Iska horimaad ayaa maanta ka dhacay deganaka Haawina oo u dhexeeya Dhoobley iyo Qooqaani ee Gobolka Jubbada Hoose. Iska horimaadka ayaa dhacay markii maleeshiyada ururka Al-Shabab ay weerar kedis ah ku qaadeen kolonyo baabuur milatari ah oo ay leeyihiin ciidamada Kenya oo saad u siday dhinaca magaalada Dhoobley. Baabuur ay leeyihiin ciidamada milatariga Kenya ayaa la sheegay inuu khasaare kasoo gaadhay weerarkaasi. Ilaa hadda ma cadda tirada askarta iyo maleeshiyada Al-Shabaab ee wax ku noqday iska horimaadkan.
from VOA http://ift.tt/2ggjBvi
via IFTTT
Tuesday, December 6, 2016
Iska Horimaad ka Dhacay Jubbada Hoose
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment