda dalka Soomaaaliya.
from VOA http://ift.tt/2fEkKy3
via IFTTT
Dowladda Mareykanka oo Maxkamad Lagula Koray Kiiska Guuleed Duraan
Xarunta Xuquuqda Dastuuriga ah ee Maraykanka oo fadhigeedu yahay magaalada New York ayaa maanta xaraysay dacwad ka dhan ah dawladda Mararykanka ayna ku diidan yihiin sii socoshada xarigga Guuleed Xasan Duraan oo 43 sano jir ah, ahna ninka keliya ee Soomaaliga ah ee ku xiran xabsiga Guantanamo Bay.
from VOA http://ift.tt/2glhLcU
via IFTTT
Shir Abaaraha Looga Hadlayo oo Muqdisho ka Furmay
Shirweyne looga hadlayo arrimaha abaaraha ee ku soo noq noqda dalka ee dhibaatada ku haya dadka iyo duunyadaba, gaar ahaan dadka reer miyiga ah, ayaa maanta ka furmay Muqdisho.
from VOA http://ift.tt/2fQFpNZ
via IFTTT
Doorashada Aqalka Hoose oo Muqdisho ka Billaabatay
Doorashada xubnaha Aqalka hoose ee baarlamanka Soomaaliya ayaa maanta markii ugu horreysay ka bilaabatay magaalada Muqdisho, gaar ahaan kuraasta Beelaha Banaadiriga. Doorashadan ayaa ka bilaabatay Xarunta Gaadiidka Booliska Ee Magaalada Muqdisho oo amaankeeda si weyn loo adkeeyay. Wariyeheenna Xassan Kaafi Qoyste ayaa warbixintan goor dhow warbixintan Muqdisho nooga soo diray.
from VOA http://ift.tt/2gJtZZG
via IFTTT
Ra'iisul Wasaaraha: NISA Faraha Ha Kala Baxdo Doorasho
Ra'iisul Wasaaraha Dowladda Federalka ee Soomaaliya Cumar C/rashiid ayaa faray uddiga Amniga Doorashooyinka inay ilaaliyaan faragelin kasta oo lagu sameeyo odyaasha dhaqanka, murashixiinta iyo ergooyinka.
from VOA http://ift.tt/2g6i48z
via IFTTT
Doorashadii Aqalka Hoose ee Hirshabelle oo la Hakiyey
Wararka naga soo gaaraya Magaalada Jowhar ayaa sheegaya in Gudiga Doorashada dadban ee Heer Federaal uu gaaray go'aan dib loogu joojinaayo doorashada 11 Kursi oo ka harsanaa Xubnaha Aqalka Hoose qeybta Maamulka Hirshabelle.
from VOA http://ift.tt/2gk2ybV
via IFTTT
Aqalka Cad oo Diiday in la Ciqaabo Dadka Guba Calanka
Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa diiday soo jeedinta ka timid madaxweynaha la doortay ee Mareykanka ee ahayd in la ciqaabo dadka guba calanka Mareykanka.
from VOA http://ift.tt/2gI6AJq
via IFTTT
Tuesday, November 29, 2016
Jaalliyada Soomaalida ee Columbus oo Shirjaraaid Qabatey
Sida aad idaacadahanagi daraad iyo shaleyba aad ku maqleyseen, wiil Soomaaliyeed ayaa lagu eedeynayaa falki weerarkii ahaa ee Jaamacada OHIO, magaalada Columbus ee dalkan Mareykanka. Sidaa daraadeed ayey Jaaliyadda Soomaalida ee gobolkaasi waxaa ay qabteen shir jaraa-id.
from VOA http://ift.tt/2gEi03b
via IFTTT
Muhaajiriintii Ugu Badnaa oo Sanadkan Gaaray 2016
Dadkii ugu badnaa ee tahriibayaal ah ayaa Sanadkan 2016-ka gaaray dalka Talyaaniga, sida lagu sheegay macluumaad-ururin dhowaan la sameeyay.
from VOA http://ift.tt/2gCrIDf
via IFTTT
Ururada Islaamiga oo Cambaareeyey Weerarkii Ohio
Ururada u dhaq dhaqaaqa xuquuqda dadka Islaamka ee dalkan Maraykanka ayaa cambaareeyey weerarkii shalay ka dhacay Jaamacadda Ohio State University ee magaalada Columbus dalkan Maraykanka.
from VOA http://ift.tt/2gEmJhZ
via IFTTT
Garsoorka Somaliland oo Yeelanaya Nidaam Casri Ah
Hay'adaha garsoorka Somaliand ayaa markii ugu horaysay yeelanaya nidaam casri ah oo xogta maxkamadaha lagu kaydinayo koombuyuutaro.
from VOA http://ift.tt/2gRHWJ8
via IFTTT
Ciidamada Somalia oo Weeraray Saldhig Al-Shabaab
Wararka ka imanaya Gobolka Shabeellada Hoose ayaa sheegaya in Ciidamada kumaandooska Soomaaliya ee sida gaarka ah u tababaran, ay xalay weerar ku qaadeen saldhig ay kooxda al-Shabaab ku lahaayeen deegaanka Tooratoorow, oo u dhow degmada Awdheegle.
from VOA http://ift.tt/2fxCMBO
via IFTTT
Ciidamada Puntland oo Qarax Lagula Beegsaday Galgala
Wararka ka imanaya buuralayda Galgala ee Koonfurta magaalada Boosaso ayaa sheegaya in saaka halkaasi uu qarax ka dhacay kaasi oo lala beegsaday ciidamada badda ee Puntland.
from VOA http://ift.tt/2gs3Pv8
via IFTTT
Diyaarad Sidday Cayaartoy oo Burburtay
Saraakiisha dalka Colombia ayaa sheegay in shan qof oo kaliya ay ka badbaaday diyaarad ay saarnaayeen 81 qof oo sidday koox kubadda cagta oo ka dhisan dalka Brazil, taasi oo dhacday ayada oo kusii jeeda garoonka diyaaradaha caalamiga ah Medellin.
from VOA http://ift.tt/2gDQUpn
via IFTTT
Monday, November 28, 2016
Cumar Dhegay: Doorashada Dib Ayay u Dhacdey
Guudoomiyaha guddiga hirgalinta doorashada dadban ee Somaaliya Cumar Cabdulle Dhegey ayaa sheegay in doorahsada madaxweynaha Soomaaliya ay ka dib dhici doonto waqtigii loo qorsheeyay oo ahayd 30ka bishan.
from VOA http://ift.tt/2gqQaEJ
via IFTTT
Dhageyso: Warkii Ugu Dambeeyay ee Weerarkii Ohio
C/risaaq Cali Cartan, oo 20 sano jir Soomaali ah, ayaa weerar ku qaaday shalay Jaamacaddii uu isagu dhiganayay ee Ohio State University, ee magaalada Colombus ee gobolka Ohio.
from VOA http://ift.tt/2fKR9Bt
via IFTTT
Weerar Ka Dhacay Jaamacadda Ohio
Wararka ka imanaya magaalada Columbus ee Gobolka Ohio ayaa sheegaya in weerar uu ka dhacay jaamacadda magaaladaasi oo ay dhigtaan dad badan oo Soomaali ah. Wararka ayaa sheegaya in sagaal qof la dhaawacay kuwaasi oo midkood halis yahay.
from VOA http://ift.tt/2gpMbIP
via IFTTT
Mareykanka oo Ballaariyey Sharciyadda Lagula Dagaalamayo Al-Shabab
Maamulka madaxweyne Obama ayaa ballaariyey awoodda sharciyeed ee lagu weerarayo kooxda Al-Shababa ee dalka Soomaaliya.
from VOA http://ift.tt/2gzTlcv
via IFTTT
Puntland: Ciidamo u Ruqaansaday Qandala
Wararka ka imanaya maamul Goboleedka Puntland ayaa sheegaya in ciidamo badan oo hubaysan ay u ruqaansadeen dhinaca magaalada Qandala oo bishii hore ay qabsadeen maleeshiyada taabacsan ururka Daacish. Dadka ku nool degaannka Timirshe oo dhinaca Bari ka xiga magaalada Boosaaso ayaa VOA u sheegay in ciidamadan oo wada gawaari gaashaamaan ay kusii jeedaan dhinaca magaalada Qandala. Ilaa haatan ma jiro wax dagaal ah oo ka dhacay magaalada Qandala. Waxaa magaaladaasi qabsaday maleeshiyada taabacsan Daacish dabayaaqadii bishii October.
from VOA http://ift.tt/2ft9qVc
via IFTTT
Midowga Yurub oo Sii Dheereeyey Howlgalka Xeebaha Somalia
Howlgalka Badda ee Midowga Yurub ayaa sheegay inay sii wadi doonaan ilaalinta xeebaha Soomaaliya illaaa laba sano oo kale, si ay uga hortagaan weeraro kale oo dib usoo cusboonaada.
from VOA http://ift.tt/2gaQnyk
via IFTTT
Dagaallo ka Dhacay Gobolka Mudug
Dagaallo ayaa lagu soo waramayaa in shalay iyo maanta ay deegaanno ku yaala koonfurta Mudug oo ku dhow Xarardheere ay ku dhex mareen dadka deegaanka iyo maleeshiyo ka tirsan ururka Al-Shabaab.
from VOA http://ift.tt/2gaA8RO
via IFTTT
Dabley Gudaha u Gashay Jaamacadda SIMAD
Rag ku labisan dareeska ciidamada dowladda Soomaaliya oo gaaraya ilaa 6 nin ayaa maanta gudaha u galay xarunta jaamacadda SIMAD ee magaalada Muqdisho, sida uu sheegay guddoomiyaha jaamacadda Daahir Xasan Cabdi.
from VOA http://ift.tt/2fWz690
via IFTTT
Diyaarad Somalia ka Tagtay oo Shil ku Gashay Nairobi
Warkan oo ahaa qoraal ka soo baxay hey'adda maamusha Garoomada Kenya ee marka la soo gaabiyo la yirahdo KAA ayaa lagu sheegay in shilkaasi uu saameeyay dayuuradihii halkaas ka duuli lahaa ama ka soo degi lahaa.
from VOA http://ift.tt/2gaulf4
via IFTTT
Midowga Afrika: Castro Wax Badan Ayuu Ku Leeyahay Afrika
Guddoomiye ku xigeenka guddiga Midowga Afrika ayaa sheegay in taariikhda casriga ah ee Afrika ay wax badan ku lee yihiin Cuba iyo hoggaamiyaheedii geeriyooday ee Fidel Castro.
from VOA http://ift.tt/2gaaMmS
via IFTTT
Sunday, November 27, 2016
Dhadhaab oo Carruurta Lagu Shaqeysto
Xeryaha Qaxootiga ee Dhadhaab ayaa waxaa ku soo badanaya caruurta lagu shaqeysto, kuwaasi oo ka hara waxbarashdooda si ay u helaan lacag ay cuno ku iibsadaan
from VOA http://ift.tt/2fBs8Wb
via IFTTT
Wicitaanka: Cabdirxaman C. Cusmaan (Eng. Yariisow)
Barnaamijka Wicitaanka Dhageystaha ee toddobaadkan waxaa marti ku ah Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) oo horay u soo noqday wasiir iyo afhayeenka Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud
from VOA http://ift.tt/2gv5Xpa
via IFTTT
Roobab ka Da’ay Somaliland iyo Jabuuti
Qeybo ka tirsan Somaliland iyo Jambhuuriyadda Jabuuti ayaa waxaa ka curtay roobab xooggan oo ka da'ay meelaha ay abaaruhu saameeyeen. Roobabkan ayaa biyo-dhigay deeggaannada qaarkood, halka meello kalena uu hadda wali da'ayo
from VOA http://ift.tt/2fSW1SC
via IFTTT
Uganda: 20 ku Dhimatay Dagaallo Dhexmaray Ciidamada Dowladda iyo Maleeshiyo Hubeysan.
Dalka Uganda, in kabadan 20 qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen dagaal labo maalmood socday oo u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda Uganda iyo maleeshiyo beeleed hubeysan, kaasoo ka dhacay degmo ku taala meel u dhow xadka Uganda ay la wadaagto wadanka Congo.
from VOA http://ift.tt/2gv4bkb
via IFTTT
Masaajidyo Ku Yaalla California oo Helay Farriin ah in Muslimiinta la Xasuuqayo
Golaha xiriirta Muslimiinta iyo Maraykanka ee loo soo gaabiyo CAIR ayaa booliska gobolka California ka codsatay inuu ilaaliyo masaajidyo gobolkaasi ku yaalla oo helay waraaqo lagu taageerrayo madaxweynaha la doortay ee Donald Trump, sidoo kalena Musliminta loogu hanjabay in la xasuuqi doono
from VOA http://ift.tt/2gLZ9DP
via IFTTT
Saturday, November 26, 2016
Jaamacadda Umadda oo Furtey Xarrunta Kulliyadaha Seyniska iyo Tiknoolajiyadda
Magaalada Muqdisho shalay waxa xarriga laga jaray xarrunta kulliyadaha Seyniska iyo Tiknoolajiyadda ee Jaamacadda Umadda. Hormuudka Jaamacaddaasi, Dr. Maxamed Axmed Jimcaale, ayaa sheegey in ay Jaamacaddu hadda ay dhigtaan 1400 oo arday, ayna doonayaan inay xarrumo ka furaan gobollada dalka oo idil.
from VOA http://ift.tt/2gtPi1B
via IFTTT
Warbixin Gaar ah: Fidel Castro iyo Soomaaliya
Waxaa geeriyooday Fidel Castro, hoggaamiyihii hore ee dalka Cuba, kaas oo dalkaas oo xukumayey nus-qarnigii ugu dambeeyey. Fidel Castro wuxuu ka qayb qaatay dhaqdhaqaaqyo badan oo ka dhacay qaaradda Afrika oo ay ka mid ahayd dagaalkii Soomaalida iyo Ethiopia dhex maray.
from VOA http://ift.tt/2gK9iRw
via IFTTT
Fidel Castro oo 90 Sana Jir Ku Geeriyooday
Madaxweynihii hore ee Cuba Fidel Castro ayaa geeriyooday isagoo ay da'adiisu tahay 90 sana jir, walaalkii oo hadda madaxweyne ka ah dalkaa, Raul Castro ayaa ku dhawaaqay geerida walaalkiis.
from VOA http://ift.tt/2fyUkJ9
via IFTTT
Qarax Xooggan oo ka Dhacay Muqdishu
Wararka ka imanaya magaalada Muqdishu ayaa sheegaya in qarax xooggan uu maanta ka dhacay magaalada Muqdishu gaar ahaan degmada Waaberi. Goobjoogayaal ayaa VOA u sheegay inay dad badan ku dhinteen qaraxa.
from VOA http://ift.tt/2g2NQpM
via IFTTT
Friday, November 25, 2016
Faaqidaadda: Doorashooyinka Aqalka Hoose
Doorashooyinka xildhibaanada Aqalka Hoose ee baarlamanka Soomaaliya, ayaa ka socda magaalooyinka Baydhaba, Garoowe, Cadaado iyo Jowhar, halka tii magaalada Kismaayo ay soo idlaatay. Si katsaba, waxaa jira eedyenmo la xiriira musuq maasuq iyo wax is-daba marin oo hareeyey dooroashooyinka. Barnaamijka Faaqidaadda ayaan ku eegeynaa arrimahaas, waxaa Muqdisho kusoo diyaariyey Cabdulqadir Maxamed Cabdulle.
from VOA http://ift.tt/2fyEr8O
via IFTTT
Magacyada Xildhibaanada Lagu Doortay Kismaayo
Maamulka Jubbaland ayaa noqday maamulkii ugu horreeyey ee soo dhameystira doorashada xildhibaanada Aqalka Hoose ee baarlamanka Soomaaliya.
from VOA http://ift.tt/2ffZcaL
via IFTTT
Dagaal Beeleed ka Dhacay Duleedka Beledweyne
Dagaallo beeleed ayaa maanta dib uga qarxay duleedka magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
from VOA http://ift.tt/2fZiW1u
via IFTTT
Diyaarado Weeraray Saldhiga Al-Shabaab
Wararka ka imanaya Gobolka Shabeellada Hoose ayaa sheegaya in diyaaraddo helicopters ah oo loo malaynayo in Maraykanku uu leeyahay ay xalay beegsadeen oo weerar ku qaadeen saldhig al-Shabaab
from VOA http://ift.tt/2ffH7ts
via IFTTT
Erdogan oo u Digay Midowga Yurub
Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa uga digay Midowga Yurub in haddii ay sii wadaan u hanjabaadda dalkiisa, inuu boqolaal kun oo muhaajiriin ah u ogolaan doono inay ku qul-qulaan dalalka Midowga Yurub.
from VOA http://ift.tt/2gbnnDY
via IFTTT
Thursday, November 24, 2016
Obama oo Abaalmarin Siiyey Wiil Soomaalia ah
Axmed Maxamed Cumar waa wiil Soomaali ah oo haysta dhalashada dalkan Maraykanka, wuxuu ka mid yahay aasaasayaasha urur lagu magcaabo Muslim American Leadership Alliance, kaas oo ka dhisan Magaalada Chicago ee gobolka Illinois.
from VOA http://ift.tt/2gkZey1
via IFTTT
Kismaayo: Doorashada Aqalka Hoose oo Soo Dhamaatay
Doorashadaan xildhibaanada aqalka hoose ee qeybta Jubbaland oo soo billaabatay sideedii bishaan ayaa maanta lagu soo geba gabeeyay magaalada Kismaayo.
from VOA http://ift.tt/2fbfkKK
via IFTTT
Somaliland oo la Wareegtay Howshii Sahanka Shidaalka
Somaliland ayaa sheegtay inay la wareegtay hawshii sahanka shidaalka oo hore ay gacanta ugu hayeen shirkado debedda laga leeyahay.
from VOA http://ift.tt/2gjwOR4
via IFTTT
Warbixin Laga Soo Saaray Doorashooyinka Aqalka Hoose
Guddigga Xalinta Khilaafaadka doorashada dadban ee Somalia ayaa soo saaray war saxaafadeed ay ka hadleen guulaha ilaa iyo hadda laga gaaray doorashada Aqalka Sare iyo kan hoose.
from VOA http://ift.tt/2gE5j9b
via IFTTT
Dilal Dhowr Ah oo Xalay ka Dhacay Hargeysa
Illaa shan qof ayaa siyaabo kala duwan ugu dhintay xalay magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland.
from VOA http://ift.tt/2gjAZfA
via IFTTT
Muqdisho: Qarax Lagu Dilay Sarkaal ka Tirsanaa Safaaradda Imaaraadka
Sarkaal ka tirsanaa illaalada safaaradda Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya ayaa maanta lagu diley qarax la gula beegsaday gaari uu watay magaalada Muqdisho
from VOA http://ift.tt/2fuSvAl
via IFTTT
NATO oo Soo Afjartay Howlgalkii Xeebaha Soomaaliya
Gaashaanbuurta NATO ayaa soo geba gebeysay howlgalkii ay ugu magac dartay Ocean Shield ee xeebaha Soomaaliya, kadib markii hoos u dhac xooggan uu ku yimid weerarada burcad badeedda.
from VOA http://ift.tt/2faFKMJ
via IFTTT
Wednesday, November 23, 2016
Dadka Deegaanka iyo Al-Shabaab Dagaal ku Dhexmarey Duleedka Xarardheere
Todobo ruux oo shan ka mid ah la sheegay in ay Shabaab ka tirsanaayeen, ayaa ku geeriyoodey dagaal duleedka Xarardheere ee gobolka Mudug shalay gelinkii dambe ku dhex maray maleeshiyaad ka tirsan al-Shabaab iyo kuwa degaanka ah.
from VOA http://ift.tt/2gCVgBm
via IFTTT
Dagaallo Culus oo Maanta ka Dhacay Goofguduud
Faahfaahin dheer ah ayaa kasoo baxaysa dagaallo culus oo maanta ka dhacay deegaanka Goofguduud ee Gobolka Bay.
from VOA http://ift.tt/2fFxaS2
via IFTTT
Barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha, Qeybta 346
Barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha ee toddobaadkani waxaa si aad uga barateenba soo jeedinaya soo jeedinaya Axmed Faarax Cali Idaajaa. Barnaamijka oo dhan hoosta ka dhageyso.
from VOA http://ift.tt/2glTwcB
via IFTTT
Obama oo Abaalmarin Siiyey Wiil Soomaali Ah
Madaxweynaha dalka Maraykanka ee Barack Obama ayaa abaal-marin guddoonsiiyey wiil Soomaali Mareykan ah oo lagu magacaabo Axmed Maxamed Cumar.
from VOA http://ift.tt/2forwD8
via IFTTT
Mareykanka oo Beeniyey in Askari uu Uga Dhintay Somalia
Taliska ciidamada Maraykanka ee Afrika ee marka lasoo gaabiyo loo yaqaan AFRICOM ayaa beeniyey sheegasho ay ururka Al-Shabaab sheegteen in askari Maraykan ah uu ku dhintay duleedka magaalada Kismaayo.
from VOA http://ift.tt/2gluHgI
via IFTTT
Pakistan: 11 Qof Ayaa ku Geeriyootay Weerarka India
Pakistan ayaa sheegtay in weerar ay soo qaaday India uu ku dhacay baabuur rakaab oo marayey xuduudda Kashmir, halkaasi oo 11 qof oo shacab ah ay ku geeriyoodeen 15 kalena ay ku dhaawacmeen.
from VOA http://ift.tt/2fqDmj9
via IFTTT
Tuesday, November 22, 2016
Dareenka Soomaalida Mareykanka ee ku Aadan Doorashada
Waxaa qeybaha kala duwan oo Soomaaliya ka socda soo xullista xubnaha labadda aqal ee baarlamanka Soomaaliya. Xullista xubnaha labadda aqal waxaa ka soo baxaya dhalliilo baddan.
from VOA http://ift.tt/2g1FpZB
via IFTTT
Al-Shabab oo Galay Tuulda Haluqa ee Gaarisa
Wararka ka imanaya tuulada Haluqa oo ka tirsan Gobolka Gaarisa ee Kenya ayaa sheegaya in maleeshIyada Al-ShabAab ay Galeen muddo kooban.
from VOA http://ift.tt/2fZIIjT
via IFTTT
Warbixin: Doorashada Aqalka Hoose ee Jowhar iyo Baydhaba
Dooarshadii Aqalka Hoose ayaa maanta dib uga billaabantay magaalada Jowhar, halka doorashada ay weli ka socoto magaalada Baydhaba.
from VOA http://ift.tt/2ggW2RG
via IFTTT
Madaxweyne Xasan: Waxaan Bixinay Deymihii Somalia Qaarkood
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dawladda Soomaaliya ay bixisay qaar ka mid ah daymihii lagu lahaa dalka.
from VOA http://ift.tt/2f2pcGv
via IFTTT
Warar ka Cusub Soomaali ku Dhimatay South Africa
Warar dheeri ah ayaa kasoo baxay dhimashada afar qof oo Soomaali ah oo ku geeriyooday markii uu ku gubtey dukaankii ay ku lahaayeen gobolka Eastern Cape ee dalka Koonfur Afrika.
from VOA http://ift.tt/2fl7FVt
via IFTTT
Wareysi: Xiriirka Dhaqaale ee Jabuuti iyo Ethiopia
Dawladdaha Djibouti iyo Ethiopia ayaa sheegay inay sii xoojinayaan is dhex galka dhaqaale ee ay wadaaggaan labada dal.
from VOA http://ift.tt/2f2npS0
via IFTTT
Maxkamadda Sare ee Masar oo Laashay Xukunkii Morsi
Maxkamadda sare ee dalka Masar ayaa maanta laashay xukunkii xabsi daa'inka ahaa ee lagu riday madaxweynaha xilka laga tuuray ee dalkaas Mohamed Morsi oo ka tirsan kooxda Ikhwaanul Muslimiin.
from VOA http://ift.tt/2f1Vu4u
via IFTTT
Turkey oo Ka Noqotay Sharci La Xiriira Guurka Caruurta
Ra'iisul wasaaraha Turkiga ayaa sheegay in dowladdiisa ay dib uga laabaneyso hindise, dadka wax dhaliila ay sheegeen inuu shraciyeynayo guurka caruurta, taa beddelkeedna ay u direyso guddi ka tirsan baarlamanka inay dib u eegis ku sameeyaan.
from VOA http://ift.tt/2f1Ozs2
via IFTTT
Monday, November 21, 2016
Dhageysiga Dacwada Dhadhab oo Dib Loo Dhigay
Maxkamadda sare ee dalka Kenya ayaa maanta mar kale dib u dhigtay dhageysiga dacwad ka dhan ah xiritaanka xeryaha Dhadhaab ee qaxootiga.
from VOA http://ift.tt/2gdqcp8
via IFTTT
Dadaallo Nabadeed oo Ka Socda Gaalkacyo
Magaalada Gaalkacyo waxaa weli ka socda dadaalo la doonayo in lagu nabadeeyo magaalada oo ay dhawaan ku dagaalameen maamulada Galmudug iyo Puntland.
from VOA http://ift.tt/2fUbOB8
via IFTTT
Afar Soomaali Ah oo Ku Geeriyootay Koonfur Afrika
Wararka ka imaanaya dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in Afar qof oo ganacsato Soomaali ah ay dhinteen ka dib markii dab uu qabsaday goobtooda ganacsi.
from VOA http://ift.tt/2gaxWdj
via IFTTT
Wasiirka Waxabashada oo ka Hadlay Maalinta Macallinka
Maanta oo Bisha November ay tahay 21, waxa ay ku beegan tahay maalinta macallinka Soomaaliyeed.
from VOA http://ift.tt/2fxgJXU
via IFTTT
Kabul: 33 Qof oo ku Dhintay Qarax ka Dhacay Masjid
Mas'uuliyiinta dalka Afghanistan ayaa sheegay in qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay masjid shiicada ay leeyihiin oo ku yaalla magaalada Kabul ay ku dhinteen ugu yaraan 33 qof, tobaneeyo kalena ay ku dhaawacmeen.
from VOA http://ift.tt/2fx0MkF
via IFTTT
Sunday, November 20, 2016
Beesha Caalamka Oo Baaq Ujeedisay Madasha Hoggaamiyayaasha Qaran
Beesha Caalamka ayaa ugu baaqdey Madasha Hogaamiyayaasha Qaran in ay awoodooda u isticmaalaan in ay wax uga qabtaan ugana hortagaan xad gudubka iyo cadaalad darada ka dhex jirta hanaanka doorashada.
from VOA http://ift.tt/2g7gfrw
via IFTTT
Wicitaanka: Sheekh Cabdiraxman Sharif
Barnaamijka Wicitaanka Dhageystaha waxaa marti ku ah Sheekh Cabdiraxmaan Sharif\ oo ah Imaamka Masaajidka Daarul Hijra
from VOA http://ift.tt/2fRBO06
via IFTTT
Hindiya: Ku Dhowaad 100 Qof oo Ku Dhintay Shil Tareen
Tareen nooca dheereeya ah oo ka baxay khadkii uu ku socday ayaa woqooyiga dalka Hindiya ku dilay ugu yaraan 97 qof dhaawacna uu ka soo gaaray in ka badan 100 qof oo kale.
from VOA http://ift.tt/2garnFS
via IFTTT
Putland oo Xukuntay Shan Qof
Maxkamadda ciidamada Putland ayaa maanta magaalada Bossaso waxay xukunno dil ah iyo xabsi daain ah ku xukuntay 5 qof oo ay maxkamaddu sheegtay in lagu helay inay ka tirsan yihiin maleeshiyada Daacish taageersan ee ku sugan gudaha Puntland.
from VOA http://ift.tt/2gan2lK
via IFTTT
Hibada iyo Waraysiga Nagiib Cabdiraxmaan
Dhalinyaro kala duwan ayaa xiiseeya inay heesaan isla markaana noqdaan fanaan ay bulshadu wada taqaan, taas oo sababtay in sannadahan ugu dambeeyey ay saaxadda fanku noqoto mid soo jiidata dhalinyaro kala duwan.
from VOA http://ift.tt/2gxyXOa
via IFTTT
Saturday, November 19, 2016
Doorashada Soomaaliya Ma Aha Ansax
Doorashada Soomaaliya ee labada aqal ee Hoose iyo kan Sare ma aha mid lagu kalsoonaan karo oo ansax ah sabatoo ah waxaa jira laaluush qaadasho, codad la kala iibsanayo iyo cabsigelin, sidaasi waxaa yidhi Hanti-Dhowraha Qaranka.
from VOA http://ift.tt/2g8yNZW
via IFTTT
Martida Makarafoonka: Xagjirnimada Yurub
Barnaamijka Martida Makarafoonka ee toddobaadkan waxa uu ku saabsan yahay xagjirnimada iyo dalka Sweden. Barnaamijka waxaa soo jeedinaya weriyahayaga Ridwaan Xaaji Cabdiweli
from VOA http://ift.tt/2eRtzEg
via IFTTT
Dhageyso Caweyska Washington
Ku soo dhawaada barnaamijka Caweyska Washington. Caawa waxa idin la socodsiinaysa barnaamijkaasi Caashi Ibraahim Aaden.
from VOA http://ift.tt/2g835M9
via IFTTT
Dhageyso Hambalyada iyo Heesaha
Ku soo dhawaada dhageystayaal barnaamijka Hambalyada iyo Heesaha. Barnaamijka waxa idin la socodsiinaya Ibraahim Xasan Daandurey iyo Falastiin Axmed Iimaan.
from VOA http://ift.tt/2gv2BDt
via IFTTT
Friday, November 18, 2016
Ciidamadii Iska Horfadhiyey Gaalkacyo loo la Kala Qaaday
Guddigayada loo aasaay meel marinta xabbadjoojintii magaalada Gaalkacyo iyo kala qaadista ciidanka ayaa sheegay inay ku guulaysteen inay kala fogeeyaan ciidamada labada dhinac ee isku horfadhiyey magaalada.
from VOA http://ift.tt/2gnI4Qm
via IFTTT
Trump oo Magacaabay Dhowr Xil oo Sare
Madaxweyne la doortay ee Mareykanka Donald Trump ayaa magacaabay saddex xil oo muhiim ah oo ka mid noqon doona maamulkiisa cusub.
from VOA http://ift.tt/2gnzotA
via IFTTT
Afar Qof oo Ku Dhintay Dagaal ka Dhacay Buulogaduud
Afar qof ayaa ku geeriyootay dagaal ka dhacay Buulo Gaduud iyo Miino la qaraxday Babauur ay leeyihiin Ciidamada Ethiopian-ka ah, sida ay sheegayaan warar naga soo gaadhaya gobolka.
from VOA http://ift.tt/2eNvRnV
via IFTTT
Faaqidaadda: Doorashooyinka Aqalka Hoose
Barnaamijka Faaqidaada Toddobaadka waxa uu ku saabsan yahay doorashooyinka Aqalka Hoose iyo cabashooyinka hareeyey.
from VOA http://ift.tt/2eNzdaB
via IFTTT
Obama oo La Kulmay Hogaamiyayaasha Yurub
Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama oo ku sugan dalka Jarmalka ayaa maanta hogaamiyayaasha dalalka ugu weyn Yurub kula biiray kulan looga hadlayo caqabadaha dhinaca amniga iyo dhaqaalaha ee ay wajahayaan dalalka saaxiibada ah.
from VOA http://ift.tt/2fCotL6
via IFTTT
Thursday, November 17, 2016
Kulan Looga Hadlayay Joojinta Muslim Naceybka oo Minneapolis Ka Dhacay
Magaalada Minneapolis ee gobolka Minnisota waxa gelinkii dambe ee Khamiistii shalay lagu qabtay kulan ay soo qaban qaabiyeen jaaliyadda Soomaalida ee gobolkaasi.
from VOA http://ift.tt/2g3TrdZ
via IFTTT
Dadka Kenya oo Doonaya in Ciidamadooda Laga Soo Saaro Somalia
70% dadka Kenya ayaa doonaya in ciidamada dalkooda laga soo saaro dalka Soomaaliya, sida lagu ogaaday ra'yi ururin cusub.
from VOA http://ift.tt/2fZtNFB
via IFTTT
Qaxootiga Dhadhaab oo soo Dhoweeyey Go'aanka Kenya
Qaxootiga ku nool xarayaha Dhadhaab ayaa soo dhaweeyay go'aanka wasarada arrimha gudaha dalka Kenya aa mudo lix bilod ah dib ugu dhigtay in 30-ka bishan November ay albaabada u xirto xaryaha Dhadhaab.
from VOA http://ift.tt/2fk68Q7
via IFTTT
Sanad Guuradii Koowaad ee Geerida Cawke oo la Xusay
Xalay magaalada Nairobi waxaa lagu soo bandhigay Film la magac baxay Qab iyo Iil oo uu akatar ka ahaa wariyaha Caanka ee Soomaaliyeed Axmed Xassan Cawke. Bandhigga Filimkan oo la duubay maalmihii u dambeeyay ee nolosha Allaha u naxariistee Axmed Xasan Cowke ayaa lagu soo beegay sanad guurada ka soo wareegtay maalintii uu geeriyooday. Wariyaha VOA-da ee Nairobi Yaasiin Ciise Wardhere ayaa warbixintan soo diray.
from VOA http://ift.tt/2eJs8I6
via IFTTT
Dhallinyaro u Istaagay Wax ka Qabashada Abaaraha Somaliland
Deegaano badan oo ka mida dhulka Soomaalidu degto waxaa xilligan ka jira abaaro daran, taas oo saamayn ku yeelatay xoolihii iyo weliba bulshadii ku dhaqnayd dhulka baadiyaha ah. Waxaa isa-soo taraya baaqyada ay jeedinayaan madaxda Soomaalida iyo waxgaradka bulshada oo ku aaddan in dadkaas la kaalmeeyo. Somaliland waxay ka mid tahay meelaha abaaraha darani ka jiraan, waxaana jira dhalinyaro isu-abaabulay inay door ka qaataan abaarahaas, weriyaha VOA ee Hargeisa Cabdixakiin Maxamuud Shirwac ayaa qaarkood la kulmay.
from VOA http://ift.tt/2fk9kew
via IFTTT
Hillary Clinton: "Waxaan Wajahay Maalmo Adag"
Musharaxii hore ee madaxweynaha Mareykanka Hillary Clinton ayaa sameysay muuqaalkeeda ugu horreeyey ee dadweyne tan iyo markii ay qiratay in Donald Trump uu kaga adkaaday loolanka madaxweynaha.
from VOA http://ift.tt/2gl9aJ2
via IFTTT
Wednesday, November 16, 2016
Dhageyso: Dhalinyaro Soomaali-Mareykanka Ah oo La Maxkamadeeyay
Arbacadii shalay waxa lagu soo gaba gabeeyey magaalada Minneapolis ee dalkan Mareykanka, maxkamadeynta 9 dhalinyaro ah oo 8 ka mid ahi ay Soomaali ahaayeen, halka ka kalena uu u dhashay qowmiyadda Oromada ee dalka Itoobiya.
from VOA http://ift.tt/2fyHq1z
via IFTTT
Muqdisho: Bam Lagu Weeraray Guriga Askari Boolis ah
Kooxo hubeysan, ayaa xalay bamb gacmeed ku weeraray guri uu deganaa askari ka tirsanaa booliska Soomaaliyeed, gudaha degmada Xamar Jajab ee gobalka Banaadir.
from VOA http://ift.tt/2g0AEQC
via IFTTT
Barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha, Qeybta 345
Barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha ee toddobaadkani waxa uu ku saabsan yahay buraanburka. Waxaa soo jeedinaya Axmed Faarax Cali Idaajaa. Barnaamijka oo dhan hoosta ka dhageyso.
from VOA http://ift.tt/2fWziVn
via IFTTT
Minnesota: Maxamed Faarax oo Lagu Xukumay 30 Sano
Maxamed Cabdulxamiid Faarax waxaa lagu helay dambi ah inuu doonayey inuu ku biiro ururka Dacaish iyo eed labaad oo ahayd inuu maleegayey inuu dil ka gaysto dalka dibeddiisa ayaa maxkamadi ku xukuntay 30 sano oo xarig ah iyo in kormeer daa'im ah.
from VOA http://ift.tt/2fVUuMt
via IFTTT
5 Qof oo ku Dhintay Dagaal ka Dhacay Caabudwaaq
Ugu yaraan shan qof ayaa ku dhimatay dagaal beeleed maanta ka dhacday magaalada Caabudwaaq ee Gobolka Galguduud.
from VOA http://ift.tt/2fh0ZIv
via IFTTT
Somalia oo Ka Qeyb Gashay Shirka Wakaaladaha Wararka
Waxaa maanta magaalada Baku ee xarunta dalka Azerbaijan ka furmay shirweynihii shanaad ee Wakaaladaha Wararka Aduunka.
from VOA http://ift.tt/2eGbNDH
via IFTTT
Cadaado: Qof Ka Mid Ahaa Ergada Doorashada oo La Dilay
Wararka naga soo gaaraya Magaalada Cadaado ayaa sheegaya in muddo kooban maanta uu khalkhal gashay doorashada xildhibaanada Aqalka Hoose ee halkaa ka socotay.
from VOA http://ift.tt/2fwRvMg
via IFTTT
Kenya: Dhadhaab Lama Xiri Karo 30-ka November
Sarkaal u hadlay dowladda Kenya ayaa sheegay in Kenya aysan suuragal u aheyn in xeryaha Dhadhaab ay ku xirto waqtigii kama dambeysta ahaa ee ay horey u qabsatay oo ku beegan 30-ka bishan November.
from VOA http://ift.tt/2fgoCRJ
via IFTTT
Doorashada Aqalka Hoose oo ka Billaabatay Jowhar
Doorashada Aqalka Hoose ee baarlamanka Soomaaliya ee xubnaha kasoo galaya maamulka Hirshabelle ayaa maanta ka billaabatay magaalada Jowhar ee xarunta maamulkaas.
from VOA http://ift.tt/2fX71Sg
via IFTTT
Qarax Maanta ka Dhacay Magaalada Kismaayo
Hal qof oo shacab ah ayaa ku geeriyooday mid kalena wuu ku dhaawacmay qarax maanta barqadii ka dhacay makhaayad ku taalla meel u dhow xarunta maamulka Gobbolka Jubada Hoose ee magaalada Kismaayo.
from VOA http://ift.tt/2ggt8nf
via IFTTT
Trump: Wax Walba Si Hagaasan Ayey u Socdaan
Ayada oo ay soo baxayaan warar sheegaya in khilaaf xooggan oo ku saabsan xubnaha ka mid noqonaya golaha wasiirada cusub ee madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump, ayaa Mr. Trump waxa uu bartiisa twitter-ka soo dhigay in wax walba ay u socdaan si hagaagsan.
from VOA http://ift.tt/2fEQ106
via IFTTT
Tuesday, November 15, 2016
MN: Xukunno Dheeraad ah oo Dhacay
Xamza Axmed oo 21 jir ah, Cadnaan Faarax oo 19 jir ah iyo Hanad Muuse oo 21 jir ayey maxkamadu Talaadadii ku riddey xukuno 10 ilaa iyo 15 sano ah, iyaga oo lagu eedeeyey inay doonayeen inay ISIS ku biiraan
from VOA http://ift.tt/2ff6CXB
via IFTTT
Minnesota: Qof Afaraad oo Xukun Lagu Riday
Nin Afraad ayaa magaalada Minneapolis loo xukumay inuu doonayey inuu ku biiro Daacish.
from VOA http://ift.tt/2eXcVOx
via IFTTT
Somaliland oo ka Jawaabtay Hadalkii SafiirkaTurkiga
Xukuumadda Somaliland, ayaa sheegtay inay ka fiirsanayso doorka dawladda Turkigu ay ku leedahay wada-hadallada u dhaxeeyay Somaliland iyo Somalia.
from VOA http://ift.tt/2fUBv7w
via IFTTT
Air Djibouti oo Dib u Bilowday Duulimaadyadii Muqdisho
Shirkadda diyaaradaha ee Air Djibouti ayaa markii ugu horraysay in ka badan 25 sano dib u bilwoday duulimaadkeedii magaalada Muqdisho. Mas'uuliyiinta Jabuuti ayaa sheegay in tallaabadani wax ka taraysodib u dhiska Soomaaliya. Warbixintan waxaa noo soo diray Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle.
from VOA http://ift.tt/2fcKGfM
via IFTTT
Amnesty: Qaxootiga Dhadhaab Qasab Ayaa Lagu Celinayaa
Hay'ada xuquuqda aadanaha ee Amnesty International, ayaa sheegtay in saraakiisha dowladda Kenya ay ku qasbayaan dadka Soomaalida qaxootiga ah ee ku jira xeryaha Dhadabaab inay dib ugu noqdaan Soomaaliya,
from VOA http://ift.tt/2ftPtfM
via IFTTT
Dagaal ka Dhacay Agagaarka Tiyeeglow
Dagaallo culus ayaa maanta ka dhacay agagaarka magaalada Tiygelow kadib markii maleeshiyada ururka Al-Shabaab ay iska caabin culus kala horyimaadeen ciidamada dawladda Soomaaliya oo doonayey inay dib u qabsadaan magaalada kadib ka bixitaankii ciidamada Itoobiya ee bishii hore. Khasaaraha dhabta ah ee dagaallada maanta dhacay ayaan weli caddayn. Ismaaciil Xuseen Farjar ayaa dagaalladan ka waraystay Taliyaha ciidamada dawladda ee Gobolka Bakool Jeneral Xasan Isaaq Cumar "Xasan Baydhaba".
from VOA http://ift.tt/2fVg2cq
via IFTTT
UNICEF: 20,000 Carruur ah Ayaa ku Barakacay Gaalkacyo
Hay'adda UNICEF aya asheegtay in dad tiradoodu ay ka badan tahay 90,000 qof, oo ay ka mid yihiin ugu yaraan 20,000 carruur ah oo dugsiyo dhiganayey ay ku barakaceen dagaaladii magaalada Gaalkacyo.
from VOA http://ift.tt/2fSmlfm
via IFTTT
Giuliani oo Hogaaminaya Loolanka Xoghayaha Arrimaha Dibedda
Ilo-wareedyo ku dhow Trump auaa waxa ay sheegayaan in duqii hore ee magaalada New York Rudy Giuliani uu hogaaminayo musharaxiinta xilka xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka
from VOA http://ift.tt/2fTM8qY
via IFTTT
Monday, November 14, 2016
Dhageyso: Dhalinyaro Soomaali Mareykan ah oo La Xakumay
Xaakim ayaa magaalada Minneapolis ee gobolka ay soomaalidu u badanyihiin ee dalkan Maraykanka ee Minnesota xukun ku riday dhalinyaro Soomaali-Maraykan ah oo lagu eedeeyay inay taageerayeen isla markaana qorshaynayeen inay ku biiraan kooxda Daacish.
from VOA http://ift.tt/2ga0S6t
via IFTTT
Obama oo Ka Hadlay Siyaasadda Trump
Madaxweyne Obama ayaa sheegay in inta badan aan ereyada quruxoon ee lagu dhawaaqaa aanay samaynin ama aanay noqon siyaasad wanaagsan.
from VOA http://ift.tt/2fPoauv
via IFTTT
Minnesota: Nin Soomaali ah oo la Xukumay
Nin oo lagu magacaabo Cabdullaahi Yuusuf ayaa ah kii ugu horreeyey ee xukunka uu ku dhaco, iyada oo xaakimka Michael Davis uu ku xukumay waqtigii uu hore xabsiga u soo qaatay oo ku dhow laba sano, iyo 20 sano ah oo uu ku jirayo kormeer joogto ah.
from VOA http://ift.tt/2frqauU
via IFTTT
Yurub oo ka Walaacsan Donald Trump
Wasiiradda Arrimaha Dibedda ee Midowga Yurub oo kulmay magaalada Brussels ee dalka Beljimka ayaa ka hadlay saamaynta ay ku yeelan karto guusha uu doorashada Maraykanka ka gaaray Donald Trump xiriirka Yurub iyo Mareykanka.
from VOA http://ift.tt/2fSHAz8
via IFTTT
Mudaharaadka Midnimada Bulshada ee Minnesota
Minnesota waxaa ka socda isu-soo baxyo kala duwan, kuwaas oo lagu taageerayo wada-jirka bulshada ku dhaqan gobolkaas, waxaana ka qayb galay bulshada Soomaalida iyo qaybo kale oo ka mida bulshooyinka gobolkaas ku nool.
from VOA http://ift.tt/2exNiZw
via IFTTT
Qaraxyo ka Dhacay Buur Hakaba
Wararka ka imanaya degmada Buur Hakaba ayaa sheegaya in qaraxyo kala duwan ay ka dhaceen magaaladaasi shalay iyo maanta, iyada oo qaraxyadaasi ay geysteen dhaawacyo ay ku jiraan mas'uuliyiin ka mid ah kuwa magaalada.
from VOA http://ift.tt/2eXgnfE
via IFTTT
Wareysi Gaar ah: Wasiirka Arr. Gudaha Somalia
Wasiirka Amniga ee Soomaaliya Cabdirissak Cumar Maxamed ayaa ka hadlay xaaladda amniga ee Soomaaliya xilli ay dalka ka socoto doorasho isla markaana dhinaca kale ay meelo ka mid ah waddanka ka baxeen ciidamo Itoobiyaan ah.
from VOA http://ift.tt/2f8KD4G
via IFTTT
Maxkamadeyn Maanta ka Bilaabanaysa Minnesota
Saddex dhalinyaro oo qirtay fal dmabiyeedka lagu soo eedeeyey, kana mid ahaa sagaal lagu eedeeyey inay doonayeen inay ururka ISSI ku biiraan, ayaa maanta xukunka ugu horreeya ku dhici doonaa.
from VOA http://ift.tt/2f8IvK8
via IFTTT
MN: Bulshooyin Taageero Isu Muujiyey
Gobolka ay Soomaalidu ku badantahay ee dalkan Maraykanka ee Minnesota, ayaa waxa xalay ka dhacay isu-soobax lagu muujinayo midnimada bulshooyinka kala duwan ee gobolka ku dhaqan.
from VOA http://ift.tt/2f8yXPn
via IFTTT
Sunday, November 13, 2016
Puntland iyo Galmudug oo 2 Guddi Dhisay
Madaxda Puntland iyo Galmudug oo mar kale Gaalkacyo ku kulmay ayaa soo magacaabay laba guddi oo ka shaqeyn doona heshiiskii xabbad-joojinta iyo sidii colaadda xal kama danbeyn ah loogu heli lahaa.
from VOA http://ift.tt/2eQBGMB
via IFTTT
Wicitaanka: Sh. Nuur Baaruud Gurxan
Barnaamijka Wicitaanka Dhageystaha ee toddobaadkan waxa marti ku ah Guddoomiyaha Golaha Samafalka iyo Horumarinta Somalia oo ka hadlaya kaalinta laga qaadan karo abaaraha ka jira meelo Somalia ka mid ah.
from VOA http://ift.tt/2fK2Bvq
via IFTTT
Abaaraha ka Jira Geyiga Soomaalida
Meelo ka mid ah Somalia ayaa waxaa ka jira abaarro ba'an oo dhibaato ku haya dadka iyo duunyadaba. Madaxwynaha Somalia ayaa shalay Soomaalida iyo beesha caalamkaba ka codsaday in gargaar deg-deg ah lala gaaro meellaha ay abaaruhu ka jiraan.
from VOA http://ift.tt/2etYAhh
via IFTTT
Dadweynaha: Ha Laga Dhabeeyo Heshiiska Gaalkacyo
Dadka dagan Magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa madaxda maamullada Galmudug iyo Puntland oo shalay kala saxiixdeen heshiis xabbad-jojin ah ugu baaqay inay heshiiska ka dhabbeeyaan cidiamada magaalada isku hor-fadhiyana kala qaadaan.
from VOA http://ift.tt/2f5ueOD
via IFTTT
Saturday, November 12, 2016
Wareysi Safiirka Somalia ee Mareykanka
Safiirka Somalia oo ka hadlaya saameynta doorashada Trump iyo xiriirka Somalia
from VOA http://ift.tt/2eP9R75
via IFTTT
Doorashada Trump iyo Soomaalida Gobolka Ohio
Hogaamiyeyaasha Muslimiinta Mareykanka ayaa bilaabay inay dadka Muslimiinta ah u sheegaan inaysan niyad jabin, todobaad ka dib markii la doortay Madaxweynaha Cusub ee Mareykanka Donald Trump.
from VOA http://ift.tt/2g6H1EC
via IFTTT
Madaxweynaha Soomaaliya oo Baaq Ka Soo Saarey Abaarta
Madaxweynaha Soomaaliya oo Ku Baaqey in La Caawiyo Dadka Abaaraha ay Saameyeen.
from VOA http://ift.tt/2fN2oIl
via IFTTT
Dhageyso Caweyska Washington
Kusoo dhawaada dhageystayaal barnaamijka Caweyska Washington, oo toddobaadkan xiiso gaar ah leh. Waxa idin la socodsiinaysa Caasho Ibraahim Aadan.
from VOA http://ift.tt/2fHc2vz
via IFTTT
Dhageyso Barnaamijka Martida Makrafoonka
Barnaamijka Martida Makarafoonka, toddobaadkan waxa uu ku saabsan yahay xiriirka dalalka Soomaaliya iyo Tansaaniya. Waxa London ka soo diyaariyay wariyaha VOA Ridwaan Xaaji Cabdiwali.
from VOA http://ift.tt/2g0npT6
via IFTTT
Puntland iyo Galmudug oo Heshiis Gaadhay
Wararka ka imanaya magaalada Gaalkacayo ayaa sheegaya inay is-afgarad gaadheen dhinaca colaaddu ku dhexmartay magaalada. Weriyahayaga Gaalkacayo oo ku sugnaa goobta shirka ayaa sheegay in dhinacyadu ay isku afgarteen saddex qodob
from VOA http://ift.tt/2fL6WgD
via IFTTT
Madaxda Galmudug iyo Puntland oo Kulmay
Magaalada Gaalkacayo waxaa gaadhay wefti uu horkacayo Ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid, Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay Micheal Keating iyo madax kale.
from VOA http://ift.tt/2fKNTTG
via IFTTT
Friday, November 11, 2016
Aragtida Soomaalida London ee Doorashada Trump
Donald Trump ayaa loo doortay inuu noqdo madaxweynaha cusub ee Mareykanka kadib markii uu ka adkaaday Hillary Clinton.
from VOA http://ift.tt/2fDMZK4
via IFTTT
Faaqidaadda: Doorashadii Donald Trump
Donald Trump oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ayaa talaadadii loo doortay inuu noqdo madaxweyhnaha cusub ee dalka Mareykanka kadib markii uu ka adkaaday Hilary Clinton. Haddaba barnaamijka faaqidaadda waxaan ku eegeynaa doorashada Trump oo dad badan layaab ku noqotay maadaama aan horey loo saadaalin. Waxaa soo jeedinaya Maxamed Colaad Xasan.
from VOA http://ift.tt/2fIqNi5
via IFTTT
Gabar Soomaali ah oo ka Mid Noqotay Booliisk Edmonton
Gabar asalkeedu yahay Soomaali, haysatana dhalashada dalka Canada ayaa ka mid noqotey Booliska magaalda Edmonton ee gobolka Alberta ee dalkaaasi.
from VOA http://www.voasomali.com/a/3592044.html
via IFTTT
Dibadbaxyada ka Dhanka Ah Trump oo Weli Socda
Tobanaan kun oo qof oo ku nool New York illaa California ayaa maalintii saddexaad buuxiyey waddooyinka magaalooyinka waa weyn ee Mareykanka si ay uga dibadbaxaan doorashada madaxweynaha 45-aad ee Mareykanka Donald Trump.
from VOA http://ift.tt/2fCJ00j
via IFTTT
Thursday, November 10, 2016
Mareykanka: Weerarkii Gaalkacyo, Ma Ahayn Mid Shabaab Lagu Beegsaday
Maamulka Galmudug ayaa soo dhaweyay baaritaanno horudhac ah oo ay ciidamada taliska Mareykanka ee Afrika ku sheegeen in weerarkii lagu qaaday duleedka Gaalkacyo 28-kii bishii September ee sanadkan aanu ahayn mid al-Shabaab lagu beegsaday, sida ay markii hore Mareykanku ku andacoonayeen.
from VOA http://www.voasomali.com/a/3591891.html
via IFTTT
Obama iyo Trump oo Ku Kulmay Aqalka Cad
Madaxweynaha xilka kasii degaya ee Maraykanka Barack Obama ayaa Aqalka Cad ee looga arrimiyo Maraykanka kusoo dhoweeyey Madaxweynaha la doortay Donald Trump.
from VOA http://www.voasomali.com/a/3590930.html
via IFTTT
Xiriirka Somalia iyo Mareykanka Kadib Guushii Trump
Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya Cabdisalaam Hadliye Cumar ayaa sheegay inuu rajaynayo inaan waxba iska beddelin xiririka Soomaaliya iyo Maraykanka kadib doorashadii Madaxweynaha La-doortya Donald Trump.
from VOA http://www.voasomali.com/a/3590817.html
via IFTTT
Doorashada Aqalka Hoose oo ka Socota Kismaayo
Magaalada Kismaayo waxaa maalinkii sadexaad ka socda doorashada aqalka hoose ee Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya
from VOA http://www.voasomali.com/a/3590599.html
via IFTTT
Doorashada Aqlka Hoose oo ka Billaabatay Cadaado
Doorashada Xubnaha Aqalka Hoose ee baarlamaanka Sooamaliya ayaa maanta ka bilaabatay degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud.
from VOA http://www.voasomali.com/a/3590580.html
via IFTTT
Qarax ka Dhacay Gobolka J/Dhexe
Wararka ka imanaya Gobolka Jubbada Dhexe ee Soomaaliya ayaa sheegaya in qarax xalay uu ka dhacay deegaanka lagu magacaabo Waraha Dhobley oo u dhow magaalada Buu'aale ee caasimadda Gobolka. Warar laga helay dadka deegaanka ayaa sheegay in qaraxan ay sababeen duqayn dhinaca cirka ah oo ay gaysteen diyaarado aan weli la garan cidda iska leh. Ilaa hadda si madax bannaan looma xaqiijin waxa sababay qaraxa. Sidoo kale ma cadda cidda la bartilmaameedsaday.
from VOA http://www.voasomali.com/a/3590592.html
via IFTTT
Bandhig Shaqo oo Maanta Lagu Qabtay Muqdisho
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maanta lagu qabtay bandhig shaqo oo la isugu keenay ardayda ka soo qalin jabisa Jaamacadaha iyo shirkada daneynaya in ay qortaan shaqaale xirfad leh oo shaqo yaqaan ah.
from VOA http://www.voasomali.com/a/3590565.html
via IFTTT
Dibadbaxyo ka Dhan Ah Trump oo ka Socda Mareykanka
Ayaga oo sita boorar, islamarkaana ku cambaareynaya madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump inuu yahay cunsuri, ayaa kumanaan dibad baxayaal ah waxay qaadayaan waddooyinka magaalooyinka waa weyn ee Mareykanka.
from VOA http://www.voasomali.com/a/3590485.html
via IFTTT
Wednesday, November 9, 2016
Weerar Xalay ka Dhacay Qandala oo ay Daacish Heysato
Ciidamo ka tirsan kuwa badda Puntland, ayaa la sheegay in ay xalay rasaas ku rideen maleeshiyaad ka tirsan koocda Daacish oo ku sugan degmada Qandala, taas oo keentay in maleeshiyaadkaasina ay rasaas kale ku jawaabaan.
from VOA http://www.voasomali.com/a/3590369.html
via IFTTT
Clinton: Waan la Shaqeynayaa Trump
Hillary Clinton oo ahayd musharrixii Dimoqraadiga ee looga adkaaday doorashaday, ayaa taageerayaasheeda ugu baaqday inay madaxwynaha la doortay Donald Trump ay la shaqeeyaan. Madaxweyne Obama wuxu sheegay inay ka taageerayaan Trump sidii uu u guuleysan lahaa.
from VOA http://www.voasomali.com/a/3590275.html
via IFTTT
Falanqeyn: Guushii Donald J. Trump
Madaxa laanta Af-Soomaaliga, Cabdiraxmaan Yabarow ayaa falanqeynaya guushii uu xalay gaaray Donald Trump.
from VOA http://www.voasomali.com/a/3589390.html
via IFTTT
Warbixinno: Guushii Donald J. Trump
Madaxda dunida ayaa u hambalyeeyey Donald J. Trump oo doorashadii Talaadada ee dalka Maraykanka ku guuleystay inuu noqdo madaxweynaha xiga ee Maraykanka.
from VOA http://www.voasomali.com/a/3589111.html
via IFTTT
Barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha #344
Barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha ee toddobaadkani waxa uu ku saabsan yahay hiddaha "Dumaasha" oo dhaqanka Soomaalida ilaa xiligan ku jira.
from VOA http://www.voasomali.com/a/3589126.html
via IFTTT
DEGDEG: Donald Trump Waa Madaxweynaha Maraykanka - AP
Donald Trump ayaa loo doortay in uu noqdo madaxweynaha cusub ee dalka Mareykanka kadib guul aan marnaba laa saadaalin oo uu ka gaaray doorashooyinkii dhacay, sidaasi waxaa werisay wakaaladda wararka ee AP.
from VOA http://www.voasomali.com/a/3588808.html
via IFTTT
Tuesday, November 8, 2016
Wararka Doorashada Maraykanka
Goobaha codbixinta ee gobollada qaarkood ayaa la soo xirayaa, waxaana soo baxaya natiijooyin hordhaca ah.
from VOA http://www.voasomali.com/a/3587032.html
via IFTTT
Tebinteennii Idaacadda Fiidnimo ee Doorashada Mareykanka
Ku soo dhawaada tebinteenna caawa (November 08, 2016) ee doorashada Mareykanka. Waxa si wada jir ah idin la socodsiinaya Ibraahim Xasan Daandurey iyo Maxamed Colaad Xasan.
from VOA http://ift.tt/2eJuxkd
via IFTTT
Doorashada Aqalka Hoose oo ka Billaabatay Kismaayo
Doorashada aqalka hoose ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta ka billaabatay magaalada Kismaayo oo xarun u ah Maamulka Jubbaland,
from VOA http://ift.tt/2fPlqkw
via IFTTT
Waa Tuma Hillary Clinton?
Dadweynaha Mareykanka ayaa maanta u dareeraya goobaha codbixinta ayaga oo dooran doona madaxweynaha cusub ee dalka hoggaamin doona afarta sano ee soo socota. Hillary Clinton oo ka tirsan xisbiga dimoqraadiga iyo Donald Trump oo xisbiga jamhuuriga ah ayaa ku loolamaya doorashada maanta. Haddaba waxaan eegeynaa shaqsiyadda Hillary Clinton? Waa tuma Hillary Clinton?. Waxaa eegaya Falastiin Axmed Iimaan.
from VOA http://ift.tt/2fPjFny
via IFTTT
Waa Kuma Donald J. Trump?
Dadweynaha Mareykanka ayaa maanta u dareeraya goobaha codbixinta ayaga oo dooran doona madaxweynaha cusub ee dalka hoggaamin doona afarta sano ee soo socota. Hillary Clinton oo ka tirsan xisbiga dimoqraadiga iyo Donald Trump oo xisbiga jamhuuriga ah ayaa ku loolamaya doorashada maanta. Haddaba waxaan eegeynaa shaqsiyadda Donald Trump? Waa kuma Donald Trump?. Waxaa eegaya Jamaal Axmed Cusmaan.
from VOA http://ift.tt/2fz4bCO
via IFTTT
Xisbiga UCID oo Soo Saaray Go'aano Iska Hor Imanaya
Xisbiga UCID ee Somaliland ayaa maanta soo saaray go'aano iska hor imanaya iyagoo shir ay ku yeesheen magaalda Hargeysa ku laalay heshiis ay sandkii 2012 wada galeen xisbiga iyo siyaasiyiin uu hogaaminayay Jamaal Cali Xuseen. Sidoo kale garabka Jamaal Cali Xuseen oo iyaguna saaka shir ay u balansanaayeen inay qabtaan laga hor istaagay , ayaa sheegay inay ku qabteen goob barxad ah shirkoodii kuna anshax mariyeen gudoomiyaha xisbiga Faysal Cali Waraabe isla markaana ku doorteen gudoomiye ku meelgaadh ah. Weriyaheena Hargeysa Cabdixakiim Maxamuud Shirwac.
from VOA http://ift.tt/2fk31b8
via IFTTT
Muuqaallada Gebo-gebadii Ololaha Doorashada Mareykanka
Dadweynaha Mareykanka ayaa maanta u dareeraya goobaha codbixinta ayaga oo dooran doona madaxweynaha cusub ee dalka hoggaamin doona afarta sano ee soo socota. Hillary Clinton oo ka tirsan xisbiga dimoqraadiga iyo Donald Trump oo xisbiga jamhuuriga ah ayaa ku loolamaya doorashada maanta. Muuqaaladan waa kuwii ugu dambeeyey ee ololaha doorashada oo socday in ka badan sanad.
from VOA http://ift.tt/2fOP7lO
via IFTTT
Dadka Mareykanka oo Madaxweyne Cusub Dooranaya
Dadweynaha Mareykanka ayaa maanta u dareeraya goobaha codbixinta ayaga oo dooran doona madaxweynaha cusub ee dalka hoggaamin doona afarta sano ee soo socota.
from VOA http://ift.tt/2fv9WyS
via IFTTT
Monday, November 7, 2016
Warbixinno ku Saabsan Doorashada Taariikhiga ah ee Mareykanka
Ku soo dhawaada dhageystayaal warbixinno ku saabsan doorashada taariikhiga ah ee Mareykanka iyo taariikh kooban oo ku aaddan musharrixiinta madaxtinnimo ee Mareykanka ee Hillary Clinton iyo Donald Trump.
from VOA http://ift.tt/2fNJTGP
via IFTTT
Warbixinta Kooxda QM ee Soomaaliya
Kooxda QM ee kormeerka cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya iyo Eritrea ayaa soo saartay warbixin sannadeedka ay labadaasi dal kaga hadasho.
from VOA http://ift.tt/2fUbsxy
via IFTTT
Xaaladda Gaalkacyo oo Maanta Degan
Xaaladda magaalada Gaalakacayo ayaa deggan maanta iyadoo tirada dadka ku dhintay dagaalkii qaraaraa ee shalay dhacayna ay kordhay oo haatan ay gaadhayso in ka badan 30 qof. Mas'uuliyiinta labada dhinac ayaa la sheegay inay khadadka telefoonka ku wada hadleen xabbad-joojin cusubna lagu heshiiyey. Warbixintan waxaa magaalada Gaalkacyo nooga soo diray Cabdiwaaxid Macallim Isxaaq.
from VOA http://ift.tt/2fxxd1O
via IFTTT
Trump oo Weerar ku Qaaday Soomaalida Minnesota
Musharaxa madaxtinimada Mareykanka ee xisbiga Jamhuuriga Donald Trump ayaa mar kale weerar afka ah ku qaadey Soomaalida Mareykanka, isagoo sheegey in ay la dageen dhiabaatana ku hayaan gobolka Minnesota.
from VOA http://ift.tt/2eFdwHQ
via IFTTT
Warbixin: Cabashooyinka la Xiriira Doorashada Somalia
Guddiga doorashada Soomaaliya ayaa sheegay inay socoto doorashada xubnaha Aqalka Hoose iyadoo weli aan lasoo dhammaystirin doorashadii Aqalka Sare. Waxay sheegeen oo kale guddigu in doorashada Aqalka Sare ee xubnaha matali doona Somaliland ay ka dhici doonto magaalada Muqdisho. Haddaba weli waxaa jira cabashooyin iyo dhalliilo ku aaddan inaanu hufnayn hannaanka doorashada. Weriyahayaga Xuseen Xasan Dhaqane oo ku sugan Jawhar ayaa hoos u eegaya qaar ka mid ah waxyaabaha ay ka cabanayaan musharrixiinta aqallada.
from VOA http://ift.tt/2fxvcTy
via IFTTT
Gaas oo Sheegay Inuu la Hadlay Guuleed
Gaas waxa uu sheegay in isaga iyo Guuleed ay isku raaceen in la dhaqan geliyo heshiiskii xabad joojinta ahaa ee labada dhinac ay horey isugu raaceen.
from VOA http://ift.tt/2fL29Rq
via IFTTT
Hargeysa: Afar Qareen oo Xukun Lagu Riday
Maxkamada gobolka ee magaalada Hargeysa ayaa maanta xukun isugu jira xadhig iyo ganaax ku riday afar qareen oo ku gudo jiray dacwad ku socotay kaaliyeyaal ka tirsanaan jiray maxkamada.
from VOA http://ift.tt/2fvx4O3
via IFTTT
Ciidamada Kurdishka Ciraq oo Weerar ku Qaaday Bashiqa
Ciidamnada Kurdishka Ciraq ayaa maanta billaabay weerar ay ku qabsanayaan magaalada Bashiqa oo ay haystaan dagaalyahanada Daacish.
from VOA http://ift.tt/2eNYMnK
via IFTTT
Sunday, November 6, 2016
Martida: Danjire Micheal Keating
Barnaamijka Martida ee toddobaadkan waxaa marti ku ah Ergeyga Gaarka ee XGQM ee Arrimaha Somalia, Danjire Micheal Keating oo ka jawaabaya su'aalo ay ka mid tahay doorashada Somalia
from VOA http://ift.tt/2f7h6eu
via IFTTT
Wicitaanka: Prof. Maxamed Cali Kalaay
Barnaamijka Wicitaanka Dhageystaha ee toddobaadkan waxa marti ku ah Guddoomiyaha Jaamacadda Koonfurta Somalia, Prof. Maxamed Cali Kalaay oo ku sugan magaalada Baydhabo
from VOA http://ift.tt/2feozGi
via IFTTT
Dagaal Culus oo Gaalkacyo ka Dhacay
24 qof ayaa dhintay, in kabadan 80 kalena way dhaawacmeen kadib markii maanta dagaallo culus ay Gaalkacyo ku dhexmareen ciidamada labada maamul. Dagaalkan ayaa imanaya iyadoo madaxda labada maamul ay Abu Dhabi ku saxiixeen heshiis xabbad-joojin ah.
from VOA http://ift.tt/2f6KlOH
via IFTTT
Saturday, November 5, 2016
Laba Maalmood Ayaa Ka Hartay Doorashooyinka Mareykanka
Musharaxiinta u tartameysa xilka madaxtinimada dalka Mareykanka ee kala ah Hillary Clinton iyo Donald Trump ayaa Sabtidii dhowr gobol ka ololeeyey, xilli laba maalmood oo qura ay ka hareen maalinta doorashada oo ku beegan Salaasada soo aadan.
from VOA http://ift.tt/2fnV2KT
via IFTTT
Barnaamijka Caweyska Washington
Barnaamijka Caweyska ee toddobaadkan waxaa marti ku ah fanaanka caanka ah ee Cabdulqaadir Macallin Cumar (Juba), waxaanad kale oo aad ku dhageysan doontaan sheeko xiiso leh oo jaceyl ah.
from VOA http://ift.tt/2fsoMF3
via IFTTT
Doorashada Aqalka Hoose oo Garowe ka Bilaabantay
Doorashada aqalka hoose ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah uga bilaabantay magaalada Garoowe ee xarunta Puntland, waxaana halkaas lagu doortay qaar ka mida mudanayaashii ugu horreeyey ee ka mid noqda golaha Shacabka ee Soomaaliya.
from VOA http://ift.tt/2eoxNyh
via IFTTT
Friday, November 4, 2016
Wareysi gaar ah: Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya
Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya Danjire Olgan Bekar ayaa marki ugu horreysay la hadlay Laanta AfSoomaaliga ee VOA, isaga oo faahfaahin ka bixiyay xidhiidhka Soomaaliya iyo Turkiga.
from VOA http://ift.tt/2foDa2U
via IFTTT
Faaqidaadda: Doorashada Mareykanka
Ku soo dhawaada dhageystayaal barnaamijka Faaqidaadda Toddobaadka, oo maanta ku saabsan doorashada Mareykanka la filayo inay ka dhacdo toddobaadka soo socda. Waxa barnaamijka idin la socodsiinaya Cabdicasiis Xuseen Cismaan.
from VOA http://ift.tt/2fL3Due
via IFTTT
Weeraro Laga Digey Inay Ka Dhacaan Mareykanka
Wakaaladda wararka ee Reuters, ayaa ku warrantay in saraakiil ka tirsan sirdoonka Mareykanka, ay uga digeen masuuliyiinta gobollada New York, Texas iyo Virginia suurta-galtinnimada weeraro ay al-Qaacidda la damacsan tahay halkaasi Isniinta soo socota
from VOA http://ift.tt/2el8Qn9
via IFTTT
Qarax ka dhacay Turkiga
Ugu yaraan 8 ruux ayaa ku dhimatay in ka badan 100 kalana waa ay ku dhaawacmeen kadib marki gaari bam lagu soo rakibay lagu qarxiyey magaalada Diyarbakir ee Koofurbari dalka Turkiga.
from VOA http://ift.tt/2fBWjlg
via IFTTT
Thursday, November 3, 2016
Wareysi: Keating oo Ka Hadlay Arrimaha Doorashada
Danjiraha Q.M. ee Soomaaliya Michael Keating, ayaa ka hadlay doorashada lafilayo inay dhawaan ka dhacdo Soomaaliya.
from VOA http://ift.tt/2f78ty8
via IFTTT
Shirka Ganacsiga ee Turkiga iyo Afrika oo Lasoo Gaba-gabeeyay
Shir ay ka qeyb galeen madax ka kala socotey qaarada Afrika, loogana hadlaayey ganacsiga Afrika iyo Turkiga ayaa ka dhacay dalka Turkiga.
from VOA http://ift.tt/2fi4JwA
via IFTTT
Burundi oo Ku Hanjabtay Ciidamo La Bixis
Dowladda Burundi, ayaa ku hajnabtay in ciidamadeeda qeybta ka ah howlgalka AMISOM ee Soomaaliya ay kala soo bixi doonto Soomaaliya.
from VOA http://ift.tt/2f73Y6M
via IFTTT
QM oo Sheegtay in 239 ay Badda ku Dhinteen
QM ayaa sheegtay in 239 muhaajiriin ah oo la rumaysan yahay inay ka yimaadeen galbeedka Africa ay ku dhinteen xeebaha Libya kadib markii laba doonyood oo ay la socdeen ay dageen.
from VOA http://ift.tt/2fyKz2U
via IFTTT
Wednesday, November 2, 2016
Jabuuti oo Xoogga Saareysa Warshadaha
Dalka Jabuuti oo lagu tiriyo dalalka ay ku yaryihiin warshadaha ee Africa ayaa hada wada qorshayaal ay ku badinayo tirada iyo tayada warshadaha.
from VOA http://ift.tt/2eWRMrr
via IFTTT
Xaalada bani’aadannimo oo Ka taagan Mosul
Jawiga gudaha iyo hareeraha magaalada Mosul oo aad u xumaa dartii ayey xoogaga duulaanka ku qaaday magaaladaasi sheegeen in ay ku kalliftay in ay ku nagaadeen aagagi ay ku waabariisteen aroornimadii Arbacada.
from VOA http://ift.tt/2eWR39V
via IFTTT
Jowhar oo ay ku Qul Qulayaan Dad Xil Doon ah
Magaalada Jowhar ee xaruunta maamulka Hir-Shabeelle ayaa waxaa ku qulqulaya Siyaasiyiin iyo Musharaxiin damac kaga jira qabashada xilalka Aqallada Hoose iyo Midka Sare ee dowladda cusub ee Soomaaliya.
from VOA http://ift.tt/2fgPUIL
via IFTTT
Muqdisho oo lagu Qabtay 2 Nin oo Wax Toogtay
Waxaa degmada Wada jir ee degmada Banaadir lagu qabtey laba nin oo ku hubaysnaa Baastoolad kuwaasoo lagu eedeeyey inay geeysteen dilka nin Nabadoon ah.
from VOA http://ift.tt/2eAbHti
via IFTTT
Maalinta Cambaareynta Dilka Wariyeyaasha
Maalintan ayey Qaramada Midoobay asteysay sanadkii 2013kii, iyadoo lagu xusayay dil loo geystay laba wariye oo Faransiis ah oo lagu dilay dalka Mali 2dii bishii November.
from VOA http://ift.tt/2e2bhzC
via IFTTT
DDSI oo lagu Eedeeyey inay Dil Geysatay
Mustafe Maxamed Cumar oo u shaqeeya hay'adda Gargaarka bini'aadanimo ee Qaramada Midoobay ayaa ku eedeeyey Dawlad-deegaanka Soomaalida Ethiopia DDSI inay ka dambeysay dhimashada walaalkii Feysal M. Omer
from VOA http://ift.tt/2ezSloi
via IFTTT
Somaliland: Salaad Roob-doon ah oo la Tukaday
Guud ahaan deegaanada Somaliland waxa maanta laga oogay salaad roob doon ah, kadib markii gobolada bariga ay soo waajahday abaar saamaysay dad iyo duunyaba
from VOA http://ift.tt/2fEnzif
via IFTTT
Tuesday, November 1, 2016
Ergayga Cusub ee UNHCR oo VOA La Hadlay
Ergeyga cusub ee ay dhawaan Hey'ada UNHCR u magacawday Soomaaliya Maxamed Cabdi Afeey ayaa VOA-da uga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ku jiraan qaxootiga dib loogu celiyey Soomaaliya.
from VOA http://ift.tt/2eyjzvC
via IFTTT
Wararki Ugu Danbeeyey ee Ololaha Doorashada Mareykanka
Xill ay ka harsantahay wax ka yar hal todobaad maalinta ay dadka Mareykanka soo dooran doonaan madaxweynaha cusub ee dalka Mareykanka, ayey warbixinti ugu danbeysay ee ra'yiga dadweynaha ee doorashada muujineysaa in musharraxiinta Hillary Clinton iyo Donlad Trum ay aad isugu dhawyihiin.
from VOA http://ift.tt/2e0JKig
via IFTTT
Ciidanka Ciraaq oo Qabsaday Telefashinka Mosul
Ciidamada gaarka ah ee dalka Ciraaq ayaa la wareegay Talaadadii xarunta TV-ga Qaranka ee Magaalada Mosul, xilli ay xoogaga Isbaheysiga la ah Xukumada Baghdad ay xoojinayaan dagaalka ka dhanka ah kooxda Daacish.
from VOA http://ift.tt/2eylBeY
via IFTTT
Waa Sidee Xaaladda Qaxootigii Dhadhaab Ka Soo Laabtay?
Qaybo badan oo Soomaaliya ah waxaa gaaray qaxooti ka soo laabtay xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab, waxaana dawlad goboleedka Koonfur Galbeed ay sheegeen inay dib-u-dejin u sameeyeen illaa 8,000 oo qaxooti ah iyaga oo kaashanaya hay'adaha Qaramada Midoobay.
from VOA http://ift.tt/2eakdhH
via IFTTT
Shabaab oo 5 Qof oo Rayid ah ku Dishey Tiyeeglow
Dadka ku nool magaalada Tiygelow ayaaa sheegay in ugu yaraan shan qof oo rayid ah ay dileen maleeshiyada ururka Al-Shabab oo magaalada qabsaday toddobaakdii hore, kadib markii ay halkaasi iskaga baxeen ciidamadii Itoobiya iyo kuwa Soomaalida.
from VOA http://ift.tt/2fBaZQJ
via IFTTT
Xukuumadda Itoobiya oo La Isku Shaandheeyay
Ra'iisul wasaaraha Itoobiya Xayle Maryam Desaleng ayaa maanta aqalka baarlamaanka dalkaasi kaga hor dhawaaqay isku shaandhayn uu ku sameeyey golihiisa wasiirrada oo ka kooban 21 xubnood.
from VOA http://ift.tt/2eamV6S
via IFTTT
Madaxda Maamullada oo Imaaraadka Ku Kulansan
Waxaa magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta ku suggan madaxda maamul goboleedyada Soomaaliya, halkaas oo ay kulamo kula leeyihiin madax ka socota Imaaradka Carabta.
from VOA http://ift.tt/2fdmcmk
via IFTTT
Maraakiib Duqeyn ka Geystay Qandala
Dadka tirada yar ee weli ku nool degmada Qandala ayaa soo warinaya inay halkaasi ay ka dhacday duqeyn ay geysteen maraakiib shisheeye oo ku soo dhawaaday degamada dhinaca badda.
from VOA http://ift.tt/2eXjja2
via IFTTT
Qeybo ka Mid ah Jubbooyinka oo ay Isgaarsiinta Liidato
Maalmihii u dambeeyay gobolladda Jubbooyinka waxaa ka jiray dhibaato xagga isgaariista ah. Waxaa magaalooyinka qaar ka go'an taleefannada, kuwo waxaa ka maqan internetka.
from VOA http://ift.tt/2f5HnKG
via IFTTT